Monday, 22 October 2018



Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
5


Dr. Maxamed Xuseen Macall
Marwo Aamino M. Mursal
   Wajiada cusub ee ka soo muuqdey Maalmihii la soo dhaafey xarunta ku
meel gaarka ee koofur galbeed Baydhabo waxaad moodaa iney dib u
soo iftiineyso haybadii siyaasadeed ee ay ku naaloon jireen degaanada koofureed waayadii hore. Muuqaalka danjire Sayid Axmed sh Daahir, Saalax sh Cismaan, Morwo Aamina Maxamed Mursal, Maxamed Adan Fargeeta, Adan Maxamed Nuur Saransoor, Yuusuf Macallin Amin Baadiyow iyo Xuseen Xasan Cabdi Kushug iyo in kaleba waxaa lagu xasuusan karaa halyeeyadii baalka dahabka ka galey taariikhda halgankii siyaasadeed ee dalkeena, sida Suldaan Nasiib Buundo Shiikh Murjaan, Cabdulqaadir Saqawe- diin, shiikh Xasan Barsane, Ustaad Cismaan, shiikh Cabdullaahi Bagadi, Prof.Cumar sh Cismaan iyo kuwo kale.
Prof. Cumar sh Cismaan
Go`aanka musharixiintani ay ku gaareen iney isu soo taagaan hogaanka  sare waxay farxad ku abuurtey dad badan oo quudareenayay in ay ka dhex arkaan maamulka soo socda dad mug weyn oo aqoon  iyo khibrad leh una qalma iney wakiil ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.

Aamino  Maxamed Mursal oo mar soo noqotay wasiirka haweenka xilligii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo xubin baarlamaankii 9,aad ayaa sheegtey in wax weyn ka qaban doonto nabadda iyo is dhaxgalga bulshada oo ay dheer tahay  sare u qaadida wax soosaarka beeraha iyo kheyraadka kale ee uu Illaahey ku siiyey dalkeena. Sumcadda Marwo Aamino iyo wax qabadkeeda waa mid hadda ka hor la soo jaribey, weyna mudan tahay  iney noqoto gabadhii ugu horeydey ee Soomaaliyeed oo dowlad goboleed madax ka noqota.
 
