Doorashada koofur
galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
3
Hogaanka
koofur galbeed oo hadda talada haya lama yareysan karo oo doorashada illaa iyo
hadda sida ay qorsheenayaan ayey u socotaa, taa waxaa u dheer barlamaanka wax
dooranaya waxaa soo xuley Shariif Xasan sh Adan oo mar kale doonaya inuu dib
ugu soo laabto kursiga isagoo og in xaaladda ay ka duwan tahay tii hore.
Haddii
ay dowladdii uu hogaanka u yahay madaxweyne Xasan shiikh Maxamud ay isla
jaanqaadeen bilowgii koonfur galbeed, maanta dowladda uu hormoodka ka yahay madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wey ka duwan tahay sida aan horey u soo cadeeney, laakiin khibradda dheer oo uu Shariifku ka heley waqtigii dheeraa ee uu siyaasadda ku soo jirey iyo wada shaqeyntii uu madaxweynayaal dhowr ah
uu la soo shaqeeyey oo ay qaar koodna ay is qabteen laakiin isaga u harey masraxa siyaasadda waa laga yaabaa in ay caawiso. Marka taa laga soo tago waxaa kale iyana jira musharixiin badan oo culus
taageerayaal ku filanna ka heysta dadweynaha koofur galbeed iyo isbaheysiyo siyaasadeed,
isla markaana doonaya iney talada koofur galbeed gacanta ku dhigaan.
Runtii
Shariifku ma mooga arrintaa waana uu ka sii baaraan degey in xaaladdaan oo kale
imaan doonto, waxaan marna kaqarsooneyn iney soo food saartey culeys
siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka dowladda federaalka iyo shacbiga degaanada
koofur galbeed qaarkood oo quudareenaya in fursadda soo socota la siiyo qof aan
Shariifka aheyn, laakiin Shariifku waxaa uu ka soo jeedaa Ahlu beytkii
Nabigeena suubanaa - Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – isla
markaana akhlaaq wanaagsan oo aanan marnaba aflagaado iyo xumaan afkiisa laga maqlin oo nugul, dhanka siyaasaddana waxaa uu iibinayaa warqad culus oo ku aadan waxqabadkiisa koofur
galbeed inaan layska indho tirin laguna qadariyo, gaar ahaan in dib loo jaleeco
meesha
uu ka soo qaadey koofur galbeed iyo xaaladda maanta ay mareyso, lana
arko tartanka maamulkiisa uu kula jira dowlad gobeleedyada Soomaaliyeed ee
kale.
Waxay
ahaataba marna waxaan indhaha laga daboolan karin deganaashaha siyaasadeed ee
ay maanta ku baashaalayaan tartamayaalka taa aan jirin dowlad goboleedyada qaarkood
sida Jubbaland, Hirshabeele iyo Galmudug, runtiina arrinkaa ma aha mid si lama
filaan ah ku yimi ee waa xaalad siyaasadeed ay horumood u tahay dowladda koofur
galbeed ee uu hormoodka ka yahay
Shariifka, iyo hido raac ay shacabka degaanadaan ay leeyihiin kaa oo salka ku haya sooyaal fog oo
nabad jeceel ah, inkasta oo dhextaal soo galey ka dib markii uu qarankeenii burburey, waxaase isweydiin mudan in maalmaha soo socda ay sidaa arrintu ahaan
doonto iyo in kale.
Dad badan
ayaa waxay ka shaki qabaan in ay dhici doonto dib u gurasho ku timaada maamulka
Shariifka oo doonaya iney mar labaad talada qabtaan, haddii ay dareemaan xaalad
culus oo ka hortaagan riyadooda, taana waxay sababi kartaa isku dhac xoogan iyo
iney ay lumiyaan qadarintii iyo maamuuskii loo hayey.
Culueyska ugu
weyn waxaa uu yahay in aanan leysku haleyn karin xildhibaanada wax dooranaya
heshiis kasta oo lala soo galaba, xaaladaas waxay koofur galbeed la wadaagtaa
dhammaan dalka oo idil, waxaa la ogaadey in qofka rabitaankiisa aanan hor istaagi
karin, danooyin hoose oo ay ugu horeyso dhaqaale iyo heeb qabiil, gaar ahaan
markii culumo dhowr ah ay ka soo yeertey oraah la xiriirta fatwooyin diineed oo
faraya u hiilinta danta dalka iyo ummadda Soomaaliyeed oo muslimka ah, mana
filayo in dhamaam musharixiintu ay moog yihiin xaaladaa.
Cidna kama
qarsoona iney maanta koofur galbeed taagan tahay xaalad oraneysa:
(Ka sheexa
wixii ….. na Sharaf dilayee
Bushimihii sharwadoow …… shib naga dhaha.)
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga











