Tuesday, 14 June 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)

 


Shirkada Ilays iyo Nimco Maxamed Nuur

Nimco Maxamed Nuur waa aqoonyahay, qoraa, aasaasaha shirkadda Ilays Publisher ee daabacda buugaagta, waa hooyo, barbaariye caruurta maaweelisa, danaysa dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed maskax iyo maalna gelisa sidii kor loogu qaadi lahaa, dhigaalo dhowr ahna soo saartey oo ku aadan horumarinta afka Soomaaliya gaar ahaan caruurta qurbaha ku nool, iyadoo adeegsatey qaab carsi ah oo fududeeya barashada iyo fahamka afka, kaa oo la jaanqaadaya heererka qoraal ee dunida hormartey maanta. Nimco waxay ka muuqataa kulumada aqooneed, dhaqan iyo fan ee ka dhaca meelo badan oo ka mid ah dunida gaar ahaan Yurub, sidoo kale waxay qeyb weyn ka tahay ururada Soomaaliyeed ee ku hoolan faafinta aqoonta iyo soo bandhigidda buugaagta afkeena ku qoran.


       Nimco Maxamed Nuur

Nimco waxay sameysey shirkad daabacda buugaagta afka Soomaaliga ku qoran taa oo magac baxdey Ilays Publisher – sida aanu horey u soo tilmaamney – shirkada Ilays xarunteedu waxay ku taalaa magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Marka taa laga soo tago waxaa jirta kaalin kale oo ay Nimco wax ka geysatey waana midda ay ku caan baxday, taa oo ah qorista buugaagta gaar ahaan buugaagta caruurta oo ay soo saartey dhowr buug oo ay ka faa`iideysteen caruurta Soomaaliyeed ee degen qaaradda Yurub. Sidoo kale Nimco buugaagta ay qorto waxaa qaarkood daawo u yihiin dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa la xiriira qowska , guurka iyo furiinkaba. Nimco qeyb libaax oo weyn ayay ka qaadataa wacyi gelinta ummaddeena iyadoo adeegsata qoraal, iyo in ay qeyb ka noqoto kulumada loogu tala gelay kor u qaadista wacyiga bulshadeena oo ay safaro kale duwan u gasho sidii ay arrimahaas wax uga qaban laheyd, sidoo kale waxay qeyb weyn ka qaadataa kulumada lagu wacyi galinayo bulshada kuwaa oo ka socda aalaaba baraha bulshada ee internatka.

Dadaalada kale duwan ee Nimco ku guda jirto waxaanu ka tilmaamaynaa dhigaalada iyo qoraalada u suuro galey Nimco oo ay soo saartay, gaar ahaan dhinaca buugaagta afka Soomaaliga ku qoran, kuwaa oo ay daabacday shirkada Ilays, sida buugaagta ay ka mid yihiin:


 - Jasiiradda Nabadda

Buugga Jasiiradda Nabadda waxaa ay Nimco Maxamed Nuur ugu talagashay in caruurta ay ka faa`iidaystaan, isla markaana ku koraan jacayl, nabad iyo sinnaan. Waxaa buugga laga helayaa sawiro la jaanqaadaya sheekada si ay u soo jiidato caruurta, isla markaana fahamka sheekada u fududeeso.

Nimco sheekadaan waxaa ay ku soo gudbinaysaa xayawaano sheekeeanaya oo meel ku wada nool hadana kale duwan noocooda iyo daruufahoodaba. Nicmo waxaa ay ku guulaysatay in ay soo bandhigto buug tartar la gali kara buugggaagta kale ee dadyowga kale ay u qoreen si ay u buuxiso kaalinta buugaagta Soomaaliga, caruurta Soomaaliyeedna waxay heleen buug sheeko ah isla markaana aana ka hor imaanaynin dhaqankooda iyo diintooda, maadaama uu buuggu qoray qof ay ku weyn tahay dareenka diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

- Somali Cards group 1 – 3

Waxay Nimco ku guuleysatey inay soo saarto mashruuc aqoonta iyo garaadka caruurta kor u qaadaya, waana mashruuca kaararka iyo boorarka oo seddex qeybood oo taxane ka kooban. Kaararka iyo boorarka  ee loo yaqaano (Flash Cards iyo Posters) soo saaristeeda waxaa ku tuseysaa in Nimco Noor ay mar walba u heelan tahay sidii ay u kobcin lahayd wax soo saarka ay ugu talo gashay ubadka Soomaaliyeed, waxayna ku dadaashay runtii iney ka miro dhaliso si ay u gaarto himiladeeda ku aadan caawinta iyo kor u qaadidda garaadka ubadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha. kaararkana waxaa ay u sammeysan yihiin habka turubka oo kale si ay caruurta u soo jiidato oo iyaga oo ciyaaraya hadana wax baranaya. Sidoo kale warqado waaweyn oo meel la suro ama lagu dhejiyo waxay caruurta u fududeeneysaa barashada afka hooyo.

Buugaagtaas iyo qoraalo kaleba waxaa daabacdey shirkadda Ilays publisher oo ay gudoomiye u tahay Nimco Maxamed Nuur, taana waxay ka mid tahay dadaalada balaaran iyo wax qabadka muuqda ay Nicmo ku soo kordhisay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwooda ku nool qurbaha.