 
 Mudane Maxamed Adan Ibrahim Fargeeta oo ka mid ah musharixiinta  aad ka loo war hayo ayaa ah nin subcad wanaagsan ku leh bulshada reer koofur galbeed oo la qeybsadey dhibaatooyinkii ay soo mareen, ka dib markii uu qeyb libaax leh ka gaystey taakuleenta dadkii ku waxyeeloobey dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii ay reebeen, isla markaana qeyb ka ahaa sidii dib loogu yagleeli lahaa horumarka warfaafinta qeybaheeda kale duwan si loo bidhaamiyo xaquuqda degaanada koofureed oo idil, runtii rajo badan ayaa laga leeyahay inuu mudane Fargeeto wax weyn qabto haddii uu ku guuleysto hogaanka, gaar ahaan wasiir Fargeeto waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay shakhsi waxqabad iyo karti dheeraad leh oo  ay u dheer tahay aqoon waayo aragnimo.
 Muuqaalka Injineer Saalix sh Cismaan waa astaan u taagan hogaan hufan oo soo jireen ah, mar walbana waxaa lagu xasuustaa saldanadii faca weyneyd ee in mudo ah hogaanka u haysey gobolada koofureed. Hido ka raaca ka sokow waxaa mudanaha uu qeyb weyn ka qaatey iftiiminta xaquuqda ay dadka Soomaaliyeed ee xoogsata leeyihiin mudo 30 sano ka dibna ku mashquulsanaa arrimaha ay ka mid yihiin hogaanka wanaagsan iyo cadaalad waarta, taa oo caalamka tustey arrimo ka daahsanaa in muddo ah. Qalinka mudane Saalax iyo qeelo dhaantiisa waxay kicisey dareen ku aadan in qofka Soomaaligu karaamo leeyahay lana dhowro rabitaankiisa. Mudadii uu ka tirsana golaha wasiirada xukuumadii hore waxaa dad badan ay ku barteen madaalo wax qabad badan, haatanna waxaa looga fadhiyaa inuu la soo baxo siyaasad horukac keenta soona celisa sharafkii iyo hankie ay laheyd ummadeena.  
Danjire Sayid Axmed waa rugcadaa aqoon iyo khibrad ay ku idlaatey oo ay u wehliso xushood iyo asluub wanaag, taa oo la oran karo inuu higsanayo qows ahlu diin ah ee uu ka soo jeedo. Sayidku kuma cusba galooyinka siyaasadda dalkeena ee waxaa uu ka soo mid noqdey maamulada dowladda oo kale duwan muddo ku dhaw 40 sano isagoo lagu xasuusto kaalintii uu ka qaatey dib abuurka xiriirka siyaasadeed ee dalkeena iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee Afrika gaar ahaan dalka ugaandha oo uu mudda badan safiir ah ahaa.
  Waxaana shaki ku jirin in dhiifanaanta, geesinimada , xikmad wanaagga iyo biseylka siyaasadeed in ay hormood u tahay hogaanka fiican
Arrimahaas oo dhan waxay dad badan ka dhex arkaan mudanaasha Adan Maxamed Nuur Saransoor, Yuusuf Macallin Amin Baadiyow iyo Xuseen Xasan Cabdi Kushug oo muddo 27 sano ku dhawaad gadaal ka riixayay horumarka iyo difaaca danaha dadweyaha koofur galbeed isla markaana naf iyo maalba u horey oo ay u dheereed bidhaaminta baahida loo qobo xoriyadda qofka Soomaaliga meel uu joogaba, gaar ahaan degaanada koofur galbeed oo muddo dhibaatooyin ku habsadeen.
Kulanka musharixiinta aanu soo tilmaamney iyo kuwo kaleba waxay  dib inoogu celineysaa xasuus weyn oo ku aadan kulamadii siyaasadeed ee ka socdey magaalada Baydhaba horaantii shagaashameeyadii kaa oo lagu dhisay dowlad goboleedkii ugu horeeyey dalkeena  ee uu madaxda ka ahaa abuukaato Xasan Sheekh Ibraahim Xasay, isla markaana oday iyo hogaamiye sharafeedna ka ahaa rugcadaagii weynaa Cabdulqaadir Maxamed Adan ( zobe ), Illaahey ha wada naxariisto.
Su`aashu waxay tahay musharixiintaan oo magac iyo sharafba huwan ma laga yaabaa haddii ay u hirgasho himiladooda iney si wadajir ah u wada shaqeeyaan si ay u dhacdo dib u  kabasho xoogan oo deg deg ah?.























Saturday, 20 October 2018




Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
4

Dr. Maxamed Xuseen Macallin


  Imaashaha Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali uu Baydhabo yimid iyo soo dhaweyntii ballaarneyd waxa laga dheegan karaa iney aheyd fariin culus oo xanbaarsan ififaalaha  mustaqbalka siyaasadeed ee koofur galbeed  ay yeelan doonto, iyo shacbiyadda sh Mukhtaar uu ka heysto dadweynaha reer koofur galbeed iyo degaano kale oo ku teetsan koofurta Soomaaliya.
    Codsiga dad badan ay ka codsadeen shiikha inuu isu soo taago hogaanka ummadda iyo aqbalaadii uu aqbaleyba waxay noqotey waacusub oo u baryey degaanka, waxayna arrintaa u muuqatey codbixin iyo afti ay dadweynuhu bixiyeen in Rooboow iyagu uu u Roon yahay, lana garab taagan yihiin hiil iyo hooba. 


    Maxaa Saca naaso adag  iyo Weedha  kulmiyey?
   Falcelin deg deg ah ayaa durbadiiba ka soo baxay dowladda federaalka iyo ururka al Shabaab oo ku wada aadan is hor istaagga Mukhtaar iyo inuu ridoobey taa oo yaab iyo amakaad ku noqotey dad badan waxa kulmiyey xukuumadda Xasan Cali Kheyre warqad ka soo baxdey iyo al shabaab war ay soo saartey  oo   uu soo jeediyey af hayeenkooda shiikh Cali dheere.


