Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka
Soomaaliyeed
6
Kaabaha dhaqanka iyo afka
Maansada
Soomaaliyeed iyo Qurbaha
Ummad waliba dhaxalkeeda aqooneed iyo ilbaxnimo iyada ayey u taalaa iney raad raacdo oo baaritaano ka sameyso, in kastoo ay arrintaa wax fudud ahayn gaar ahaan markii ay arrintu gasho qurbaha iyo taariikho hore oo xariir la leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waayo cilmibaarayaasha waxay la kulmayaan jid aad u adag maadaama uu barbuku dhacay xarumihii aqoonta iyo taariikhda dalka Soomaaliyeed, isla markaana aanan jirin awood dowladeed oo taageero ka geesan karta illaa iyo waqtiga aanu joogno.
Haddii aanu u
jaleecno dhanka maansada waxaa iska cad in maansada noocyadeeda kale duwan ay
kaalin lixaad leh ka qaadatey xifdinta iyo ilaalinta afka iyo dhaqanka
Soomaaliyeed, maadaama ay maansadu ku socoto hab-dhac iyo jabac fududeenaya in
la xifdiyo ama la sii gudbiyo.
Ujeedkeenu ma aha ineynu dabagalno maansada Soomaalyeed ee qrubaha, waayo raadraaca maansada Soomaaliyeed ee qurbaha oo uu gabaygu hormood u yahay ma aha wax fudud, inkastoo ay mudan tahay in qormooyin gaara lala beegsado, taa oo aan rajeenayo in qalinleyda Soomaaliyeed meel ay joogtaba uu maankoodu ku jiro.
Guud ahaan lama
oga goorta iyo goobta ay ka billaabatey maansada, inkasta oo ay Soomaalidu ku
caan baxday jeceylka suugaanta ay u qabaan, oo mararka qaarkood lagu tilmaamey
wadankooda inuu yahay dalkii gabayga, waxaana xusid mudan in Soomaalidu ay ku
firiirsan tahay dhammaan geeska Afrika iyo meelo kale.
Dhinaca qurbaha
sidoo kale ma aynu hayno abwaano iyo goob la leeyahay waxay caan ku ahayd suugaanta
Soomaalida oo maanta la hayo raadkoodii suugaaneed oo meel ku ururusan, in kastoo ay xusuusta dad badan ay ka buuxdo qaar ka mid ah arrimahaas, gaar ahaan facii ugu soo horeeyey ee soo galay qaarada Yurub oo ay ugu horeyso boqortooyada Ingiriiska.
Xaalada Gabay ee Qurbaha
Sida aanu wada ogsoon nahay dad aad u tiro badan ayaa waxaa ay u qaxeen goobo ka baxsan degaanadana Soomaalidu degto ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1991 kii. Waxaa kale oo iyana jirey dadka kale oo waqtiyadii hore si nabad ah ugu dhoofay qurbaha iyagoo nolol iyo horumar raadinaya, waxay ahaataba suugaanyahay Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa waxaa ay hibadooda suugaaneed ku cabireen dareenkooda ku aadan qurbaha iyo nolosha dhabta ah, sida kuwa kalana ay maansooyin kula dardaarmeen dadka Soomaaliyeed iyaga oo uga digaya qurbaha una sheegaya dhibaatada ay leedahay in qofku dalkiisa ka fogaado.
Suugaanlayda meel ay ka soo jeedaanba oo uu Illaahey hibada u siiyey
curinta maansada qeybaheeda kale duwan waxaa caado u ah in ay xusuus kula
dhacaan degaanadii ay ka soo jeedeen ama ay asal ahaan ku abtirsanayeen, taana
waxaa suugaanleyda Soomaaliyeed la wadaaga dhammaan saaxibadood qurbaawiyiinda
ah oo laga dhayan karo wax soosaarkooda suugaaneed. Bal u fiirso suugaanleyda
Carbeed ee qurbaha sida ay u muujiyeen dareenkooda suugaaneed gaar ahaan
gabyaaga oo la oran karo in gabayga Carbeed uu ku hanaqaaday goobihii ay ku
noolaayeen, waana midka loo yaqaano « Gabayga Carbeed ee Qurbaha »
الشعر العربي في المهجر
Sida aan horey u soo
tilmaamnay. Dhaqdhaqaaqyadaa waxaa ka soo baxay gabyaa caan ka noqday suugaanta
Carbeed oo loogu magac daray ” Gabyaagii Carbeed ee qurbaha”, waxaana ka mid ah
kuwaa:
-
Jabraan Khaliil Jabraan
-
Iiliyaa abuu Maadii
-
Miikhaa`iil Naciima
-
Rashiid Khiirii
-
Fowsi al Macluuf
- Iyo kuwo kale.
Qoraal kale ayaanu ku xusi doonaa hal-abuurada Soomaaliyeed ee dadaaladooda Suugaaneed ka muuqato degaanada woqooyiga Yurub iyo Ingiriiska casriga aanu joogno, kuwaa oo ku hanaqaadeen degaankii Soomaaliyeed hadana markii ay u soo qaxeen qurbaha waxay dareenkooda suugaaneed la wadaageen dadweynaha Soomaaliyeed iyo dadka daneeya suugaanta Soomaalida inkastoo aanan si toos ah aanan ugu falanqeynin hibada suugaaneed ee uu Illaahey uu siiyey, waxaana xusid mudan in badankood ay leeyihiin suugaan tix iyo tiraab leh sida: gabay , geeraar, shirib, hees, rawaayado iwm, kuwaa oo ku faafsan buugaagta qaarkood iyo warbaahintaba.
Waxaa iyana jira buraanburo aad u badan oo ay tiriyeen dumar Soomaaliyeed oo ku nool woqooyiga Yurub iyo Ingiriiska, tayada iyo baaxada buraanburadaa kama yareystaan suugaanta noocyadeeda kale. Sida badan dumarka Soomaaliyeed waxay qeyb weyn ka qaataan soo bandhigidda dhaqanka Soomaaliyeed ee la xiriira qowska gaar ahaan aroosyada, dhalashada ciidaha, iyo munaasabadaha. Sidoo kale buuraanburada waxay si toos u abaaraan arimaha dalka Soomaaliya ka dhaca.
Ujeedada qoraalkeenaan ma aha inaanu koobno ama aad dabagal ku sameyno dhammaan maansooyinka ay hal-abuurka Soomaaliyeed ee qurbaha curiyeen iyo noocyada ay ka kooban tahay, laakiin waxaanu xuseynaa in ay jiraan suugaan kale duwan ay leeyihiin Soomaalida qurbaha meel ay joogaanba, ayna u baahan tahay – sida aanu horey u soo sheegney - qoraalo si qoto dheer ku baara arrinkaa dabadeedna soo bandhiga iyada oo la raacayo hab cilmibaaris dheer si ay inoogu soo baxdo xaaladda suugaaneed ee qurbojoogtu xaqiijiyeen. Waxaanse halkakan ku soo bandhigeynaa dhowr maanso oo ay hal-abuurada Soomaaliyeed ee qurbojoogto ku cabireen dareenkooda ku aadan qurbaha iyo dhibaatada ay kala kulmeen qaar ka mid ah.
Dhibaatada Qurbaha (Gabay)
Qormadeena ku saabsan gabayga iyo qurbaha waxaanu ku soo qaadan doonaa dhowr maanso oo si toos ah uga faaloonaayo dhibaatooyinka qurbuhu leeyahay iyo dareenka qurbojoogta dhabta ah.
Gabayga ugu horeeya waxaa tiriyey abwaan Cabdicasiis A. Maxamed Xoogsade waa gabyaa Soomaaliyeed oo aalaaba ku howlan inuu ka gabyo xoojinta diinteena Islaamka iyo dhaqankeena Soomaaliyeed ee suuban. Tixdaan suugaaneed waxaa uu abwaanku ku eegayaa dhibaatada dhoofku leeyahay oo aanay dadkeena ku cibro qaadaneynin ilaa qofku uu la kulmo dhibaatadaa oo aanu kuwii ka horreeyey ku cibraqaadanayn gaar ahaan dhalinyarada isugu jira gabdho iyo wiilal.
