Wednesday, 11 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

 

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

6




Kaabaha dhaqanka iyo afka


Maansada Soomaaliyeed iyo Qurbaha

Ummad waliba dhaxalkeeda aqooneed iyo ilbaxnimo iyada ayey u taalaa iney raad raacdo oo baaritaano ka sameyso, in kastoo ay arrintaa wax fudud ahayn gaar ahaan markii ay arrintu gasho qurbaha iyo taariikho hore oo xariir la leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waayo cilmibaarayaasha waxay la kulmayaan jid aad u adag maadaama uu barbuku dhacay xarumihii aqoonta iyo taariikhda dalka Soomaaliyeed, isla markaana aanan jirin awood dowladeed oo taageero ka geesan karta illaa iyo waqtiga aanu joogno.

Haddii aanu u jaleecno dhanka maansada waxaa iska cad in maansada noocyadeeda kale duwan ay kaalin lixaad leh ka qaadatey xifdinta iyo ilaalinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay maansadu ku socoto hab-dhac iyo jabac fududeenaya in la xifdiyo ama la sii gudbiyo.

Ujeedkeenu ma aha ineynu dabagalno maansada Soomaalyeed ee qrubaha, waayo raadraaca maansada Soomaaliyeed ee qurbaha oo uu gabaygu hormood u yahay ma aha wax fudud, inkastoo ay mudan tahay in qormooyin gaara lala beegsado, taa oo aan rajeenayo in qalinleyda Soomaaliyeed meel ay joogtaba uu maankoodu ku jiro.

Guud ahaan lama oga goorta iyo goobta ay ka billaabatey maansada, inkasta oo ay Soomaalidu ku caan baxday jeceylka suugaanta ay u qabaan, oo mararka qaarkood lagu tilmaamey wadankooda inuu yahay dalkii gabayga, waxaana xusid mudan in Soomaalidu ay ku firiirsan tahay dhammaan geeska Afrika iyo meelo kale.

Dhinaca qurbaha sidoo kale ma aynu hayno abwaano iyo goob la leeyahay waxay caan ku ahayd suugaanta Soomaalida oo maanta la hayo raadkoodii suugaaneed oo meel ku ururusan, in kastoo ay xusuusta dad badan ay ka buuxdo qaar ka mid ah arrimahaas, gaar ahaan facii ugu soo horeeyey ee soo galay qaarada Yurub oo ay ugu horeyso boqortooyada Ingiriiska. 

Xaalada Gabay ee Qurbaha

Sida aanu wada ogsoon nahay dad aad u tiro badan ayaa waxaa ay u qaxeen goobo ka baxsan degaanadana Soomaalidu degto ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1991 kii. Waxaa kale oo iyana jirey dadka  kale oo waqtiyadii hore si nabad ah ugu dhoofay qurbaha iyagoo nolol iyo horumar raadinaya, waxay ahaataba suugaanyahay Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa waxaa ay hibadooda suugaaneed ku cabireen dareenkooda ku aadan qurbaha iyo nolosha dhabta ah, sida kuwa kalana ay maansooyin kula dardaarmeen dadka Soomaaliyeed iyaga oo uga digaya qurbaha una sheegaya dhibaatada ay leedahay in qofku dalkiisa ka fogaado.

Suugaanlayda meel ay ka soo jeedaanba oo uu Illaahey hibada u siiyey curinta maansada qeybaheeda kale duwan waxaa caado u ah in ay xusuus kula dhacaan degaanadii ay ka soo jeedeen ama ay asal ahaan ku abtirsanayeen, taana waxaa suugaanleyda Soomaaliyeed la wadaaga dhammaan saaxibadood qurbaawiyiinda ah oo laga dhayan karo wax soosaarkooda suugaaneed. Bal u fiirso suugaanleyda Carbeed ee qurbaha sida ay u muujiyeen dareenkooda suugaaneed gaar ahaan gabyaaga oo la oran karo in gabayga Carbeed uu ku hanaqaaday goobihii ay ku noolaayeen, waana midka loo yaqaano « Gabayga Carbeed ee Qurbaha »

الشعر العربي في المهجر

Sida aan horey u soo tilmaamnay. Dhaqdhaqaaqyadaa waxaa ka soo baxay gabyaa caan ka noqday suugaanta Carbeed oo loogu magac daray ” Gabyaagii Carbeed ee qurbaha”, waxaana ka mid ah kuwaa:

-         Jabraan Khaliil Jabraan

-         Iiliyaa abuu Maadii

-         Miikhaa`iil Naciima

-         Rashiid Khiirii

-         Fowsi al Macluuf

-         Iyo kuwo kale. 

