Sunday, 10 July 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)


Laashin

Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta 


Laashin waa hay`ad madax banaan oo ka shaqayso ururinta iyo kobcinta dhaqanka, suugaanta iyo qaraalada tayada leh ee tolmoon, saldhigeeduna waxaa weeye magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

 Laashin howlaha ay qabato waxaa ka mid ah:

-         - Bandhig buugaag

-         - Barnaamijyo ku saabsan horumarinta dhaqanka iyo suugaanta

-        -  Falanqeynta buugaagta

Mareegta Laashin:

Laashin waxaa hoos yimaada mareeg (wabside) lagu magacaabo (Mareegta Laashin), taa oo la aas aasaay sanadkii 2014 kii. Runtii mareegta waxaa lagu ururiyaa buugaag, qoraalo iwm, kuwaas oo u gaar ah arimaha dhaqanka iyo suugaanta  soomaaliyeed.

-         Madbacad Laashin:

Madbacadda waxaa la aas aasay 2017kii waxaana lagu soo biiriyey hay`adda Laashin. Madbacaddu waxay soo saartaa buugaag kuwaas oo aalaaba xoogga saara arimaha ku saabsan dhaqan, suugaanta iyo afka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo madbacadda suug gaynsaa waxyaabihii ay daabacday oo qoraalo ahaa.

Buugaagta ay daabacday madbacadda Laashin:

Laashin waxay ku guuleysatey iney soo saarto buugaag tiro ah oo tayo leh muddadii yareyd ee jirtey, waxaana ka mid ah buugaagtaa:

 -         Hilaadin

Buuggaa waxaa ku fara yareystey abwaan suugaanyahay ah isla markaana qoraa ah, waa abwaan Bashiir Maxamed Xirsi, waxaana la daabacay sanadkii 2017 kii.

 


-         Jamashada haweenka

Jamashada haweenka  waxaa qoray Ibraahim Cismaan Afrax , waana buug xambaarsan murti iyo maax badan kana hadlaya, habka is afgarashada iyo heshiiska lammaane, waa buug si weyn oo qota dheer uga hadlaya, habdhaqanka bulsho iyo kala duwanaanta labada Jinsi ee labka iyo dhediga. Buugga waxa la daabacay sanadkii 2017 kii.

 


-         Sirta guusha 

 
Sirta Guusha waa buug uu qoray oo maankiisa ka shaqeysiiyey qoraa Xasan Mudane , waxaa uuna ka hadlaya dhiirigelinta qofeed iyo kor u qaadista hiigsiga nololeed, gaar ahaan marka dib loo jaleeca qoraaga buugga oo ah aqoonyahay cilmi baare kana shaqeeya dhanka waxbarshada oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Soomaaliya. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.

 -         Noloshii silooneed

 

Buugakan waa sheeko maan curis ah oo ka hadlaysa waayihii iyo noloshii Samatar yare. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii, waxaana qoray buugga qoraa Cabdiraxiim Holowle Galeer.

 -         Gaso, Ganoon iyo Gasiin

 

 

Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa uu ka mid yahay buugaagta qiimaha badan ee uu qoray qoraa sare Prof Cali Jimcaale Axmed oo ah qoraa laga wada yaqaano goobaha aqoonta ee dunida, waana buug sheeko faneed iyo Af aqoolnimoba ku dhan tahay lehna xiiso gaar  ah. Buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.

 -         Qodob iyo Galad

  

Buugga Godob iyo Galad waa buug ka hadlaya dhacdooyin badan isa sudhan, waxaana  buugga si weyn uga hadlaya, Abaalka iyo gargaarka bulshada u baahan garabka, Garsoorka iyo godobaha aadanuhu kala galo oo ugu dambayn dhaxalsiiya nabsigu inuu ku ciiro midkii gaystay gabboodfalka. Waxaa qoray Barbaariye Qoraa  Xuseen Maxamed Cabdulle(Wadaad). Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.

 -         Bidhaamiye

Waa buug ka hadlaya Afka, higgaada, dhigaalka toolmoon, waxaa qoray Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, waxaana la daabacay sanadkii 2018 kii.

 

 -         Gacal iyo Gayaan

 

Gacal iyo Gayaan waa buug uu qoray Xasan Cabdulle Calasow ( Shiribmaan).