Aad
ayey u haboon tahay in laga faa`iideysto talooyinka uu xanbaarsan yahay
gabaygaan ee uu uga danqadey abwaan Cabdicasiis dadkiisa ku hayaamaya meel
halis ah oo aan la hubin waxa ka imaan kara, isla markaana qofku uu naftiisa
qaaliga ah uu tahluko ku tuurayo. Gabyaaga isaga oo dardaaran adag u diraya
bulshadeena waxaa uu leeyahay ” dhoofku waa halise ”, waxaana ku bilowday sidatan:
Galayroow dhibaatada qurbaha
,dhaqankan doorsoomay.
Dhaayaha nin saaraad tahoo ,waad ka
dhiidhidaye
Waadigii ka qoray dhowrmaqaal ,dhoofku
suuyahaye.
Aniguna
dhankaygaan rabaa inaan, dhaho ogaalkeeye.
Dhowrkaan
oraahood bal hoo,iga dhab weeyaane .
Ragga
dhoofka soo raba u sheeg, hana dhageysteene.
Ragga
dhaayda iska daadiyee, dhoqoski ciideeyay.
Dhereg
baa leh kibirkee u sheeg, dhoofku waa halise.
Hadday
iyaga dheeldheel la tahay dhaayo baan jirine.
Qurbo
laguma dheefsado’e waa,dhuumo oo miriqe.
Dhibaatada
billowgeedi iyo waa, dhabanahaystiiye.
Dhurwaaguna
wuxuu taagan yahay ,hilinki dheeraaye.
Dhaylada
Yaxaaskii la baray, dhiirri lagu sheegye .
Dhaxantiyo
qabowgiina waa, howlo kuu dhimane.
Sharaftuna
waxay kaa dhuntaa, dhoofka dabadiise.
Dhakhtarkeeni
waa kaa Xammaam, reer u dhaqayaaye.
Dhaqaalaha
raggii korin lahaa, daalyay dhabarkiiye.
Waa
kuwaa hablihi dhali lahaa, dhaafay waayuhuye.
Waa
kuwaa dharkii dadi lahaa, Goonno dhaafsadaye.
Waayeeelki
dhaqankii ka tage, dhowrsanaan jiraye.
Waa
kaa dhalaankeeni gaal, diin u dhigayaaye.
Dhaqankoodi
waa kaa la yiri, dhaafa oo naca’e.
Waa
kuwaa sidii lagula dhalay, laysku dhagayaaye.
Waa
kuwaa afkii laga dhunshood, mooddid ruux dhimmane.
Waa
kuwaa intay soo dhamaan, dhuuqa koolada’e.
Waa
kuwaa salaadihi dhibsaday, ama ka dheeraaday.
Allahayoow
maxaa reer dhaqnaa, Yurub ku dhaandhaammay.
Allahayoow
dhulkii noo nabdee, waygu dheeryahaye.
Allahayow
khilaafkana dhammee, dhowrka sano taagan.
Dhaayaheen
Allow ay arkaan, Dhaymanka iyo luulka.
Alloow dhoofka laga soo noqdaa, dhalanrog weeyaane.