 - Garoob iyo Godob Rageed 1 – 2

 

Waa buug labo qeybood ka kooban  oo ka hadlaya dhibaatooyinka bulshadeed ee haysta qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo dhaawac xoogan u geystey qowsaska qaarkood gaar ahaan dumarka. Qoraagu waxay aad uga cabaneysaa tacadiyada ka dhaca ragga iyo dhaawacyada xad dhaafka ah ee haleelay dumar badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah. Buuggu waxaa uu iftiiminayaa hab dhaqanka guracan ee ka soo hor jeeda diinteena oo loo geysto haweeenkeena qaarkood kaa oo sababo burbur qows, dayac caruur iyo uur kutaale aan harin.

- Xarfaha Soomaaliga

Waa buug kale oo ay Nimco qortey, waxayna ku soo bandhigeysaa barashada afka Soomaaliga oo ay ugu horeyso xaruufaha afka oo ay si carsi ah oo fudud u soo bandhigtey qoraaga buugga.

Buugaagta kale oo ay Nimco qortey waxaa ka mid ah:

- Hashii Cosob iyo Maroodi Cagaweyne


- Ciyaar xusuuseed Soomaali

- Barashada Salaadda

  

Ugu danbeyntii waxaa muuqata in buugaagta ay Nimco Maxamed Nuur soo saartay laga faa`iidaysan karo arrimo muhim ah oo ay ugu horayso barbaarinta iyo af baridda carruurta, iyo meel ay carruurtu ka baranayaan, qiimaha nabadda iyo wada noolaanshaha, is ixtiraamka iyo waliba kalsoonida qofnimadooda, dhaqankooda iyo diintoodaba.

        Boodhari iyo Nimco, London oktoobar 2021

Dhallaan iyo dhalinyaro

Kulamadii aan la yeeshay Nimco Maxamed Nuur waxaa iiga muuqday in ay qof ahaan ka quusan kana daalin  inay mar walba soo jeediso talooyin wax ku ool ah oo ku aadan dhallaanka iyo dhalinyarada, waxaase xusid mudan in toddobo sano ka hor ay diyaarisay barnaamij ku saabsan " Xuquuqda Dhallaanka & Adeeggooda" , barnaamijkaa oo ay uga faalootay guud ahaan caqabadaha lasoo darsa nolosha carruurta, gaar ahaan kuwa Somaaliyeed gudaha iyo dibadda intaba.    

Gabagabadii

Hadduu Eebbe idmo qof ahaan taariikhda Nimco oo faahfaahsan waxaanu ku soo qaadan doonaa qoraalo kale, laakiin waxaanu halkaan ku sheegeynaa in Nimco Maxamed Noor ay dhashay hooyo Sahra Maxamed Xaaji Cali Baale oo ka soo jeeda qows caan ku ah saldanada iyo hogaanka beesha Baciidyahan ee Majeerteen. Nimco qudheedu dhanka aabaheed waxay ka soo jeedaa hormoodkii diinta Islaamka ee Geeska Afrika sida shiikh Cabdullaahi Qudubi ee reer Aw Qudub, sidaa darteed Nimco iney ka mid noqoto haldoorka iyo hurmoodka bulshadeena qurbaha ku nool la yaab ma leh waayo waxay cugsaneysaa tiir weyn oo ay ku soo barbaartey yaraanteedii.

Waxaa xusid mudan in waqtigii kala yaacii iyo firdhadkii ku dhacay dadka Soomaaliyeed uu sababey in Nicmo ay ugu danbeyntii u hayaanto woqooyiga qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Fiinlaand ( Finland ) oo ay ugu danbeyntii ku nagaatey halkaa illaa iyo waqtiga la joogo, halkaana ay waxbarsho ilaa heer jaamacad ay ku guuleysatey, dabaddeedna shaqooyin kale duwan ay qabatay iyadoo isla markaana wada shaqeyn la sameysey qeybaha kale duwan ee bulshada Finland.


Thursday, 9 June 2022

 

Kaalinta aqoonyahanka  ee dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed ee qurbaha

Marka hore Allaha ha u naxariisto qoraa Saciid Jaamac Xuseen oo xalay London ku geeriyooday.
Marka xiga qoraalada hoos imaan doona cinwaanka kor ku xusan waxaa uu ka mid yahay baadigoobka iyo raadraaca xaalada dhaqanka iyo afka hooyo ee qurbaha iyo kaalinta aqoonyahayka Soomaaliyeed ee kaga aadan, inkasta oo aanan wali soo gabagabeynin ka hadalka Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha, hadana waxaa inala haboonaatey in aanu kaalinta aqoonyahayka wax ka tilmaamno, gaar ahaan dadaaladii iyo kaalintii  uu lahaa halyey iyo haldoor ay aad u jecel yihiin aqoonyahanka iyo abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha isla markaana ku sugnaa xaalad caafimaad oo aad u adag, inkastoo saacado ka hor Illaahay oofsaday, waa qoraa sare Saciid Jaamac Xuseen (Faras) Illaaheyna waxaanu ugu rajeenaynaa inuu naxariistii janno  siiyo .. aamiin, sidaas darteed waxaa uu qoraalkakan ka soo hormaray waqtigii loogu talo galay.

Haldoor Saciid Jaamac Xuseen (Saciid Faras) 

              saciid Jaamac Xuseen 

Saciid Jaamac Xuseen waa macallin, haldoor, qoraa iyo hal-abuur aad ugu weyn guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool, taana waxaa uu ku mutaystay in uu si firfircoon uu ugu muuqday goloyaasha iyo kulumada aqooneed ee aalaaba ka dhaca Ingiriiska iyo goobo kale. 