Buugga waa sheeko loo curiyey hab uu farshaxankeedu sarreeyo, sheekadu waxa ay gudbineysaa farriimo badan, aragtiyo mug leh iyo ilbaxnimo aad u fog, kol waa dhaqan iyo hidde suubban, kol waa murti iyo suugaan, kol kalena waa af-barid iyo eray bixin, kolna waa ujeed kale oo intaas ka weyn oo yoolkeedu yahay farriin dadban oo uu qoraagu ku gudbinayo xaddaarad soomaalinimo oo aad u qiimo weyn, waxaa la daabacay buugga sanadkii 2019 kii.

 -         Kaymadoow


Kaymadoow waa buug uu qoray qoraa Cabdullaahi Macallin Siyaasi.

Kaymadoow waa buug sheeko ah oo ka hadlaya waayihii abaartii dabadheer saameyntii ay ku yeelatay bulshada rafaadkii iyo raxanraadkii la soo maray, gaar ahaan gabadh bulshada ka mid ahayd oo uu ku reebay raad laguna naaneysay iyadoo ayaan xumo iyo bacownimo lagu tilmaamayo Kaymadoow. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2019 kii.

-         Waayihii Warsame

 

Buugga Waayihii Warsame waxaa qoray qoraa Cali Maxamed Diini, waana buug hab sheeko ah loo soo bandhigey. Buugga waxaa la daabacay sanakii 2019 kii.

Buugaagta ay soo saartey hay `adda Laashin waxaa kale oo ka mid ah:

 Murtikaal 2020 kii, qoraa Saciid Cabdi Cawaale.

-         Qaamuuska Casriga ee Maah maahda Soomaaliyeed 2020 kii Goerge..

-         Qarbadoob 2020 kii, qoraa Cabdiraxiim Hilowle Galeer.

-         Gardaadiye 2020 kii, qoraa Xasan Cabdulle Calasow ( Shirmaan).

  


  Dhaxal hooyo 2021 kii,  qoraa Mustafe Cabdiraxmaan ( Dheereeye).

-         Darajo iyo Xil yaa mudan 2021, qoraa Bashiir Cali Xuseen.

-         Gar iyo gardhaqsi 2021 kii, qoraa Cabdalla Daamey.

-         Laabta ka soco, 2021 qoraa Xuseen wadaad.

 

Run ahaantii hay`adda Laashin horumarka ay ka gaartay kor uqaadista dhaqan iyo suugaanta Soomaaliyeed kuma imaanin si fudud ee waxaa dalaalo badan ku bixin in mudo ahna u huran waqtigooda iyo maankooda aqoonyahano Soomaaliyeed oo isku xilsaaray in ay kaalintooda ku aadan horumarinta iyo tisqaadka suugaanta, afka iyo dhaqankaba ay ka qaataan, muujiyaanna in ay yihiin qayb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku firirsan daafaha aduunka.

 Howlwadeenada Laashin

Hay`adda Laashin waa hay`ad ama urur weyn oo howl ballaaran qabtey, waxaana arrinkaa suura galiyey aqoonyahayno badan oo lab iyo dhedigba leh, isla markaana ka kale tirsan qeybaha ay hay`addu u dhisan tahay, waxaana xaqiiqa ah in horumrka iyo faa`iidooyinka ay Laashin ku soo kordhisey dhaqan, hidaha, suugaan iyo afka Soomaaliyeed aysan suuro geli lahayn haddayna jirin dad gadaal ka riixaya oo maal iyo maskaxba u huray. Annaga oo og arrinka ayaanu qormadeena ku tilmaameynaa oo kaliya madaxa Laashin oo ah Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad), isaga oo tusaale u ah howlwadeenada kale ee hay`adda.

 

              Xuseen  Maxamed Cabdulle (X. Wadaad)

Xuseen maxamed cabdulle jimcaale oo ku magac dheer xuseen wadaad waa Madaxa hay`adda Laashin oo markii labaad la doortay. Xuseen waxaa uu leeyahay khibrad oo uu kala kulmey nolol maalmeedkiisii intii uu dhalinyarada ahaa, isaga oo bulshada u soo qabtey howlo kale duwan, yaraantiisiina waxaa uu ku biirey ururkii dhalinyarada ee gobolka banaadir, isla markaana ka mid noqday gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada kacaanka soomaaliyeed.

