Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha
(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub)
Si aanu u muujino dadaalada qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku aadan kor u qaadida dhaqan iyo afka Soomaaliyeed waxaanu halkaan ku soo bandhigi doonaa - haddii uu Illaahay idmo - qoraalo taxane ah oo ka hadlaya xarumaha aqoonta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay ka yagleeleen dadka Soomaaliyeed qurbaha si ay qeyb uga qaataan horumarinta dhaqanka iyo afka hooyo. Waxaase xusid mudan in qoraalkeenu uu ku kooban yahay oo kaliya xarumaha ku yaalla boqortooyada Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub, maxaa yeeley waxaa jira dadaalo aad u badan oo ku firirsan goob kasta oo ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin taana waxay mudan tahay baaritaano qoto dheer iyo dadaalo loo wada dhan yahay oo u furan qorayaasha Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan.
Hal - abuur waa wargeys - xilliyeed madax
bannaan oo isku howla aruurinta, lafa - gurka, faafinta iyo horumarinta
suugaanta,afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, meel ay joogtaba. Inkasto ay
Hal-abuur ka soo baxi jirtey magaalada London ee dalka Ingiriiska hadane waxaa la
gaarsiin jirey meelo kale duwan oo adduunka ka mid ah sida: Iswiidan, Norway,
Jabuuti, Kanadaiyo Faransa.
Hal-abuur waxaa uu ku dhashay isku-dayid dad
iskood isu xilqaamey , ujeedadooduna tahay in gacan laga gaysto badbaadinta
dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed buburkii ka dib.
Runtii qiimaha iyo nuxurka ay Hal – abuur
leedahay waxaa kuugu filan muuqaalka iyo ka dhexmuuqadka hogaankeeda iyo golaha tala
- bixinteeda aqoonyahano la tilmaamo Afrika iyo caalamka sida:
-
Maxamed
Ibraahim Warsame Hadraawi.
-
Professor
B. W. Andrzejewski.
-
Professor
Giorgio Banti.
-
Cabdi
Muxumud Amin.
-
Nuruddin
Farah.
-
Isaaciil
H. Taani.
-
G.L.
Kabjits.
-
Professor I. M. Lewis.
-
Maxamed X. Mukhtaar.
-
Martin Orwin.
-
Siciid Jaamac Xuseen.
- Siciid Saalax Axmed.
Dhinaca golaha tifaftirka
waa mid dhameystirey muunada iyo qiimaha aqooneed ee ku dheehan Hal- abuur,
kuwaa oo kale ah:
-
Dr. Maxamed Daahir Afrax, tifaftire.
-
Sacdiya Muuse Axmed, tifaftire - xigeen.
-
Cabdisalaam Ciise- Salwe, Xoghaye.
Waxaa kale oo ka qeyb ka
ah tifaftirka iyo kale soocidda suugaanta Soomaaliyeed tix iyo tiraab waxay
ahaataba aqoonyahano kale oo uu ka mid yahay:
-
Professor Cali Jimcaale Axmed, tifaftire.
-
Fu`aad Cabdulcasiis.
-
LIdwien Kaptejins.
-
Maxamed Cabdi Maxamed.
-
Maxaed Cabdillaahi Riiraash.
Iyo kuwo kale.
Qiimaha wargeyska Hal –
abuur waxaa kale oo kuu cadeenaya marka aad dib u milicsato Xirmada (Vol) 1aad, tirsigiisa 1 aad oo soo
baxday xagaagii 1993 kii, taa oo laga dheegtey dhowr qormo iyo warbixino aad
aad iyo aad u sareeya. Tusaale ahaan haddii aan tilmaamno qaar ka mid ah
maqaalada iyo warbixinada ku soo aroorey Hal – abuur tirsigii aanu soo sheegney
waxaa ka mid ah:
-
Murtida magac - bixinta dhaqanka Soomaalida, waxaa qorey
Cabdi Aadan
Cabdille.
-
Maansada dumarka Soomaaliya ( Cod la dhageysan la`yahay),
waxaa
qortay Seynab Maxmed Jaamac.