Inta aanan guda galin xog waranka wax qabadtii Saciid Jaamac Xuseen iyo kaalintiisa ku aadan horumarinta dhaqankeena suuban iyo Suugaanteena sareysa waxaa xusid mudan in markii iigu horeysay ee aan la kulmo Saciid inayna sidaa u fogeyn marka loo eego waqti ahaan, laakiin isla markii aan ku booqday degaanka uu ka deganaa magaalada London waxaan u arkay qof aan waayo hore is niqiinay oo i soo jiitey hufnaanta ka muuqata iyo galgacaylka uu u qabo walaalaha Soomaaliyeed isagoo xaaladiisa caafimaad ay liidatey, hadana mudadii aan la joognay Saciid waxaa uu kor u qaaday rajadeena mustaqbalka, isla markaana waxaa uu ififaalo fiican ku kordhiyey moraalka iyo hamiga guud ahaan ee nolosheena. Waxaan aad ugu raaxaystay IIMAANKA  ka muuqday iyo sida uu nolosho u arkaayey iney tahay mid aanan dhammaan haddii qofka uu aaminsan yahay ILLAAHEY.

Inaan reerka soo barto oo aan salaadii duhur ku tukato xaafada wey fiicnay, si aan ugu ducayno dhammaan reerka. Saciid inta aanan u soo galin warkeyga waa uu hayay, isla markiina waxaa uu iigu yeeray magacaygii, si hoos ahna waxaa uu iigu sheegay caruurta aan adeerka u ahay in afkooda labaaad uu yahay carabi maadaama ay muddo degenaayeen magaalada Cadan ee dalka Yaman, taana waa midda igu qasabtay in aan u hadiyadeeyo dhowr kutub oo aan af carabi ku qorey kana hadlaayey taariikhda iyo ilbaxnimada dadka iyo dalkeena, in kastoo aan magaca Saciid ku qoray buugaagta hadana niyadaydu waxaa ku weynaa dhalinyarada ilma Saciid si ay u arkaan wax soo saarka taariikhdooda oo ku qoran af ay si fiican u yaqaaniin isla markaana uu qoray qof ay barteen kuna weyn aabahood.

Waa kuma qoraa Saciid Jaamac Xuseen?

Saciid waxaa uu ku dhashay gobolka Sanaag gaar ahaan dooxada la yiraahdo Yufle, abaarihii billowgii 1940 kii, markii uu gaarey afar jir waxaa Ayeedii Cawo Faarax Odawaa Axmed ula soo dhooftey magaalada Cadan ee dalka Yaman oo ay Soomaali badan degenaayeen waagaa, xiriir fiican oo qoto dheerna ay labada bulsho ee Soomaalida iyo Yamanta ay lahaayeen. Intii uu ku noolaa Yaman waxaa ka mas`uul ahayd barbaarintiisa iyo waxbarashadiisa ayeeydii Cawo oo mar walba u hiilaneed wiilka ay ayeeyada u tahay inuu helo nolol fiican oo qiimo badan, sidaa darteed koritaanka Saciid waxaa uu ahaa magaalada Cadan oo uu wax ku bartey laga bilaabo dugsiga Quraanka iyo waxbarashadii kale ee heerka hoose, dhexe iyo sareba lahayd oo uu dhammeeyey sanadkii 1960 kii. Dabadeedna sanadkii 1961 kiiba Saciid waxaa uu ka shaqeeyey Cadan ilaa muddo, shaqadiisii ugu horreysay waxaa ay ahaeyd shirkad lagu magacaabi jirey Shell isagoo 20 jir ah. Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey Saciid shirkada diyaaradaha ee Cadan ( Aden airways) gaar ahaan dadka gacanta ku yahay qorshooyinka ay diyaaradaha ku duulaan oo ah shaqo muhim ah oo la oran karo waa wadnihii diyaaradaha ay ku duulaan, waayo waxaa uu Saciid xirfadaa u lahaa aqoon ka dib markii uu tababaro arrinkaa la xiriira oo ku qaadan Cadan gudaheeda iyo dalka boqortooyada Ingiriiska, markii ay tababarkii u dhammaateyna uu shaqo ka bilaabey shirkada aanu soo sheegney.

Saciid xiriir fiican ayuu la lahaa bulshadii uu la noolaa gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed oo uu ka ahaa xubin firfircoon jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nooleed Cadan ilaa uu ka gaarey heer oo uu u noqdo xogeeyaha guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed. Waxaase xusid mudan in Saciid muddadii uu waxbaranaayey oo waqtiga fasaxyada soo aadi jirey dhankaa iyo dalkiisii hooyo oo uu ku soo booqan jirey dadkiisa isagoo markab soo raaci jirey dabadeedna degedda Barbara marka uu yimaado u sii gudbi jirey ilaa iyo Sanaag oo uu ku dhashay, waxaa uuna caawinaad ka heli jirey macallimiintiisii Ingiriiska ahaa oo kula talin jirey inuu dalkiisa aado.

Wixii ka danbeeyey sanadkii 1967 kii waxaa uu Saciid Jaamac u soo wareegey dhanka dalkii Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu si rasmi ah u degey halkaa, isagoo markaa iska tuuray baasaboorkii Ingiriiska kuna bedeshay kii Soomaaliya.

