Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Looh Press waa shirkad madax banaan oo lagu aas aasay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Leicester sanadku markuu ahaa 2012kii. Looh Press waxay ku bilaabatey iney buugaagta daabacdo, dabadeedna u xuubsiibatey horumarinta iyo kor u qaadida aqoonta la xiriirta buugaagta, diinta, afka, taariikhda iyo dhaqanka. Inta aanan u gudo gelin ka hadalka Looh Press waxaa haboon inaanu sheegno ugu horeyntii hormoodka iyo laf dhabarba shirkadda inuu yahay Ustaad Maxamed Cabdullaahi Cartan oo degen waqtigaan magaalada Leciester ee dalka boqortooyada Ingiriiska.
Maxmed Cabdullaahi Cartan
Haddii aanu wax xoogaa ah ka sheegno dadaalada uu Maxamed Cabdullaahi Cartan sammeeyey oo fara badan waxaa xusid mudan inaanu tilmaamno in ay Maxamed u suuro gashay inuu aas aaso shirkad iibisa Buugaagta, isla markaana waxaa uu ku biiray xarun lagu barta warfaafinta gaar ahaan Maqalka iyo Muuqaalka oo uu ka helay shahaado muddo hal sanad ka dib.
Sidoo kale waxaa uu diyaariyey Maxamed shahaado Macallinimo ah oo xiriir la leh waxbarashada oo uu ku shaqeeyey in muddo ah.
Maxamed Cabdullaahi Cartan waxaa uu taagey shirkad lagu magacaabo shirkadda Nuur ee warbaahinta, taas oo howlaheeda ahaa:
- Diyaarinta barnaamijyada diinta.
- Qabashada tababarada la xiriira barashada diinta.
- Qabashada daruusta gaarka ah.
- Kor u qaadida garaadka dhalinyarada.
Run ahaantii dadaalada Maxamed Cabdullaahi Cartan kuma koobno oo kaliya aas aasidda shirkadda Nuur, ee waxaa kale oo uu dhidabada u dhigay Maxamed shirkad lagu magacaabo Looh Press sanadku markuu ahaa 2012kii, ka dib markii uu si fiican ugu fikiray oo uu arkay baahida weyn ee loo qabo shirkad noocaas oo kale ah.
Waxay ahaataba xarunta shirkada Looh Press waxay noqotey degaanka Maxamed ee magaalada Leicester ee boqortooyada Ingiriiska, waxayna shirkaddaa ka mid noqotay shirkadaha ugu firfirnoon muddo yar ka dib, waxaase isweydiin mudan: Maxay tahay shirkada Looh Press oo ay qabataa?
Waxaa jira ujeedooyin la xiriira shirkada Looh Press oo loo aas aasay, sida:
- Kor u qaadida wacyiga ummadda gaar ahaan dhilinyarada iyo caruurta.
- Daabicidda buugaagta kale duwan luqadda ay rabaan ha ku qornaadaan.
- Iibinta iyo dirista kutubta ay shirkadda daabacdo.
- Iibinta iyo qeybinta kutubta cilmiga diiniga ee looga baahan yahay Yurub.
- Ka qeyb galga dabaaldagyada cilimiga iyo dhaqanka ee gudo iyo dibadaba.
- Ka qeyb qaadashada bandhigyada buuuggaagta ee dibad iyo gudaba.
- Tafatirka iyo qaban qaabada buug soo saaridda.
- Wada shaqaynta ha`adaha aqoonta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dabadiisa.
Daabacaadda buugaagta
Dhanka daabacadda buugaagta shirkadda Looh Press waxay daabacday buugaag aad u tiro badan oo leh qeybaha kale duwan ee cilmiga sida:
- taariikhda
- luqada
- suugaanta
- dhaqanka
- diinta iwm.
Waxaa xusid mudan in ay shirkadda ay xiriir aad u sareeya la leedahay qorayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ugu caansan waqtigaan sada Proff Cabdalla Cumar Mansuur iyo Axmed Faarax Taano (Idaajaa) oo ay shirkaddu dhowr buugaag u daabacday.
Haddii aanu wax ka tilmaamno buugaagta ay shirkadda Looh Press ay daabacday annaga oo aanan soo koobeynin dhammaan buugaagtii ay shirkada daabacday, waxaanu oran karnaa waxaa ka mid ah:
- Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed,Cabdalla Cumar Mansuur.
- Taariikhda Culimada Soomaaliyeed, Maxmed Xuseen Macallin.
- Shiicada, Cabdulqaadir Cabdulle Diini.
- Gunaanad (Ummulraac) Cabdulqaadir Cabdulle Diini.
- Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya?, Cabdulqaadir Cabdulle Diini.
- Mar La Arag: Sheekooyin Gaagaaban, Faarax Xuseen Maxamed.
- Sahankii Ricahard Burton ee Bariga Afrika, Boodhari Warsame.
- Wiilkii Quusan Waayey: Xusuusqorkii Ololahii Qaaddiid, Abuukar Cawaale.
- Iyo kuwo kale.
Buugaagta ay shirkadda Looh Press daabacday kama marna buugaag ku qoran afafka kale sida afka Carabiga, waxaana ka mid ah buugaag horey loo daabacay sida:
الثقافة العربية وروادها في الصومال، دراسة تاريخية حضارية، لمحمد حسين معلم، الطبعة الثانية، لستر - بريطانيا، 2021م.
المذهب الشافعي في بلاد الصومال: جذوره وتطوره، لمحمد حسين معلم، الطبعة الثانية، لستر - بريطانيا، 2021م.
Waxaa iyana jirta buugaag shirkadu daabacdey oo ku qoran afka Ingiriisiga, sida:
- The History and Development of the Somali Script , Suleiman Geddi Qayad.
Shirkada Looh Press sida shirkadaha Soomaaliyeed oo kale oo isku xilqaamay uruurinta iyo kor u qaadidda aqoon waxay aalaaba ka qeyb qaadataa barnaamijyada bandhigga buugaagta ee lagu qabto gudaha Ingiriiska iyo wixii ka baxsaba sida kuwa lagu qabto Geeska Afrika (Hargeysa, Muqdisho iwm):
Waxaa uu sanadkii ugu danbeeyey ee 2021 ay Looh Press ka qayb qaadatay bandhigyada dhaqanka iyo buugaagta sida:
- Bandhigii dhaqanka ee Leicester uk, oktoobar 2021.
- Bandhigii Kayd ee dabaaldegga oddobaadka Somalida , London, Uk, oktoobar 2021.
- Bandhigaa buugggaagta Muqdisha (1 – 3 desember 2021)
Carwada Buugaagta ee Muqdisho ee la qabtay intii u dhexeesey 1 -3 desember 2021 sida badan hayàdaha iyo xarumaha Yurub ( Scandaniva iyo UK ) waxay ka ahaayeen qayb weyn, isla markaana wey ka muuqdeen wax soo saarka aqooneed.
Horumarka iyo wax soo saarta shirka Looh Press waxaa hormood u ah ustaad Maxamed Cabdullaahi Cartan, sida aanu soo tilmaamney.


