Doorashada koofur
galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
1
| Dr. Moxamed Xussein Macallin |
Afeef: aqri
qoraaladeyda haddii aad tahay qof ka xureysan: koox , qabiil, hunguri iyo daneysi
siyaasadeed. Ogow in qoraalku yahay aragtideyda aniga ii gaarka ah.
Halkakan waxaan
ku soo bandhigi doonaa qoraalo taxane ah oo ku aadan doorashada madaxweynaha
dowlad goboleedka koofur galbeed oo la war hayo iney dhici doonto 17ka November
haddii Illaahey idmo.
Qaban qaabo aad
u xoogan oo ku aadan doorashada madaxweynaha afarta sano ee soo socota ayaa laga
dareemayaa Baydhabo, waana doorashadii ugu horeysey oo ay gali doonaan xubnaha barlamaanka
koofur galbeed, taa oo ay ku loolami doonaan dhowr qofood oo uu ugu horeeyo
madaxweynaha hadda talada haya Shariif Xasan Sh Aadan iyo koox kale oo u badan
rag. Doorashadu waxay u muuqataa mid si habsami ku dhici doonto oo degen illaa
iyo hadda, waase haddii laga ilaaliyo faro galin iyo isdaba maris.
| Shariif Xasan sh Adan |
Deganaashaha siyaasadeed
waxaa majaraha u haya Shariifka oo mar walba dadaal ku bixiya in arrimuhu ku
dhammaadaan wada xaajood iyo is af-garad aan la socon gacan ka hadal iyo dhiilo
colaadeed, laakiin waxaa muuqata in iminka ay ka hor yimaadeen hirar siyaasadeed
oo baaxad weyn leh, taa oo kaga imaaneysa dhanka dowladda federaalka iyo kuwa u
tartamaya jagada madaxweynaha oo uu ugu horeeyo Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali kaa
oo u muuqda musharax culus, muujiyeyna inuu haysto taageero weyn iyo kalsoonida
dad badan oo ku baahsan gudaha dalka iyo
dibadaba.
![]() |
| Sh Mukhtaar Rooboow |
Waxay noqotaba
koofur galbeed waxay u muuqataa meel indho badan ay eegayaan, ha ahaato dowladda
dhexe ee federaalka, bulshada caalamka, shacabka reer koofur galbeed iyo waliba
dowlad goboleedyada kale ee Soomaaliyeed, taana waxay adkeyneysaa in doorashada si fudud aana lagu baajin karin, isla markaana la wiiqi karin maadaama ay dhinacyada ku tartamaya ay hab siyaasadeed degen ay adeegsanayaan, arrinkaana waa raasimaalka soo jireenka ah ay ku caano maalaan degaanada dadyowga beeraleyda ah oo cuskanaya ilbaxnimo gun weyn.
Qof qura ayey
guushu raaci doontaa, inkastoo ay dhammaan guuleesan doonaan haddii si habsami ah
doorashadu u dhacdo oo aanan la dareemin eex iyo musuqmaasuq, sidaa darteed
waxaa la hoboon qolooyinka laga guuleysaa in ay aqbalaan natiijada soo baxda.
Waxaan ugu
danbeyntii soo amaahanayaa ereyadii abwaan Cabdiqani Maxamed Cabdi Sujuu ee uu ku yiri:
Gallad Eebe
weeye
Waxaan Guule
kuu qorin
Orad laguma
gaaree
Ha u culanin
gaawaha
………
Nabadgelyo iyo
qoraalka xiga.