Qoraal kale ayaanu ku xusi doonaa hal-abuurada Soomaaliyeed ee dadaaladooda Suugaaneed ka muuqato degaanada woqooyiga Yurub iyo Ingiriiska casriga aanu joogno, kuwaa oo ku hanaqaadeen degaankii Soomaaliyeed hadana markii ay u soo qaxeen qurbaha waxay dareenkooda suugaaneed la wadaageen dadweynaha Soomaaliyeed iyo dadka daneeya suugaanta Soomaalida inkastoo aanan si toos ah aanan ugu falanqeynin hibada suugaaneed ee uu Illaahey uu siiyey, waxaana xusid mudan in badankood ay leeyihiin suugaan tix iyo tiraab leh sida: gabay , geeraar, shirib, hees, rawaayado iwm, kuwaa oo ku faafsan buugaagta qaarkood iyo warbaahintaba. 

Waxaa iyana jira buraanburo aad u badan oo ay tiriyeen dumar Soomaaliyeed oo ku nool woqooyiga Yurub iyo Ingiriiska, tayada iyo baaxada buraanburadaa kama yareystaan suugaanta noocyadeeda kale. Sida badan dumarka Soomaaliyeed waxay qeyb weyn ka qaataan soo bandhigidda dhaqanka Soomaaliyeed ee la xiriira qowska gaar ahaan aroosyada, dhalashada ciidaha, iyo munaasabadaha. Sidoo kale buuraanburada waxay si toos u abaaraan arimaha dalka Soomaaliya ka dhaca. 

Ujeedada qoraalkeenaan ma aha inaanu koobno ama aad dabagal ku sameyno dhammaan maansooyinka ay hal-abuurka Soomaaliyeed ee qurbaha curiyeen iyo noocyada ay ka kooban tahay, laakiin waxaanu xuseynaa in ay jiraan suugaan kale duwan ay leeyihiin Soomaalida qurbaha meel ay joogaanba, ayna u baahan tahay – sida aanu horey u soo sheegney - qoraalo si qoto dheer ku baara arrinkaa dabadeedna soo bandhiga iyada oo la raacayo hab cilmibaaris dheer si ay inoogu soo baxdo xaaladda suugaaneed ee qurbojoogtu xaqiijiyeen. Waxaanse halkakan ku soo bandhigeynaa dhowr maanso oo ay hal-abuurada Soomaaliyeed ee qurbojoogto ku cabireen dareenkooda ku aadan qurbaha iyo dhibaatada ay kala kulmeen qaar ka mid ah.

Dhibaatada Qurbaha (Gabay)

Qormadeena ku saabsan gabayga iyo qurbaha waxaanu ku soo qaadan doonaa dhowr maanso oo si toos ah uga faaloonaayo dhibaatooyinka qurbuhu leeyahay iyo dareenka qurbojoogta dhabta ah. 

Gabayga ugu horeeya waxaa tiriyey abwaan Cabdicasiis A. Maxamed Xoogsade waa gabyaa Soomaaliyeed oo aalaaba ku howlan inuu ka gabyo xoojinta diinteena Islaamka iyo dhaqankeena Soomaaliyeed ee suuban. Tixdaan suugaaneed waxaa uu abwaanku ku eegayaa dhibaatada dhoofku leeyahay oo aanay dadkeena ku cibro qaadaneynin ilaa qofku uu la kulmo dhibaatadaa oo aanu kuwii ka horreeyey ku cibraqaadanayn gaar ahaan dhalinyarada isugu jira gabdho iyo wiilal.

Aad ayey u haboon tahay in laga faa`iideysto talooyinka uu xanbaarsan yahay gabaygaan ee uu uga danqadey abwaan Cabdicasiis dadkiisa ku hayaamaya meel halis ah oo aan la hubin waxa ka imaan kara, isla markaana qofku uu naftiisa qaaliga ah uu tahluko ku tuurayo. Gabyaaga isaga oo dardaaran adag u diraya bulshadeena waxaa uu leeyahay ” dhoofku waa halise  ”, waxaana ku bilowday sidatan:

           Galayroow dhibaatada qurbaha ,dhaqankan doorsoomay.

     Dhaayaha nin saaraad tahoo ,waad ka dhiidhidaye

     Waadigii ka qoray dhowrmaqaal ,dhoofku suuyahaye.

Aniguna dhankaygaan rabaa inaan, dhaho ogaalkeeye.

Dhowrkaan oraahood bal hoo,iga dhab weeyaane .

Ragga dhoofka soo raba u sheeg, hana dhageysteene.

Ragga dhaayda iska daadiyee, dhoqoski ciideeyay.

Dhereg baa leh kibirkee u sheeg, dhoofku waa halise.

Hadday iyaga dheeldheel la tahay dhaayo baan jirine.

Qurbo laguma dheefsado’e waa,dhuumo oo miriqe.

Dhibaatada billowgeedi iyo waa, dhabanahaystiiye.

Dhurwaaguna wuxuu taagan yahay ,hilinki dheeraaye.

Dhaylada Yaxaaskii la baray, dhiirri lagu sheegye .

Dhaxantiyo qabowgiina waa, howlo kuu dhimane.

Sharaftuna waxay kaa dhuntaa, dhoofka dabadiise.

Dhakhtarkeeni waa kaa Xammaam, reer u dhaqayaaye.

Dhaqaalaha raggii korin lahaa, daalyay dhabarkiiye.

Waa kuwaa hablihi dhali lahaa, dhaafay waayuhuye.