-
Qaran iyo Qabiil ( Riwaayad digniin bixisay), waxaa qorey
Dr. Maxamed Daahir AFrax.
-
iyo qoraalo, lafagurid, maansooyin iyo faaqidaad
suugaaneed oo kale.
Tirsiga Hal-abuur ee aanu
soo sheegney waxaa ku lagu soo bandhigey maansooyin ay ka mid yihiin:
-
Mar haddii
afkaygii la qorey, waxaa tiryey abwaan Cabdulle Raage Taraawiil.
-
Gudgude Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.
-
Qabyaalad iyo Iimaan la`aan, waxaa curiyey Abwaan Abshir
Nuur Faarax ( Bacadle).
-
Kal-gacaylka basaasay, Siciid Saalax Axmed.
-
Wadankaaga joog, waxaa soo bandhigey Ismaaciil Aw-Aadan.
dhanka sooyaalka
suugaaneed waxaa Hal-abuur lagu soo bandhigey sheekookin aad u qurux badan sida
sheekada la magac baxday:
-
Guduudane, waxaana qoray
qoraa Cabdisalaam Ciise- Salwa.
-
Sheekada Nikaax, waxaa qorey qoraa Cabdullaahi M. Faaraxx
oo ku
magac dheer Tuulax.
-
Sheeko Murti iyo Maad leh.
Waxaa meesha aan kamarneyn
iyana Maah maahyadii Soomaaliyeed oo qeyb muhim ah kaga jirta suugaanta
Soomaaliyeed, Maahmaahyadaana waxaa lagu soo qorey bogga 56 ee Hal-abuur.
Waxaana shaki ku
jirin in wargeyska Hal-abuur uu buuxiyey kaalin weyn oo banaanaatey ka dib
markii ay bur burtey dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, waxaadna moodaa in ay
howlwadeenada Hal-abuur ugu talo galeen iney Soomaalida u noqdaan tusaale fiican
oo ay ka qeyb qaadan karaan horumarka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si
ay awoodooda iyo wax soosaarkooda meel isugu geeyaanna wax ay hogaankooda go`aan ku gaareen soosaaridda wargayska
Hal-abuur.
Waxaa hubaal ah in
wargeyska Hal-abuur uu qeyb libaax ka qaatey horumarta dhaqanka iyo suugaanta
Soomaaliyeed, inkasto ay sanooyinkii hakatey hadana waxaa iska cad in laga
heley dhaxal weyn oo ku beegan afka, dhaqanka iyo suugaanta kale duwan ee uu
Illaahey ku maneystey ummadda Soomaaliyeed.
Qof walba waa uu og yahay in hergelinta iyo xaqiijinta guusha aaney qof kaliya ku xirneyn, gaar ahaan markii arintu tahay aqoon iyo madal cilmiyeed, waxaase lawada qirsan yahay in Dr. Maxamed Daahir Afrax uu ahaa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka uu ku taagnaa wargeyska Hal-abuur ee ka soo bixi jirey magaalada London, sidaa darteed waa uu mudan yahay in markii uu geeriyooday haldoorkaa Soomaaliyeed ee gilgishay goobaha aqoonta iyo dhaqanka ee ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ku barooratey iyagoo ka murugeysan geerida ku timid halyey u soo halgamey horumarka afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
La yaab ma lahayn
markii dadka qaarkood ay ku tiraabeen dhimashada Dr. Afrax ka dib qoraalo badan
oo muujinayay dareenkooda ku aadan bixidda aqoonyahaykaa waqtigiisa ku qaatey u
hiilinta afka hooyo.
” Maantana waxaa
innaga tegey “madhaafaankii suugaan-tiraabeedda
Soomaaliyeed” iyo “u-hiilliyihii afka hooyo”.
Waa dhan maalintaaa
dadkeena waxaa ka tagay haldoor aan marna la hilmaami karin; waxaa ka jabay
tiir u taagnaa afka, dhaqanka iyo aqoonta.
Waxaa dhab ah in bulsho walba ay maamusto halyeeyadeeda iyo haldoorka ka soo baxakuwaa oo qeyb qeyn ka qaatey horumarka ummaddooda dhinaca ay noqotaba.
Sidaa darteed waxaa
xaflad lagu maamuusay qoraa sare dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa lagu qabtey
magaalada Muqdisho bishii nofenber sanadkii 2020 kii, waxaa xafladaa soo
qabqaabiyey, waayo qoraagu inta badan cimrigiisa waxaa uu u heelanaa
horumarinta afka, suugaanta iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, waxaa uuna
kaalin wax u ool ah ka qaatey difaaca afka hooyo ka dib markii ay dowladdii
dhexe ee Soomaaliyeed burburtey. Dr. Afrax waxaa uu arimaha aanu soo sheegney u
istaagey waqti bulshadeenu badankeed ay ku mashquulsaneyn arimo wax u dhibaya
dhaqan iyo haybaddda Soomaaliyeed, sidaa darteed xafladda lagu maamuusey kama
imaanin meel cidla ah ee waxaan qabaa iney timid waqtigii ku hobooneen.
Waxaa
aqoonyahaykaa loo sameeyey xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu
maamuusayay in lagu soo bandhigo haldoorkii xilligaan, ayna ka soo qaybgaleen
Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaal, aqoonyahanno, abwaanno, qorayaal, ururada
bulshada rayidka ah iyo dhallinyaro aad u badan ayaa taariikhdu markey ahayd
16/11/2021 kii, xaflada waxay ka dhacday Hotel Maa’ida (Ex Naasa-hablood 2) ee
magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii
xafladdaas oo aad loo jeclaystay ayaa ahayd middii ugu qiimaha badnayd oo ay
soo abaabulaan bahda Haldoor. Furitaankii xafladda ka dib waxa halkaasi lagu
daawaday Filim ka hadlayay “waa kuma Haldoorka caawa?” Filimkaas oo si aada
loola dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaybo ka mid ah taariikhda,
waxqabadka iyo guusha uu haldoorku ka gaaray dhinaca qoraalka iyo sida
naf-hurnimada ah ee uu had iyo goor ugu heelan yahay hiilka afka hooyo iyo
hal-abuurkiisa.
Filimkaas
oo qof walba soo jiitey ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday buugaagtii uu haldoorku
qorey sida:
-
Maana-faay.
-
Galti Macruuf.
-
Dal Dad Waayay iyo
Duni Damiir Beeshay.
-
Maadeys.
-
Durbaan Been ah.
Iyo buugaag kale oo uu haldoorku ku qorey afka Carabiga.
Sidoo kale filimkaasi waxaa uu sawir qurux badan ka
bixiyay nafhurnimada haldoorka iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar walba u
taagnaado daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta afka, dhaqanka, suugaanta, Iwm.
Markii si fiican loo daawadey waxtarka haldoorkaas ayaa
coddeeyihii filimkaas waxa uu Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay magaca
Haldoorkii 5-aad ee taxanaha barnaamijka Haldoor, kaasi oo loo
aqoonsadey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Dr.
Maxamed Daahir Afrax.
Hal mar ayaa la wada istaagay, Sacab ayaa is qabsadey
hoolkii ay xafladda ka dhacaysay, waa u qalmaa, waa istaahilaa, waa mudan
yahay, Allaylahee waa la helay iyo ereyo kale oo la mid ah ayay ku dhawaaqayeen
bulshadii halkaas ku sugneyd.
Iyada oo la galbinaayo ayaa Haldoorkii 5-aad la geeyay
Masraxii ay xafladdu ka dhacaysay, waa la cimaamadey, si cajiib ah ayaa loo
caleema-saaray, haddiyado isugu jirey Kitaabka Quraanka, Calanka
Soomaaliya, Shahaado Sharaf, Ubax iyo Qalin ayaa la guddoonsiiyay Haldoor
Maxamed Daahir Afrax.
Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay haldoorkii Duubka loo
xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo garto haldoorkii 5-aad,
waxaana uu cadddeeyay in aanu fileyn in isaga la cimaamadi doono, isaga oo u
mahadceliyay bahda Haldoor.
Wasiirka Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad,
Wasiirka Haweenka Xildhibaannad Xaniifa Maxamed Ibraahim, Xildhibaan Sakariye
Maxamud X. Cabdi, Xildhibaan Xaawo Yuusuf, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee
Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Maryan Aadan Amiin, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada
Xirsi Dhuux, Guddoomiyaha Degmada C/casiis Marwo Ubax-Roodo,Guddoomiyaha
barnaamijka Haldoor Dayax Axmed Maxamed, Guddoomiyaha ururka
dhallinyarada G/Banaadir, Cabdi-kaafi Makaraan, Gudoomiyaha Nusoj Md. Cawil
& masuuliyiin kale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa u hambalyeey haldoorkii
lala caweynayay.
Masuul walba oo ka hadlay fagaarahaas ayaa si kalgacal
leh u bogaadiyay Haldoorka la cimaamadey ee Maxamed Daahir Afrax, iyaga oo
qirey in Dr. Afrax uu u qalmo wax walba oo la isku sharfo.
Aqoon, dadaal, dulqaad, daacadnimo, hal-abuur, karti
& ilaalinta Afka Hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa Dr. Afrax lagu siiyay
biladda muujinaysa Haldoorka xilligaan.
Runtii habeenkaa waxay noqotay habeen qaali ku ah ummadda
Soomaliyeed oo la xasuusnaan doono maadaama ay dhacday xaflad ballaaran oo lagu
cimaamadey haldoorkii xilligaan.
Xafladda maamuuska Dr. Afrax
Ugu danbeyn Dr. Maxamed Daahir Afrax halgan dheer ka dib waa uu ku geeriyoodey London 9 oktoobar sanadkii 2020 kii, laakiin wax qabtiisa ma guurin. Dhimashada Dr. Afrax waxay gilgishey dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahayka, inkastoo dhimashadu ay xaq tahay hadane baahinta geerida ku timi Afrax waxay ay qof ahaan igu reebtey tiiraanyo gaar ah, waxaanse ku diirsatey qoraaladii lagu muujiyey inuu qof culus ahaa oo ka baxay Soomaali meel ay joogtaba, gaar ahaan qoraaladii ay soo saareen: Dr. Cabdifatax Nuur (Ashkir), Abwaan Maxamed Amiin al Hadi, Dr. Cumar Warsame, Qaadi Maxamed Cumar Ahmed, Qoraa Xasan Qorane iyo kuwo kale oo badan. Illaahey ha u naxariisto Dr. Maxamed Afrax.
Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaa uu ku dhashay sanadkii
1952 kii magaalada Jariiban ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu ka soo
jeedey qows reer xoolo dhaqato ah, laakiin yaraantiisiiba waxaa la geeyey
magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabey waxbarasho ka dib markii uu ku biiray
dugsiga hoose dhexe ee xaafadda Xamar Jajab, ka dib waxaa uu ka baxay dugsiga
sare ee Jamaal Cabdinaasir. Ka dib waxaa uu u safray dalka Yamanta Koofureed
gaar ahaan magaalada Cadan oo uu ka dhigtey Jaamacad, inta uusan aadin dalka
Ingiriiska oo uu ka sameeyey shahaadooyinka Masterka iyo Digtooraaga jaamacadda
London gaar ahaan qeybta baaritaanada Afrika qaabilsan.
Waxaa uu Afrax ka
shaqeeyey wasaarada waxbarashada iyo akadeemiyada cilmiga. Waqtigii dowladdii
madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa loo magacaabey inuu noqdo wasiiru
dowlaha arimaha iskaashiga caalamka. Waxaa kale oo uu noqday lataliyaha
madaxweynaha Jabuuti ee arimaha luqadda Soomaaliga. Afrax waxaa uu noqday
gudoomiyaha akadeemiyadda qowmiyada
Soomaalida ee lagu aas aasay dalka Jabuuti.
Duleedka Garoowe