Saciid waxaa uu dhex galay bulshadii ku nooleed magaalada Xamar, waxaa uuna xooga saarey sidii uu u heli lahaa shaqo oo uu ka bilaabey xirfadii uu lahaa oo ahayd diyaaradaha sidaa darteed waxaa uu xiriir la sameeyey shirkadii diyaaradaha Soomaaliya (Somali Airlines), laakiin nasiib xumo ma aysan jirin diyaarado waaweyn oo duulimaadyo xoogan ama fog fog leh, sidaa darteed waxaa uu ku mashquuley sidii uu shaqo kale u heli lahaa, waxaa uuna shaqo ka heley shirkad Ganacsi oo la oran jirey Ebes oo xafiis ku lehayd, Xamar, Hargeysa, Neyroobi, Jabuuti iyo Cadan, shirkadaa oo keeni jirtey alaabaha yar yar oo ay ka mid yihiin saabuunta, maacuunta, daawooyinka iwm oo ah waxyaabaha dadka u baahan yihiin, waxaa uuna ku shaqeenayey shaqaale caadi ah, taana uma aysan cuntameynin.

Muddo labo sano dabadeedna sanadkii 1969 kii waxaa uu shaqo ka heley madaxtooyada Soomaaliya waqtigii uu kacaanka Curtey ka dib, sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey gobolada dalka.

Sanadku markuu ahaa 1975 kii waxaa looga yeeray magaalada muqdisho dabadeedna waa la xirey isaga iyo koox kale oo lagu eedeeyey in ay himilooyinka kacaanka ka soo horjeedaan, laakiin muddo markii uu xirnaa waa la soo daayey, isla markaana waxaa la farey inuu shaqadiisii madaxtooyada ku soo noqdo oo meeshiisa ka wato.

Markii uu qarxay dagaalkii sokooye ee Soomaaliya 1991 kii waxaa uu Saciid dib ugu soo laabtey magaaladii uu ku barbaarey ee Cadan ee dalka Yaman, halkaa ayuuna deganaa ilaa uu ka qarxay iyana dagaal sokeeyo oo dhexmaray labadii qeybood ee Yaman ka dib markii ay midoobeen , laakiin khilaaf xoogan ka dhex dhacay sanadkii 1994 kii.

Intii uu joogey Saciid magaalada Cadan waxaana uu xoogga saari jirey inuu ardadii Soomaaliyeed ee halkaa joogtey la raadiyo waxbarasho jaamacadeed isaga oo adeegsanaya xafiiska mucaarka Cadan oo xiriir fiican la ahaa dowlado dhowr ah oo uu ka mid ahaa Midowgii Soofiyeeti, Siiriya, Yurub qeybo ka mid ah, dadaaladaana waxaa ka soo baxay miro wanaagsan ka dib markii ay arday aad u badan ay ka soo qalan jibiyeen jaamacadihii uu Saciid iyo saaxiibadii u direen ardadaa.

Waxaa ay duruuftu ku kaliftey qoraa Saciid Jaamac Xuseen inuu mar kale hadana qoxo oo u hayaamo qaaradda Yurub gaar ahaan dalka boqortooyada Ingiriiska, ka dibna waxaa u suura gashay in xaaskii iyo caruurtii ay iyana halkaa u soo safraan si ay meel ugu wada noolaadaan Saciid.

 Kaalinta Saciid ee dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed: 

Qoraa aalaaba goob joog ka ah kulamada aqooneed ee soo abaabulaan hardoorka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, isaga oo ka qaata kaalin mug iyo muuqba leh, sida badanna ay talooyinkiisa ay ku diirsadaan dhalinta Soomaaliyeed ee u ooman talooyinka tolmoon ee ku aadan dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. 

Waxay ahaataba, Saciid Jaamac wuxuu laf dhabar u ahaa isku keenista dadka Soomaaliyeed iyo doodista arrimaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Waxaa uu qeyb weyn ka qaadan jiray kulan dhaqameedka weyn ee lagu magacaabo toddobaadka dhaqanka Soomaalida (Somali Week Festival) oo sanad walba lagu qabto magaalada London, Saciid waxaa lagu tiriyaa inuu yahay tiirarka uu ku taagan yahay kulankaa aqooneed oo muddo badan socday laguna soo bandhigo aqoon badan oo ku aadan dhaqanka, fanka, suugaanta iyo afka Soomaaliga.

Dhinaca gudaha Geeska Afrika Saciid waxaa uu ka mid ahaa dadkii doorka weyn ka qaadan jiray bandhigyada buugaagta ka dhaca gobolka iyo kulumada dhaqanka iyo suugaanta.

Sidoo kale Saciid waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaalka iyo qabanqaabiyaalka  ururka qoraaga ee hal-abuurka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo (Somali Pen), taas oo uu howshoodu tahay ururinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga. 

Waxaa meesha iyana ka maqneyn in Saciid Jaamaca ka mid ahaa ururka akaadeemiyad goboleedka af Soomaaliga oo loo soo gaabiyo (AGA), oo uu gudiga ururka ka mid ahaa, curinteeda iyo hirgelinteedana qeyb lixaad leh uu ka qaatey, Illaahay ha u naxariisto.