Waa kuwaa dharkii dadi lahaa, Goonno dhaafsadaye.

Waayeeelki dhaqankii ka tage, dhowrsanaan jiraye.

Waa kaa dhalaankeeni gaal, diin u dhigayaaye.

Dhaqankoodi waa kaa la yiri, dhaafa oo naca’e.

Waa kuwaa sidii lagula dhalay, laysku dhagayaaye.

Waa kuwaa afkii laga dhunshood, mooddid ruux dhimmane.

Waa kuwaa intay soo dhamaan, dhuuqa koolada’e.

Waa kuwaa salaadihi dhibsaday, ama ka dheeraaday.

Allahayoow maxaa reer dhaqnaa, Yurub ku dhaandhaammay.

Allahayoow dhulkii noo nabdee, waygu dheeryahaye.

Allahayow khilaafkana dhammee, dhowrka sano taagan.

Dhaayaheen Allow ay arkaan, Dhaymanka iyo luulka.

Alloow dhoofka laga soo noqdaa, dhalanrog weeyaane.


Waano gabay iyo dhalinta qurbaha


Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Cabdalle oo ka mid ahaa qurbojoogta Soomaaliyeed ee  degen magaalada Seattle oo ka tirsan gobolka Washington ee dalka Maraykanka, waxaana uu abwaanku hibadiisa suugaaneed ku muujinayaa dhibaatooyinka lixaadka leh ee Soomaalida ka haysta qurbaha, kuwaa oo runtii ah kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gadoonka ilmaha soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Abwaanka waxaa dareenkiisa suugaaneed kiciyey ka dib markii uu u adkeysan waayey dhaqanka rogga ku dhacay dhallaanka Soomaaliyeed qaarkood oo qurbaha ku korey. Gabyaagu waxaa tixtiisa dhalinta kula talinaya in ay diinta, dhaqan iyo hiddaheena u dhug la haadaan, si gooni ahna waxaa uu abwaanku hoos ugu dhigayaa hablaha Soomaaliyeed isaga oo ku hal qabsanaya gabar Faadumo la yiraahdo iney ku daydaan hooyooyinkii dhalay oo barbaariyey, laakiin aaney dhaqan rogmin, waana sida uu ku soo gunaanaday gabyaagu oo ah sidatan:

 

Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada

     Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin

     Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne

      Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka

Abwaan Maxamuud Cabdulle isaga oo dadweynaha Soomaaliyeed la qeybsanaya dareenkiisa suugaaneed ee khuseeysa qurbojoogta Soomaaliyeed iyo dhibaayooyinka ay kala kulmaan  ubadkooda ku kora qurbaha. Gabaygiina sidan buu ku bilowday:

