Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Ilmo waa urur madax banaan oo daneeya horumarka caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan. Ilmo waxaa uu daneeyaa aalaaba akhlaaqda suuban iyo afka hooyo in lagu abaabiyo caruurteena, sidaa darteed waxaa ay hogaanka Ilmo horseedeen mashaariic lagu hormarinayo himilada ay leeyihiin bahda horseedda Ilmo.


Faadumo Muuse Ibraahin Maxamed Tahir saylaci
Hay`adda Ilmo
waxaa aasaasay lamaanaha aqoonyahanka ee Marwo Faadumo Muuse Ibraahin iyo
saygeeda ustaad Maxmed Tahir Yuusuf (Saylaci) oo degen magaalada London ee
dalka boqortooyada Ingiriiska.
Faadumo waa hooyo, macallin,
qoraa iyo xeel dheere dhanka tarbiyadda caruurta. Faadumo waxaa dhalay shiikh
Muuse oo ka mid ah odayaasha hormoodka reerkooda, hooyadeedna waa marwo Luula
Xuseen Daheeye oo reer Samaroon ah, kuna dhalatey degmada Waajid ee gobolka
Bokool, taa oo Marma Luula kor u qaaday aqoonteeda ku aadan afka Soomaaliga iyo lahjadihiisa oo ay wehliso barashada dhaqanka bulshooyinka ku nool degaanada koofureed ee dalka Soomaaliya.
Maxamed Tayir Yuusuf waxaa uu
ku dhashay magaala madaxda dalka Sacuudiga ee Riyaad, waxaana dhashay Marwa
Madiina Cumar oo ka soo jeeda bahweynta Samaroon, waxaa xusid mudan in reerka oo dhan ay ka faa`iideysteed dhaqanka iyo afka Carabiga maada ay in muddo ah ku noolaayeen dalka Sacuudi Carabiya oo ay ku yaalaan magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina.
Hogaanga Ilmo
waxay mar walba isku dayaan inay dhisaan darbi adag oo difaac u ah dhallaanka
Soomaaliyeed iyagoo adeegsanaya buugaag iyo agab kale oo kor u qaadaya aqoonta
ay caruurtu u leeyihiin dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay
caruurta ku abaabiyaan qiimaha taariikhdooda iyo jiritaankooda inuu ku xiran
yahay hadba sida ay xoogga u saaraan aqoonta ay u leeyihiin dhankooda iyo
afkooda hooyo.
Ilmo waxay
abaabushaa oo qabataa kulumo cilmiyeed ay ku marti qaadaan waalidiinta
Soomaaliyeed iyago oo la kulmaya howlwadeeno aqoon durugsan u leh barbaarinta
caruurta iyo koritaankooda, mararka qaarkoodna waxay madasha ku marti qaadaan
aqoonyahano ku xeeldheer cudurada maskaxda iyo wixii la xiriira oo dhibaato ah oo
hakin karana waxbarashada caruurta.
Ilmo waxay ku
dadaaleen sidii loo buuxin lahaa kaalinta banaan ee buugaagta caruurta oo ku
qoran afkeena hooyo, inkastoo ay jirtey buugaag dhowr ah oo caruurta quseysa oo
ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed iyo kuwo la soo tarmujeyba ama laga soo rogey afaf kale, hadana ururka Ilmo
waxaa uu wada shaqeyn la leeyahay ururada iyo hay`adaha Soomaaliyeed oo kale oo
ay ka wada shaqeeyaan sidii door fiican looga qaadan lahaa qorista iyo daabacaadda buugaag tayo leh, waxaana jira in mashruuca Ilmo aqoon ay
wada shaqeyn ka yeesheen Hay`adda Hiil Press oo ah hay`add buugaagta daabacda,
isla markaana qeybisa. Waxaa xusid mudan in labada shirkadood ay yoolkoodu yihiin
in la qoro lana daabaco buugaag, dabadeedna la faafiyo buugaag tayo leh, lana
fududeeyo sida loo heli lahaa buugaag tayaysan, bulshadana qiimo u leh. Ilmo
buugaag caruurta quseeya ayay daabaceen oo af Soomaali ku qoran, qaarkoodna
waxay ku qoran yihiin labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriiska si ay u
fududaato fahamka ay caruurtu si fududu u fahmi karaan.
Ka dib markii ay bahda Ilmo
arkeen in buugaagta sheekooyinka caruurta ee ku qoran afkeena ay badanaa ay
yihiin kuwo xanbaarsan sheekooyin reer guuraa ah ayey door bideen iney
buugaagta Ilmo ay soo saarto ay noqdaan kuwo la jaan qaada nuxur ahaan iyo af
ahaanba waqtiga iyo goobta aanu joogno oo ka duwan kuwii hore, waayo waxaa lama
huraan ah inaanu fiiro gaar ah ku eegno sida aan ula hadalno ubadkeena si uusan
uga leexan wacyiga casriga iyo dunida maanta ay caruurteena ku nool yihiin.
Mashaariicda hay`adda Ilmo
kama marna mid diiradda lagu saarayo sidii loo caawin lahaa qorayaasha
dhalinyarada u badan ee ku cusub qorista iyo buug soo saaridda, iyaga oo ku
hagaya habka ugu fiican uguna fudud oo ay ku soo saari lahaayeen aqoonta ku
duugan, isla markaana ay u tusi lahaayeen hababka iyo siraha ku duugan howlaha
daabacaadda.
Bahda Ilmo
Bahda ILMO iyaga oo og baahida ay ubadka qurubuhu u qabaan barashada dhaqanka
iyo afkooda hooyo, waxay ay diyaar u yihiin in ay dhammaan ubadka Soomaaliyeed
helaan hab kasta oo ay ku baran karaan dhaqanka, Suugaanta iyo waliba sheeko
xariirooyinka ku qoran afkii hooyo, iyo waliba akhris ku ababinta ubadka
Soomaaliyeed.
Waxaanu soo tilmaamney in hormoodka ururka Ilmo uu yahay lammaanaha
aqoonyahanka ah ee Faadumo M. Ibraahin iyo Maxamed Tahir sida hufan ay ugu
dhabar adeegeen hirgelinta iyo kobcinta arrimaha la xiriira caruurta iyo
barbaarintooda. Waxaase xusid mudan iney jiraan dhalinyaro kale oo la wadaagay
dadaalkaa iyo hiiladaa loo hiilinayo caruurta Soomaaliyeed oo la oran karo
haddii ayna garab istaagin dhalintaa mashaariicda Ilmo ineyna hirgeli lahayn,
taa oo aanu ula jeedno in bahda Ilmo ay ballaaran tahay isla markaana ay og
yihiin dadaalada ay bixiyeen Filsan Daahir iyo Cabdullaahi Raage (Sayidka) oo ku soo biiriyey
aqoon iyo waxtar nuxur leh mashaariicda Ilmo.
Filsan Dahir waa dadka
ilaahay hibooyinka gaarka ah ku mannaystay, waa Farshaxamiiste, Nashqadeeye
(Designer) aad la tacajubayso shaqooyinkeeda.
Filsan waxa ay ku nooshahay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya. Waxay waxbarashada heerka koowaad ku qaadatay Dalka
Suudaan oo ay baratay culuumta xisaabaadka (Finance). Filsan waxa ay ku
shaqaysaa qaabaynta iyo naqshadaynta ganacsiyada iwm (Branding), shaqadaas oo
ah mid ilaahay Hibo u siiyay.
Mudooyinkii hore waxaa Ilmo
aad ula shaqeeyey oo taageero siiyey Khaalid Saciid oo ka mid ahaa tafatirayaasha
Buugta Ilmo ay soo saarto. Khaalid waa qoraa da'a yar oo ku dhaqan magaaladda
Hargeysa, waxaa uu bartay culuumta Sayniska oo uu ka qallinjabiyay Jaamacadda
Hargeysa. Khaalid waxa uu isku hawlaa inuu wax ka qoro arrimaha bulshada,
waxaana uu leeyahay maqaallo tiro badan oo lagu daabacay Wargeysyo, Majallado,
iyo in badan oo ka mid ah Deggelada afka soomaaliga wax ku qora. Sannadkii 2016 kii waxa uu ka mid ahaa dhalintii ku guuleysatay abaalmarintii Sanaa Theathre
Awards, taana waxaa uu ku mutaystay turjumaddii uu la sameeyay "Majalada
Africa" oo fadhigeedu yahay dalka Kenya. Turjumudii ugu ballaadhnayd abid
taariikhda Afrikaanka halkaas oo hal qoraal oo ku qornaa afka Sawaaxiliga ay u
turjumeen in ka badan 33 luqadood oo Afrika iyo caalamkaba lagaga hadlo oo
Afkeenna hooyo ee soomaaligu ku jiro.
Taxanaha Hiil Buug Carruureed
Ururka Ilmo waxay tiigsadeen
himilo ku aadan barnaamij ay ugu magac dareen « Taxanaha hiil buug caruureed»,
sidaa darteed waxay ku guuleysteen soo saaridda aqab iyo buugaag kale duwan,
kuwaa oo loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed, buugaagta la daabacay ilaa iyo
waqtiga la joogo waa ay tiro badan yihiin, waxaana ka mid ah:
Hooyo iyo Aabbo
Waa buugii ugu
horeeyey oo ay soo saaraan bahda ururka Ilmo.
Quruxda iyo
Caawimaad khaas ah

