Doorashada koofur
galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
5
![]() |
| Dr. Maxamed Xuseen Macall |
![]() |
| Marwo Aamino M. Mursal |
meel
gaarka ee koofur galbeed Baydhabo waxaad moodaa iney dib u
soo
iftiineyso haybadii siyaasadeed ee ay ku naaloon jireen degaanada koofureed waayadii
hore. Muuqaalka danjire Sayid Axmed sh Daahir, Saalax sh Cismaan, Morwo Aamina Maxamed
Mursal, Maxamed Adan Fargeeta, Adan Maxamed Nuur Saransoor, Yuusuf Macallin
Amin Baadiyow iyo Xuseen Xasan Cabdi Kushug iyo in kaleba waxaa lagu xasuusan
karaa halyeeyadii baalka dahabka ka galey taariikhda halgankii siyaasadeed ee
dalkeena, sida Suldaan Nasiib Buundo Shiikh Murjaan, Cabdulqaadir Saqawe- diin,
shiikh Xasan Barsane, Ustaad Cismaan, shiikh Cabdullaahi Bagadi, Prof.Cumar sh Cismaan iyo kuwo kale.
![]() |
| Prof. Cumar sh Cismaan |
Go`aanka
musharixiintani ay ku gaareen iney isu soo taagaan hogaanka sare waxay farxad ku abuurtey dad badan oo
quudareenayay in ay ka dhex arkaan maamulka soo socda dad mug weyn oo
aqoon iyo khibrad leh una qalma iney
wakiil ka noqdaan dadka Soomaaliyeed.
Aamino Maxamed Mursal oo mar soo noqotay wasiirka haweenka xilligii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo xubin baarlamaankii 9,aad ayaa sheegtey in wax weyn ka qaban doonto nabadda iyo is dhaxgalga bulshada oo ay dheer tahay sare u qaadida wax soosaarka beeraha iyo kheyraadka kale ee uu Illaahey ku siiyey dalkeena. Sumcadda Marwo Aamino iyo wax qabadkeeda waa mid hadda ka hor la soo jaribey, weyna mudan tahay iney noqoto gabadhii ugu horeydey ee Soomaaliyeed oo dowlad goboleed madax ka noqota.

Mudane Maxamed Adan Ibrahim Fargeeta oo ka mid ah musharixiinta aad ka loo war hayo ayaa ah nin subcad wanaagsan ku leh bulshada reer koofur galbeed oo la qeybsadey dhibaatooyinkii ay soo mareen, ka dib markii uu qeyb libaax leh ka gaystey taakuleenta dadkii ku waxyeeloobey dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii ay reebeen, isla markaana qeyb ka ahaa sidii dib loogu yagleeli lahaa horumarka warfaafinta qeybaheeda kale duwan si loo bidhaamiyo xaquuqda degaanada koofureed oo idil, runtii rajo badan ayaa laga leeyahay inuu mudane Fargeeto wax weyn qabto haddii uu ku guuleysto hogaanka, gaar ahaan wasiir Fargeeto waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay shakhsi waxqabad iyo karti dheeraad leh oo ay u dheer tahay aqoon waayo aragnimo.
Muuqaalka Injineer Saalix sh Cismaan waa astaan u taagan hogaan hufan oo soo jireen ah, mar walbana waxaa lagu xasuustaa saldanadii faca weyneyd ee in mudo ah hogaanka u haysey gobolada koofureed. Hido ka raaca ka sokow waxaa mudanaha uu qeyb weyn ka qaatey iftiiminta xaquuqda ay dadka Soomaaliyeed ee xoogsata leeyihiin mudo 30 sano ka dibna ku mashquulsanaa arrimaha ay ka mid yihiin hogaanka wanaagsan iyo cadaalad waarta, taa oo caalamka tustey arrimo ka daahsanaa in muddo ah. Qalinka mudane Saalax iyo qeelo dhaantiisa waxay kicisey dareen ku aadan in qofka Soomaaligu karaamo leeyahay lana dhowro rabitaankiisa. Mudadii uu ka tirsana golaha wasiirada xukuumadii hore waxaa dad badan ay ku barteen madaalo wax qabad badan, haatanna waxaa looga fadhiyaa inuu la soo baxo siyaasad horukac keenta soona celisa sharafkii iyo hankie ay laheyd ummadeena.
Danjire Sayid Axmed waa
rugcadaa aqoon iyo khibrad ay ku idlaatey oo ay u wehliso xushood iyo asluub
wanaag, taa oo la oran karo inuu higsanayo qows ahlu diin ah ee uu ka soo jeedo.
Sayidku kuma cusba galooyinka siyaasadda dalkeena ee waxaa uu ka soo mid noqdey
maamulada dowladda oo kale duwan muddo ku dhaw 40 sano isagoo lagu xasuusto
kaalintii uu ka qaatey dib abuurka xiriirka siyaasadeed ee dalkeena iyo saaxiibada
Soomaaliyeed ee Afrika gaar ahaan dalka ugaandha oo uu mudda badan safiir ah
ahaa.
Waxaana shaki ku jirin in
dhiifanaanta, geesinimada , xikmad wanaagga iyo biseylka siyaasadeed in ay
hormood u tahay hogaanka fiican
Arrimahaas oo dhan waxay dad
badan ka dhex arkaan mudanaasha Adan Maxamed Nuur
Saransoor, Yuusuf Macallin Amin Baadiyow iyo Xuseen Xasan Cabdi Kushug oo muddo
27 sano ku dhawaad gadaal ka riixayay horumarka iyo difaaca danaha dadweyaha
koofur galbeed isla markaana naf iyo maalba u horey oo ay u dheereed bidhaaminta
baahida loo qobo xoriyadda qofka Soomaaliga meel uu joogaba, gaar ahaan
degaanada koofur galbeed oo muddo dhibaatooyin ku habsadeen.
Kulanka musharixiinta
aanu soo tilmaamney iyo kuwo kaleba waxay
dib inoogu celineysaa xasuus weyn oo ku aadan kulamadii siyaasadeed ee
ka socdey magaalada Baydhaba horaantii shagaashameeyadii kaa oo lagu dhisay dowlad
goboleedkii ugu horeeyey dalkeena ee uu
madaxda ka ahaa abuukaato Xasan Sheekh Ibraahim Xasay, isla markaana oday iyo hogaamiye
sharafeedna ka ahaa rugcadaagii weynaa Cabdulqaadir Maxamed Adan ( zobe ),
Illaahey ha wada naxariisto.
Su`aashu
waxay tahay musharixiintaan oo magac iyo sharafba huwan ma laga yaabaa haddii
ay u hirgasho himiladooda iney si wadajir ah u wada shaqeeyaan si ay u dhacdo
dib u kabasho xoogan oo deg deg ah?.