Faadumooy dhammays baa tahay dheg iyo miisaan leh

Dheeho lix iyo toban sano jirtoo aan dhib soo marine

Alla dhawryeey aabbooy! ducaan kuu dhafrinayaaye

U dhug yeelo waanadaan ku faro dheguhu yay seegin

Adigoo dhabtii hooyaada dhaafin maradeeda

Oo dhixir sidaa tahay ku maran dhinaca geesteeda

Ayuu eebbe iisoo dhigay dhul aanan doonayne

Dhulkii hooyo waxaynu uga nimid dhoyga geli caawa

Dhololkayga maahayn inaan debed u dhoofaaye

Kuma dhiirranayn abidinkay inaan dhuyaalaaye

Dalkeennaa dhisnaa oo ahaa midaan dhantaallayne

Dhereg iyo barwaaqaa dhexyiil dhayda caanaha

Dhankastaad u eegtaba nimcaa dhoobanayd gebiye

Bulsha dhaqan wanaagluu lahaa oo is dheefsada

Maammul loo dhegtaagaa jiroo qaran ku dhaataaye

Dhakhtarriyo iskuulliyo daryeel dhawran baa jiraye

Dhagta waaga waxan aadi jiray shaqo aan dheerayne

Galabtii kolkaan soo dhacee daal dhanba illaawo

Dhalad ehela iyo derisyadaan soo dhowayn jiraye

Dhawaaqaan maqlaba wuxu ahaa dheemman iyo luule

Innagoo dharaar guriganaga aayar dhacadiidna

Oo Villa dhaayuhu qabtaan nabad u dhoocaarna

Dhitaduna inoo taal anfaco dhiil walbiba buuxdo

Ayuu amar dhacoo la isku galay Xamar dhexdeediiye

Dhamacdiyo rasaastaa sidii roob u soo dhacaye

Dhalfiiftay noqdeen deriskayagi dhaaxa badidoode

Dhimbiilaa ku yaacoo arlada dhuudhibaa galaye

Dhiigbaa dariiqyada qulqulay suuqyo nagu dhowe

Cabsi baan la dhirifniyo Madfaca dhararqdiisiiye

Hurdo dhinaca dhigiwaaga iyo dhiilladiyo tawsta

Dhaca tuugadiyo boobka iyo dhidarka mooryaanta

Wax dheeraa qabiil dhuuntog iyo dhac iyo laystaane

Goortii dhuuni daayoo waxbadan gaajo lagu dheelmay

Goortaan dhabqalalownayee baahi dhugatownay

Goortaad habeen iyo dharaar oohin dhalandhooshay

Ayuunbaan sidaan kuu dhib tiro dhooleey soo qaxaye

Lixdan baan u dhaxay Baydhabiyo dhegedkii Waamoode

Dhagax quudannaa iyo dhunkaal dharaq ku leelleelka

Waayeel dhanqalan iyo carruur waaqla lagu dhaafay

Dhaayahaygu waxay soo arkeen dhawr kunoo melege

Dhiilladiyo colaaddaa ku fiday taniyo Dhoobleeye

Dharab lagu badbaadiyo kolkay nabadi dheeraatay

Dhabbadii Habaar Waalidbaan Dhooleey soo maraye

Dhafoor moordi Keenyaan ah baan dheef ka saanyadaye

Dhabatada sideedaa xeryaha deyr naloo dhigaye

Dhamas baa dugaal noo noqdiyo hoy dhilmaanyalehe

Dhurwaa iyo abeesaan rafiiq noqonnay dhawr goore

Dhoorlaha libaax reemayaa noogu soo dhacaye

Waxa aan aroor dheelmadoo dhuuni kula raadshey

Dhakal caydha waxan lalansadoo badar kusoo dhaanshey

Dhufays sidan ku jiro waxan lignaa dhoobadiyo ceelka

Dhooleey aqooniyo inaad dhaxal u aydaaye

Dhoofkii Marakani anigu uma dheg taagayne

Kolkii uu dalkii dheelliyee dhiillo dami weydey

Adna aad dhallaan nolol dhur sugi noqotay dhaameelka

Ayaan talo ku dhoobdhoobay inaan tago dhul gaalaade

Rabbi kama abaal dhicine way dhaqay ilaahaye

Inkastoon dhulkii tebahayoon gacal ka dheeraaday

Inkaastaannu hoy Dhookir iyo David wada joogno

Kolkii aan ku dheehdaa farxadi igu dhammaataaye

Dhebigii Caleed sida tihiyo Dhuurta iyo Jiica

Ama dhumuc Galool yeeshayoo Damal ka dheeraaday

Abbooy mid kula dhalan ah duni hooyo may dhaline

Dhal jacaylka waa waalid uun dhamamixiisiiye

Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada

Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin

Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne

Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka

 

Buraanburka iyo qurbaha

Buraanburku waa qeyb ka mid ah suugaanta Soomaaliyeed kuna firirsan dhammaan dugaanada dadka Soomaalidu degaan ee geeska Afrika. Buraanburku waxaa uu ka mid yahay qeybaha maansada Soomaaliyeed ee la soo guurey qurbojoogta Soomaaliyeed kuwa ugu lixaadka weyn, waxaana la arkaa mar walba ay Soomaalidu yeeshaan kulumo iyaga u gooni ah in yahay hormoodka ay aalaabaa dumaraka Soomaaliyeed soo bandhigaan.

Inkasto ay haboon tahay in dabagal iyo baaritaan xoogan lagu sameeyo tirada iyo tayada ay leeyihiin baraanburada ay dumarka Soomaaliyeed curiyaan, hadana ujeedadeenu ma aha inaanu howshaa halkakan ku soo qaadan doono, waayo waxay u baahan tahay qoraalo arrinkaa u gooni ah, waxaanse tilmaami doonaa hal buraanbur oo kaliya oo xiriir la leh dhibaatooyinka qurbaha ay kala kulmaan dadka Soomaaliyeed.

 Dhaqan xumada dhalinta qurbaha (Buraanbur)

Nuurto Xuseen oo ku magac dheer Nuurto Ganos waa abwaanad ku caanbaxday curinta Buraanburka, waxayna ku nooshahay magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska. Buraanburada ay tirisay oo aad u badan, waxaana hubaal ah in dhammaan buraanburada Nuurto Xuseen ay yihiin kuwo cabira wadaniyadda iyo bilicda dalka Soomaaliya, sidoo kale burburka ku dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Abwaan Nuurto waxay leedahay oo kale suugaan xoogan oo ay kaga hadleyso Soomaalida iyo  dhibaatooyinka qurbaha ay kala kulmaan.

Waxaanu halkan soo qaadananeynaa qayb ka mid ah buraanburada ay abwaanadu curiyey, gaar ahaan waxay mid hoosta ka xariiqdey sida ay u dhaqan rogmeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaarey. Iyada oo arrinkaa ka hadlaysa waxaaa tuducyadii ay tirisey ka mid ahaa:

Dhulkaan aanu joognaa dhaqankiisu waa xunyahay

Dhalintii waa kala dhaqaaqdoo dhibaa ka dhacay

Oo surwaalkaa bowdadii dhaafayay sidaa dhibtii ah

Timihii aa dhabarka dhaafoo dhegtaa u duran

Oo shooshal baa dhowranaayoo dhawaaq ma jiro

Nolosha dhalanteeda ubadkeenu waa ku dhumay

Allow dhali nabadda adigaan ku dhowranee.


Sunday, 8 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

 

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

5

Kaabaha dhaqanka iyo afka

Warfaafinta

Mar haddii aanu soo qaadanay ka hadalka kaabayaasha dhaqanka iyo afka, waxaa meesha iyana ka marneyn doorka looga baahan yahay warfaafinta qeybaheeda kale duwan oo akhris, muuqaal iyo maqalba leh,. Dadka Soomaaliyeed waxa ay sameeyeen raadiyo iyo telefishino iyaga u gaar ah oo ku baxa afka Soomaaliga, kuwaa oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan dalalka Sweden iyo Norway waxay leeyihiin dhowr idaacadood oo ku hadla afka hooyo. Sidaa waxaa la mid ah dalalka kale ee ku yaal waqooyiga Yurub iyo Ingiriiska qudhiisa oo horyaal u ah xuriyadda iyo isdhexgalka bulshooyinka.

Taana waxay ku timid ka dib markii ay ka faa`iideysteen dadka Soomaaliyeed xaquuqda ay ku leeyihiin dalalka ay degen yihiin oo ku aadan dhaqanka, afka iyo diinta, waana mid aan la hor istaagi karin oo ku qoran dastuurada dalalka aanu soo tilmaamney.



Dhinaca mareegyada (webside) waxaa jira mareegyo u gaar ah afka hooyo oo sababta loo aas aasay ay tahay sidii kor  loogu qaadi lahaa afka hooyo oo ay leeyihiin bulshooyinka ku nool dalalka Norway iyo Sweden. Mareegtaa waxaa lagu magacaabaa (Tema Morsmål), billowgii waxaa laga curiyey dalka Sweden ka dibna Norway, Mareegta waxay ku tiirsan tahay xarumaha waxbarshada ee labadaa dal, waana howl weyn oo qeyb lixaad leh ka qaata horumarka af hooyo  iyo caawinta ardayda ee dhigta dugsiyada hoose iyo dhexe oo ay ka mid yihiin Soomaalida, casharada waxaa lagu soo bandhigaa hab heer sare oo waafaqsan tarbiyada casriga.

Waxaa kaloo jira mareegyo badan oo ku mashquushan soo bandhigida danaha bulshada Soomaaliyeed ee Norway iyo Sweden kuwaa oo si joog ah uga hadla wararka ku wareegsan Soomaalida.

Idaacada BBC da laanta afka Soomaaliga



BBC-da laanteeda af Soomaaliga Muddo ayay ahayd isha kaliya oo ay dadka Soomaaliyeed warka iyo wacaalka ka helaan gaar ahaan qurbo joogta. Waqtiga dheer ay furneyd waxaa suuro galay in ay ka baxaan barnaamijyo kala duwan oo xiriir la leh dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Waxaa ku kaydsan dhaxal dhaqan iyo suugaan oo qiimo badan, oo ayna adag tahay in meel kale laga helo.

 

 

 

Xarunta BBC somali London 1969 kii . Midig ka bilow, Mustafa xaaji Nuur, Saleebaan aw Daahir afqarshe, Cabdulaahi xaaji  iyo Wariye Cismaan sugulle. 

Idaacadda BBC-du waa hay’ad warbaahineed oo Ingiriis ah, taas oo ku wajahan gudaha Ingiriiska iyo adduunweynaha intiisa kale, waxa lagu tilmaamaa inay markii hore aasaaseen koox shirkado ganacsi ah oo loo yaqaanay The British Broadcasting Company ama shirkadda Warbaahinta Ingiriiska taariikhdu markii ay ahayd 18 October 1922 kii, laakiin muddo kooban ka dib waxa si rasmi ah ula wareegtay dawladda Ingiriiska, waxaana magaceeda loo soo gaabiyey British Broadcasting Corporation (BBC) ama Shirkadda warbaahinta ee Britain, waxaa agaasimihii ugu horeeyey ka noqday nin injineer ahaa oo lagu magacaabi jirey John Reith, dad badan oo reer Ingiriis ahna u yaqaanaan aabbaha warbaahinta madaxabannaan ee Ingiriiska.

Taariikhdu markii ay ahayd 19 December 1932-kii, ayaa idaacadda BBC-da laga dhigay mid adduun weynaha la hadasha, iyadoo sida la tilmaamo lagu aasaasay xeerka boqortooyada (Royal Charter), arrintaas oo macneheedu yahay inay u shaqayso sidii idaacad ka madax bannaan dawladda Ingiriiska.
Idaacadda BBC-da oo muddo aad u badan sii deynaysay warbixino kala duwan waxaa la sheegaa inay ka qayb qaadatay arrimo badan oo dhinaca ammaanka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo maaweelada ah, inta badan siyaasiyiinta adduunku waxay aaminsan yihiin inay door weyn ka ciyaartay isku xirka adduunka.

Waxay idaacadani ku caan tahay weriyayaal iyo shaqaale tiro badan oo adduunka daafaheeda kala jooga.

