Saturday, 30 April 2022

 


Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed


2




Maxaa sababa qaxa iyo qurbo joognimada?

 Qofku in uu qurbo joog noqdo waa mid uu qofku doorto sida badan, doorashadaana waxay ku timaada sababo kale duwan oo sida in uu qofku raadiyo tacliin, shaqo, guur iwm, laakiin qofku ama bulsho iney ay qaxdaa oo ay qaxooti noqotaa waa arin aan doorasho lahayn waayo qaxa waxaa sabab u noqda daruufo adag oo kale duwan, taa oo qofka ama bulshada ku qasabataa in ay ka guuraan meeshii ay degenaayeen oo ay asal ahaan ka soo jeedeen, sababahaana waxaa ka mid ah: dagaal, isir sooc, gar eex oo sababta ciil, caburin siyaasadeed, cabsi, abaar iyo musiibooyin kale sida in ay cimilada is bedesho iwm.  Waxay ahaataba socdaalka bani`adamku waa mid soo jireen ah isla markaana waligii jiri doona sabab ay ku timaadaba.

Dhinaca wadamada reer Yurub kama marnayn in ay Soomaalidu u haajireen waayihii hore, laakiin way adag tahay in dadkii ugu horeeyey aanu wax ka tilmaamno, waayo ma jirin xiriir toos ah ama mid dadban oo ka dhexeeya Soomaalida iyo wadamada reer galbeedka, inkastoo xiriir taariikh ka dhexeeyey wadamadaa qaarkood iyo wadanka aanu deriska nahay ee Itoobiya, runtii xiriirkaas waxaa uu ahaa mid aad u qoto dheer oo waqti fog jiray, xiriirkaasna waxaa qayb weyn ka qaatay diinta kawada dhexeysey boqortooyadii Itoobiya iyo reer galbeedka qaarkood oo dhanka diinta ah maadaama ay wadaageen diinta Kiristaanka ama Masiixiyadda guud ahaan. Runtii udub dhexaadka xiriirkaa waxaa majaraha u yahay Kaniisadaha gaar ahaan xurunta Faatikaanka ee ku taal dalka Talyaaniga iyo boqortooyadii Burtaqiiska (Portugal).

Waxaa xaqiiqa ah in waxyaabaha keena qaxa iyo in bulshada ka guuraan meeshii ay degenaayeen ay u baahan tahay baaritaan intaa ka qoto dheer, ujeedkeenuna waa in aanu tilmaamno in qaxo yahay mid waligii soo jiri jirey oo aanan ku koobneyn waqti iyo goob gooni ah, isla markaana ay jiraan sababo kale duwan oo keena in qofku ama bulshadu ka qaxaan dhulkii ay ku noolaayeen iyaga oo aanan dooran arrinkaa.

 Goormaa ayey soomaalidu timid Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub?

Marka aanu u jaleecno dadkii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee soo gaaray boqortooyada Ingiriiska waxaa la oran karaa waxay ahaayeen rag badmaaxayaal ah oo ku yimid hab shaqo oo ku howlanaa  maraakiibta....

Qolooyinkaa badanaa waxay degenaayeen magaalooyinka dekedaha leh gaar ahaan magaalooyinka ay ka midka ahaayeen: Cardiff, Liverpool, London iwm.

Waxaa la sheegaa in qaar badan oo ka mid ah dadkii hore ee badmaaxiinta ahaa ee yimid cariga Ingiriis ay ka soo galeen si toos ah dhulkii Soomaaliyeed ee Isticmaarka Ingiriisku gacanta ku hayay (British Somaliland), waayo waxay ka shaqeynayeen maraakiibta Ingiriiska lahaa, qaar kalena si toos ah ayay uga soo baxeen magaalada Cadan ee Yaman maadaama ay ka mid ahayd dhulkii uu Ingiriiska gumeysan jiray.

Waxaa kale oo jiray dad kale oo yimid boqortooyada Ingiriiska kuwaa oo ahaa askar la timid gumeystihii Ingiriis oo dagaalkii adduunka la galay ciidamadii badda ee Ingiriiska.

Dagaalka ka dibna waxaa laga shaqaalaysiiyey maraakiibtii Ingiriiska si ay u noqdaan badbaaxayaal ,  qaar kalena waxaa laga shaqaalaysiiyey warshadaha, waayo shaqaale la`aan ayaa ka jirtay boqortooyada Ingiriiska

Waxaa kale oo jirtay iyana dad kale oo ku yimid hab ganacsi, inkastoo ay tiradoodu yareyd, inkastoo aanu xog buuxda laga haynin waqtiga, habka ay ku yimaadeen, sidoo kale nooca ganacsi ee ka dhaxeeyey labada dhinac.

Waxay ahaataba arrimaha aanu soo sheegney oo dhan waxay u baahan tahay baaritaan qoto dheer in la helo, gaar ahaan dhinaca boqortooyada Ingiriiska waxaa laga heli karaa waxyaabo cadeymo ah oo ku kaydsan xarumaha taariikhda, aqoonta iyo matxafyada, sidoo kalena waxaa la heli karaa qoraalo laga sameeyey arrimahaa oo  loo baahan yahay in lagu laabto si aanu helno xog buuxda oo ku aadan xiriirka Ingiriiska iyo Soomaaliya ee la xiriirta imaashihii ugu horeeyey Soomaalida ee dalka Ingiriiska.

Waxaa kale oo xusid mudan in loo baahan yahay in la wareysto dadka da`da ah ee Soomaaliyeed ee mudo hore soo galay dalkaan Ingiriiska kuwaa oo haya xogo muhim ah oo ay ka dheegeen dadkii ka soo horeeyey.

Shaki kuma jiro in Jaaliyadda Soomaalida ee ugu ballaaran  ay maanta ku nooshahay boqortooyada Ingiriiska, waxaana la oran karaa magaalooyinka waaweyn badankooda in ay si xoog leh u degen yihiin kana muuqdaan sida: London, Birmingham, Bristol, Manchester, Liverpool, Leicester, Milton Keynes, Cardiff, Sheffield iyo goobo kaleba.

Waxaa kaloo jirey arday u timid boqortooyada Ingiriiska inay wax ka bartaan wixii ka danbeeyey 1960 kii , mar walbana waxaa sii kordhayay imaashaha ardayda doonaysay iney wax ka barato cariga Ingiriiska. Waxaa la sheegaa in qaar badan oo kuwaa ka mid ah markii ay u dhammaatay waxbarashadii iney doorteen iney ku noolaadaan isla boqortooyada Ingiriiska oo ay meesha ku nagaateen sababo kale duwan awgeed oo ay ugu horeysey maamul xumadii ka jirtey dalka Soomaaliyeed gaar ahaan markii talada dalka ay gacanta u gashay askartii uu horjoogaha u ahaa janaraal Maxamed Siyaad Barre ka dib markii ay ku guuleysteen iney maamulkii dalka afgabiyaan oo si xoog ah ula wareegaan masiirkii ummadda Soomaaliyeed, waana midda kayntey inuu dhammaan bur bur ku dhaco dowladnimadii kacaa kuf ku jirtay sagaalkii sano ee ka danbeeyey markii Soomaalida xuriyadoodii gacanta u soo gashay.

Wixii ka danbeeyey sanadkii 1980 kii waxaa jiray in Soomaali badan ay soo galeen dalka Ingiriiska xasilooni dari ka jirtay dalka Soomaaliyeed guud ahaan awgeed iyo iyadoo bilaabatay in dad badan si gooni ah loo ugaarsado ka dib markii ay unkameen jabhado iyo kacdoomo ka soo horjeestay maamulkii markaa jiray, waxaysa aad u sii kordheen dadka magangalyo doonka ah ee imaanayey cariga Ingiriiska wixii ka danbeeyey 1988 kii, waxaana la oran karaa sanadihii sagaashamaadka waxaa Ingiriiska u soo qaxay intii ugu badnayn tiro ahaan dadka Soomaalida  ah ee waydiisnaya inay magangalyo helaan oo ay degaan dalkaas.



Sunday, 24 April 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed 

1


 Hordhac

Ereyada dhaqan, hido, suugaan, af-maal, hal-abuur iwm waa ereyo xanbaarsan macnooyin kale duwan oo isku dhow isla markaana qiimo iyo qadarin gaar ah leh, bulsho kastana waxay leedahay oo ay qadarisaa hal-buurkooda ku xeel dheer dhaqanka, suugaanta, taariikhda hantida aqooneed ee gaar ka ah iwm , waayo bulsho kastaa waxay leedahay hal-abuuro ay tilmaamaan kana muuqda bulshada dhexdeeda, laakiin waxaa xusid mudan in aanan qof kasta lagu tilmaami karin inuu yahay hal-abuur ama uu ka mid yahay hal-abuurada bulshada.

 Qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin hal-abuurka Soomaaliyeed gaar ahaan markii uu qarankii Soomaali hiigsanaysay burburay waxaa aad u iftiimiyey halyeey isaguba horseed ka ah hal-abuurada Soomaaliyeed, waa Dr. Maxamed Daahir Afrax – Illaahay naxariistii jano ha siiyo - isaga oo quus ka joogo aqoonyahankii, siyaasigii, ganacsatadii, ahlu fikirkii waxaa uu ku ag kufay aadna u bogaadiyey  hal-abuurada dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed waxaa uuna yiri: " ... Haseyeeshee waxaa noo soo baxday qolo Alle noogu cawil celiyey, qolo si doqoni-ma - garata ah u dabooshay kaalintii ay ka baaqsatay qolada weli la la`yahay. Qolada la  mahdiyey waa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta..." 

   Dr. Afrax isaga oo sii wata hadalkiisa waxaa uu yiri:

" Waxaa la oran karaa walibana lagu faani karaa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed asaaggood way ka firfircoonaadeen, qayrkood way ka dheereeyeen. Qoladaan oo ay ku yaryihiin inta ku abtirsata tacliinta  waxay dhabarka u riteen xil  aan looga baran hal-abuurka noocooda ah dalalka kale. Waxay xambaarsadeen xilii garwadeenimada ama hoggaaminta fekerka bulshada ...Tani waa xaqiiqda jirta oo qof kasta la taabsiin karo...Waa in aan qirnaa in ay duulkani noo ceeb-astureen. "

Runtii hal-abuurka Soomaalida iskuma koobaan oo kaliya waxa looga bartey oo ah maaweelada iyo farshaxanka, balse waxay xooggooda iyo maankooda isugu geeyeen dhanka wacyi-gelinta bulshada Soomaaliyeed ee ay dagaaladu ragaadiyeen muddo soddon sano kor u dhaaftey.

Qolooyinkaa aanu soo sheegney qaarkood waxay abuureen rajo cusub oo mar walba ka soo dhex iftiima bulshadeena iyagoo adeegsanaya aftahimo ay ku dheehan tahay walaaltinimo iyo galgacayl ay ku qabaan dadkooda. in kastoo aan xigmaddooda loogu dhaqmin sidii loogu dhaqmi jirey kuwii ka horeeyey, haddana hal-abuurka hadda jiraa weli waxay dhabarka ku sitaan waajibkii ay ka dhaxleen awoowayaashii hal-abuurka Soomaalida, kaas  oo ahaa in ay iska xil-saaraan wacyi-gelinta dadka iyo sahminta waddada toosan, 

                   Abshir Bacadle

sida uu horey u yiri abwaan Abshir Nuur Faarax:

                            Kama quusto khayr-sheeg dadkuna igama qaataane

                          Rag unbaase qiimeynayoo qoraya taariikhda

Sidoo kale waa tuu abwaan Xasan Shiikh Muumin hore  u yiri tix suugaan ah oo uu u dhiibay dhammaan hoboladii Waabari ee uu isagaba ka tirsanaa, taa oo ahayd:

Habeen iyo dharaar hadalladaan dhisnaa

Afkeena hooyoo  horuu maraan ku hoos caawinaa

Hoggaaminnaa had iyo jeer habnaa oo waan hagaajinnaa

Ma hagrannee waan u howl galaa

Murtidaad hurinaa kala hufnaa haqab tirnaa u handanna

Dadweynahaan hanuuninnaa, hasaawinnaa, danta u hagnaa

Taariikhda hidahaan habaaska ka tirnaa

Hanaankii aan ku soo dhaqmaynay baan u hiilinaa

Lama huraan hilinka toosan baan dhalinta hor galaa

Ma hagranee waan u howlgalaa

Murtidaan hurinaa kala hufnaa haqab tirnaa u handanna

Dadweynahaan hanuuninnaa haasaawinnaa, danta u hagnaa

 

                   Xasan shiikh Muunin

Waxay ahaataba qoraalada soo socda waxaanu ku soo qaadan doonaa – haddii Illaah Idmo - tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dhaqanka iyo afka Soomaaliga marka la joogo qurbaha, si aynu u iftiimino dadaalada hal-doorka Soomaaliyeed iyo wax soo saarkooda aqooneed iyo kaalinta ay ka qaateen difaaca iyo kor u qaadida dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee qurbaha.