Tuesday, 16 October 2018





Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed

1
Dr. Moxamed Xussein Macallin
Afeef: aqri qoraaladeyda haddii aad tahay qof ka xureysan: koox , qabiil, hunguri iyo daneysi siyaasadeed. Ogow in qoraalku yahay aragtideyda aniga ii gaarka ah.

Halkakan waxaan ku soo bandhigi doonaa qoraalo taxane ah oo ku aadan doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka koofur galbeed oo la war hayo iney dhici doonto 17ka November haddii Illaahey idmo.
Related image


Qaban qaabo aad u xoogan oo ku aadan doorashada madaxweynaha afarta sano ee soo socota ayaa laga dareemayaa Baydhabo, waana doorashadii ugu horeysey oo ay gali doonaan xubnaha barlamaanka koofur galbeed, taa oo ay ku loolami doonaan dhowr qofood oo uu ugu horeeyo madaxweynaha hadda talada haya Shariif Xasan Sh Aadan iyo koox kale oo u badan rag. Doorashadu waxay u muuqataa mid si habsami ku dhici doonto oo degen illaa iyo hadda, waase haddii laga ilaaliyo faro galin iyo isdaba maris.
Shariif Xasan sh Adan
Deganaashaha siyaasadeed waxaa majaraha u haya Shariifka oo mar walba dadaal ku bixiya in arrimuhu ku dhammaadaan wada xaajood iyo is af-garad aan la socon gacan ka hadal iyo dhiilo colaadeed, laakiin waxaa muuqata in iminka ay ka hor yimaadeen hirar siyaasadeed oo baaxad weyn leh, taa oo kaga imaaneysa dhanka dowladda federaalka iyo kuwa u tartamaya jagada madaxweynaha oo uu ugu horeeyo Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali kaa oo u muuqda musharax culus, muujiyeyna inuu haysto taageero weyn iyo kalsoonida dad badan oo ku baahsan gudaha dalka iyo  dibadaba.
 
Sh Mukhtaar Rooboow


Waxay noqotaba koofur galbeed waxay u muuqataa meel indho badan ay eegayaan, ha ahaato dowladda dhexe ee federaalka, bulshada caalamka, shacabka reer koofur galbeed iyo waliba dowlad goboleedyada kale ee Soomaaliyeed, taana waxay adkeyneysaa in doorashada si fudud aana lagu baajin karin, isla markaana la wiiqi karin maadaama ay dhinacyada ku tartamaya ay hab siyaasadeed degen ay adeegsanayaan, arrinkaana waa raasimaalka soo jireenka ah ay ku caano maalaan degaanada dadyowga beeraleyda ah oo cuskanaya ilbaxnimo gun weyn.
Qof qura ayey guushu raaci doontaa, inkastoo ay dhammaan guuleesan doonaan haddii si habsami ah doorashadu u dhacdo oo aanan la dareemin eex iyo musuqmaasuq, sidaa darteed waxaa la hoboon qolooyinka laga guuleysaa in ay aqbalaan natiijada soo baxda.
Waxaan ugu danbeyntii soo amaahanayaa ereyadii abwaan Cabdiqani Maxamed Cabdi Sujuu ee uu ku yiri:
Gallad Eebe weeye
Waxaan Guule kuu qorin
Orad laguma gaaree
Ha u culanin gaawaha
 ………
Nabadgelyo iyo qoraalka xiga.