Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Laashin
Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta
Laashin waa hay`ad madax banaan oo ka shaqayso ururinta iyo kobcinta dhaqanka, suugaanta iyo qaraalada tayada leh ee tolmoon, saldhigeeduna waxaa weeye magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.
- - Bandhig buugaag
- - Barnaamijyo ku
saabsan horumarinta dhaqanka iyo suugaanta
- - Falanqeynta
buugaagta
Mareegta Laashin:
Laashin waxaa hoos yimaada mareeg (wabside) lagu magacaabo (Mareegta Laashin), taa oo la aas aasaay sanadkii 2014 kii. Runtii mareegta waxaa lagu ururiyaa buugaag, qoraalo iwm, kuwaas oo u gaar ah arimaha dhaqanka iyo suugaanta soomaaliyeed.
-
Madbacad Laashin:
Madbacadda waxaa la aas aasay 2017kii waxaana lagu soo biiriyey hay`adda Laashin. Madbacaddu waxay soo saartaa buugaag kuwaas oo aalaaba xoogga saara arimaha ku saabsan
dhaqan, suugaanta iyo afka Soomaaliyeed.
Waxay kaloo
madbacadda suug gaynsaa waxyaabihii ay daabacday oo qoraalo ahaa.
Buugaagta ay
daabacday madbacadda Laashin:
Laashin waxay ku
guuleysatey iney soo saarto buugaag tiro ah oo tayo leh muddadii yareyd ee
jirtey, waxaana ka mid ah buugaagtaa:
Buuggaa waxaa ku
fara yareystey abwaan suugaanyahay ah isla markaana qoraa ah, waa abwaan Bashiir Maxamed Xirsi,
waxaana la daabacay sanadkii 2017 kii.
-
Jamashada haweenka
Jamashada haweenka waxaa qoray Ibraahim Cismaan Afrax , waana buug
xambaarsan murti iyo maax badan kana hadlaya, habka is afgarashada iyo
heshiiska lammaane, waa buug si weyn oo qota dheer uga hadlaya, habdhaqanka
bulsho iyo kala duwanaanta labada Jinsi ee labka iyo dhediga. Buugga waxa la
daabacay sanadkii 2017 kii.
- Sirta guusha
Sirta Guusha waa buug uu qoray oo maankiisa ka shaqeysiiyey qoraa Xasan
Mudane , waxaa uuna ka hadlaya dhiirigelinta qofeed iyo kor u qaadista hiigsiga
nololeed, gaar ahaan marka dib loo jaleeca qoraaga buugga oo ah aqoonyahay
cilmi baare kana shaqeeya dhanka waxbarshada oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka
Soomaaliya. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.
Buugakan waa sheeko maan curis ah oo ka hadlaysa waayihii iyo noloshii Samatar yare.
Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii, waxaana qoray buugga qoraa Cabdiraxiim Holowle
Galeer.
Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa uu ka mid yahay buugaagta qiimaha badan ee uu qoray qoraa sare Prof Cali Jimcaale Axmed oo ah qoraa laga wada yaqaano goobaha aqoonta ee dunida, waana buug sheeko faneed iyo Af aqoolnimoba ku dhan tahay lehna xiiso gaar ah. Buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.
Buugga Godob iyo
Galad waa buug ka hadlaya dhacdooyin badan isa sudhan, waxaana buugga si
weyn uga hadlaya, Abaalka iyo gargaarka bulshada u baahan garabka, Garsoorka
iyo godobaha aadanuhu kala galo oo ugu dambayn dhaxalsiiya nabsigu inuu ku
ciiro midkii gaystay gabboodfalka. Waxaa qoray Barbaariye Qoraa Xuseen
Maxamed Cabdulle(Wadaad). Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.
Waa buug ka hadlaya
Afka, higgaada, dhigaalka toolmoon, waxaa qoray Barbaariye Bashiir Cali Xuseen,
waxaana la daabacay sanadkii 2018 kii.
Gacal iyo Gayaan waa
buug uu qoray Xasan Cabdulle Calasow ( Shiribmaan).
Buugga waa sheeko
loo curiyey hab uu farshaxankeedu sarreeyo, sheekadu waxa ay gudbineysaa
farriimo badan, aragtiyo mug leh iyo ilbaxnimo aad u fog, kol waa dhaqan iyo
hidde suubban, kol waa murti iyo suugaan, kol kalena waa af-barid iyo eray
bixin, kolna waa ujeed kale oo intaas ka weyn oo yoolkeedu yahay farriin dadban
oo uu qoraagu ku gudbinayo xaddaarad soomaalinimo oo aad u qiimo weyn, waxaa la
daabacay buugga sanadkii 2019 kii.
Kaymadoow waa buug
uu qoray qoraa Cabdullaahi Macallin Siyaasi.
Kaymadoow waa buug
sheeko ah oo ka hadlaya waayihii abaartii dabadheer saameyntii ay ku yeelatay bulshada
rafaadkii iyo raxanraadkii la soo maray, gaar ahaan gabadh bulshada ka mid
ahayd oo uu ku reebay raad laguna naaneysay iyadoo ayaan xumo iyo bacownimo
lagu tilmaamayo Kaymadoow. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2019 kii.
- Waayihii Warsame
Buugga Waayihii Warsame waxaa qoray qoraa Cali Maxamed
Diini, waana buug hab sheeko ah loo soo bandhigey. Buugga waxaa la daabacay
sanakii 2019 kii.
Buugaagta ay soo saartey hay `adda Laashin waxaa kale oo
ka mid ah:
-
Qaamuuska Casriga ee
Maah maahda Soomaaliyeed 2020 kii Goerge..
-
Qarbadoob 2020 kii,
qoraa Cabdiraxiim Hilowle Galeer.
-
Gardaadiye 2020 kii,
qoraa Xasan Cabdulle Calasow ( Shirmaan).
-
Darajo iyo Xil yaa
mudan 2021, qoraa Bashiir Cali Xuseen.
-
Gar iyo gardhaqsi
2021 kii, qoraa Cabdalla Daamey.
-
Laabta ka soco, 2021
qoraa Xuseen wadaad.
Run ahaantii
hay`adda Laashin horumarka ay ka gaartay kor uqaadista dhaqan iyo suugaanta Soomaaliyeed
kuma imaanin si fudud ee waxaa dalaalo badan ku bixin in mudo ahna u huran
waqtigooda iyo maankooda aqoonyahano Soomaaliyeed oo isku xilsaaray in ay
kaalintooda ku aadan horumarinta iyo tisqaadka suugaanta, afka iyo dhaqankaba
ay ka qaataan, muujiyaanna in ay yihiin qayb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee
ku firirsan daafaha aduunka.
Hay`adda Laashin waa hay`ad ama urur weyn oo howl
ballaaran qabtey, waxaana arrinkaa suura galiyey aqoonyahayno badan oo lab iyo
dhedigba leh, isla markaana ka kale tirsan qeybaha ay hay`addu u dhisan tahay,
waxaana xaqiiqa ah in horumrka iyo faa`iidooyinka ay Laashin ku soo kordhisey
dhaqan, hidaha, suugaan iyo afka Soomaaliyeed aysan suuro geli lahayn haddayna
jirin dad gadaal ka riixaya oo maal iyo maskaxba u huray. Annaga oo og arrinka
ayaanu qormadeena ku tilmaameynaa oo kaliya madaxa Laashin oo ah Xuseen Maxamed
Cabdulle (Xuseen Wadaad), isaga oo tusaale u ah howlwadeenada kale ee hay`adda.
Xuseen Maxamed Cabdulle (X. Wadaad)
Xuseen maxamed cabdulle jimcaale oo ku magac dheer xuseen wadaad waa Madaxa hay`adda Laashin oo markii labaad la doortay. Xuseen waxaa uu leeyahay khibrad oo uu kala kulmey nolol maalmeedkiisii intii uu dhalinyarada ahaa, isaga oo bulshada u soo qabtey howlo kale duwan, yaraantiisiina waxaa uu ku biirey ururkii dhalinyarada ee gobolka banaadir, isla markaana ka mid noqday gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada kacaanka soomaaliyeed.
Xuseen Wadaad wixii ka danbeeyey sanadkii 2009 kii waxaa uu u soo safray woqooyiga Yurub gaar ahaan dalka Sweden oo uu ilaa iyo hadda degen yahay, gaar ahaan magaalada Katrineholm.
Qoraalada Xuseen Wadaad:
Dhinaca qoraalada waxaa uu Xuseen Wadaad qori jiray
maqaalo mowduucadooda kale duwan yihiin inkastoo ay u badnaayeen qoraalada
ifinaya arimaha bulshada iyo dhaqanka, qoraalada noocaas ah waxaa kale oo aysan
ka marnayn kuwa la xiriira dhanka siyaasada. Qoraalada waxaa uu bilaabay
sanadkii 1976 Kii dhamaadkiisii oo uu ku qori jiray wargayska Xiddigta oktoobar
oo ahaa wargeys ay maamulkiisa gacanta ku hayso dowladdii Soomaaliyeed ee uu
hogaanka u hayey golihii sare ee kacaankii 21 oktoobar.
Waxaa kale oo uu
ahaa Xuseen Wadaad falanqeeye riwaayadaha , arimaha dhaqanka, bulshada iyo
siyaasadda.
Qoraalada buugaagta
daabacan:
Qoraa Xuseen Wadaad
inkastoo uu ku guuleystay inuu qoro dhigaalo dhowr ah oo kale duwan hadana
buugaag ahaan kuwa daabacan sidaa uma badna marka laga eego qoraaladiisa sida
ay u badan yihiin, laakiin waxaa u suuro galay inuu soo saaro dhowr ka mid ah
dhigaaladiisa tolmoon gaar ahaan buugaagta sida:
- Qodob iyo qalad, Waxaa lagu daabacay Sweden madbacada Laashin, 2018 kii
- Laabta ka soco ( dareen iyo garasho), Waxaa lagu daabacay Sweden madbacada Laashin ,2021 kii.
Waxaa kaloo jiro
buugaag aan wali la daabacin oo diyaar ah sida:
- Kulalihi, waa qayb ka mid ah waxaa lagu faafiyey mareegta Laashin.
- Ka daran baa dadan ( sheeko), waa qaybo ka mid ah sheekadaan waxaa uu ku soo bixi jiray wargayskii xiddigta Oktoobar ee Muqadisho – Soomaaliya.
- Filowaa iyo uur kutaalo ( sheeko), waa qaybo ka mid ah sheekadaan iyadana waxaa ay ku soo bixi jirtay wargayskii sanadleha ahaa ee uu ururka dhalinyarada kacaanka Soomaaliyeed lahaa, waxaana tafatire ka ahaa muddo Xuseen Wadaad.