Qoraalada Saciid Jaamac Xuseen (Faras)

- Buugaagta:

Dhimaca qoraadada buugaagta, Saciid waxaa uu leeyahay buugaag dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

 -         Shufbeel


Waxaa buug ay ku urursan yihiin sheekooyin, maqaalado, murti iyo majaajilooyin aan laga daalin laguna daalin, aqristahana waxaa u soo baxaya oo uu miraayadda ka daawanayaa qoraa Saciid halbeegiisa iyo qofka uu yahay dhab ahaantii, waayo inkasta uu buugga xanbaarsan yahay murti, taariikh, dhaqan iyo suugaan, hadana waxaad ka dheegan kartaa shakhsiyadda qoraaga iyo xaaladihii uu soo marey isaga oo aanan ka tagin daruufihii iyo degaankii ku wareegsanaa. Buugga waxaa ka muuqata in qoraagu uu isku tahay inuu aqristayaasha u soo gudbiyo dareenkiisa xagga nolosha iyo dabeelihii taariikhda ee soo maray ummaddeena oo uu isaga ugu horeeyo si murti ay ku jirto isla markaana uu wacyigeedii iyo kasmadiisii ugu danbeysey uu qoraagu u soo gudbiyey dareenkaa. Waxaa buugga la daabacay sanadkii  (2011 kii)

 -         Safar Aan Jiho Lahayn

Qoraagu waxaa uu ugu talo galey buugakan inuu ku soo bandhigo taariikh nololeedkiisii iyo howlihii uu ka qeyb galay intuu uu garaadsaday laga soo billaabo lixdankii ilaa iyo waqtiga uu buuggu qorayey Saciid, gaar ahaan waxaa uu ka sheekeenayaa maamuladii dalka Soomaaliya ka jirey oo uu qeyb ka ahaa , qaar kalena uu arrimahoodu xogogaal u ahaa oo ay la socoto wixii lagala kulmay maamuladaa oo uu u arkey qoraagu in loo baahan yahay in la iftiimiyo gaar ahaan kuwii uu qeybta ka ahaa si bulshada ay uga faa`iideysato. Qiimaha buugani leeyahay waxaa weeye in uu qoraagu arrimaha uu ku soo qaatey buugiisa oo ka mid ah taariikhdii uu dowladnimada Soomaaliya maamulkeeda qeybta ka ahaa inuu soo bandhigey isla markaana uu ka ahaa goob joog, taa oo xoojineysa dhab ahaanta macluumaadka ku soo aroorey buugga. Buugga waxaa la daabacay sanakii (2013 kii).

 -         Ma innaguun baa!

Qoraagu waxaa uu buugiisa ku caddeynaa in aysan suura gal ahayn in bulshadeenu aysan is go`doomin oo ay arkaan daruufaha iyo xaaladaha ku weegaaran oo ay ku ekaanin oo kaliya degaankooda iyo waxa ay gooni u leeyihiin oo qura, balse loo baahan yahay in caalamka aanu wax la wadaagno, isaga oo arrinkaa iftiiminaya ayuu qoraagu dhinacyo badan ka tusinaa aqristayaasha Soomaaliyeed iney u foog jiknaadaan nolosha dhabta ee loo baahan yahay iney la qeybsadaan dunida inteeda kale oo aysan meel ku xirnaanin. Dulucda qoraaqu waxaa weeye inuu dadkiisii dood ka dhex dhaliyo sidii adduun weynaha fariimaheena iyo gaar ah aanu ugu gudbin laheyn intii aanu meel go`doon ku noqon lahayn, isla markaana sidii wax looga qaadan lahaa iyo habka aanu kula dhaqmi lahayn, doodaas oo uu qoraagu u arko iney tahay tabta ugu fiican ee aanu horumar ku goori karno isla markaana dhibaatooyin iyo hagardaamo badan aan kaga baxsan karno.

Buugaan waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii, waxaana lagu daabacay madbacada Redsea Cultural Foundation, Hargaysa.

- Qoraalo tarjumid:

Saciid Jaamac marka laga soo tago buugaagta uu qorey waxaa kale oo uu qabtay arrimo xoojinaya aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyedeed sida inuu tarjumay qoraalo:

-         Qoraallada Anthon Chekhov

Waxaa uu ka mid yahay waxyaabihii uu tarjumay Saciid Jaamac Xuseen, waana sheekooyin gaagaaban oo murti badan xanbaarsan oo uu leeyahay qoraaga caanka ah ee u dhashay dalka Ruushka ee Anthon Chekhov, adduunkana loo arko inuu ka mid yahay hormoodyada curiyayaalka sheekada. Waxaa xusid mudan in qoraagaa uu leeyahay 800 oo sheeko taa oo loo tarjumay afaf badan oo uu ka mid yahay afkeena Soomaliga ee uu tarjumay qoraa Saciid. Waxaa ku wehliya Saciid tarjamada iyo xulashada qaar ka mid ah sheekooyinkii Anthon Chekhov qoraasha kale ah Maxamed Cali Xasan (Alto) iyo Rashiid Shiikh Cabdullaahi (Garweyne), dabadeed waxay ka soo xusheen oo ay tarjumeen toboneeyo sheekooyin gaaban oo faa`iidooyin iyo xikmado xanbaarsan si ay uga faa`iideysato bulshada Soomaaliyeed.

