Wednesday, 22 June 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)




Looh press 

Looh Press waa shirkad madax banaan oo lagu aas aasay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Leicester sanadku markuu ahaa 2012kii. Looh Press waxay ku bilaabatey iney buugaagta daabacdo, dabadeedna u xuubsiibatey horumarinta iyo kor u qaadida aqoonta la xiriirta buugaagta, diinta, afka, taariikhda iyo dhaqanka. Inta aanan u gudo gelin ka hadalka Looh Press waxaa haboon inaanu sheegno ugu horeyntii hormoodka iyo laf dhabarba shirkadda inuu yahay Ustaad Maxamed Cabdullaahi Cartan oo degen waqtigaan magaalada Leciester ee dalka boqortooyada Ingiriiska.

              Maxmed Cabdullaahi Cartan

Haddii aanu wax xoogaa ah ka sheegno dadaalada uu Maxamed Cabdullaahi Cartan sammeeyey oo fara badan waxaa xusid mudan inaanu tilmaamno in ay Maxamed u suuro gashay inuu aas aaso shirkad iibisa Buugaagta, isla markaana waxaa uu ku biiray xarun lagu barta warfaafinta gaar ahaan Maqalka iyo Muuqaalka oo uu ka helay shahaado muddo hal sanad ka dib.

Sidoo kale waxaa uu diyaariyey Maxamed shahaado Macallinimo ah oo xiriir la leh waxbarashada oo uu ku shaqeeyey in muddo ah.

Maxamed Cabdullaahi Cartan waxaa uu taagey shirkad lagu magacaabo shirkadda Nuur ee warbaahinta, taas oo howlaheeda ahaa:

-         Diyaarinta barnaamijyada diinta.

-         Qabashada tababarada la xiriira barashada diinta.

-         Qabashada daruusta gaarka ah.

-         Kor u qaadida garaadka dhalinyarada.

Run ahaantii dadaalada Maxamed Cabdullaahi Cartan kuma koobno oo kaliya aas aasidda shirkadda Nuur, ee waxaa kale oo uu dhidabada u dhigay Maxamed  shirkad lagu magacaabo Looh Press sanadku markuu ahaa 2012kii, ka dib markii uu si fiican ugu fikiray oo uu arkay baahida weyn ee loo qabo shirkad noocaas oo kale ah.

Waxay ahaataba xarunta shirkada Looh Press waxay noqotey degaanka Maxamed ee magaalada Leicester ee boqortooyada Ingiriiska, waxayna shirkaddaa ka mid noqotay shirkadaha ugu firfirnoon muddo yar ka dib, waxaase isweydiin mudan: Maxay tahay shirkada Looh Press oo ay qabataa?

Waxaa jira ujeedooyin la xiriira shirkada Looh Press oo loo aas aasay, sida: 

-         Kor u qaadida wacyiga ummadda gaar ahaan dhilinyarada iyo caruurta.

-         Daabicidda buugaagta kale duwan luqadda ay rabaan ha ku qornaadaan.

-         Iibinta iyo dirista kutubta ay shirkadda daabacdo.

-         Iibinta iyo qeybinta kutubta cilmiga diiniga ee looga baahan yahay Yurub.

-         Ka qeyb galga dabaaldagyada cilimiga iyo dhaqanka ee gudo iyo dibadaba.

-         Ka qeyb qaadashada bandhigyada buuuggaagta ee dibad iyo gudaba.

-         Tafatirka iyo qaban qaabada buug soo saaridda.

-         Wada shaqaynta ha`adaha aqoonta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dabadiisa.

Daabacaadda buugaagta

Dhanka daabacadda buugaagta shirkadda Looh Press waxay daabacday buugaag aad u tiro badan oo leh qeybaha kale duwan ee cilmiga sida:

-  taariikhda

-  luqada

-  suugaanta

-  dhaqanka

-  diinta iwm.

Waxaa xusid mudan in ay shirkadda ay xiriir aad u sareeya la leedahay qorayaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ugu caansan waqtigaan sada Proff Cabdalla Cumar Mansuur iyo Axmed Faarax Taano (Idaajaa) oo ay shirkaddu dhowr buugaag u daabacday. 

Haddii aanu wax ka tilmaamno buugaagta ay shirkadda Looh Press ay daabacday annaga oo aanan soo koobeynin dhammaan buugaagtii ay shirkada daabacday, waxaanu oran karnaa waxaa ka mid ah:

- Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed,Cabdalla Cumar Mansuur.

- Qaamuuska Af Soomaaliga: iyo Naxwaha Af Soomaaliga oo Kooban, Cabdalla Cumar - Mansuur.
- Barashada Naxwaha Af Soomaaliga (Daabacaaddii 2aad), Cabdalla Cumar Mansuur.
- Ismaaciil Mire: Gabyaagii Halgamaaga Ahaa (1856-1952) Axmed F. Cali Idaajaa.
- Dabkuu Shiday Darwiishkii - Riwaayad , Axmed F. Cali Idaajaa.
- Silsiladda Xulka Suugaanta Soomaalida: Qeybta 1 Axmed F., Cali Idaajaa.

- Taariikhda Culimada Soomaaliyeed, Maxmed Xuseen Macallin.

- Shiicada, Cabdulqaadir Cabdulle Diini.

- Gunaanad (Ummulraac) Cabdulqaadir Cabdulle Diini.

- Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya?, Cabdulqaadir Cabdulle Diini.

- Mar La Arag: Sheekooyin Gaagaaban, Faarax Xuseen Maxamed.

- Sahankii Ricahard Burton ee Bariga Afrika,  Boodhari Warsame.

- Wiilkii Quusan Waayey: Xusuusqorkii Ololahii Qaaddiid, Abuukar Cawaale.

- Iyo kuwo kale.


Buugaagta ay shirkadda Looh Press daabacday kama marna buugaag ku qoran afafka kale sida afka Carabiga, waxaana ka mid ah buugaag horey loo daabacay sida:

الثقافة العربية وروادها في الصومال، دراسة تاريخية حضارية، لمحمد حسين معلم، الطبعة الثانية، لستر - بريطانيا، 2021م.

 المذهب الشافعي في بلاد الصومال: جذوره وتطوره، لمحمد حسين معلم،  الطبعة الثانية، لستر - بريطانيا، 2021م.

 Waxaa iyana jirta buugaag shirkadu daabacdey oo ku qoran afka Ingiriisiga, sida: 

- The History and Development of the Somali Script , Suleiman Geddi Qayad.

- Somalia the untold history 1949 - 1960, Mohamed Trunji.

Waxaa kale jirta buugaag ay wada daabaceen shirkada Looh Press iyo shirkado kale sida.

   
 
  

  


   


Shirkada Looh Press iyo bandhigyada buugaagta

Shirkada Looh Press sida shirkadaha Soomaaliyeed oo kale oo isku xilqaamay uruurinta iyo kor u qaadidda aqoon  waxay aalaaba ka qeyb qaadataa barnaamijyada bandhigga buugaagta ee lagu qabto gudaha Ingiriiska iyo wixii ka baxsaba sida kuwa lagu qabto Geeska Afrika (Hargeysa, Muqdisho iwm):

Waxaa uu sanadkii ugu danbeeyey ee 2021 ay Looh Press ka qayb qaadatay bandhigyada dhaqanka iyo buugaagta sida:

-         Bandhigii dhaqanka ee Leicester uk, oktoobar 2021.

-         Bandhigii Kayd ee dabaaldegga oddobaadka Somalida , London, Uk, oktoobar 2021.

-         Bandhigaa buugggaagta Muqdisha (1 – 3 desember 2021)

 
  
 
Carwada Buugaagta ee Muqdisho ee la qabtay intii u dhexeesey 1 -3 desember 2021 sida badan hayàdaha iyo xarumaha Yurub ( Scandaniva iyo UK ) waxay ka ahaayeen qayb weyn, isla markaana wey ka muuqdeen wax soo saarka aqooneed.

Horumarka iyo wax soo saarta shirka Looh Press waxaa hormood u ah ustaad Maxamed Cabdullaahi Cartan, sida aanu soo tilmaamney. 

 

 

 

 

Saturday, 18 June 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)




Somali Galool iyo Iftin Network


Si aanu u ogaano qiimaha iyo heerka wax soo saarka hay`adda Somali Galool iyo Iftin Network waxaa haboon in aanu ogaano marka hore tiirka udub dhexaadka ah ee ka danbeeya labadaa hay`adood. In kasta oo ay dhowr aqoon yahay oo dumar ah ay dhidibada u aaseen hay`adda Soomaali Galool, hadana waxaanu og nahay in maskaxda ka danbeysa ay ahayd Marwo Saynab Adan Sharci, sidoo kale ayuu ahaa aas aaskii Iftin Network. Waxay ahaataba Saynab waa qoraa, macallin, tababare ku mashquulsan tarbiyadda iyo caawinta ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan dhanka diinta, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed. Si ay ugu suuragasho himiladeeda waxay curisey dhowr buug iyo baraamijyo ku aadan kobcinta afka hooyo iyo maaweelada caruurta.



                Saynab Sharci


 

Saynab iyo dhallaanka Soomaaliyeed

Waxaa aad iyo aad u yar dadka u ololeeya horumarka dhaqanka iyo afkeena hooyo, Saynab waxay ka mid tahay nasiib wanaag dadka aadka u yar oo u halgama kor u qaadida iyo xoojinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee waafaqsan shareecadeena Islaamka.

Maadaama ay ku dhalatey kuna barbaartey Saynab dhul shisheeye oo ka fog dhulkii ay ka soo jeedey, kama maqneyn dareenkeeda dhibaatada uu qurbuhu leeyahay,  sidaas darteed waxaa ku weynaa Saynab mar walba in dhalaanka Soomaaliyeed ee jooga qurbaha ay helaan waxyaalaha ay u baahan yihiin oo ay ugu weyn tahay diinta, dhaqanka iyo afkooda hooyo.

Dareenka Saynab ka guuxayay ayaa waxaa ka dhigey qof mar walba u jeelan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed ee qurbah,a gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada. Arrinkaana waxaa kuu cadeenaya buugaagta ay qortey Saynab oo ay ugu talo gashey  da`yarta u dhexeysa 6 jir ilaa 16 jir.

 


Saynab iyo Iftin Network

Waxqabadka Saynab ee ku aadan dardar gelinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka waxaa la oran karaa waa mid ku yimid dareenkeeda Soomaalinimo, la yaabna ma leh in ay Saynab walwalkeeda ku aadan mustaqbalka caruurta uu gaarsiiyo iney samayso hay`ad ka shaqeysa waxbarashada caruurta 6 jir ilaa 16 jir. Sidoo kalena la yaab ma leh in Saynab ay arimahaas ay ku fikirto ama isku taxluujiso isla markaana ka shaqeyso iyadoo ay ku dhalatay kuna barbaartey qurbaha gaar ahaan dalka Ingiriiska – sida aan hore u soo sheegnay – waayo waxaa ay ka soo jeedaa hooyo iyo aabe ku gaamurey diinta Islaamka markastana ku dadaali jirey sidii caruurtooda ay ugu barbaari lahaayeen dhaqan suuban iyo diin saalax ah. 

Sanadkii 2000 waxay Saynab dhidabada u aastay hay`ad ay ugu magac dartey Iftin Network oo ay xarunteedu ahayd magaalo madaxda London ee dalka Ingiriiska, waxaana la waday howsha  Safiay Aadan Shirci iyo Ixsaan Maxsamed Cali Gaydh.


Ujeedada ka danbeeysa aas aaska hay`adda Iftin Network waxaa weeye inuu ahaado urur bulshada u shaqeeya gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada Soomaali iyo dadyowga kale ee degaanka ku sugnaa sida: Morookaan, Aljeeriyaan, Afgaanistaan iwm.

Sida badan dhaqdhaqaaqa dhaqanka iyo diinta ee uu ururka Iftin Norwork ku howlanaa waxaa ay ahayd maalmaha fasaxyada ee sabtida iyo axadadda, waxaana ka soo qeyb galayey caruurta u dhexeysa da`dooda 6  - 16 sano. Caawinta waxay ku aadaneyd afar maado oo uu ugu horeeyo Quraanka Kariimka iyo afka Soomaaliga, Carabiga iyo daruus la xiriirta barashada diinta Islaamka, laakiin maalmaha kale waxaa uu ururku ku howlanaa barista iyo caawinta maadooyinka Ingiriiska , xisaabta iyo sayniska. Waxaa la oran karaa ururka Iftin Network waxaa uu wax ka qabtey baahida caruurta ee ku aadanayd diinta iyo dhaqalkooda.

  

Howlwadeenada Iftin oo ay ugu horeyso Saynab waxaa ay qaateen tababaro la xiriira dhanka macallinimada oo ay ka qaateen jaamacadda Metropolitan oo ku taalay Hollowey ee magaalada London, sidoo kalena waxaa ay wada shaqeyn ka dhaxeysey dugsiyada. Si ay shaqadooda u sugaan waxaa ay xafiisyo gaar ah ku yeesheen dugsiyada ay wada shaqeynta ka dhaxeysey.

Waqtiyada fasaxa ah hay`adda Iftin Network waxay  ku dadaali jirtey in caruurta la geeyo fasaxyo oo ay ku sameeyaan waxyaalo naftooda raaxo geliya sida ciyaaraha, dabaasha iwm. 

 

Galool Somali

 


Galool Somali waa hay`ad madax banaan oo la aas aasay sanadkii 2009 kii, waxaana sabab u ahaa baahida caruurta ay u qabaan in ay bartaan meesha ay ka soo jeedaan gaar ahaan caruurta da`doodu u dhexeyso 6 – 16 jir.

Hay`adda Galool Somali waxaa ay ka shaqeyneysey arrimo badan, waxaana ka mid ah:

-         Barista afka Soomaaliga

-         Buuggaag la qoro oo afka hooyo lagu qoro

-         Daabacaadda buuggaagta

-         Wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed

-         Tarjumaad la tarjumo buugaagta qaarkood


Turjumaadda runtii waa talaabo kale oo ay Saynab Aadan Sharci ku tallaabsatey oo dhanka wax soo saarka ku aadab, taa oo ay uga gol lahayd in ay afka hooyo ku tarjumto buugaagta ay u arkaysay in ay ka faa`iidaysan karaan aqristayaasha, sidoo kale Saynab waxay afka Ingiriiska ku tarjumtay buugaag ku qoran afka Soomaaliga si ay uga faa`iidaystaan dadyowga ku hadla afka Ingiriiska.

-          

Qoraalada Saynab


 

-         Daadah 1-2

  

-         Sheeko xariiro 1 – 5

-         Ardaa


Buugga danbe waa midka kooban dhowr taxane  sida: 


* ma dharge Dhurwaa

 


Waa sheeko ka tarjumaysa afar waraabe ama dhorwaa oo uu Illaahey nimco siiyey hadana aanan nimcadoodii daraynsaneyn oo cabanaya.

  

* Libaax iyo Dabagaalle

* Daadax iyo qaar kale oo badan.

  

Buugaagta ay daabacday hay`adda Galool kuma eka oo kaliya buugaagta ay Saynab qortey, belse waxaa iyana jira buugaag kale oo ay qorayaal Soomaaliyeed soo saareen, waxaan ka mid ah buugga:

 

-         Wadajir Baa Awood Leh

  


Buugga Wadanjir baa Awood leh waxaa uu ka mid yahay taxanaha Ardaa, waxaana qoray qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon, waxaana daabacday hay`adda Galool Somali , London.

