Tuesday, 17 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

 

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 


Si aanu u muujino dadaalada qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku aadan kor u qaadida dhaqan iyo afka Soomaaliyeed waxaanu halkaan ku soo bandhigi doonaa  - haddii uu Illaahay idmo - qoraalo taxane ah oo ka hadlaya xarumaha aqoonta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay ka yagleeleen dadka Soomaaliyeed qurbaha si ay qeyb uga qaataan horumarinta dhaqanka iyo afka hooyo. Waxaase xusid mudan in qoraalkeenu uu ku kooban yahay oo kaliya xarumaha ku yaalla boqortooyada Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub, maxaa yeeley waxaa jira dadaalo aad u badan oo ku firirsan goob kasta oo ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin taana waxay mudan tahay baaritaano qoto dheer iyo dadaalo loo wada dhan yahay oo u furan qorayaasha Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan.


Hal - abuur waa wargeys - xilliyeed madax bannaan oo isku howla aruurinta, lafa - gurka, faafinta iyo horumarinta suugaanta,afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, meel ay joogtaba. Inkasto ay Hal-abuur ka soo baxi jirtey magaalada London ee dalka Ingiriiska hadane waxaa la gaarsiin jirey meelo kale duwan oo adduunka ka mid ah sida: Iswiidan, Norway, Jabuuti, Kanadaiyo Faransa.

Hal-abuur waxaa uu ku dhashay isku-dayid dad iskood isu xilqaamey , ujeedadooduna tahay in gacan laga gaysto badbaadinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed buburkii ka dib.

Runtii qiimaha iyo nuxurka ay Hal – abuur leedahay waxaa kuugu filan muuqaalka iyo ka dhexmuuqadka hogaankeeda iyo golaha tala - bixinteeda  aqoonyahano la tilmaamo Afrika iyo caalamka sida:

-         Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

-         Professor B. W. Andrzejewski.

-         Professor Giorgio Banti.

-         Cabdi Muxumud Amin.

-         Nuruddin Farah.

-         Isaaciil H. Taani.

-         G.L. Kabjits.

-         Professor I. M. Lewis.

-         Maxamed X. Mukhtaar.

-         Martin Orwin.

-         Siciid Jaamac Xuseen.

-         Siciid Saalax Axmed.

Dhinaca golaha tifaftirka waa mid dhameystirey muunada iyo qiimaha aqooneed ee ku dheehan Hal- abuur, kuwaa oo kale ah:

-         Dr. Maxamed Daahir Afrax, tifaftire.

-         Sacdiya Muuse Axmed, tifaftire - xigeen.

-         Cabdisalaam Ciise- Salwe, Xoghaye.

Waxaa kale oo ka qeyb ka ah tifaftirka iyo kale soocidda suugaanta Soomaaliyeed tix iyo tiraab waxay ahaataba aqoonyahano kale oo uu ka mid yahay:

-         Professor Cali Jimcaale Axmed, tifaftire.

-         Fu`aad Cabdulcasiis.

-         LIdwien Kaptejins.

-         Maxamed Cabdi Maxamed.

-         Maxaed Cabdillaahi Riiraash.

Iyo kuwo kale.

 


Qiimaha wargeyska Hal – abuur waxaa kale oo kuu cadeenaya marka aad dib u milicsato  Xirmada (Vol) 1aad, tirsigiisa 1 aad oo soo baxday xagaagii 1993 kii, taa oo laga dheegtey dhowr qormo iyo warbixino aad aad iyo aad u sareeya. Tusaale ahaan haddii aan tilmaamno qaar ka mid ah maqaalada iyo warbixinada ku soo aroorey Hal – abuur tirsigii aanu soo sheegney waxaa ka mid ah:

-         Murtida magac - bixinta dhaqanka Soomaalida, waxaa qorey Cabdi Aadan

Cabdille.

-         Maansada dumarka Soomaaliya ( Cod la dhageysan la`yahay), waxaa

qortay Seynab Maxmed Jaamac.

-         Qaran iyo Qabiil ( Riwaayad digniin bixisay), waxaa qorey Dr. Maxamed Daahir AFrax.

-         iyo qoraalo, lafagurid, maansooyin iyo faaqidaad suugaaneed oo kale.

Tirsiga Hal-abuur ee aanu soo sheegney waxaa ku lagu soo bandhigey maansooyin ay ka mid yihiin:

-          Mar haddii afkaygii la qorey, waxaa tiryey abwaan Cabdulle Raage Taraawiil.

-         Gudgude Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

-         Qabyaalad iyo Iimaan la`aan, waxaa curiyey Abwaan Abshir Nuur Faarax ( Bacadle).

-         Kal-gacaylka basaasay, Siciid Saalax Axmed.

-         Wadankaaga joog, waxaa soo bandhigey Ismaaciil Aw-Aadan.

dhanka sooyaalka suugaaneed waxaa Hal-abuur lagu soo bandhigey sheekookin aad u qurux badan sida sheekada la magac baxday:

-         Guduudane, waxaana qoray  qoraa Cabdisalaam Ciise- Salwa.

-         Sheekada Nikaax, waxaa qorey qoraa Cabdullaahi M. Faaraxx oo ku

magac dheer Tuulax.

-         Sheeko Murti iyo Maad leh.

Waxaa meesha aan kamarneyn iyana Maah maahyadii Soomaaliyeed oo qeyb muhim ah kaga jirta suugaanta Soomaaliyeed, Maahmaahyadaana waxaa lagu soo qorey bogga 56 ee Hal-abuur.

Waxaana shaki ku jirin in wargeyska Hal-abuur uu buuxiyey kaalin weyn oo banaanaatey ka dib markii ay bur burtey dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, waxaadna moodaa in ay howlwadeenada Hal-abuur ugu talo galeen iney Soomaalida u noqdaan tusaale fiican oo ay ka qeyb qaadan karaan horumarka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si ay awoodooda iyo wax soosaarkooda meel isugu geeyaanna wax ay hogaankooda  go`aan ku gaareen soosaaridda wargayska Hal-abuur.

Waxaa hubaal ah in wargeyska Hal-abuur uu qeyb libaax ka qaatey horumarta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, inkasto ay sanooyinkii hakatey hadana waxaa iska cad in laga heley dhaxal weyn oo ku beegan afka, dhaqanka iyo suugaanta kale duwan ee uu Illaahey ku maneystey ummadda Soomaaliyeed.

 Yaa gadaal ka taagnaa Wargeyska Hal-abuur?


 

Qof walba waa uu og yahay in hergelinta iyo xaqiijinta guusha aaney qof kaliya ku xirneyn, gaar ahaan markii arintu tahay aqoon iyo madal cilmiyeed, waxaase lawada qirsan yahay in Dr. Maxamed Daahir Afrax uu ahaa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka uu ku taagnaa wargeyska Hal-abuur ee ka soo bixi jirey magaalada London, sidaa darteed waa uu mudan yahay in markii uu geeriyooday haldoorkaa Soomaaliyeed ee gilgishay goobaha aqoonta iyo dhaqanka ee ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ku barooratey iyagoo ka murugeysan geerida ku timid halyey u soo halgamey horumarka afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

La yaab ma lahayn markii dadka qaarkood ay ku tiraabeen dhimashada Dr. Afrax ka dib qoraalo badan oo muujinayay dareenkooda ku aadan bixidda aqoonyahaykaa waqtigiisa ku qaatey u hiilinta afka hooyo.

” Maantana waxaa innaga tegey “madhaafaankii suugaan-tiraabeedda Soomaaliyeed” iyo “u-hiilliyihii afka hooyo”.

Waa dhan maalintaaa dadkeena waxaa ka tagay haldoor aan marna la hilmaami karin; waxaa ka jabay tiir u taagnaa afka, dhaqanka iyo aqoonta.

 Maamuuska haldoorka Soomaaliyeed

Waxaa dhab ah in bulsho walba ay maamusto halyeeyadeeda iyo haldoorka ka soo baxakuwaa oo qeyb qeyn ka qaatey horumarka ummaddooda dhinaca ay noqotaba.

Sidaa darteed waxaa xaflad lagu maamuusay qoraa sare dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho bishii nofenber sanadkii 2020 kii, waxaa xafladaa soo qabqaabiyey, waayo qoraagu inta badan cimrigiisa waxaa uu u heelanaa horumarinta afka, suugaanta iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, waxaa uuna kaalin wax u ool ah ka qaatey difaaca afka hooyo ka dib markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed burburtey. Dr. Afrax waxaa uu arimaha aanu soo sheegney u istaagey waqti bulshadeenu badankeed ay ku mashquulsaneyn arimo wax u dhibaya dhaqan iyo haybaddda Soomaaliyeed, sidaa darteed xafladda lagu maamuusey kama imaanin meel cidla ah ee waxaan qabaa iney timid waqtigii ku hobooneen.

Waxaa aqoonyahaykaa loo sameeyey xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu maamuusayay in lagu soo bandhigo haldoorkii xilligaan, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaal, aqoonyahanno, abwaanno, qorayaal, ururada bulshada rayidka ah iyo dhallinyaro aad u badan ayaa taariikhdu markey ahayd 16/11/2021 kii, xaflada waxay ka dhacday Hotel Maa’ida (Ex Naasa-hablood 2) ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafladdaas oo aad loo jeclaystay ayaa ahayd middii ugu qiimaha badnayd oo ay soo abaabulaan bahda Haldoor. Furitaankii xafladda ka dib waxa halkaasi lagu daawaday Filim ka hadlayay “waa kuma Haldoorka caawa?” Filimkaas oo si aada loola dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaybo ka mid ah taariikhda, waxqabadka iyo guusha uu haldoorku ka gaaray dhinaca qoraalka iyo sida naf-hurnimada ah ee uu had iyo goor ugu heelan yahay hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Filimkaas oo qof walba soo jiitey ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday buugaagtii uu haldoorku qorey sida: 

-         Maana-faay.

-         Galti Macruuf.

-         Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay.

-         Maadeys.

-          Durbaan Been ah.

Iyo buugaag kale oo uu haldoorku ku qorey afka Carabiga.

Sidoo kale filimkaasi waxaa uu sawir qurux badan ka bixiyay nafhurnimada haldoorka iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar walba u taagnaado daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta afka, dhaqanka, suugaanta, Iwm.

Markii si fiican loo daawadey waxtarka haldoorkaas ayaa coddeeyihii filimkaas waxa uu Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay magaca Haldoorkii 5-aad ee taxanaha barnaamijka Haldoor, kaasi oo loo aqoonsadey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Hal mar ayaa la wada istaagay, Sacab ayaa is qabsadey hoolkii ay xafladda ka dhacaysay, waa u qalmaa, waa istaahilaa, waa mudan yahay, Allaylahee waa la helay iyo ereyo kale oo la mid ah ayay ku dhawaaqayeen bulshadii halkaas ku sugneyd.

Iyada oo la galbinaayo ayaa Haldoorkii 5-aad la geeyay Masraxii ay xafladdu ka dhacaysay, waa la cimaamadey, si cajiib ah ayaa loo caleema-saaray, haddiyado isugu jirey Kitaabka Quraanka, Calanka Soomaaliya, Shahaado Sharaf, Ubax iyo Qalin ayaa la guddoonsiiyay Haldoor Maxamed Daahir Afrax.

Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay haldoorkii Duubka loo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo garto haldoorkii 5-aad, waxaana uu cadddeeyay in aanu fileyn in isaga la cimaamadi doono, isaga oo u mahadceliyay bahda Haldoor.

Wasiirka Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Haweenka Xildhibaannad Xaniifa Maxamed Ibraahim, Xildhibaan Sakariye Maxamud X. Cabdi, Xildhibaan Xaawo Yuusuf, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Maryan Aadan Amiin, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux, Guddoomiyaha Degmada C/casiis Marwo Ubax-Roodo,Guddoomiyaha barnaamijka Haldoor Dayax Axmed Maxamed,  Guddoomiyaha ururka dhallinyarada G/Banaadir, Cabdi-kaafi Makaraan, Gudoomiyaha Nusoj Md. Cawil & masuuliyiin kale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa u hambalyeey haldoorkii lala caweynayay.

Masuul walba oo ka hadlay fagaarahaas ayaa si kalgacal leh u bogaadiyay Haldoorka la cimaamadey ee Maxamed Daahir Afrax, iyaga oo qirey in Dr. Afrax uu u qalmo wax walba oo la isku sharfo.

Aqoon, dadaal, dulqaad, daacadnimo, hal-abuur, karti & ilaalinta Afka Hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa Dr. Afrax lagu siiyay biladda muujinaysa Haldoorka xilligaan.

Runtii habeenkaa waxay noqotay habeen qaali ku ah ummadda Soomaliyeed oo la xasuusnaan doono maadaama ay dhacday xaflad ballaaran oo lagu cimaamadey haldoorkii xilligaan.

                    Xafladda maamuuska Dr. Afrax

 Ugu danbeyn Dr. Maxamed Daahir Afrax halgan dheer ka dib waa uu ku geeriyoodey London 9 oktoobar sanadkii 2020 kii, laakiin wax qabtiisa ma guurin. Dhimashada Dr. Afrax waxay gilgishey dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahayka, inkastoo dhimashadu ay xaq tahay hadane baahinta geerida ku timi Afrax waxay ay qof ahaan igu reebtey tiiraanyo gaar ah, waxaanse ku diirsatey qoraaladii lagu muujiyey inuu qof culus ahaa oo ka baxay Soomaali meel ay joogtaba, gaar ahaan qoraaladii ay soo saareen: Dr. Cabdifatax Nuur (Ashkir), Abwaan Maxamed Amiin al Hadi, Dr. Cumar Warsame, Qaadi Maxamed Cumar Ahmed, Qoraa Xasan Qorane iyo kuwo kale oo badan. Illaahey ha u naxariisto Dr. Maxamed Afrax.

Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaa uu ku dhashay sanadkii 1952 kii magaalada Jariiban ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu ka soo jeedey qows reer xoolo dhaqato ah, laakiin yaraantiisiiba waxaa la geeyey magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabey waxbarasho ka dib markii uu ku biiray dugsiga hoose dhexe ee xaafadda Xamar Jajab, ka dib waxaa uu ka baxay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinaasir. Ka dib waxaa uu u safray dalka Yamanta Koofureed gaar ahaan magaalada Cadan oo uu ka dhigtey Jaamacad, inta uusan aadin dalka Ingiriiska oo uu ka sameeyey shahaadooyinka Masterka iyo Digtooraaga jaamacadda London gaar ahaan qeybta baaritaanada Afrika qaabilsan.

Waxaa uu Afrax ka shaqeeyey wasaarada waxbarashada iyo akadeemiyada cilmiga. Waqtigii dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa loo magacaabey inuu noqdo wasiiru dowlaha arimaha iskaashiga caalamka. Waxaa kale oo uu noqday lataliyaha madaxweynaha Jabuuti ee arimaha luqadda Soomaaliga. Afrax waxaa uu noqday gudoomiyaha  akadeemiyadda qowmiyada Soomaalida ee lagu aas aasay dalka Jabuuti.

 


           Duleedka Garoowe

 

 

Saturday, 14 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

                                                         Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed 

                                                                                         7

Kaabaha dhaqanka iyo afka

Tarjumada

Dadaalada qurbo joogta Soomaaliyeed kama marna in ay bulshada Soomaaliyeed la wadaagaan taariikhaha iyo ilbaxnimada dadyow kale ee caalamka ka mid ah kuwaas oo ku soo baxay buugaag laakiin ku qoran afaf aan ahayn afkii hooyo ee Soomaaliga ahaa. Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyaga oo ujeedadoodu tahay in aqristaha afka Soomaaliga wax ku aqriyo  ay la wadaagaan buugaagtaa ku qoran afafka kale ka dib markii ay u bedeleen afka Soomaaliga si ay ugu fududaato aqristaha afkeena oo ay ku gaarto aqoonta iyo xadaaradaha ummadaha kale oo faa`iido u leh bulshadeena.

Taa macnaheedu waxay tahay dadaalada hal-doorka Soomaaliyeed ee qurbaha kama uusan bakhiilin bulshadiisa inuu la wadaago horumarka iyo khibradaha ummadaha kale, isla markaana aan meesha ka bixin afkiinii hooyo oo ay buugaagtaa lagu soo tarjumey.

Waxaanu og nahay in dhaqdhaqaaqyada tarjumada ineysan casriyadaan billaaban, belse ay tahay mid soo jireen ah oo ummaddaha adduunka oo idil ay adeegsan jireen, waxaase xusid mudan in dadyowga muslimiinta ay muddo hore adeegsadeen tarjumada iyagoo ujeedku ahaa in laga faa`iideysto wixii cilmi iyo aqoon ku duugan khibradihii ummaddahii hore ee Beershiyiinta, Roomaanka iyo Gariigii hore iwm.

Waxaa la oran karaa tarjummadu waxay bilaabatey waagii Rasuulkeena Mohammed - naxariis iyo nabadgelyo korkiis ha ahaatee - waxaana jirey dhowr ka mid ah Asxaabtii Nabigeena oo awood u lahaa afaf kale oo ay ka mid yihiin Sariyaaniya, Roomaan, Faarisi iwm, marar badanna adeegsatey inay u kala tarjumaan afka Carabiga iyo afafkaa qalaad, tarjumada waxay u badneyd mid oraaheed oo lama hayo waayahaa qoraalo ku tusinaya in ay jireen tarjumaad qoran , laakiin waxay taariikhyanadu soo xigtaan iney jirtey dhowr sadar oo laga dhaxlay tarjumaad uu sameeyey Saxaabigii lagu magacaabi jirey Camru ibnu Caas taa oo ku qorneyd afka Gariigga sanadkii 22 ee Hijriyadda.

Waxaa xigey horaantii dowladdii Ummawiyiinta waqtigaa oo horumar weyn laga sameeyey arrinka tarjumadda gaar ahaan dadaaladii uu sameeyey amiir Khaalid ibnu Yasiid ibmu Macaawiya kaa oo dad u direy dalka Masar gaar ahaan magaalada Al Iskandariya isagoo dalbaday in la soo iibiyo buuggaagta ka hadleysa Caafimaadka, Kiimikada loona tarjumo afka Carabiga.

 

Waayihii dowladdii Cabaasiyiinta waxay la sameeyey xarumo u gaar ah tarjamada si loo hormariyo aqoonta iyo ka faa`iideysiga horumarka ummaddaha kale, waxaa caan ahaa xaruntii lagu magacaabi jirey ” Daarul Xikma ” ee uu aas aaskeedu lahaa Khaliifkii muslimiinta Haaruun al Rashiid in ay noqotey daartii ugu caan saneyd ee ay dadka muslimiinta waagaa dhidaba u taageen. Waqtiga Cabaasiyiinta waxaa ay muslimiinta aad u daneenayeen xiriirka cilmiga ay la leeyihiin Hindiya, Shiinaha iyo ummaddihii kale ee ku hareersanaa Khilaafadda muslimiinta ee waagaa. Markii uu xukunka qabtey wiilkiisii Ma`muun ibnu Haaruun waxaa uu aad u ballaariyey mushruucii tarjumada oo uu xoogga saarey in la keeno kutub badan iyo in la shaqaaleysiiyo mutarjimiin ku xeel dheer tarjumada oo laga kala keeney daafaha dunida gaar ahaan caasimaddii Roomaanka ee Qustandiiniya.

Taa waxaan ula jeednaa in dhaqdhaqaaqyada tarjumadu ay aheyd qeyb ka mid ah habkii aqoonta iyo khibrada u faafi jirtey, door lixaad lehna ka qaadatay hurumarka aqoonta dhinacyo kale duwan.

 

Soomaaliya iyo Tarjumada

Marka aanu u soo noqono in afka Soomaaliga wax lagu tarjumo ma ahaa mid dhawaan bilowdey,  waxaa la oran karaa waxaa ay dhaqdhaqaaqa tarjumada la bilaabatey hirgelintii qorista afka Soomaaliga, waxaana jira buugaag badan oo afaf kale duwan ku qoran in loo soo tarjumay afkeenii hooyo. Sidoo kale waxaa jirey riwaayado caalami ah oo loo soo tarjumay afka Soomaaliga sida uu sameeyey Shariif Saalax Maxamed Cali, ka dibna uu sameeyey Dr. Maxamed Daahir Afrax, iyo qaar kale oo badan.

Marka la eego qoraa Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa uu tarjumay riyaayaddii caanka noqotey ee la magac baxday ( The Trials of Brother Jero) ee uu qoray qoraaga Nayjeeriyaanka ah ee Wole Soyinka.

Sidoo kale Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa uu iyana tarjumay sheeko Giriig ah oo la oran jiray ( Sophocles`s Electra).

Waxaa xusid mudan in labada tarjumadood aan la daabacin sida uu ii sheegey qoraaqa Shariif Saalax qudhiisa inta uusan dhiman wax yar ka hor, laakiin ay ka mid tahay dadaaladaa uu Shariifku sameeyey qoraaladii uu qoray oo tiro badan oo inta badan la daabacay.

Waxaa iyana jirta qoraa Saynab Aadan Sharci ku ku dhalatey boqortooyada Ingiriiska isla markaana ku caan baxday qorista buugaagta gaar ahaa buugaagta caruurta , waxaa kale oo ay Saynab sameysay tarjumada buugaagta qaarkood, waayo turjumaadda buugaagta runtii waa talaabo kale oo ay Saynab ku tallaabsatey oo dhanka wax soo saarka ku saabsan, taa oo ay uga gol lahayd in ay afka hooyo ku tarjumto buugaagta ay u arkaysay in ay ka faa`iidaysan karaan aqristayaasha, sidoo kale Saynab waxay afka Ingiriiska ku tarjumtay buugaag ku qoran afka Soomaaliga si ay uga faa`iidaystaan dadyowga ku hadla afka Ingiriiska.

Inkastoo aan la koobi karin doorka aqoonyahayka Soomaaliyeed ee uu kaga jiro dhinacyada tarjumada hadana dadka aanu soo tilmaamney waxay ka mid yihiin kuwa doorka ka qaatey tarjumadda, taa mecnaheedu ma aha in intaa ay ku kooban yihiin, waayo waxaanu og nahay iney jiraad dadaalo kale oo badan oo door weyn ka qaatay xagga tarjumadda, kuwaa oo ay ugu horeeyaan culumada ku xeel diinta oo ku tarjumad culuum badan afka Soomaaliga, oo qaarkoodna la daabacay, sida dhigaalada laga soo tarjumay tafsiirka, xadiiska, fiqiga, siirada iwm.

Waxaa kale oo tusaale u ah arrinka tarjumada iyo door ka ay ku leedahay aqoonyahanka Soomaaliyeed inaan la koobi karin dadaalada aalaaba ay ku dhaqaaqaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta dheer u leh afafka kale ee qalaad oo leh wax soosaar tarjumadeed, kuwaana waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa Khaalid Saciid oo ka mid ah kooxda ururka Ilmo ee dalka Ingiriiska, isla markaana ah tafatire ka howl gala buugaagta ay Ilmo soo saarto. Khaalid waa qoraa da'a yar oo ku dhaqan magaaladda Hargeysa, waxaa uu bartay culuumta Sayniska oo uu ka qallinjabiyay Jaamacadda Hargeysa.

Sannadkii 2016 kii waxa uu Khaalid ka mid ahaa dhalintii ku guuleysatay abaalmarintii Sanaa Theathre Awards, taana waxaa uu ku mutaystay turjumaddii uu la sameeyay "Majalada Africa" oo fadhigeedu yahay dalka Kenya. Turjumudii ugu ballaadhnayd abid taariikhda Afrikaanka Halkaas oo hal qoraal oo ku qornaa afka Sawaaxiliga ay u turjumeen in ka badan 33 luqadood oo Afrika iyo caalamkaba lagaga hadlo oo Afkeenna hooyo ee soomaaligu ku jiro.

Waxay ahaataba marka aynu eegno qurbojoogta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan aqoonyahannada aanu kor ku soo tilmaamney ee kala ah Shariif Saalax Maxamed Cali , Maxamed Daahir Afrax iyo Saynab Sharci, waxaa iyana jira qaar kale oo maskax iyo maalba ku bixiyey sidii ay  u soo saari lahaayeen buugaag ku tarjuman afka Soomaaliga isla markaana xanbaarsan aqoon isla markaana faa`iido u leh dadka ku hadla afka Soomaaliga, inkastoo ay badan yihiin hadana waxaanu halkakan ka tilmaameynaa kuwii ay inoo suugo gashay inaanu gaarno akhbaartooda iyo wax soo saarkooda, taana macnaheedu ma aha in ayna jirin dadaalo kale oo ay dad Soomaaliyeed sameeyeen oo ku ka mid ah qurbjoogta ku dhaqan Ingiriiska ama woqooyiga Yurub.

 

Boodhari Warsame iyo dadaaladiisa tarjumadeed

 

Ustaad Boodhari Maxamed Warsame waa cilmi-baare madax bannaan oo degen dalka Iswiidhan (Sweden), waa macallin, qoraa, turjumaan suugaaneed, tafatire, aqoon-yahan  ku xeer dheel dhaqanka iyo suugaanta. Boodhari waxaa uu bixiyaa tababarro iyo casharo la xiriira dhanka qoraalka iyo cilmi-baarista, gaar ahaan waxaa uu dhalinyarada ka caawiyaa sidii ay u fahmi lahaayeen tarjumada oo uu ka siiyo aqoon durugsan wixii la xiriira.

Boodhari Warsame waxaa uu ka mid yahay dadka ugu caansan oo ku mashquulsan iney soo saaraan buugaag ay u tarjumeen afka Soomaaliga, isla markaana ku dadaala sidii ay u tababari lahaayeen dhalinta Soomaaliyeed ee daneeya tarjumadda, taa oo ay ka bixiyeen siminaaro iyo tababaro la xiriira dhaqdhaqaaqa tarjumada iyo astaamaheeda, iyo waliba maxaa looga baahan yahay qofka doonaya inuu wax tarjumo. Isla markaana waxaa uu mareegaha ku soo daabacay dhigaalo taxane ah oo uu ugu magac darey ” Tabaha Tarjumadda ” si ay da`yarta uga faa`iideystaan.

 


Mashruuca tarjumada buugaagta uu soo saaray ama uu ku howlan yahay ustaad Boodhari Warsame waxaa ka mid ah:

 -         Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika

Buuggaan waxaa qorey Kabtan Sir Richard Francis Burton oo ahaa nin Ingiriis ah oo ku xeel dheer dhanka juquraafiga. Buugga waxaa daabacay madbacadda Looh Press sanadkii 2017 kii.

Kalahaadkii Muqdisho



Waa buug xusuusaha dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya 1991 kii, waxaa qorey ustaad Yuusuf Maxamed Xayd. Boodhari Warsame waxaa uu ku guuleystey inuu doorto tarjumada buuggaan.

-         Sunita



Buuggaaan waxaa tarjumay ustaad Boodhari Warsame waxaa uuna ka hadlayaa buugga sheeko dhab ah oo dhacday isla markaana dhex martey wiil Soomaaliyeed oo arday ka ahaa Hindiya iyo gabar u dhalatey dalka Hindiya oo isjeclaaday dabadeedna arrinka jeceylkooda iyo xiriirkoodii ka dhalatey arrimo culus oo dhinacyo badan saameyn ku yeelatey.

Sheekadu waxay banaanka u soo dhigeysaa caqabadaha ka dhasha kala duwanaashaha dhaqan, diineed, taariikheed, jinsiyadeed, iyo siyaasadeed ee lammaanaha isjeclaada raadka ay leedahay.

-         Ilmakorita Habboon: Jiheeyaha waaliddiinta Qurbajoogga ah ee Soomaalida

 



Buuggaa waxaa qortey Ruqiya Cabdi, waxaana tarjumay Boodhari Warsame.

Buuggaan waxaa uu waalidka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha ka helayaa aqoon ka caawisa sidii uu ula dhaqmi lahaa caruurta iyo hay `adaha u qaabilsan ilaalinta xaquuqta caruurta iyo daryeelkooda.

-         Koombe`s Struggle


Buugga Koombe`s Struggle asal ahaan waxaa uu ku qornaa Soomaali waxaana qoray wasiir Axmed Faarax Juxa, waxaase afka Ingiriisiga u bedelay ustaa Boodhari.

Sideedabana tarjumada uu Boodhari sameeyo kuma koobno oo kaliya in uu buug ku qornaa af aan Soomaali ahayn uu u soo tarjumo afkeenii hooyo, ee sidoo kale Boodhari waxaa uu sameeyaa tarjumaad uu buug Soomaali u qoran  uu u tarjumo afka kale sida Ingiriisiga si aqoonta iyo fariimaha qoraaga Soomaaliyeed u gaarto dunida inteeda kale.