Xuseen Wadaad wixii ka danbeeyey sanadkii 2009 kii  waxaa uu u soo safray woqooyiga Yurub gaar ahaan dalka Sweden  oo uu ilaa iyo hadda degen yahay, gaar ahaan magaalada Katrineholm. 

Qoraalada Xuseen Wadaad:

 


 Waxaa uu qorey Xuseen Maxamed Cabdulle Jimcaale (Xuseen Wadaad) qoraalo fara baadan oo isugu jira maqaalo iyo buugaag.

Dhinaca qoraalada waxaa uu Xuseen Wadaad qori jiray maqaalo mowduucadooda kale duwan yihiin inkastoo ay u badnaayeen qoraalada ifinaya arimaha bulshada iyo dhaqanka, qoraalada noocaas ah waxaa kale oo aysan ka marnayn kuwa la xiriira dhanka siyaasada. Qoraalada waxaa uu bilaabay sanadkii 1976 Kii dhamaadkiisii oo uu ku qori jiray wargayska Xiddigta oktoobar oo ahaa wargeys ay maamulkiisa gacanta ku hayso dowladdii Soomaaliyeed ee uu hogaanka u hayey golihii sare ee kacaankii 21 oktoobar.

Waxaa kale oo uu ahaa Xuseen Wadaad falanqeeye riwaayadaha , arimaha dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda.

 


 

Qoraalada buugaagta daabacan:

Qoraa Xuseen Wadaad inkastoo uu ku guuleystay inuu qoro dhigaalo dhowr ah oo kale duwan hadana buugaag ahaan kuwa daabacan sidaa uma badna marka laga eego qoraaladiisa sida ay u badan yihiin, laakiin waxaa u suuro galay inuu soo saaro dhowr ka mid ah dhigaaladiisa tolmoon gaar ahaan buugaagta sida:

-         Qodob iyo qalad, Waxaa lagu daabacay Sweden madbacada Laashin, 2018 kii

-         Laabta ka soco ( dareen iyo garasho), Waxaa lagu daabacay Sweden madbacada Laashin ,2021 kii.

Waxaa kaloo jiro buugaag aan wali la daabacin oo diyaar ah sida:

-         Kulalihi, waa qayb ka mid ah waxaa lagu faafiyey mareegta Laashin.

-         Ka daran baa dadan ( sheeko), waa qaybo ka mid ah sheekadaan waxaa uu ku soo bixi jiray wargayskii xiddigta Oktoobar ee Muqadisho – Soomaaliya.

-         Filowaa iyo uur kutaalo ( sheeko), waa qaybo ka mid ah sheekadaan iyadana waxaa ay ku soo bixi jirtay wargayskii sanadleha ahaa ee uu ururka dhalinyarada kacaanka Soomaaliyeed lahaa, waxaana tafatire ka ahaa muddo Xuseen Wadaad.

 Waa godob la galaayo ( sheeko), haddii aanu eegno dhinaca wax u tarka bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaanu oran karnaa Xuseen waxaa uu ka mid yahay dadka ku mashquulsan sidii ay bulshadooda ula qaybsan lahaayeen daruufaha ku hareeraysan, waxyaalaha uu aalaaba ku mashquulsan yahayna waxaa ka mid oo uu la qaybsato dadkiisa:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Monday, 4 July 2022

 


Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)


Kasmo Publishing Ltd

Kasmo Publishing Ltd waa hay`ad madax banaan oo isugu jirta, wargeys, mareeg iyo daabacaad buugaag, laakiin waxaa uu ku bilowdey markii hore wargeys loogu magac darey  Kasmo kaa oo lagu  aasaasey magaalada London ee dalka boqortooyada Ingiriiska 27 bishii sebtember  sanadkii 1997 kii.

Markii hore waxaa uu ku dhashay wargeyska Kasmo ka dib markii ay ka wada hadleen koox qorayaal ah oo ka wada tirsanaa wargeys lagu magacaabi jirey Ogaal oo ka soo bixi jirey dalka Soomaaliya xilligii dowladii uu hogaanka u hayey madaxweyne Maxamed Siyaad Bare. aqoonyahankaa ayaa ku fikirey iney hadana aas aasaan wargeys ay u bixiyeen Kasmo si uu u buuxiyo baahida bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha degen gaar ahaan cariga Ingiriiska.

Wax lala yaabo ma ahayn firfircoonida, dadaalka iyo aqoonta ka muuqatey howlwadeenada Kasmo iyo tayada ka muuqatey wargeyska , gaar ahaan markii qofku ogaado in kooxdaan tirada kooban ee ka howlgashay wargeyska Kasmo ay ahaayeen qaar ka mid ah dadkii ka shaqeyn jirey wargeyskii magaca dheeraa ee Ogaal ee ka soo bixi jirey magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya intii u dhexeysey 1985 kii ilaa 1990 kii, kaa oo cadadkiisii ugu danbeeyey soo baxay 9 kii bishii feberaayo sanadkii 1990 kii.

Billowgii Kasmo

Wargeyska Kasmo waa wargeys toddobaadle ah oo ka soo baxa London, laakiin waxaa uu ku bilowdey wargeyska Kasmo inuu soo baxo markii hore bishii hal mar oo uu noqdo bille, dabadeedna waxaa uu isku bedelay inuu soo baxo afar iyo tobon maalmood markiiba oo noqdo afar iyo tobnaadle, ugu danbeytii ayuu noqday wargeyska Kasmo mid soo baxa toddobaadkiima mar.

Muddadii uu soo baxayay wargeyska Kasmo waxaa ku soo biirey mareeg lalisa wargeyska iyo qoraalo kale oo tayo leh oo loogu magac darey « Kasmo news paper online»

 Kasmo iyo dhacdooyinka ku wareegsan

Run ahaantii Kasmo ma ayna ahayn wargeys kaliye ee waxaa ay xanbaarsaneed himilo fog oo ku aadan kor u qaadidda afka Soomaaliga iyo dhaqankaba, sidaa darteed bahda Kasmo waxaa ay marar badan qaban qaabiyeen kulamo cilmiyeed oo looga doodayo dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Waxaa dhab ah in dadweynaha reer London oo ay soo gaari jirtey wargeyska Kasmo oo afka hooyo ku soo baxa iney ku diirsadeen oo dad badan ay bogaadiyeen, xilligii dheeraa ee wargeyska soo baxayey waxaa howlwadeenada Kasmo ku guuleysteen iney waxyaabo badan oo faa`iido u leh bulshada Soomaalieed ay ku soo kordhiyeen iyo iyagoo dabooley ka warbixinta iyo daaweyta dhacdooyinkii badnaa ee ku wareegsanaa kuwaa oo dhacayay gudaha Soomaaliya iyo dinida inteeda kale, waxaana la oran karaa waa raasimaal weyn oo bulshadeena ay maanta haysato oo ku kaydsan Kasmo  oo haddii maanta  keydka wargeyska Kasmo la soo rogo loogu tegayo keydinta iyo raad-raacyo xog laga yaabo in badankeed ay maankeena waa hore ka baxeen, waana run marka la leeyahay « Wargeysyadu waa diiwaan taariikheed».

Kasmo waxay ku guuleysatey iney soo saarto qoraalo wax ku ool ah iyo warbixino qiimo badan  oo dood kululi ka oogmeen, iyo waxaa kale oo lagu xasuusan karaa Kasmo iney u banbaxday wareysiyo iyo qoraalo aad u sareeyo oo muhim u ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed sida wareysigii:

-         Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan.

-         Ra`iisul wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

-         Gudoomiye sh Mukhtaar Maxamed Xuseen.

-         Xaaskii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Waxaa la oran karaa way mudneyd in la abaalmario Kasmo sanadkii 2006 dii markii la gudoonsiiyey abaalmarinta wargeysyada London ( The London Press Awards 2006 ), abaalmarintaana la gudoonsiiyey wargeyska Kasmo waxaa warkeedu gaaray meelo fog fog oo bulshada Soomaaliyeedna waa ay ku diirsatey, waana midda keentey in ay u sameeyaan Kasmo xus loogu dabaaldegayo laguna soo dhaweenayo guusha wargeyska Soomaaliyeed gaarey waxayna ahayd maalin farxadeed.

Way muuqaday in wargeyska Kasmo uu ka shaqeynayey in uu u hiiliyo, xoojiyo dhaqanka iyo afka dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna joogto u dhiiro gelinayey midnimada, nabadda iyo wadajirka dadk Soomaaliyeed.

Markii uu 18 jirsadey wargeyska Kasmo waa sanadii 2015 kii waxaa uu maamuusay noloshii dad taariikh weyn ku lahaa dhaqanka, aqoonta, suugaanta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.

Wargeysku wuxuu kaloo maamuusey noloshii qorayaal, cilmi baarayaal, aqoonyahanno iyo hoggaamiyayaal Soomaaliyeed.

Kasmo waxaa ay ku guulaysatey in ay soo saarto buug aad u qiimo badan oo lagu xusayo dadkaa aanu soo sheegney oo rag iyo dumarba leh, waxaana loogu magac daray: « Xusuusta kuwii xabaal galay », ha ahaadeen Hoobal iyo Hal-abuur, hoggaamiye iyo aqoonyahan. Buuggaa waxaa qoray qorayaasha kala ah Cabdulqaadir Shire Farax iyo Khaalid Macow Cabdulkadir, waxaana lagu daabacay Kasmo publishing Ltd ee London sanadkii 2015 kii. Inkastoo ilaa iyo hadda la daabacay qaybta koowaad ee buugga hadana waxaa lagu xusay 48 qofood oo ka mid ah dadka aanu soo sheegney. 


 Buugga waxaa uu u abaabulan yahay saddex qaybood oo cutubyo ahaan xiriirsan:

-         Xusuustii hal-abuurro, maansoyahano iyo fanaaniin.

-         Xusuustii hoggaamiyayaal siyaasadeed.

-         Xusuustii aqoonyahanno iyo qorayaal-

 Hay`adda Kasmo Publishing Ltd waxaa kale oo daabacday buug aad u qiimo badan oo ifinaya qeyb ka mid ah taariikhda Soomaaliyeed gaar ahaan taariikhdii halyeey Aadan Shire Jaamac Cabdulle oo ku magac dheeraa Aadan Low.

 

            Aadan Shire Jaamac (Low)

Buugga waxaa lagu magacaabaa  « Xabbaddii Dunida Gilgishey » ,  waxaa qortey Marwo Shukri Aadan Shire oo aabeheed ka qortey taariikhdiisii ugu muhimsaneyd, waxaana daabacay shirkada Kasmo Publishing Ltds, London sanadkii 2013 kii. Buuggu guud ahaan waxaa uu ka hadlayaa Mudane Aadan Low iyo dhacdadii Walwaal ee sanadkii 1934 kii.

Waxay ahaataba buugga « Xabbaddii Dunida Gilgishey » waxaa laga qoray taariikhdii iyo waayihii mudane Aadan Shire Jaamac (AadanLow) oo waayihiisii ugu dambeeyay Soomaaliya ka ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Caddaalada Xukuumaddii RW-re Maxamed Ibraahim Cigaal ee la afgambiyay, kaddibna maxaabiistii Siyaasadeed ee lagu kadeeday Xabsiyada ayuu ka mid ahaa Aadan Low, waxaa uuna geeriyooday 18 desember sanadkii 1973 kii, ka dib markii laga soo saarey xabsiga isaga oo jiran loona qaaday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga gaar ahaan isbitaalkii jaamacada Roma, waaxda qaliinka ee Kilinikada Prof Paride Stefanini.

Kasmo waxaa kale oo ay ku howlaneed qabashada iyo u dabaaldegga afka Soomaaliga sanad walba 21 nofenber oo loo aqoonsaday in maalintaa ay tahay maalintii u dabaaldegga afka hooyo, Kasmo arintii  dadaaal badan ayay ka geysatey.

Waxaa xusid mudan in xuskii iyo u dabaaldegii sanad guuradii 40 aad ee ka soo wareegatey qorista afka Soomaaliga uu aha mid aad u sareeyo waxaana soo abaabushey bahda Kasmo waxaana u ka dhacay magaalada London. Xaflada afka hooyo loogu dabaaldegayo waxaa uu ahaa xaflad si weyn loogu maamuusay 40 guurada qoraalka afka Soomaaliga, taas oo dhacday 27 oktoobar 2012 kii, waxayna ka dhacday xarunta Camden Centre, waxaana ka soo qeyb galay xeel dheerayaal xagga afka, suugaanta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan oo xiiseenayay afkooda hooyo.