Cadhada iyo
Cabsida

Daroogada iyo
Hurdada

Midabkayga iyo
Ilkahayga

Nadaafadda iyo
Asxaabta

Akhlaaqda iyo
Ixtiraamka
Farxadda Ciidda
Ururka Ilmo howlaha uu qabto oo kale waxaa ka mid
ah in uu la wadaago farxadda iyo rayreenta qoosaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan
qurbaha gaar ahaan magaalada London iyo hareeraheeda damaashaadka ciidda ay
dadyowga muslimiinta u dabaaldegaan sida ciidda Fidriga iyo ciidda Al adxaa.
Runtii dadaalada Ilmo kuma koobno oo kaliya iney
qaban qaabiyaan barnaamijyo farxad leh, ee waxaa kale oo ay la wadaaaan
dadweynaha iney soo saareen buug ka hadlaya ciidda iyo farxadeeda oo leh sawiro
qurxoon, waxaana soo baxay buug loogu magac daray ” Buugga Ciidda”.
Buugga Ciidda waa
Buug loogu talo galay carruurta Soomaaliyeed, oo lagu barayo dhaqankeenna iyo
waliba Ciiddu halka ay inaga joogto Soomaali ahaan. Waa buug ka kooban sawiro
muujinaya dhacdooyinka caadiga ah ee ilmaha soomaaliyeed la kulmo maalinta
Ciidda iyo damaashaadkeeda, waa buug u sahlaya in ilmuhu wax ka bartaan sidoo
kalena ku madadaashaan. Qaybta danbe ee buugga waxaa loogu talo galay in
sawiradii buugga ku jiray uu dib ilmuhu u rinjiyeeyo ama u nashqadeeyo.
Buugaagta Ilmo soo saartey waxaa kale oo ka mid ah:
Ayeeyo iyo Awoowe
Nadaafadda iyo Asxaabta
Boogaagtaas dhammaantoodna waxaa qortey qoraa
Faadumo Muuse Ibraahin, waxaana daabacday madbacadda Hiil Press.
Anshaxa cuntada
iyo cabitaanka
Ururka Ilmo ujeedkiisa ma aha oo kaliya in caruurtu afkooda hooyo ay
bartaan ama ay wax ku aqriyaan, ee waxaa kale oo ay Ilmo ku dadaashaa sidii
caruurta loogu soo bandhigi lahaa waxyaalaha ka caawinaya inay bartaan ama
aqristaan anshax iyo aadaabta loo baahan yahay iyo in ay caruurta bartaan
dabadeedna ay sameeyaan markay wax cunayaan ama ay cabayaan, anshaxaana waa mid
ku tiirsan dhaqanka diinteena Islaamku inagu boorisay.
Habdhaqanka suuban ee ilmuhu la yimaado xilliga cuntada waxa uu
muujinayaa tarbiyaddiisa wanaagsan, ixtiraamka dadka kale, iyo qadarinta
nimcada cuntada iyo cabintaanka, taasoo uu ilmuhu ku kasbanayo ajar iyo
xasanaad, maadaama uu dhaqangeliyey anshaxii suubanaa ee nabigeenna nabadgelyo
iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Ugu danbayntii
marka la eego qoraalada Ilmo oo ay ugu talo gashay caruurta waxaa ku soo
jiidanaya iney adeegsadeen sawiro aad u qorxoon oo qeyb weyn ka qaadanaya
fahamka dhigaalada, maxaa yeelay sawiradu door weyn ayey ka qaataan in
aqristuhu si fudud u fahmo fariinta qoraaga iyo ujeedada loogu talo galey in
qoraalku uu saameyn xoogan u yeesho aqristaha. Caruurta aad ayuu u soo jitaa qoraalada
ku lammaanan sawiro qurxoon, waana midda ay ku guuleysteen bahda Ilmo in ay soo
saareen taxane hiil buug carruureed oo dhowr ah.