 

     Saynab, Saciid Jaamac, Abtidoon, Ayaan iyo Cartan

 

 

Wednesday, 15 June 2022

الأحباش والسود في التراث العربي في العصور القديمة والإسلامية الزاهية(5)





 الحبشة والمصادر العربية

وقبل الحديث عن المصادر العربية التي تناولت أخبار الحبشة، نشير إلى أنّ عموم المصادر والمراجع – كما هو معروف – ليست متساوية وأنّ منها مصادر أولية وأخرى ثانوية، كما أنّها – أي الصادر – تتفاوت وليس لها لون معين، تبعاً لما تحتويه من مادة تاريخية أو علمية أخرى. ومهما كان، فإنّ المصادر لها أهمية كبيرة، وهناك مقولة مشهورة بين الباحثين في التاريخ وهي ” لا تاريخ بلا مصادر” مما يعني أهمية المصادر التي يعتمد عليها الباحثون في أي فنّ من فنون العلم والمعرفة.

وهناك فرق كبير بين المصدر والمرجع بحيث أنّ ” المصدر هو الذي يحتوي على المادة الأساسية في البحث. أمّا المرجع فهو عكس المصدر، فهو الذي يُرجع معلوماته إلى المصدر ويستند إليه لعدم معاصرته الحدث. ومع ذلك فلا شك أنّ في المرجع فوائد كبيرة إذ تحتوي على وجهة نظر أصحابها الخاصة من شرح وتعليق ونقد، ويستأنس الباحث في ذلك ويزيد له توضيح الأمر وإضاءته”. ويخلط البعض ممن ليس لديه إلمام في منهج البحث العلمي التاريخي بين المصدر والمرجع، ولعل السبب في ذلك بما يظنه من ترادف معنى الكلمتين، وليس الامر كذلك، فالمراجع تأخذ معلوماتها عن المصادر سواء كانت أصلية أو ثانوية، وليس العكس.[1]

إذاً أشرنا فيما مضى بأن المصادر والمراجع أنواع وأشكال متعددة ويصعب حصرها في شكل أو نوع معين، وكل له قيمته ورونقه، ومن الأهمية بمكان أنّ المعلومات التاريخية التي يرويها المؤرخون ينبغي أن تكون معتمدة على أصول يبرهن صحة المذكور، ومن هنا فالمصادر المتعلقة بهجرة صحابة رسول الله صلى الله عليه وسلم تشمل أغلب المصادر المعروفة في البحث العلمي التاريخي وأولها القرآن الكريم وكتب التفاسير، وكتب الحديث النبوي وشروحها، ثم تأتي مصادر تاريخية أخرى من كتب السيرة والمغازي ، وكتب التراجم والتاريخ العام، علماً أنّ كتب السير والمغازي أفاضت أخبار الحبشة ليست في زمن النبي عليه السلام فحسب ، وإنّما أيضاً في فترة ما قبل بعثة النبي صلى الله عليه وسلم مثل: كتاب ابن إسحاق ( ت 151هـ )، وابن هشام ( ت 213هـ ). وكذا كتب التاريخ العام: تاريخ الطبري، والكامل لابن الأثير، والبداية والنهاية لابن كثير ، وتاريخ الإسلام للذهبي وغير ذلك. وكما أنّ هناك كتب الرجال والتراجم مثل: كتب الوفيات الأعيان، وأسد الغابة، وغير ذلك.

وإذا كانت المصادر التي أشرنا آنفاً مصادر عامة جاء فيها بعض أخبار من هجرة الصحابة إلى أرض الحبشة، فإنّ هناك مصادر انفردت بكاملها الحديث عن هذه الهجرة وغيرها مما له علاقة ببلاد الحبشة، ومن ذلك:

• تنوير الغبش في فضل السودان والحبش لابن الجوزي، أبو الفرج عبد الرحمن بن علي محمد ( ت 592هـ).

• رفع شأن الحبشان للسيوطي، أبو بكر جلال الدين عبد الرحمن بن أبي بكر ( ت 911هـ).

• أزهار العروش في أخبار الحبوش للسيوطي، وهو كتاب ملخص من كتابه السابق رفع شأن الحبشان.

• نزعة العمر في التفضيل بين البيض والسود والسمر للسيوطي أيضاً.

• مناقب الحبش للإمام أبي محمد جعفر بن أحمد بن الحسن السراج البغدادي المتوفى عام 500هـ.

•  نور الغبش في لسان الحبش لأبي حيان أثير الدين محمد بن يوسف النحوي الأندلسي ( ت745هـ).

• الطراز المنقوش في محاسن الحبوش لمحمد عبد الباقي البخاري ( ت 991هـ)

وقد كتب الجاحظ أبو عثمان عمرو بن بحر البصري (ت 255) قبل ذلك كله، ولكن من باب اللود السود وفضله على البياض في رسالته المعروفة ” فخر السودان على البيضان “، وقد أبرز الجاحظ في رسالته فضائل السود ومحاسنهم وصفاتهم الإيجابية، وجمع فيها بين دور السود الروحي الإسلامي، وإعزاز النبي صلى الله عليه وسلم والصحابة لهم، وبين فضائلهم الحضارية الأخرى.

وقد تبع الجاحظ نهجه ابن المرزبان أبو بكر محمد خلف المحولي ( ت 309هـ) في الحقبة نفسها برسالة ” فضل السودان على البيضان”.

ومن المصادر التي تناولت شأن الحبشة:

• الإلمام بمن بالحبشة من ملوك الإسلام للمقريزي أبو العباس تقي الدين أحمد بن علي ( ت 845هـ).

• (سيرة الحبشة) للحسن بن أحمد الحيمي اليمني، بتحقيق مراد كامل، والكتاب عبارة عن رحلة إلى بلاد الحبشة في الحادي عشر الهجري.

• رونق الحسان في فضائل الحبشان لخليفة بن أبي الفرج بن محمد الزمزمي المتوفي سنة 1062هـ.

وهناك عدد كبير من المراجع التي لا يستغني في الموضوع مثل:

• المفصل في تاريخ العرب قبل الإسلام للدكتور جواد علي.

• الإسلام في الحبشة للخطاط الباحث يوسف أحمد-1935م، وهذ الكتاب عبارة عن وثائق صحيحة قيمة عن أحوال المسلمين في مملكة إثيوبيا من شروق الإسلام.

• المسلمون في الحبشة للدكتور إبراهيم محمد حسن.

• معالم الهجرة الأولى إلى الحبشة، للأستاذ محمود شاكر.

• معالم الهجرتين إلى أرض الحبشة، للدكتور علي الشيخ أحمد أبو بكر الصومالي.

• بين الحبشة والعرب للأستاذ عبد المجيد عابدين.

• الملك النجاشي بين المسيحية والإسلام للأستاذ جمال صلاح الدين.

• الحبشة والأحباش في التاريخ العربي الإسلامي للدكتور جلال الدين محمد صالح.

• الإسلام والحبشة عبر التاريخ، لفتحي غيث.

• إزالة الغواشي عن أخبار النجاشي لسماحة مفتي أرتريا إبراهيم المختار أحمد عمر.

• أعلام الطراز المنقوش في محاسن الحبوش، لنور الدين أبو الفرج علي بن إبراهيم ابن أحمد الحلبي (ت 1044هـ).

• الحبشة بين القديم والحديث، لمراد كامل، دار الجمعية الجغرافية المصرية، عام1959م.

وهذا فقط نموذج وليست كل المصادر العربية التي تناولت أخبار الصحابة وهجرتهم إلى بلاد الحبشة، أو أخبار الحبشة عموماً في العصور الإسلامية الزاهية، وقد أردنا هنا فقط الإشارة إلى أهم تلك المصادر ليس إلا.

إقرأ المقال عبر الرابط الأصلي

https://alhadathnetwork.com/%d8%a7%d9%84%d8%a3%d8%ad%d8%a8%d8%a7%d8%b4-%d9%88%d8%a7%d9%84%d8%b3%d9%88%d8%af-%d9%81%d9%8a-%d8%a7%d9%84%d8%aa%d8%b1%d8%a7%d8%ab-%d8%a7%d9%84%d8%b9%d8%b1%d8%a8%d9%8a-%d9%81%d9%8a-%d8%a7%d9%84%d8%b9-3/


[1] – محمد حسين معلم علي: مصادر تاريخ الصومال ومراجعه – عرض ونقد، دار الفكر العربي، القاهر، 1442هـ/2021م، ص 26