Saciid waxaa uu ku dhashay gobolka Sanaag gaar ahaan
dooxada la yiraahdo Yufle, abaarihii billowgii 1940 kii, markii uu gaarey afar
jir waxaa Ayeedii Cawo Faarax Odawaa Axmed ula soo dhooftey magaalada Cadan ee
dalka Yaman oo ay Soomaali badan degenaayeen waagaa, xiriir fiican oo qoto
dheerna ay labada bulsho ee Soomaalida iyo Yamanta ay lahaayeen. Intii uu ku
noolaa Yaman waxaa ka mas`uul ahayd barbaarintiisa iyo waxbarashadiisa ayeeydii
Cawo oo mar walba u hiilaneed wiilka ay ayeeyada u tahay inuu helo nolol fiican
oo qiimo badan, sidaa darteed koritaanka Saciid waxaa uu ahaa magaalada Cadan
oo uu wax ku bartey laga bilaabo dugsiga Quraanka iyo waxbarashadii kale ee
heerka hoose, dhexe iyo sareba lahayd oo uu dhammeeyey sanadkii 1960 kii.
Dabadeedna sanadkii 1961 kiiba Saciid waxaa uu ka shaqeeyey Cadan ilaa muddo,
shaqadiisii ugu horreysay waxaa ay ahaeyd shirkad lagu magacaabi jirey Shell
isagoo 20 jir ah. Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyey Saciid shirkada diyaaradaha
ee Cadan ( Aden airways) gaar ahaan dadka gacanta ku yahay qorshooyinka ay diyaaradaha
ku duulaan oo ah shaqo muhim ah oo la oran karo waa wadnihii diyaaradaha ay ku
duulaan, waayo waxaa uu Saciid xirfadaa u lahaa aqoon ka dib markii uu tababaro
arrinkaa la xiriira oo ku qaadan Cadan gudaheeda iyo dalka boqortooyada
Ingiriiska, markii ay tababarkii u dhammaateyna uu shaqo ka bilaabey shirkada
aanu soo sheegney.
Saciid xiriir fiican ayuu la lahaa bulshadii uu la noolaa
gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed oo uu ka ahaa xubin firfircoon jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku nooleed Cadan ilaa uu ka gaarey heer oo uu u noqdo xogeeyaha
guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed. Waxaase xusid mudan in Saciid muddadii uu
waxbaranaayey oo waqtiga fasaxyada soo aadi jirey dhankaa iyo dalkiisii hooyo
oo uu ku soo booqan jirey dadkiisa isagoo markab soo raaci jirey dabadeedna degedda
Barbara marka uu yimaado u sii gudbi jirey ilaa iyo Sanaag oo uu ku dhashay,
waxaa uuna caawinaad ka heli jirey macallimiintiisii Ingiriiska ahaa oo kula
talin jirey inuu dalkiisa aado.
Wixii ka danbeeyey sanadkii 1967 kii waxaa uu Saciid
Jaamac u soo wareegey dhanka dalkii Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho oo
uu si rasmi ah u degey halkaa, isagoo markaa iska tuuray baasaboorkii
Ingiriiska kuna bedeshay kii Soomaaliya.
Saciid waxaa uu dhex galay bulshadii ku nooleed magaalada
Xamar, waxaa uuna xooga saarey sidii uu u heli lahaa shaqo oo uu ka bilaabey
xirfadii uu lahaa oo ahayd diyaaradaha sidaa darteed waxaa uu xiriir la
sameeyey shirkadii diyaaradaha Soomaaliya (Somali Airlines), laakiin nasiib
xumo ma aysan jirin diyaarado waaweyn oo duulimaadyo xoogan ama fog fog leh,
sidaa darteed waxaa uu ku mashquuley sidii uu shaqo kale u heli lahaa, waxaa
uuna shaqo ka heley shirkad Ganacsi oo la oran jirey Ebes oo xafiis ku lehayd,
Xamar, Hargeysa, Neyroobi, Jabuuti iyo Cadan, shirkadaa oo keeni jirtey alaabaha
yar yar oo ay ka mid yihiin saabuunta, maacuunta, daawooyinka iwm oo ah
waxyaabaha dadka u baahan yihiin, waxaa uuna ku shaqeenayey shaqaale caadi ah,
taana uma aysan cuntameynin.
Muddo labo sano dabadeedna sanadkii 1969 kii waxaa uu
shaqo ka heley madaxtooyada Soomaaliya waqtigii uu kacaanka Curtey ka dib, sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey gobolada dalka.
Sanadku markuu ahaa 1975 kii waxaa looga yeeray magaalada
muqdisho dabadeedna waa la xirey isaga iyo koox kale oo lagu eedeeyey in ay
himilooyinka kacaanka ka soo horjeedaan, laakiin muddo markii uu xirnaa waa la
soo daayey, isla markaana waxaa la farey inuu shaqadiisii madaxtooyada ku soo
noqdo oo meeshiisa ka wato.
Markii uu qarxay dagaalkii sokooye ee Soomaaliya 1991 kii
waxaa uu Saciid dib ugu soo laabtey magaaladii uu ku barbaarey ee Cadan ee
dalka Yaman, halkaa ayuuna deganaa ilaa uu ka qarxay iyana dagaal sokeeyo oo
dhexmaray labadii qeybood ee Yaman ka dib markii ay midoobeen , laakiin khilaaf
xoogan ka dhex dhacay sanadkii 1994 kii.
Intii uu joogey Saciid magaalada Cadan waxaana uu xoogga saari jirey inuu ardadii
Soomaaliyeed ee halkaa joogtey la raadiyo waxbarasho jaamacadeed isaga oo
adeegsanaya xafiiska mucaarka Cadan oo xiriir fiican la ahaa dowlado dhowr ah
oo uu ka mid ahaa Midowgii Soofiyeeti, Siiriya, Yurub qeybo ka mid ah,
dadaaladaana waxaa ka soo baxay miro wanaagsan ka dib markii ay arday aad u
badan ay ka soo qalan jibiyeen jaamacadihii uu Saciid iyo saaxiibadii u direen
ardadaa.
Waxaa ay duruuftu ku kaliftey qoraa Saciid Jaamac Xuseen
inuu mar kale hadana qoxo oo u hayaamo qaaradda Yurub gaar ahaan dalka
boqortooyada Ingiriiska, ka dibna waxaa u suura gashay in xaaskii iyo caruurtii
ay iyana halkaa u soo safraan si ay meel ugu wada noolaadaan Saciid.
Kaalinta Saciid ee
dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed:
Qoraa aalaaba goob joog ka
ah kulamada aqooneed ee soo abaabulaan hardoorka Soomaaliyeed gudo iyo
dibadba, isaga oo ka qaata kaalin mug iyo muuqba leh, sida badanna ay
talooyinkiisa ay ku diirsadaan dhalinta Soomaaliyeed ee u ooman talooyinka
tolmoon ee ku aadan dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Waxay ahaataba, Saciid Jaamac wuxuu laf dhabar u ahaa isku keenista dadka Soomaaliyeed iyo doodista arrimaha dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Waxaa uu qeyb weyn ka qaadan jiray kulan dhaqameedka weyn ee lagu magacaabo toddobaadka dhaqanka Soomaalida (Somali Week Festival) oo sanad walba lagu qabto magaalada London, Saciid waxaa lagu tiriyaa inuu yahay tiirarka uu ku taagan yahay kulankaa aqooneed oo muddo badan socday laguna soo bandhigo aqoon badan oo ku aadan dhaqanka, fanka, suugaanta iyo afka Soomaaliga.
Dhinaca gudaha Geeska Afrika Saciid waxaa uu ka mid ahaa dadkii doorka weyn ka qaadan jiray bandhigyada buugaagta ka dhaca gobolka iyo kulumada dhaqanka iyo suugaanta.
Sidoo kale Saciid waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaalka iyo qabanqaabiyaalka ururka qoraaga ee hal-abuurka Soomaaliyeed ee lagu magacaabo (Somali Pen), taas oo uu howshoodu tahay ururinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga.
Waxaa meesha iyana ka maqneyn in Saciid Jaamaca ka mid ahaa ururka akaadeemiyad goboleedka af Soomaaliga oo loo soo gaabiyo (AGA), oo uu gudiga ururka ka mid ahaa, curinteeda iyo hirgelinteedana qeyb lixaad leh uu ka qaatey, Illaahay ha u naxariisto.
Qoraalada Saciid Jaamac Xuseen (Faras)
- Buugaagta:
Dhimaca qoraadada buugaagta, Saciid waxaa uu leeyahay buugaag dhowr ah oo ay ka mid yihiin:
-
Shufbeel
Waxaa buug ay
ku urursan yihiin sheekooyin, maqaalado, murti iyo majaajilooyin aan laga
daalin laguna daalin, aqristahana waxaa u soo baxaya oo uu miraayadda ka
daawanayaa qoraa Saciid halbeegiisa iyo qofka uu yahay dhab ahaantii, waayo
inkasta uu buugga xanbaarsan yahay murti, taariikh, dhaqan iyo suugaan, hadana
waxaad ka dheegan kartaa shakhsiyadda qoraaga iyo xaaladihii uu soo marey isaga
oo aanan ka tagin daruufihii iyo degaankii ku wareegsanaa. Buugga waxaa ka
muuqata in qoraagu uu isku tahay inuu aqristayaasha u soo gudbiyo dareenkiisa
xagga nolosha iyo dabeelihii taariikhda ee soo maray ummaddeena oo uu isaga ugu
horeeyo si murti ay ku jirto isla markaana uu wacyigeedii iyo kasmadiisii ugu
danbeysey uu qoraagu u soo gudbiyey dareenkaa. Waxaa buugga la daabacay sanadkii (2011 kii)
-
Safar Aan Jiho Lahayn
Qoraagu waxaa
uu ugu talo galey buugakan inuu ku soo bandhigo taariikh nololeedkiisii iyo
howlihii uu ka qeyb galay intuu uu garaadsaday laga soo billaabo lixdankii ilaa
iyo waqtiga uu buuggu qorayey Saciid, gaar ahaan waxaa uu ka sheekeenayaa
maamuladii dalka Soomaaliya ka jirey oo uu qeyb ka ahaa , qaar kalena uu
arrimahoodu xogogaal u ahaa oo ay la socoto wixii lagala kulmay maamuladaa oo
uu u arkey qoraagu in loo baahan yahay in la iftiimiyo gaar ahaan kuwii uu
qeybta ka ahaa si bulshada ay uga faa`iideysato. Qiimaha buugani leeyahay waxaa
weeye in uu qoraagu arrimaha uu ku soo qaatey buugiisa oo ka mid ah taariikhdii
uu dowladnimada Soomaaliya maamulkeeda qeybta ka ahaa inuu soo bandhigey isla markaana
uu ka ahaa goob joog, taa oo xoojineysa dhab ahaanta macluumaadka ku soo
aroorey buugga. Buugga waxaa la daabacay sanakii (2013 kii).
-
Ma innaguun baa!
Qoraagu waxaa uu buugiisa ku caddeynaa in
aysan suura gal ahayn in bulshadeenu aysan is go`doomin oo ay arkaan daruufaha
iyo xaaladaha ku weegaaran oo ay ku ekaanin oo kaliya degaankooda iyo waxa ay
gooni u leeyihiin oo qura, balse loo baahan yahay in caalamka aanu wax la
wadaagno, isaga oo arrinkaa iftiiminaya ayuu qoraagu dhinacyo badan ka tusinaa aqristayaasha
Soomaaliyeed iney u foog jiknaadaan nolosha dhabta ee loo baahan yahay iney la
qeybsadaan dunida inteeda kale oo aysan meel ku xirnaanin. Dulucda qoraaqu waxaa weeye inuu dadkiisii dood ka dhex dhaliyo sidii adduun weynaha
fariimaheena iyo gaar ah aanu ugu gudbin laheyn intii aanu meel go`doon ku
noqon lahayn, isla markaana sidii wax looga qaadan lahaa iyo habka aanu kula
dhaqmi lahayn, doodaas oo uu qoraagu u arko iney tahay tabta ugu fiican ee aanu
horumar ku goori karno isla markaana dhibaatooyin iyo hagardaamo badan aan kaga
baxsan karno.
Buugaan waxaa la
daabacay sanadkii 2018 kii, waxaana lagu daabacay madbacada Redsea
Cultural Foundation, Hargaysa.
- Qoraalo tarjumid:
Saciid Jaamac marka laga soo tago buugaagta uu qorey waxaa kale oo uu qabtay arrimo
xoojinaya aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyedeed sida inuu tarjumay qoraalo:
-
Qoraallada Anthon Chekhov
Waxaa uu ka mid yahay waxyaabihii uu tarjumay
Saciid Jaamac Xuseen, waana sheekooyin gaagaaban oo murti badan xanbaarsan oo
uu leeyahay qoraaga caanka ah ee u dhashay dalka Ruushka ee Anthon Chekhov,
adduunkana loo arko inuu ka mid yahay hormoodyada curiyayaalka sheekada. Waxaa
xusid mudan in qoraagaa uu leeyahay 800 oo sheeko taa oo loo tarjumay afaf badan
oo uu ka mid yahay afkeena Soomaliga ee uu tarjumay qoraa Saciid. Waxaa ku
wehliya Saciid tarjamada iyo xulashada qaar ka mid ah sheekooyinkii Anthon
Chekhov qoraasha kale ah Maxamed Cali Xasan (Alto) iyo Rashiid Shiikh
Cabdullaahi (Garweyne), dabadeed waxay ka soo xusheen oo ay tarjumeen toboneeyo
sheekooyin gaaban oo faa`iidooyin iyo xikmado xanbaarsan si ay uga
faa`iideysato bulshada Soomaaliyeed.

Saciid iyo qoraa Rashiid Gadhweyne
-
Maansooyinkii abwaan Hadraawi
Qaar ka mid ah maansooyinkii Hadraawi ayuu
Saciid ku tarjumay afka Ingiriisiga ka dib markii uu codsi uga yimi meelo badan
oo ay ka mid tahay xarunta tarjumaada ee Ingiriiska, ujeedaa Saciid Jaamac
waxay tahay in uu adduunka u gudbiyo waxyaabaha wanaagsan ee uu leeyahay
dhaqanka Soomaaliyeed oo xanbaarsan suugaanteena qiimaha badan.
- Maqaalada:
Runtii qoraalada oo faraha badan ee uu aalaaba soo saari jirey qoraaga
weyn Ina Jaamac waxaa ku diirsaday akhristayaal fara badan oo dunida dacaladeeda
jooga, waxaa kale oo cuskaday oo ay qoraalada u noqdeen tiir weyn oo la waheshado
iyo iftiin aqooneed oo lagu siraado dhowr mareeg oo qoraalada nuxurka leh lagu
daabaco sida Mareegyada:
-
Wardheernews
-
Gaaroodinews
-
Laashin
-
iwm
Waxaa muuqata in qoraa Saciid Jaamac uu qoraalka u arkayey quud iyo
wahel aan la faaruqi karin, waayo muddo aad u dheer ayuuna marnaba ka nasan
qorista maqaalaadka laga soo bilaabo waagii uu dowladda Soomaaliyeed u
shaqeenayay ilaa intuu u soo hayaamay dalka dibadiisa , sida marka uu ku sugnaa
magaalada Cadan ee dalka Yaman , iyo markii uu u soo wareegey cariga
Ingiriiska. Haddii aanu wax ka tilmaamno qoraalada Saciid Jaamac Xuseen waxaa
ka mid ah:
-
Tiraab-Curinta Toolmoon
waa qoraalo
taxane ah oo lagu faafiyey mareegta Laashin.
Qoraalkiisa aad u dheer waxaa uu Saciid Jaamac ku bilaabay in: “
Afsoomaali sax ah oo qoristiisa la laasimo, hodonnimo af oo si weyn loo hanto,
hab iyo hannaan toosan oo had walba la adeegsado, niyad iyo rabitaan aan marna
la loodin karin oo la la yimaaddo, culimo hab-qoraalkaas ku xeeldheer, kuna
caanbaxay oo hal-abuurkooda la aqristo oo casharro wax ku ool ah laga la baxo,
farakuhayn had walba la caadaysto ayaa sal iyo saas adag u noqon kara
sheeko-curinta “.
Intaasi waa
dhowr tilmaamood oo ka mid ah qoraalka Saciid oo uu uga hadlayo marka tiraab-curinta
la rabo in hawsheeda dhab loo galo.
Saciid sida uu
sheegey waxaan uu u door biday in qoraalkiisa uu ilayska saaro dhawr arrimood
oo dhabbada loo marayo hawshan culus.
Waxaa dhab ah
in adeegsiga afka iyo qoristiisa saxa ah in wax badan laga yiraahdo
in kastoo
qaybaha kale ee tababarkan si faahfaahsan u gudagelayaan qorista saxa ah ee
Afsoomaaliga, misna waxaan u aragnaa in qormadan kooban fiiro gaar ah loo
yeesho.
Saciid waxaa uu
guud ahaan qormadiisaa ku muujiyey taariikhda dheer ee uu leeyahay Afka
Soomaaliga iyo hodontinimada balaaran ee Afka Soomaaliga Illaahey ku manaysatey
isagoo u soo bandhigay qormadiisa hab carsi ah oo laga dheehan karo inuu
xanbaar yahay aqoon iyo baaritaan qoto dheer.
- U kala
gudubka odhaahda iyo qorista
Waa qormo kale
oo uu Saciid Jaamac Xuseen qoray, waxaa
uuna qoraaliisa ku bilaawday sidatan:
Hadalka,
Aqriska, iyo Qoristu waa saddex jaranjaro oo kala sarreeya.Waa saddex qaybood
oo waxbarasho oo laysaga gudbo.Waa saddex heer oo dhaqan oo kala durugsan, gaar
ahaan intay dhinaca awoodda ku kala taggan yihiin, ee bulshadu u kala suntan
tahay.. Hadlaa.. Aqriste..iyo Qoraa.Ummad kasta aayaheeda, ilbaxnimadeeda, iyo
awooddeeda waxaa laga garan karaa had walba sedka iyo saamiga ay ka kala hanato
saddexdaas qaybood. Horumarkeeduna wuxuu si toos ah ugu xiran yahay
isaga-gudubkooda kor u socda.
Qormada Saciid
Jaamac oo tiyo leh waxaa uu gabagabadii ku tiiqtiiqsadan (erayga qoran) isaga
oo tilmaamay muhimada ereyga qoran leeyahay, gunaanadkiina Saciid waxaa kuu ku
soo gabagabeeyey : “ Xarafyada maroorsan, isku mareegsan, ee eryga qorani uu ka
koobmaa ka sixir daran kun durbaan oo baar-cadde loo tumo, iyo kun dab-qaad oo
fooxley mingis ku shiddo. Curinta, xardhinta, iyo farsamaynta Ereyga Qorani ka adag,
ka qurxoon, maskaxdana kasoo jiidan og farshaxan kastoo ka muuqan kara
qadiifadaha lagu fara-yaraystay ee dalalka Iiraan iyo kuwa kale ee bariga fog
carwooyinka caalamiga ah la shir yimaaddaan. Hawsha ereyga qoran gasha waxaa
isu dugsadey gacmaha, maanka, wadnaha, iyo rabitaanka nafta “.
Qofka aad u
dhuuxa qoraalada Saciid Jaamac Xuseen waxaa u soo baxaysa in uu qoraagu
aaminsanaa in wax qoristu ay leedahay tiirar ay ku taagan tahay, taana waxaa uu
u arkayey in ay tahay mabaadi guud oo lagama maar maan u ah qoraaga. Wuxuu
saciid u arkayey mabaadiida qoraal-curinta toolmoon inay tahay hilinka innagu
hagaya, fududaynayana soosaarka curin toolmoon ha ahaato sheeko gaaban, tu
dheer sida noofalka ama maqaalladaha wargeysyada iwm.
Qoraa Saciid oo
tilmaamaya mabaadiidaas qaar ka mid ah waxaa uu sheegey inay ka mid tahay:
-
Dhalad iyo dhidid:
Saciid waxaa uu
is weediiyey hibo loo dhasho oo dhaxal ah miyaa iyo mise waa waxsoosaar ku
yimaadda dhidid iyo dedaal? Labada ba. Curinta qoraal toolmoon waa hibo ku
duugan qofkasta. Ma jirto cid xuurto ku haysata oo looga haybadaysanayaa. Waxa
se dhab ah oo waayaha laga bartay in hibada curinta qoraal toolmoon tahay
boqolkii ba kow(1%), halka inta soo hadhay ee boqolkii ba sagaal iyo
sagaashan(99%) ay tahay dhidid iyo dedaal. Sida dedaalka loo kala badsado ayaa
curinta toolmoon guusha laga gaadhayo loogu kala horraynayaa.
-
Weydiin.
Saciid waxaa uu tibaaxay in weydiintu u tahay lama huraan qoraal
curinta toolmoon, qofka si uu u helo xog waxaa ku haboon inuu weydiiyo waxa uu
rabo, waayo aragtida Saciid waxay ku fadhidaa hadba inta goor ee aad weyddiin
keento ayay ku xidhan tahay aqoonta aad shaygaas ka korodhsanaysaa.
-
Barbardhig:
Halkaan Saciid
waxaa uu ku qanacsan yahay halbeegtu iney muhim tahay, sidaa darteed waxaa uu
yiri Saciid: “ ma jiro ama aqoon laga ma
korodhsan karo wax aan lahayn halbeeg lagu cabbiro“. Saciid waxaa uu dulucdiisa
daliil uga dhigtey erayadii abwaan Xasan shiikh Muumin oo oranaysay: “
Waa qaali
malabkuye
qiimaha la
siistiyo
inta xiiso loo
qabo
idinku ba
qiyaasoo
haddii aan
qallooc jirin
miyaa qiri
lahaydeen?”.
Saciid waxaa uu
kula dardaarmey dadka wax qora oo uu ku yiri:
“ Ku dhegganow isbarbardhigga si aqoonta qofka, walaxda ama wixii aad
qoraal curin toolmoon ka samaynaysaa u noqoto mid mug leh “.
-
Akhriska:
Waxaa uu Saciid qorayaasha xasuusinayaa in ay
wax akhrinta kordhiyaan , waxaa uuna kula tiraabay: “ badso akhriska si
ogaalkaagu u ballaadho oo ugu baaho in ka fidsan, aad uga durugsan aagagga
araggaaga iyo maqalkaagu dhugan karaan“.
Intaa kuma uusan
ekaanin oraahdii Saciid ee waxaa uu hoosta ka xariiqay in weliba lagu dedaalo
in qofku wax ku akhriyo af ama afaf kale oo aan kaagii hooyo ahayn. Garashada
af qalaald kuu ma soo kordhinayo aqoontii ummadda afkaas ku hadasha oo keli ah
ee waxa uu kuu keenayaa aqoomo kale oo laga soo dheegtay dhaqammo kale. Aqoon
badan oo aan afka Soomaaligu cawo u yeelan in loo soo raro ayaa afafkaas kale
laga korodhsan karaa.
-
Abtirsiin:
Qoraa Saciid
waxaa uu arkaa – oo dhabtuna tahay – in curin kastaa ay ku aroorto abtirsiimo
soojireen ah. Tusaalana waxaa uu u soo qaatay (Foodhida) afka laga yeedhsho oo
uu tilmaamay iney ku abtirsanayso dhuun geed laga soo jaray loo qoray oo cod
hallaasi ah samaysay, isu beddeshay saksafoon godad badan leh iyo waxyaabo kale
oo maanta la adeegsado.
Sheeko-Curinta
iyo Saciid Jaamac ( Faras)
Labo tilmaamood
oo muhim ah ayuu Saciid u sheegay qoraaga ku hoolan sheeko-curinta:
-
Dulucda Sheeko-curinta
Ugu horeyntii
waxaa uu tilmaamay iney muhim tahay in qoraaga uu ka fakiro dulucda ama ujeeddada
laga rabo inay maskaxda aqristayaasha degto oo ku hadho.
-
Dhiska Sheekada
Halkaana waxaa
uu tilmaamay iney muhim tahay hannaanka iyo habraaca loo gudagelayo
sheeka-curinta aad ayay u badan yihiin, wayna kala duwan yihiin; waxaana uu ku
soo koobay Saciid dhowr arrimood oo kale ah:
a. Bilowga Sheekada Gaaban:
Waa qaybta
furitaanka sheekada.Sidaas awgeed, soo-jiidasho iyo xiisagelin aqristaha loogu
talagalay waa inay ka muuqataa.
(b) Qaybta
Dhexe:
Waa tan ugu
muhimsan; waana tan ku saabsan daadihinta dhacdooyinka sheekadu ka kooban
tahay. Waana isla tay ka wada muuqdaan shakhsiyaadka sheekada ku socoto.
b. Dhammaadka – Gebagebada:
Qaybtan waxaa
lagu tuuntuunsadaa si ay ujeeddada sheekada looga gol leeyahay ay maskaxda
aqristayaasha baaqi ku noqoto.Qaybtani waa mid la timaadda tabo iyo xeelado aad
u kala duwan, sida sheeko qorayaasha laftoodu u kala duwan yihiin. Badanaa waa
mid aad u urursan, cajabna ku reebta aqristayaasha maankooda.
Run ahaantii
waxaa qoraalka Saciid uu ku soo gudbinayo talooyinka ku aadan sheeko-curinta
waxaa ka muuqata aqoon aad u fog oo uu ka soo dheehday qoraalo kale duwan oo ku
qoran afaf kale duwan iyo khibradiisa aqooneed ee uu u leeyahay arrinkaa,
waxaana uu u soo gudbiyey hab aad u sareeya oo caalami ah.
-
xabaalaha
qoraa Saciid Jaamac waxaa uu qoraalkaan ku baahiyey mareegta
Garoodinews, qoraalkiisana waxaa uu ku bilaabey oraah cajiib ah oo akhristuhu
jug culus ku reebaysa. Saciid Faras wuxuu yiri:
Xabaaluhu way hadlaan ee dhegihii maqli lahaa ayaa awdan!
Farriinta Toronto iyo caasimadaynta Hargeysa:
Qoraalkan waxaa
uu soo baxay xagaagii 2014 kii, qoraaga oo markaa safar ku marayay magaalada
Toronto ee dalka Kanada.
Dulucda
ujeeeddadu waxay ahayd in Hargeysa, si kasta oo afarta beeni-jaho ay isku
feeraariso, waddooyin, daaro iyo huteello casri ah laga furo, aanay misna ugu
fillayn inay magaca caasimad qaadi karto inta arrimo dhowr ah maqan tahay.
Arrimaha uu rabo in Saciid laga helo Caasimadda Hargeysa waa arrimo laf dhabar
u ah nolosha bani`aadmiga oo aanay marna ka maarmin ummad kasta oo doonayso
iney horay u marto. Saciid waxaa uu lato ku bixiyay in Hargeysa iyo wixii la
mid ahba ay haboon tahay in laga helo
goobtii iyo xannaanadii ay ku kori lahaayeen facaadda dhalanaysa inta ay
taabba-gal noqonayaan, waxaa uuna si kalsooni ah oo ay wadaimo ku jirto tibaaay
jeer loo sii diyaariyo facaadda soo socota habkii, goobtii iyo xannaanadii ay
ku kori lahaayeen inaan qaran suuban la noqon karin.
Gabagabadii:
Xaqiiqdu waxay
tahay in aanan marna laga dhargeynin qoraalada Saciid Jaamac Xuseen waayo
akhristayaasha waxaa ay ku barteen qalin bilan, murti wax-ku-ool ah, iyo xiise
aan marna damayn, waana sida uu ku soo if bixiyey qoraalladiisa. Qoraal-curinta
toolmoon, gaar ahaan sheekada gaaban iyo maqaalka aad ugu tegaysid buugaagtiisa
‘Shufbeel’ iyo “Safar Aan Jaho Lahayn’ iyo midka kale ee ‘Ma Innaguun Baa!’
ayaana caddayn ugu filan inuu Saciid Jaamac Xuseen hab-curintaas hormood ka
yahay.
Saciid Jaamac Xuseen (Faras) waa qoraa marna
qoraaladiisa aanan ku hungoobayn, waxaa intaa u
dheer in Saciid Jaamac uu wax ku akhriyo kuna qoro Afafka kale duwan sdia:
Soomaaliga, Carabiga iyo Ingrisiiska, waxaase xusid mudan in Saciid ay seddexda
afba ay isugu mid yihiin, laakiin uu doorbiday in uu bulshadiisa Soomaaliyeed
waxa u qorayaayo uu kula wadaago afkooda hooyo.
Ugu danbayntii aqoonyahanadii isku dayey
iney Saciid nooca uu yahay wax ka sheegaan waxay isu raaceen in Saciid Jaamac
Xuseen yahay waayo arag wax badan u soo joogay, waayo arag jecel in waayihiisii
iyo wixii uu u soo maray bulshada la wadaago.
Haddii Saciid bulshadiisa la wadaagay waaya
aragnimadiisa ee uu soo maray, waxaa uu ku darsaday in uu ku dhiirigeliyo
xogogaalka kale ee Soomaaliyeed in ay waayo aragnimadooda u soo gudbiyaan
ummaddooda, taana si cad ayuu ugu tiraabi jiray qoraaladiisa isaga oo doorbidaya
in dadka kalena ay uga hobboon yihiin in ay iyana la wadaagaan ummadda wixii
xasuusqor ah ee ay hayaan.
Illaahay waxaan uga baryeenaa inuu danbigiisa dhaafo, isla markaana siiyo Jannatul Firdoos, ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed oo idilna samir iyo iimaan ka siiyo,, aamiin.
- Ka aqri aragtida aqoonyahanka Soomaayeed sida ay u arkaan Saciid mareegta Wardheernews cinwaanka : Saciid Jaamac Xuseen“Faras”- Haldoor Ku
Dayasho Mudan Abril 22, 2020.