     Saciid iyo qoraa Rashiid Gadhweyne

-         Maansooyinkii abwaan Hadraawi

Qaar ka mid ah maansooyinkii Hadraawi ayuu Saciid ku tarjumay afka Ingiriisiga ka dib markii uu codsi uga yimi meelo badan oo ay ka mid tahay xarunta tarjumaada ee Ingiriiska, ujeedaa Saciid Jaamac waxay tahay in uu adduunka u gudbiyo waxyaabaha wanaagsan ee uu leeyahay dhaqanka Soomaaliyeed oo xanbaarsan suugaanteena qiimaha badan.


- Maqaalada:
Runtii qoraalada oo  faraha badan ee uu aalaaba soo saari jirey qoraaga weyn Ina Jaamac waxaa ku diirsaday akhristayaal fara badan oo dunida dacaladeeda jooga, waxaa kale oo cuskaday oo ay qoraalada u noqdeen tiir weyn oo la waheshado iyo iftiin aqooneed oo lagu siraado dhowr mareeg oo qoraalada nuxurka leh lagu daabaco sida  Mareegyada:

-         Wardheernews

-         Gaaroodinews

-         Laashin

-         iwm

Waxaa muuqata in qoraa Saciid Jaamac uu qoraalka u arkayey quud iyo wahel aan la faaruqi karin, waayo muddo aad u dheer ayuuna marnaba ka nasan qorista maqaalaadka laga soo bilaabo waagii uu dowladda Soomaaliyeed u shaqeenayay ilaa intuu u soo hayaamay dalka dibadiisa , sida marka uu ku sugnaa magaalada Cadan ee dalka Yaman , iyo markii uu u soo wareegey cariga Ingiriiska. Haddii aanu wax ka tilmaamno qoraalada Saciid Jaamac Xuseen waxaa ka mid ah:

-         Tiraab-Curinta Toolmoon

waa qoraalo taxane ah oo lagu faafiyey mareegta Laashin.

Qoraalkiisa aad u dheer waxaa uu Saciid Jaamac ku bilaabay in: “ Afsoomaali sax ah oo qoristiisa la laasimo, hodonnimo af oo si weyn loo hanto, hab iyo hannaan toosan oo had walba la adeegsado, niyad iyo rabitaan aan marna la loodin karin oo la la yimaaddo, culimo hab-qoraalkaas ku xeeldheer, kuna caanbaxay oo hal-abuurkooda la aqristo oo casharro wax ku ool ah laga la baxo, farakuhayn had walba la caadaysto ayaa sal iyo saas adag u noqon kara sheeko-curinta “.

Intaasi waa dhowr tilmaamood oo ka mid ah qoraalka Saciid oo uu uga hadlayo marka tiraab-curinta la rabo in hawsheeda dhab loo galo.

Saciid sida uu sheegey waxaan uu u door biday in qoraalkiisa uu ilayska saaro dhawr arrimood oo dhabbada loo marayo hawshan culus.

Waxaa dhab ah in adeegsiga afka iyo qoristiisa saxa ah in wax badan laga yiraahdo

in kastoo qaybaha kale ee tababarkan si faahfaahsan u gudagelayaan qorista saxa ah ee Afsoomaaliga, misna waxaan u aragnaa in qormadan kooban fiiro gaar ah loo yeesho.

Saciid waxaa uu guud ahaan qormadiisaa ku muujiyey taariikhda dheer ee uu leeyahay Afka Soomaaliga iyo hodontinimada balaaran ee Afka Soomaaliga Illaahey ku manaysatey isagoo u soo bandhigay qormadiisa hab carsi ah oo laga dheehan karo inuu xanbaar yahay aqoon iyo baaritaan qoto dheer.

 - U kala gudubka odhaahda iyo qorista

Waa qormo kale oo uu Saciid Jaamac Xuseen  qoray, waxaa uuna qoraaliisa ku bilaawday sidatan:

Hadalka, Aqriska, iyo Qoristu waa saddex jaranjaro oo kala sarreeya.Waa saddex qaybood oo waxbarasho oo laysaga gudbo.Waa saddex heer oo dhaqan oo kala durugsan, gaar ahaan intay dhinaca awoodda ku kala taggan yihiin, ee bulshadu u kala suntan tahay.. Hadlaa.. Aqriste..iyo Qoraa.Ummad kasta aayaheeda, ilbaxnimadeeda, iyo awooddeeda waxaa laga garan karaa had walba sedka iyo saamiga ay ka kala hanato saddexdaas qaybood. Horumarkeeduna wuxuu si toos ah ugu xiran yahay isaga-gudubkooda kor u socda.

Qormada Saciid Jaamac oo tiyo leh waxaa uu gabagabadii ku tiiqtiiqsadan (erayga qoran) isaga oo tilmaamay muhimada ereyga qoran leeyahay, gunaanadkiina Saciid waxaa kuu ku soo gabagabeeyey : “ Xarafyada maroorsan, isku mareegsan, ee eryga qorani uu ka koobmaa ka sixir daran kun durbaan oo baar-cadde loo tumo, iyo kun dab-qaad oo fooxley mingis ku shiddo. Curinta, xardhinta, iyo farsamaynta Ereyga Qorani ka adag, ka qurxoon, maskaxdana kasoo jiidan og farshaxan kastoo ka muuqan kara qadiifadaha lagu fara-yaraystay ee dalalka Iiraan iyo kuwa kale ee bariga fog carwooyinka caalamiga ah la shir yimaaddaan. Hawsha ereyga qoran gasha waxaa isu dugsadey gacmaha, maanka, wadnaha, iyo rabitaanka nafta “.

Qofka aad u dhuuxa qoraalada Saciid Jaamac Xuseen waxaa u soo baxaysa in uu qoraagu aaminsanaa in wax qoristu ay leedahay tiirar ay ku taagan tahay, taana waxaa uu u arkayey in ay tahay mabaadi guud oo lagama maar maan u ah qoraaga. Wuxuu saciid u arkayey mabaadiida qoraal-curinta toolmoon inay tahay hilinka innagu hagaya, fududaynayana soosaarka curin toolmoon ha ahaato sheeko gaaban, tu dheer sida noofalka ama maqaalladaha wargeysyada iwm.

Qoraa Saciid oo tilmaamaya mabaadiidaas qaar ka mid ah waxaa uu sheegey inay ka mid tahay:

-         Dhalad iyo dhidid:

Saciid waxaa uu is weediiyey hibo loo dhasho oo dhaxal ah miyaa iyo mise waa waxsoosaar ku yimaadda dhidid iyo dedaal? Labada ba. Curinta qoraal toolmoon waa hibo ku duugan qofkasta. Ma jirto cid xuurto ku haysata oo looga haybadaysanayaa. Waxa se dhab ah oo waayaha laga bartay in hibada curinta qoraal toolmoon tahay boqolkii ba kow(1%), halka inta soo hadhay ee boqolkii ba sagaal iyo sagaashan(99%) ay tahay dhidid iyo dedaal. Sida dedaalka loo kala badsado ayaa curinta toolmoon guusha laga gaadhayo loogu kala horraynayaa.

-         Weydiin.

Saciid waxaa uu tibaaxay in weydiintu u tahay lama huraan qoraal curinta toolmoon, qofka si uu u helo xog waxaa ku haboon inuu weydiiyo waxa uu rabo, waayo aragtida Saciid waxay ku fadhidaa hadba inta goor ee aad weyddiin keento ayay ku xidhan tahay aqoonta aad shaygaas ka korodhsanaysaa.

-         Barbardhig:

Halkaan Saciid waxaa uu ku qanacsan yahay halbeegtu iney muhim tahay, sidaa darteed waxaa uu yiri Saciid:  “ ma jiro ama aqoon laga ma korodhsan karo wax aan lahayn halbeeg lagu cabbiro“. Saciid waxaa uu dulucdiisa daliil uga dhigtey erayadii abwaan Xasan shiikh Muumin oo oranaysay: “

Waa qaali malabkuye

qiimaha la siistiyo

inta xiiso loo qabo

idinku ba qiyaasoo

haddii aan qallooc jirin

miyaa qiri lahaydeen?”.

Saciid waxaa uu kula dardaarmey dadka wax qora oo uu ku yiri:  “ Ku dhegganow isbarbardhigga si aqoonta qofka, walaxda ama wixii aad qoraal curin toolmoon ka samaynaysaa u noqoto mid mug leh “.

-         Akhriska:

 Waxaa uu Saciid qorayaasha xasuusinayaa in ay wax akhrinta kordhiyaan , waxaa uuna kula tiraabay: “ badso akhriska si ogaalkaagu u ballaadho oo ugu baaho in ka fidsan, aad uga durugsan aagagga araggaaga iyo maqalkaagu dhugan karaan“.

Intaa kuma uusan ekaanin oraahdii Saciid ee waxaa uu hoosta ka xariiqay in weliba lagu dedaalo in qofku wax ku akhriyo af ama afaf kale oo aan kaagii hooyo ahayn. Garashada af qalaald kuu ma soo kordhinayo aqoontii ummadda afkaas ku hadasha oo keli ah ee waxa uu kuu keenayaa aqoomo kale oo laga soo dheegtay dhaqammo kale. Aqoon badan oo aan afka Soomaaligu cawo u yeelan in loo soo raro ayaa afafkaas kale laga korodhsan karaa.

-         Abtirsiin:

Qoraa Saciid waxaa uu arkaa – oo dhabtuna tahay – in curin kastaa ay ku aroorto abtirsiimo soojireen ah. Tusaalana waxaa uu u soo qaatay (Foodhida) afka laga yeedhsho oo uu tilmaamay iney ku abtirsanayso dhuun geed laga soo jaray loo qoray oo cod hallaasi ah samaysay, isu beddeshay saksafoon godad badan leh iyo waxyaabo kale oo maanta la adeegsado.

 Sheeko-Curinta iyo Saciid Jaamac ( Faras)

 


Labo tilmaamood oo muhim ah ayuu Saciid u sheegay qoraaga ku hoolan sheeko-curinta:

-         Dulucda Sheeko-curinta

Ugu horeyntii waxaa uu tilmaamay iney muhim tahay in qoraaga uu ka fakiro dulucda ama ujeeddada laga rabo inay maskaxda aqristayaasha degto oo ku hadho.

-         Dhiska Sheekada

Halkaana waxaa uu tilmaamay iney muhim tahay hannaanka iyo habraaca loo gudagelayo sheeka-curinta aad ayay u badan yihiin, wayna kala duwan yihiin; waxaana uu ku soo koobay Saciid dhowr arrimood oo kale ah:

a.     Bilowga Sheekada Gaaban:

Waa qaybta furitaanka sheekada.Sidaas awgeed, soo-jiidasho iyo xiisagelin aqristaha loogu talagalay waa inay ka muuqataa.