Waano gabay iyo dhalinta qurbaha
Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Cabdalle oo ka mid ahaa qurbojoogta Soomaaliyeed ee degen magaalada Seattle oo ka tirsan gobolka Washington ee dalka Maraykanka, waxaana uu abwaanku hibadiisa suugaaneed ku muujinayaa dhibaatooyinka lixaadka leh ee Soomaalida ka haysta qurbaha, kuwaa oo runtii ah kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gadoonka ilmaha soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Abwaanka waxaa dareenkiisa suugaaneed kiciyey ka dib markii uu u adkeysan waayey dhaqanka rogga ku dhacay dhallaanka Soomaaliyeed qaarkood oo qurbaha ku korey. Gabyaagu waxaa tixtiisa dhalinta kula talinaya in ay diinta, dhaqan iyo hiddaheena u dhug la haadaan, si gooni ahna waxaa uu abwaanku hoos ugu dhigayaa hablaha Soomaaliyeed isaga oo ku hal qabsanaya gabar Faadumo la yiraahdo iney ku daydaan hooyooyinkii dhalay oo barbaariyey, laakiin aaney dhaqan rogmin, waana sida uu ku soo gunaanaday gabyaagu oo ah sidatan:
Dhaqankaaga iyo diinta iyo
dhawro sharaftaada
Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u
dhaafin
Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan
guurayne
Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin
tawxiidka
Abwaan Maxamuud Cabdulle isaga oo dadweynaha Soomaaliyeed la qeybsanaya dareenkiisa suugaaneed ee khuseeysa qurbojoogta Soomaaliyeed iyo dhibaayooyinka ay kala kulmaan ubadkooda ku kora qurbaha. Gabaygiina sidan buu ku bilowday:
Faadumooy dhammays baa tahay
dheg iyo miisaan leh
Dheeho lix iyo toban sano jirtoo
aan dhib soo marine
Alla dhawryeey aabbooy! ducaan
kuu dhafrinayaaye
U dhug yeelo waanadaan ku faro
dheguhu yay seegin
Adigoo dhabtii hooyaada dhaafin
maradeeda
Oo dhixir sidaa tahay ku maran
dhinaca geesteeda
Ayuu eebbe iisoo dhigay dhul
aanan doonayne
Dhulkii hooyo waxaynu uga nimid
dhoyga geli caawa
Dhololkayga maahayn inaan debed
u dhoofaaye
Kuma dhiirranayn abidinkay inaan
dhuyaalaaye
Dalkeennaa dhisnaa oo ahaa
midaan dhantaallayne
Dhereg iyo barwaaqaa dhexyiil
dhayda caanaha
Dhankastaad u eegtaba nimcaa
dhoobanayd gebiye
Bulsha dhaqan wanaagluu lahaa oo
is dheefsada
Maammul loo dhegtaagaa jiroo
qaran ku dhaataaye
Dhakhtarriyo iskuulliyo daryeel
dhawran baa jiraye
Dhagta waaga waxan aadi jiray
shaqo aan dheerayne
Galabtii kolkaan soo dhacee daal
dhanba illaawo
Dhalad ehela iyo derisyadaan soo
dhowayn jiraye
Dhawaaqaan maqlaba wuxu ahaa
dheemman iyo luule
Innagoo dharaar guriganaga aayar
dhacadiidna
Oo Villa dhaayuhu qabtaan nabad
u dhoocaarna
Dhitaduna inoo taal anfaco dhiil
walbiba buuxdo
Ayuu amar dhacoo la isku galay
Xamar dhexdeediiye
Dhamacdiyo rasaastaa sidii roob
u soo dhacaye
Dhalfiiftay noqdeen deriskayagi
dhaaxa badidoode
Dhimbiilaa ku yaacoo arlada
dhuudhibaa galaye
Dhiigbaa dariiqyada qulqulay
suuqyo nagu dhowe
Cabsi baan la dhirifniyo Madfaca
dhararqdiisiiye
Hurdo dhinaca dhigiwaaga iyo
dhiilladiyo tawsta
Dhaca tuugadiyo boobka iyo
dhidarka mooryaanta
Wax dheeraa qabiil dhuuntog iyo
dhac iyo laystaane
Goortii dhuuni daayoo waxbadan
gaajo lagu dheelmay
Goortaan dhabqalalownayee baahi
dhugatownay
Goortaad habeen iyo dharaar
oohin dhalandhooshay
Ayuunbaan sidaan kuu dhib tiro
dhooleey soo qaxaye
Lixdan baan u dhaxay Baydhabiyo
dhegedkii Waamoode
Dhagax quudannaa iyo dhunkaal
dharaq ku leelleelka
Waayeel dhanqalan iyo carruur
waaqla lagu dhaafay
Dhaayahaygu waxay soo arkeen
dhawr kunoo melege
Dhiilladiyo colaaddaa ku fiday
taniyo Dhoobleeye
Dharab lagu badbaadiyo kolkay
nabadi dheeraatay
Dhabbadii Habaar Waalidbaan
Dhooleey soo maraye
Dhafoor moordi Keenyaan ah baan
dheef ka saanyadaye
Dhabatada sideedaa xeryaha deyr
naloo dhigaye
Dhamas baa dugaal noo noqdiyo
hoy dhilmaanyalehe
Dhurwaa iyo abeesaan rafiiq
noqonnay dhawr goore
Dhoorlaha libaax reemayaa noogu
soo dhacaye
Waxa aan aroor dheelmadoo dhuuni
kula raadshey
Dhakal caydha waxan lalansadoo
badar kusoo dhaanshey
Dhufays sidan ku jiro waxan
lignaa dhoobadiyo ceelka
Dhooleey aqooniyo inaad dhaxal u
aydaaye
Dhoofkii Marakani anigu uma dheg
taagayne
Kolkii uu dalkii dheelliyee
dhiillo dami weydey
Adna aad dhallaan nolol dhur
sugi noqotay dhaameelka
Ayaan talo ku dhoobdhoobay inaan
tago dhul gaalaade
Rabbi kama abaal dhicine way
dhaqay ilaahaye
Inkastoon dhulkii tebahayoon
gacal ka dheeraaday
Inkaastaannu hoy Dhookir iyo
David wada joogno
Kolkii aan ku dheehdaa farxadi
igu dhammaataaye
Dhebigii Caleed sida tihiyo
Dhuurta iyo Jiica
Ama dhumuc Galool yeeshayoo
Damal ka dheeraaday
Abbooy mid kula dhalan ah duni
hooyo may dhaline
Dhal jacaylka waa waalid uun
dhamamixiisiiye
Dhaqankaaga iyo diinta iyo
dhawro sharaftaada
Dhaddig hooyadaa kaga dayoo
eedyar ha u dhaafin
Afkeennaan dhaliil aan lahayn
dhaxal aan guurayne
Maandhey cilmiga dhigo adoon
dhuminin tawxiidka
Buraanburka
iyo qurbaha
Buraanburku waa qeyb ka mid ah suugaanta Soomaaliyeed kuna firirsan dhammaan dugaanada dadka Soomaalidu degaan ee geeska Afrika. Buraanburku waxaa uu ka mid yahay qeybaha maansada Soomaaliyeed ee la soo guurey qurbojoogta Soomaaliyeed kuwa ugu lixaadka weyn, waxaana la arkaa mar walba ay Soomaalidu yeeshaan kulumo iyaga u gooni ah in yahay hormoodka ay aalaabaa dumaraka Soomaaliyeed soo bandhigaan.
Inkasto ay haboon tahay in dabagal iyo
baaritaan xoogan lagu sameeyo tirada iyo tayada ay leeyihiin baraanburada ay
dumarka Soomaaliyeed curiyaan, hadana ujeedadeenu ma aha inaanu howshaa
halkakan ku soo qaadan doono, waayo waxay u baahan tahay qoraalo arrinkaa u
gooni ah, waxaanse tilmaami doonaa hal buraanbur oo kaliya oo xiriir la leh
dhibaatooyinka qurbaha ay kala kulmaan dadka Soomaaliyeed.
Dhaqan xumada dhalinta qurbaha (Buraanbur)
Nuurto Xuseen oo ku magac dheer Nuurto Ganos waa abwaanad ku caanbaxday curinta Buraanburka, waxayna ku nooshahay magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska. Buraanburada ay tirisay oo aad u badan, waxaana hubaal ah in dhammaan buraanburada Nuurto Xuseen ay yihiin kuwo cabira wadaniyadda iyo bilicda dalka Soomaaliya, sidoo kale burburka ku dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Abwaan Nuurto waxay leedahay oo kale suugaan xoogan oo ay kaga hadleyso Soomaalida iyo dhibaatooyinka qurbaha ay kala kulmaan.
Waxaanu halkan soo qaadananeynaa qayb ka mid ah buraanburada ay abwaanadu curiyey, gaar ahaan waxay mid hoosta ka xariiqdey sida ay u dhaqan rogmeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaarey. Iyada oo arrinkaa ka hadlaysa waxaaa tuducyadii ay tirisey ka mid ahaa:
Dhulkaan aanu joognaa dhaqankiisu waa xunyahay
Dhalintii waa kala dhaqaaqdoo dhibaa ka dhacay
Oo surwaalkaa bowdadii dhaafayay sidaa dhibtii
ah
Timihii aa dhabarka dhaafoo dhegtaa u duran
Oo shooshal baa dhowranaayoo dhawaaq ma jiro
Nolosha dhalanteeda ubadkeenu waa ku dhumay
Allow dhali nabadda adigaan ku dhowranee.