Laamaha afafka ka baxa idaacadda BBC-da waxaa ka mid ah laanta Afsoomaaliga oo la billaabay taariikhdu markay ahayd 18 July 1957-kii.

 

wariyaashii ugu horeeyey ee laanta Af-Soomaaliga ka shaqeeyaa waxay shaqada ku billaabeen si da`doodu weyn tahay, waxaa marba marka ka dambeysa iskugu tegeyey rag awoodooda aqooneed sareyso, gaar ahaan aqoonta ay u leeyihiin luqadda Ingiriisiga oo wararka iyo barnaamijyada ay si toos ah uga turjumayeen luqadaas, maadaama aanu jirin far Soomaali ah la adeegsan karaa.
Hadalkii ugu horeeyey waxa sii daayey Xaaji Cabdi Ducaale. Intaa wixii ka dambeysayna dadku waxay la qabsadeen inay maalin walba u diyaar garoobaan wararka idaacadaas, waxay noqdeen dad macmiil u ah dhegeysiga laanta Af-soomaaliga. Waxaa xusid mudan in wariye Cabdullaahi Xaaji uu ahaa qofkii ugu waqti dheeraa mudada uu shaqeynayey.

 

 Maxamed Rashiid Sh Xasan

Inkastoo ay barnaamijyo aan la soo koobi karin oo afka, suugaanta iyo dhaqanka ka faaloonaya ay ka baxeen idaacadda bbc da, hadana waxaa aad loo xasuustaa barnaamijkii Sahan ee uu soo jeedin jirey Maxamed Rashiid Shiikh Xasan, barnaamijkaa ahaa natiijada Maxamed Rashiid uu ka gaaray ka dib markii uu sahan baaritaanta ah uu dib ugu jaleecay barnaamijyadii ka bixi jirey idaacadda muddadii dheereen ay jirtey.

Waxaa kale oo idaacadda bbc da soo bandhigtey muddadii ay socotey barnaamijyo kale oo aad u xiiso badan sida kii la oran jirey barnaamijka ”Fanka iyo suugaanta” waxaana markii ugu horeeyey daadihin jirey Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar, waxaase xusid mudan in marnaamijkaa uu fikirkeeda iyo abuurkeedaba lahaa Cabdiraxmaan Caabi Faarax oo ka mid ahaa madaxadii soo martey idaacadda bbc da.

Dalmar iyo dadaaladiisii

 

Dalmar, Oxford Huese - London 30 oktoobar 2021

Maxamuud waa wariye iyo suugaanyahan u dhuun daloola arrimaha dhaqanka iyo suugaanta, mar aan kula kulmay dabaaldagii kulunka toddobaadka ee London bishii oktoobar 2021 kii waxaan ka wareysay doorka idaacadda BBC-da iyo arrimo kale oo aan ku soo bandhigi doono – hadduu Illaahay idmo – qoraal ka muqweyn qormadeenaan.

Dalmar, Mustafa iyo aniga – London, oktoobar, 2021 



Friday, 6 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

 

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

4


Kaabaha dhaqanka iyo afka

Waxaa laga yaabaa in dad badan ay mar walba is weydiiyaan:

-       Ma jiraa kaabe dhaqanka iyo afkeena hooyo oo wax ku ool ah?

-       Hadduu jirese waa maxay kaabayaasha dhaqanka iyo afka Soomaaliga?

Marka la joogo qurbaha oo ka fog dalkii hooyo iyo awoodii ummadda Soomaaliyeed lahayd waa adag tahay in dhaqankii iyo afkii Soomaaliyeed sidii loo baahnaa uu noqdo, gaar ahaan marka la eego waqtiga dheer ee ay soo mareen qurbajoogta Soomaaliyeed ka dib dagaaladii sokeeye, waxaana aad u kordhaya walwal iyo walbahaar ku aadan in uu sii lumo ama hoos u dhaco dhaqankeenii suubanaa iyo afkii u dhexeeyey dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Taa waxay dhalisay in qurbajoogta ay iskood isu abaabulaan iyagoo ka fikiraya sidii mustaqbalka ubadkooda u hagaajin lahaayeen, gaar ahaan dhanka diinta, dhaqanka iyo afka hooyo.

Waxaa jira oo aanan marnaba la dafiri karin dhowr arrimood oo kaabaya sidii loo ilaalin lahaa afka iyo dhaqanka bulsho walba oo dunida ku sugan, taana kama duwana bulshooyinka qurbaha ku sugan oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Inkasta oo ay kaabayaasha ay badan yihiin isla markaana ay kala duwan yihiin, waxaanu qormadeena ku soo koobeynaa dhowr arrimood oo aanu is leeynahay waxbay ka tareen kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka iyo afka Soommaaliyeed marka la joogo qurbaha.

 Waalidka

 Waalidiinta  Soomaaliyeed waa tiir aad u adag oo door weyn ka qaata sidii ay u caawin lahaayeen caruurtooda meel ay joogaanba, waxaana shaki ku jirin muhimadda waalidka leeyahay iyo kaalinta lixaadka leh ee ay ka qaateen sidii loo adkeyn lahaa dhaqanka caruurtooda ee qurbaha. Taana waxay ka billaabaneysaa guriga, dabadeedna xarumaha xanaanada iyo iskuulada oo loo baahan yahay in waalidku la leeyahay xiriir fiican iyo wada shaqeyn hufan oo u baahan dadaal iyo foogjignaan badan, gaar ahaan marka ay caruurtu gaaraan da`da lagu billaabo iskuulka.

Doorka waalidku ee qurbaha waxay u baahan tahay qoraalo gaar ah oo qoto dheer taa oo ay ku fara yareystaan aqoonyahayka u dhuul duleela arrinka oo leh khibrad lixaad leh.

Qowsaska caruurta ku haysta qurbaha uma yara walwal iyo walbahaar gaar ahaan qowsaska degen wadada waqooyiga yurub oo mar walba la hadal haayo qaadashada caruurta ay qaataan hay`adaha ku shaqo leh ilaalinta xaquuqda iyo daryeelka caruurta, xaalada sidaa ah waxaa la wadaaga wadamo kale oo ay ka mid yihiin boqortooyada Ingiriiska. Taa waxay dhalisey in waalidiinta aad ay isaga xilsaaraan barbaarinta wanaagsan ee uu Illaahey ina amrey iyo ku dadaalka ilaalinta sharciyada u degen dalalka qurbaha oo dhigaya in caruurta dowladda ay ku nool yihiin mas`uul wadaag la tahay waalidka dhaley caruurta. Waxaa kale oo aad u kordhey wacyi galinta Soomaalida dhexdeeda taa oo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka diineed iyo dhaqameed ee caruurta Soomaaliyeed. 

Soomaalida qurbaha waxay aad u ogaadeen in aad waalid ku noqotaa wadamada reer galbeed aaney aheyn wax fudud, balse ay ka duwan tahay degaanadii Soomaaliyeed ay mas`uuliyadda caruurta isla wadaagi jireen qows weynaha caruurta ka soo jeedaan, deriska iyo dhammaan bulshada gaar ahaan wixii ku aadan dhaqan iyo diin. 

Sida badan isku dhac aad u badan ayaa ka dhex dhaca waalidiinta iyo caruurta ku kora wadamada reer galbeed kaa oo aanu oran karno waxa lagu magacaabo isku dhac dhaqameed ( cultural collision), taa oo aalama dhaca marka caruurtu ay qaan gaar noqdaan iyaga oo doonaya iney xuriyad buuxda u helaan noloshooda, waalidkuna uu doonayo inuu gacanta si buuxda ugu hayo caruurta si ay ugu barbaaraan habka iyo dhaqanka uu waalidku doonayo. Waxay ahaataba waalidiinta wadamada qurbaha gaar ahaan kuwa ayna Soomaalidu wadaagin dhaqan iyo diin waxay muujiyeen dadaalo aad u xoogan sidii ay ubadkooda ugu abaabin lahaayeen dhaqankii Soomaaliyeed ee suubanaa oo ay ugu horeyso ku dhaqanka diinta Islaamka sidii ay caruurtu u noqon lahayd muslimiin fiican oo hormood ka noqda dadyowga muslimiinta. 

Waxaa meesha iyana jira doorka bulshada guud ahaan oo waajib ka saaran yahay dhallaanka maadaama ay meel ka soo wada jeedaan kuna abtirsadaan diin, dhaqan iyo af mideeya dhammaantood meel ay joogaanba. Mus`uuliyadaa waxa ay ku aadan tahay qaybaha bulshada oo dhan iyada oo aan la kala qaadin sida: waalidka, culumada, aqoonyahayka, abwaaniindta, fanaaniinta iwm oo loo baahan yahay in layska wada kaashado sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka ubadkeena ama loo adkeyn lahaaba.

Sidaa darteed waxaa jira ururo iyo hay`ado aan la soo koobi karin oo ka shaqeeya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dhaqanka, fanka iyo barbaarinta caruurta, gaar ahaan waqtiyada ay timaado munaasabadaha ciidaha iyo dabaaldegyada kale. Waxaa kaloo iyana jira buugaag iyo agabyo kale duwan oo loogu talo galey caruuta si ay ku xoogowdo afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.


Sunday, 1 May 2022

 


Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

3



Marka laga hadlaayo tisqaadka afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee qurbaha  ma aha arrin fudud oo igu soo bood ah, sidoo kale ma aha mid qarsoon in Soomaalidu leedahay dhaqan u gooni ah oo ay ku faanto, kaa oo ka muuqda nolol maalmeedkooda isla markaana ay aad u dareemayaan bulshooyinka kale ee ku dhex dhaqan yihiin. Dabeecadaha iyo hab nololeedka Soomaalida ma aha mid qarsoon ama mid ku yimid si lama filaan ah, ee waa dhaqan ka muuqda nolashooda oo ay ku faanaan, waxaana la oran karaa waxaa jiro sababo dhowr ah oo ku bixiyey in Soomaalida ay dhaqankooda ku faanto oo aanay qarin sida in ay galgacaylka weyn u hayaan dhaqankooda maadaama badankii uu ku tiirsan yahay diinta Islaamka oo kaalin weyn kaga jirta noloshooda.

Jaceylka Soomaalida u qabaan Suugaanta aad bay u sii korartay markii ay dibadda u soo hayaameen, taana waxay ka muuqataa facyadii ugu horeeyey oo aad ugu xirnaa dadkii iyo dhulkoodii hooyo ay ka soo jeedeen, sidaa darteed la yaab ma laheyn in la arko Soomaali badan oo aad u xafidsanaa suugaanta jaanta iyo jabaqda laheyd sida gabayga, geeraarka, heesaha iwm.

Soomaalida qurbaha ku nool kuma eka oo kaliye wadan ama qaarad qudha ee waxaa ay ku firirsan yihiin daafaha dunida oo idil, waxaana la oran karaa wey yar tahay meel aanay dad Soomaali joogin ama gaarin.

Isku socodka iyo isdhex mushaaxa waa wax waligeed jiri jirey oo marna dadka kalama xirney, Soomaaliduna waxay ka mid ahayd dadyowga aduunka oo way socon jirtey, degaanada ay ku nool yihiinna waxaa soo gaari jirey dad kale oo socota ah, laakiin lama tilmaami karo waayihii hore iyo sidii uu ahaa socdaalka  ay gali jireen Soomaalida iyo meelaha ay aalaaba aadi jireen.

Waxaase xusid mid socdaaladii ay ku imaan jireen Gariigii hore, Roomaankii hore iyo booqashooyinkii Faraacintii hore dhulka Soomaaliyeed, waxaa kale oo la og yahay in Soomaalida qudhooda ay booqashooyin la mid ah kuwaa in ay iyagana ku aadi jireen dhulka reer Masar.

Waxaa iyana diiwaan gashan in Jasiirada Carabtu degto ay jireen kooxo si rac rac ah u yimaada dhulka Soomaalida waayihii ka horeeyey inta uusan soo daahirin Nabigeenii Muhammed – naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – sidoo kale waxaa jirey socdaalo rogaal celis ah oo ay dadyowga Geeska Afrika degen oo ay Soomaalidu ka mid tahay ay ku tagi jireen Jasiirada Carabta, laakiin xiriirka iyo isku socodka labada dhinac waxaa uu aad u sii xoogsaday ka dib markii diinta Islaamka soo if baxday. Marka laga reebo in Asxaabtii Nabiga – naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – ay ku yimaadeen Geeska Afrika waxaa kaloo jirey hijrooyin iyo socdaalo is daba joog ah oo ay Carabtu ay ku imaan jireen dhulka Soomaaliyeed iyo dhammaan degaanada beriga Afrika gaar ahaan magaalooyinka ku teedsan xeebaha sida: Saylac, Barbara, Bulixaar, Xaafuun, Muqdisho, Marka, Baraawe, Laamo, Kilwo, Bambasa iwm.

Sidoo kale iyana meesha kama marnayn in Soomaalida iyana u socdaasho dhulka ay Carabtu degenaayeen sida: Yaman, Xijaas ( Makka iyo Madiina ) Ciraaq, Shaam ( gaar ahaan suuriya ) iyo Masar.

Waxaa jirey ujeedooyin kale duwan oo labada dhinacba ku kalifayey in ay socdaaladaa galaan sida: waxbarsho iyo cilmi raadis, ganacsi, diin faafin, raadin nolol iyo meel amaan ah iwm.

Arimhaas xoogooda waxaanu uga soo hadalnay buugaag kale oo hadda looma baahna inaanu mar kale ku celino.

dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu aad u kordhiyay tirada Qurbajoogta waxayna taa sababtay in ay Soomaali badan  u hayaamaan meelo kale duwan oo caalamka ka mid ah sida wadamada deriska iyo Afrika guud ahaanba, Bariga dhexeYurub Usturaaliya Woqooyiga iyo Koofurta Ameerika.

Waxaase xusid mudan in Soomaali badan ay qurbojoog ahaayeen xitaa ka hor dagaaladii Sokeeye, iyaga oo shaqo iyo waxbarashaba u aaday dalalka Carabta, si gaar ah wadamada Khaliijka, Masar, Suuriya, Yaman iyo Suudaan, sidoo kale waxaa jirey iyana kuwa kale oo shaqo iyo waxbarshaba u raadsaday Qaaradaha Yurub iyo Ameerika sida dalalka Talyaaniga, Ingiriiska, Jarmalka iyo wadamadii lays ku oran jiray Midowga Soofiyeeti.

Waxaase jira dalal badan oo ay Soomaalida billowday iney si rasmi ah u degaan wixii ka danbeeyey dagaalkii Sokeeyo ka dib sida wadamada Woqooiga Yurub, gaar ahaan dalka Finland oo la dhihi karo waxay ay Soomaalidu billowday imaashaha dalkaas wixii ka danbeeyey dagaalidii sokeeye sanadkii 1991 kii.