(b) Qaybta Dhexe:

Waa tan ugu muhimsan; waana tan ku saabsan daadihinta dhacdooyinka sheekadu ka kooban tahay. Waana isla tay ka wada muuqdaan shakhsiyaadka sheekada ku socoto.

b.    Dhammaadka – Gebagebada:

Qaybtan waxaa lagu tuuntuunsadaa si ay ujeeddada sheekada looga gol leeyahay ay maskaxda aqristayaasha baaqi ku noqoto.Qaybtani waa mid la timaadda tabo iyo xeelado aad u kala duwan, sida sheeko qorayaasha laftoodu u kala duwan yihiin. Badanaa waa mid aad u urursan, cajabna ku reebta aqristayaasha maankooda.

Run ahaantii waxaa qoraalka Saciid uu ku soo gudbinayo talooyinka ku aadan sheeko-curinta waxaa ka muuqata aqoon aad u fog oo uu ka soo dheehday qoraalo kale duwan oo ku qoran afaf kale duwan iyo khibradiisa aqooneed ee uu u leeyahay arrinkaa, waxaana uu u soo gudbiyey hab aad u sareeya oo caalami ah.

 -         xabaalaha

qoraa Saciid Jaamac waxaa uu qoraalkaan ku baahiyey mareegta Garoodinews, qoraalkiisana waxaa uu ku bilaabey oraah cajiib ah oo akhristuhu jug culus ku reebaysa. Saciid Faras wuxuu yiri:

Xabaaluhu way hadlaan ee dhegihii maqli lahaa ayaa awdan!

 Farriinta Toronto iyo caasimadaynta Hargeysa:

Qoraalkan waxaa uu soo baxay xagaagii 2014 kii, qoraaga oo markaa safar ku marayay magaalada Toronto ee dalka Kanada.

Dulucda ujeeeddadu waxay ahayd in Hargeysa, si kasta oo afarta beeni-jaho ay isku feeraariso, waddooyin, daaro iyo huteello casri ah laga furo, aanay misna ugu fillayn inay magaca caasimad qaadi karto inta arrimo dhowr ah maqan tahay. Arrimaha uu rabo in Saciid laga helo Caasimadda Hargeysa waa arrimo laf dhabar u ah nolosha bani`aadmiga oo aanay marna ka maarmin ummad kasta oo doonayso iney horay u marto. Saciid waxaa uu lato ku bixiyay in Hargeysa iyo wixii la mid ahba ay haboon tahay in laga helo  goobtii iyo xannaanadii ay ku kori lahaayeen facaadda dhalanaysa inta ay taabba-gal noqonayaan, waxaa uuna si kalsooni ah oo ay wadaimo ku jirto tibaaay jeer loo sii diyaariyo facaadda soo socota habkii, goobtii iyo xannaanadii ay ku kori lahaayeen inaan qaran suuban la noqon karin.

 Gabagabadii:

Xaqiiqdu waxay tahay in aanan marna laga dhargeynin qoraalada Saciid Jaamac Xuseen waayo akhristayaasha waxaa ay ku barteen qalin bilan, murti wax-ku-ool ah, iyo xiise aan marna damayn, waana sida uu ku soo if bixiyey qoraalladiisa. Qoraal-curinta toolmoon, gaar ahaan sheekada gaaban iyo maqaalka aad ugu tegaysid buugaagtiisa ‘Shufbeel’ iyo “Safar Aan Jaho Lahayn’ iyo midka kale ee ‘Ma Innaguun Baa!’ ayaana caddayn ugu filan inuu Saciid Jaamac Xuseen hab-curintaas hormood ka yahay.

Saciid Jaamac Xuseen (Faras) waa qoraa marna qoraaladiisa aanan ku hungoobayn, waxaa intaa u dheer in Saciid Jaamac uu wax ku akhriyo kuna qoro Afafka kale duwan sdia: Soomaaliga, Carabiga iyo Ingrisiiska, waxaase xusid mudan in Saciid ay seddexda afba ay isugu mid yihiin, laakiin uu doorbiday in uu bulshadiisa Soomaaliyeed waxa u qorayaayo uu kula wadaago afkooda hooyo.

Ugu danbayntii aqoonyahanadii isku dayey iney Saciid nooca uu yahay wax ka sheegaan waxay isu raaceen in Saciid Jaamac Xuseen yahay waayo arag wax badan u soo joogay, waayo arag jecel in waayihiisii iyo wixii uu u soo maray bulshada la wadaago.

Haddii Saciid bulshadiisa la wadaagay waaya aragnimadiisa ee uu soo maray, waxaa uu ku darsaday in uu ku dhiirigeliyo xogogaalka kale ee Soomaaliyeed in ay waayo aragnimadooda u soo gudbiyaan ummaddooda, taana si cad ayuu ugu tiraabi jiray qoraaladiisa isaga oo doorbidaya in dadka kalena ay uga hobboon yihiin in ay iyana la wadaagaan ummadda wixii xasuusqor ah ee ay hayaan.

Illaahay waxaan uga baryeenaa inuu danbigiisa dhaafo, isla markaana siiyo Jannatul Firdoos, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed oo idilna samir iyo iimaan ka siiyo,, aamiin.



[1] - Ka aqri aragtida aqoonyahanka Soomaayeed sida ay u arkaan Saciid mareegta Wardheernews cinwaanka : Saciid Jaamac Xuseen“Faras”- Haldoor Ku Dayasho Mudan Abril 22, 2020.