Friday, 19 October 2018




Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed

3

Dr. Maxamed Xuseen Macallin
Hogaanka koofur galbeed oo hadda talada haya lama yareysan karo oo doorashada illaa iyo hadda sida ay qorsheenayaan ayey u socotaa, taa waxaa u dheer barlamaanka wax dooranaya waxaa soo xuley Shariif Xasan sh Adan oo mar kale doonaya inuu dib ugu soo laabto kursiga isagoo og in xaaladda ay ka duwan tahay tii hore.
Haddii ay dowladdii uu hogaanka u yahay madaxweyne Xasan shiikh Maxamud ay isla jaanqaadeen bilowgii koonfur galbeed, maanta dowladda uu hormoodka ka yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wey ka duwan tahay sida aan horey u soo cadeeney, laakiin  khibradda dheer oo uu Shariifku ka heley waqtigii dheeraa ee uu siyaasadda ku soo jirey iyo wada shaqeyntii uu madaxweynayaal dhowr ah uu la soo shaqeeyey oo ay qaar koodna ay is qabteen laakiin isaga u harey masraxa siyaasadda waa laga yaabaa in ay caawiso. Marka taa laga soo tago waxaa kale iyana jira musharixiin badan oo culus taageerayaal ku filanna ka heysta dadweynaha koofur galbeed iyo isbaheysiyo siyaasadeed, isla markaana doonaya iney talada koofur galbeed gacanta ku dhigaan.
Runtii Shariifku ma mooga arrintaa waana uu ka sii baaraan degey in xaaladdaan oo kale imaan doonto, waxaan marna kaqarsooneyn iney soo food saartey culeys siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka dowladda federaalka iyo shacbiga degaanada koofur galbeed qaarkood oo quudareenaya in fursadda soo socota la siiyo qof aan Shariifka aheyn, laakiin Shariifku waxaa uu ka soo jeedaa Ahlu beytkii Nabigeena suubanaa - Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – isla markaana akhlaaq wanaagsan oo aanan marnaba aflagaado iyo xumaan afkiisa laga maqlin oo nugul, dhanka siyaasaddana waxaa uu iibinayaa warqad culus oo ku aadan waxqabadkiisa koofur galbeed inaan layska indho tirin laguna qadariyo, gaar ahaan in dib loo jaleeco  meesha  uu ka soo qaadey koofur galbeed iyo xaaladda maanta ay mareyso, lana arko tartanka maamulkiisa uu kula jira dowlad gobeleedyada Soomaaliyeed ee kale. 
Waxay ahaataba marna waxaan indhaha laga daboolan karin deganaashaha siyaasadeed ee ay maanta ku baashaalayaan tartamayaalka taa aan jirin dowlad goboleedyada qaarkood sida Jubbaland, Hirshabeele iyo Galmudug, runtiina arrinkaa ma aha mid si lama filaan ah ku yimi ee waa xaalad siyaasadeed ay horumood u tahay dowladda koofur galbeed ee uu  hormoodka ka yahay Shariifka, iyo hido raac ay shacabka degaanadaan ay  leeyihiin kaa oo salka ku haya sooyaal fog oo nabad jeceel ah, inkasta oo dhextaal soo galey ka dib markii uu qarankeenii burburey, waxaase isweydiin mudan in maalmaha soo socda ay sidaa arrintu ahaan doonto iyo in kale. 
Dad badan ayaa waxay ka shaki qabaan in ay dhici doonto dib u gurasho ku timaada maamulka Shariifka oo doonaya iney mar labaad talada qabtaan, haddii ay dareemaan xaalad culus oo ka hortaagan riyadooda, taana waxay sababi kartaa isku dhac xoogan iyo iney ay lumiyaan qadarintii iyo maamuuskii loo hayey.
Culueyska ugu weyn waxaa uu yahay in aanan leysku haleyn karin xildhibaanada wax dooranaya heshiis kasta oo lala soo galaba, xaaladaas waxay koofur galbeed la wadaagtaa dhammaan dalka oo idil, waxaa la ogaadey in qofka rabitaankiisa aanan hor istaagi karin, danooyin hoose oo ay ugu horeyso dhaqaale iyo heeb qabiil, gaar ahaan markii culumo dhowr ah ay ka soo yeertey oraah la xiriirta fatwooyin diineed oo faraya u hiilinta danta dalka iyo ummadda Soomaaliyeed oo muslimka ah, mana filayo in dhamaam musharixiintu ay moog yihiin xaaladaa.
Cidna kama qarsoona iney maanta koofur galbeed taagan tahay xaalad oraneysa:
 (Ka sheexa wixii ….. na Sharaf dilayee
Bushimihii sharwadoow …… shib naga dhaha.)
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga

Thursday, 18 October 2018



Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed

2
Dr. Moxamed Xussein Macallin

Doorashadu waxay isugu soo biyo shuban doontaa seddex koox oo la oran karo seddex isbaheysi kuwaa oo kale ah:
1-   Maamulka koofur galbeed oo uu musharax u yahay Madaxweyne Shariif Xasan sh Aadan.
2-   Kooxda dowladda federaalka ay taageereyso oo uu ugu horeeyo mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) wasiirka tamarta iyo biyaha xukuumadda Xasan Cali Kheyre, iyo mudane Xuseen Cismaan Xuseen  oo dhawaan iska casiley xilka agaasimaha guud ee hay`adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ee Nisa.
3-   Musharixiin dhowr ah oo gooni u taagan oo aanan caddeyn cidda ay salka ku hayaan laakiin xan badan ay jirto qaarkood, kuwaana illaa iyo hadda waxaa banaanka u soo baxay oo caddeystey musharaxnimadooda mudanayaasha ay ka midka yihiin:
- Maxamed Adan Ibrahim (Fargeedi) wasiirkii maaliyadda xukuumadii Cumar Cabdirashiid.

 

- Adan Maxamed Nuur ( Saransoor) wasiirkii Ganacsiga iyo warshadaha ee xakuumadkii C/weli Sheekh Axmed 
- Injineer Saalax shiikh Cusmaan wasiirkii howlaha guud iyo guriyeenta
ee xukuumadii Cumar Cabdirashiid.
- Xuseen Xasan Cabdi (kushug) maamul yaqaan muddo ka shaqeeyey xafiiska Qaramada Midoobi ee Soomaaliya u qaabilsan.
- Yuusuf Macallin Amiin ( Baadiyow) wasiirka degadaha xakuumadii C/weli Sheekh Axmed .
- shiikh Mukhtaar Roobow Cali halgamaa tariikh ku leh koofurta Soomaaliya.
Iyo kuwo kale.
Runtii wax qarsoon ma aha in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay ku suurto gali laheyd  in ay hogaanka koofur galbeed qabtaan mudanayaan ay gacan saar leeyihiin si ay ugu fududaato wada shaqeynta labada dhinac, meeshana  ay ka  baxdo midi midi ku taag, laakiin wax garadka reer koofur galbeed qaarkii arrintaa wal wal badan ayey ka muujinayaan iyagoo ka cabsi qaba in dowladda ay u soo guuriso qalalaasaha ka socda Hirshabeele iyo Galmudug oo in muddo ah ay isku hertinayeen siyaasiyiin xiriir la leh dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada degaanadaa, taana waxaa loo arkey iney tahay ku takrid falid awoodda loo ikmadey iyo in dowladdu mashquul ku tahay howlo aan loo dirsan, isla markaana aanan war u heynin arrimihii looga fadhiyey iney wax ka qabto, taa oo ay ugu horeyso sidii loo sugi lahaa nabadda iyo ka hortagga kooxaha argagixisada oo dhul ballaaran gacanta ku haya, laakiin waxaa dhacdey in ay aad u sii kala fogeysey maamuladda dalka iyo hogaanka sare ee dowladdeena oo loo baahnaa iney si wada xaajood ah gacanta ugu dhigto.


Maxamed Mursal

Doorashada  waxay u eg tahay tii gudoomiyaha baarlamaan federaalka oo kale oo uu loolanka ku dhexmarey kooxda uu hogaaminayo Shariif Xasan iyo dowladda federaalka oo la kala saftey Ibrahim Isaaq yarow iyo Maxamed Mursal, waxaana shaki ku jirin in Shariif Xasan uu turubka dib u baandheen doono si ayna u dhicin wixii hore u dhacay oo kale.

Cabdicasiis Lafte Garen


Dhinaca kale waxaa xusid mudan in labada musharax ee taageerada ka heysta dowladda dhexe ay yihiin mudanayaal maamuus iyo qadarin ku leh degaanada ay ka soo jeedaan, tusaale ahaan wasiir Cabddicasiis lafta Gareen illaa iyo muddo waxa uu ka muuqdey masraxa siyaayadda dalka laga soo bilaabo xilligii uu madaxweyne Cabdiqaasim talada yahay,waxaana  lagu xusuustaa inuu yahay nin degan oo aad uga fog dareenka qabiilka iyo isku dirka ummadda, taana waxaa la oran karaa in mudanuhu uu fursad u heley la dhaqanka Soomaaliweyn goobo kale duwan ku dhaqan, waxaase hubaal ah in mudane Cabdicasiis (Lafta Gareen) uu khibrado kale duwan ka heley Xilalkii Kala Duwanaa ee uu Ka Soo Qabtey xukuumadihii Kumeel Gaarka ahaa ee Dalka Soo Marey.

Xuseen -Cismaan Xuseen
Sidoo kale mudane Xuseen Cismaan Xuseen waa nin aqoonyahan oo akademik ah, meelo kale duwanna wax ku soo bartey oo dal iyo dibadba leh, taana waxaa uu ka heley aqoon iyo khibrad ku filan. 
Xog aan la yareysan karin waxay sheegeysaa in haddii Lafta Gareen ku guuleysto jagada madaxweynaha uu u dooran doono Xuseen Cismaan madaxweyne ku xigeen, in kastoo ay arrinkaa wax u dhimi doonto awood qeybsiga beelaha wada dega koofur galbeed, maadaama gudoomiya baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa oo ay isaga iyo  Xuseen  ka soo wada jeedaan beelaha Digil, arrinkaana waa midda Shariif Xasan ka hor istaagtey illaa iyo hadda inuu magacaabo madaxweyne ku xigeen ay yeelato Koofur galbeed.....
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga