Qurbaha iyo
tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed
Dhinaca wadamada reer Yurub kama marnayn in ay
Soomaalidu u haajireen waayihii hore, laakiin way adag tahay in dadkii ugu
horeeyey aanu wax ka tilmaamno, waayo ma jirin xiriir toos ah ama mid dadban oo
ka dhexeeya Soomaalida iyo wadamada reer galbeedka, inkastoo xiriir taariikh ka
dhexeeyey wadamadaa qaarkood iyo wadanka aanu deriska nahay ee Itoobiya, runtii
xiriirkaas waxaa uu ahaa mid aad u qoto dheer oo waqti fog jiray, xiriirkaasna
waxaa qayb weyn ka qaatay diinta kawada dhexeysey boqortooyadii Itoobiya iyo
reer galbeedka qaarkood oo dhanka diinta ah maadaama ay wadaageen diinta Kiristaanka
ama Masiixiyadda guud ahaan. Runtii udub dhexaadka xiriirkaa waxaa majaraha u
yahay Kaniisadaha gaar ahaan xurunta Faatikaanka ee ku taal dalka Talyaaniga
iyo boqortooyadii Burtaqiiska (Portugal).
Waxaa xaqiiqa ah in waxyaabaha keena qaxa iyo
in bulshada ka guuraan meeshii ay degenaayeen ay u baahan tahay baaritaan intaa
ka qoto dheer, ujeedkeenuna waa in aanu tilmaamno in qaxo yahay mid waligii soo
jiri jirey oo aanan ku koobneyn waqti iyo goob gooni ah, isla markaana ay
jiraan sababo kale duwan oo keena in qofku ama bulshadu ka qaxaan dhulkii ay ku
noolaayeen iyaga oo aanan dooran arrinkaa.
Goormaa ayey soomaalidu timid Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub?
Qolooyinkaa badanaa waxay degenaayeen
magaalooyinka dekedaha leh gaar ahaan magaalooyinka ay ka midka ahaayeen:
Cardiff, Liverpool, London iwm.
Waxaa la sheegaa in qaar badan oo ka mid ah
dadkii hore ee badmaaxiinta ahaa ee yimid cariga Ingiriis ay ka soo galeen si
toos ah dhulkii Soomaaliyeed ee Isticmaarka Ingiriisku gacanta ku hayay
(British Somaliland), waayo waxay ka shaqeynayeen maraakiibta Ingiriiska lahaa,
qaar kalena si toos ah ayay uga soo baxeen magaalada Cadan ee Yaman maadaama ay
ka mid ahayd dhulkii uu Ingiriiska gumeysan jiray.
Waxaa kale oo jiray dad kale oo yimid
boqortooyada Ingiriiska kuwaa oo ahaa askar la timid gumeystihii Ingiriis oo
dagaalkii adduunka la galay ciidamadii badda ee Ingiriiska.
Dagaalka ka dibna waxaa laga shaqaalaysiiyey
maraakiibtii Ingiriiska si ay u noqdaan badbaaxayaal , qaar kalena waxaa laga shaqaalaysiiyey warshadaha,
waayo shaqaale la`aan ayaa ka jirtay boqortooyada Ingiriiska
Waxaa kale oo jirtay iyana dad kale oo ku yimid hab ganacsi, inkastoo ay tiradoodu yareyd, inkastoo aanu xog buuxda laga haynin waqtiga, habka ay ku yimaadeen, sidoo kale nooca ganacsi ee ka dhaxeeyey labada dhinac.
Waxay ahaataba arrimaha aanu soo sheegney oo
dhan waxay u baahan tahay baaritaan qoto dheer in la helo, gaar ahaan dhinaca
boqortooyada Ingiriiska waxaa laga heli karaa waxyaabo cadeymo ah oo ku kaydsan
xarumaha taariikhda, aqoonta iyo matxafyada, sidoo kalena waxaa la heli karaa
qoraalo laga sameeyey arrimahaa oo loo
baahan yahay in lagu laabto si aanu helno xog buuxda oo ku aadan xiriirka
Ingiriiska iyo Soomaaliya ee la xiriirta imaashihii ugu horeeyey Soomaalida ee
dalka Ingiriiska.
Waxaa kale oo xusid mudan in loo baahan yahay
in la wareysto dadka da`da ah ee Soomaaliyeed ee mudo hore soo galay dalkaan
Ingiriiska kuwaa oo haya xogo muhim ah oo ay ka dheegeen dadkii ka soo
horeeyey.
Shaki kuma jiro in Jaaliyadda Soomaalida ee ugu ballaaran ay maanta ku nooshahay boqortooyada Ingiriiska, waxaana la oran karaa magaalooyinka waaweyn badankooda in ay si xoog leh u degen yihiin kana muuqdaan sida: London, Birmingham, Bristol, Manchester, Liverpool, Leicester, Milton Keynes, Cardiff, Sheffield iyo goobo kaleba.
Waxaa kaloo jirey arday u timid boqortooyada Ingiriiska inay wax ka bartaan wixii ka danbeeyey 1960 kii , mar walbana waxaa sii kordhayay imaashaha ardayda doonaysay iney wax ka barato cariga Ingiriiska. Waxaa la sheegaa in qaar badan oo kuwaa ka mid ah markii ay u dhammaatay waxbarashadii iney doorteen iney ku noolaadaan isla boqortooyada Ingiriiska oo ay meesha ku nagaateen sababo kale duwan awgeed oo ay ugu horeysey maamul xumadii ka jirtey dalka Soomaaliyeed gaar ahaan markii talada dalka ay gacanta u gashay askartii uu horjoogaha u ahaa janaraal Maxamed Siyaad Barre ka dib markii ay ku guuleysteen iney maamulkii dalka afgabiyaan oo si xoog ah ula wareegaan masiirkii ummadda Soomaaliyeed, waana midda kayntey inuu dhammaan bur bur ku dhaco dowladnimadii kacaa kuf ku jirtay sagaalkii sano ee ka danbeeyey markii Soomaalida xuriyadoodii gacanta u soo gashay.
Wixii ka danbeeyey sanadkii 1980 kii waxaa jiray in Soomaali badan ay soo galeen dalka Ingiriiska xasilooni dari ka jirtay dalka Soomaaliyeed guud ahaan awgeed iyo iyadoo bilaabatay in dad badan si gooni ah loo ugaarsado ka dib markii ay unkameen jabhado iyo kacdoomo ka soo horjeestay maamulkii markaa jiray, waxaysa aad u sii kordheen dadka magangalyo doonka ah ee imaanayey cariga Ingiriiska wixii ka danbeeyey 1988 kii, waxaana la oran karaa sanadihii sagaashamaadka waxaa Ingiriiska u soo qaxay intii ugu badnayn tiro ahaan dadka Soomaalida ah ee waydiisnaya inay magangalyo helaan oo ay degaan dalkaas.