   Waxay ahaataba wajiga cusub ee uu la soo baxay Abuu Mansuur  Rooboow iyo qorshihiisa siyaasadeed waxay ka dhigan tahay tiir adag oo aanan la loodin karin, maadaama uu haysto taageero ballaaran oo shacabka iyo bulshada caalamka qaarkood oo u aragta in uu yahay qof ku haboon waqtiga la joogo. Runtii la yaab ma leh in reer galbeedku oo uu ugu horeeyo Mareykanka ay u arkaan Abuu Mansuur nin macquul ah, waxna aysan ka qabin inuu hogaamiyo koofur galbeed, waayo waxay iibinayaan in aysan ka soo horjeedin waxa lagu sheego islaamka siyaasiga iyo kooxo lagu tuhunsanaan jirey iney xoog wax ku raadiyaan haddii isbedel muujiyaan, arrinkaana ma aha mid ugub ah ee waatey hadda ka hor taageerada xoogan siiyeen kooxihii Maxaakiimta ee uu hogaaminayey Shiikh Shariif sh Axmed, ururkii Daalibaan iyo xukuumadii Rabaani ee Mujaahidiinta.  

Shiikh Mukhtaar Rooboow waxay dadku ku barteen geesi aanan marna xaqa ka ganban, cadaalad iyo sinaan oo marna aqbalin dulmi iyo is dabamarin taana waa raasumaalka uu haysto mudanaha oo uu isku haleynayo. Dad badanna waxay ku rabaan inuu wax ka qaban doono nabadda iyo xasiloonida ka dib markii uu xureeyo degaanada Al Shabaab ay ka taliyaan. Riyada sh Rooboow iney rumowdo waxaa diidan kooxda Al Shabaab iyo kuwa gacan saarka la leh oo la sheego iney ku jiraan ama ka mid yihiin laamaha dowladda federaalka iyo qeybaha bulshada sababo dhaqaale iyo cabsiba awgeed. 

   Maamulka koofur galbeed ee uu hogaamiyo  Shariif Xasan daah kama saarna culeyska Rooboow iyo taagaarada uu ku leeyahay gudaha iyo dibada, sidaa darteed waxaa u furan in ay wado hadalo la galaan haddii uu ku qanco ama ka ogolaado, gaar ahaan markii ay fashilmeen wada hadaladii madax sare oo dhanka dowladda iyo isaga u dhaxeeyey maalmahan ka dib markii kooxda shiikha ay saluugeen waxa loo soo bandhigey, haddii aan isbedel danbe soo bixin. 

   Waxaa meesha ku jirin in leysku dayo arrimo la doonayo in lagu wiiqo qarshaha Rooboow uu ku doonayo inuu ka mid noqdo u tartamayaalka xilka madaxweynaha koofur galbeed oo ku aadan 17 ka novenber ee sanadkaan. Isku halleynta dowladda iyo maamulka koofur galbeed ay isku haleynayaan ciidamada shisheeye waa mid aan xal u aheyn mustaqbalka siyaasadda dalka iyo gobaladiisa, gaar ahaan Itoobiya ma aha iminkii tii hore oo gudaheeda ayaa isbedelo xoogan ka socdaan, kaa oo la mid ah midka maanta ay raadinayaan dad badan oo ka  soo jeeda koofur galbeed. Dhab ahaan ilaalinta xuriyada iyo si habsimi ah iney u dhacdo doorashada waa mas`uuliyad maamulka koofur galbeed dusha ka saaran iyo xafiiska qaramada midoobi ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, wax kasta waxay kale cadaan doontaa sida loo magacaabo gudiga doorashada iyo hab dhaqankooda ku aadan dhex dhexaadnimada doorashada. 
     Mahadsanid iyo qormada xigta.