Wednesday, 27 July 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska) 


Xarunta U Hiili Aqoonta

Ururka ama Xarunta u Hiili Aqoonta waxaa dadaal badan ku bixiyey dhaliyaro Soomaaliyeed

oo ay hormuud u tahay marwa Ifraax Yuusuf Ciyow oo waqti badan galisey sidii ay ugu

guulaysan lahaayeen in xaruntaan ay istaagto dabadeedan ay ka qeyb qaadato horumarka

dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, isla markaana ay xaruntu u noqoto darbi weyn oo difaac u

noqda himilada iyo horumarka dhallinta  Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool,  gaar ahaan

dalka Norway.

Runtii layaab ma leh in Ifraah Ciyow muddo badan ayey ku mashquulsaneed sidii ay

Soomaalida Norway ku nool ay u siin lahayd  fursad ay ku akhriyaan buugaag afkooda

ku qoran iyo inay ka caawiyaan ardayda Soomaaliyeed caqabadaha wax akhriska iyo

qoraalkaba. Sidaa darteed Ifraax waxay aasaastey xarun ama shirkad ay ugu magac

dartey " U Hiili Aqoonta ", shirkadaa oo daabacda buugaagta iyo qoraalada kaleba.

Xarunta u U Hiili Aqoonta waxaa uu saldhigeedu yahay dalka Norway. Ifraax marar badan

waxay sheegtey in ay diyaar u tahay in dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney wax

daabacaan gaar ahaan dhalinyarada iney garab istaagi doonto sidii ay qoraaladooda uga

miro keeni lahaayeen.


Ururka waddaniga Soomaaliyeed

Kuma koobna dadaalada ay Ifraax Yuusuf Ciyow  ku bixisey sidii ay gacan weyn uga geysan laheed horumarka afka hooyo iyo dhaqankeena suuban, waxayna Ifraax ka mid ahayd dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhidibada u taagay urur loogu magac daray ururka ” wadaniga Soomaaliyeed ”, xarunta ururka waxaa uu ahaa magaalda Hordland ee dalka Norway, waxaase xusid  midan in aasaask ururka lagu beegey 15 ka bisha may, Ifraax Ciyow oo ka  hadashey sababaha loo aasaasay ururka isla markaana loogu beegey aasaaska taariikhdaa waxay cadeesay in ujeedadu ahayd inaan qaadano hanaankii wadaninimo ay lahaayeen dhalinyaradii ururka SYL, iyo inaan  dhalinyarada Soomaaliyeed xusuusino halgankii waddaninimo ay soo mareen dhalinyaradii SYL, oo natiijadeedu ay noqotay inaan noqono waddan xor ah.

Ifraax waxay kaloo sharaxaad ka bixisay qiimaha ay wadaninmada ay leedahay iyo in ay Soomaalida muujiyaan waddaninimo, waxayna tusaale ahaan u soo qaadatay xisbigii dhalinyarada ahaa ee SYL sida ay waddaninimada daacad uga ahayd. Ifraax Yuusf Ciyow waxay ururkaa ka ahayd madaxa Arimaha Bulshada.

Ururka waxaa uu ku guuleystey wacyi galinta dhalinyarada iyo abaabulka maalmaha xuriyada, dhalinyarada iyo ciidaha diinteena Islaamka.

Mar ay ka hadleesey xafladda 15-ka May ee Soomaalida deggan dalka Norway ayaa waxay dhallinyarada ku boorisey sidii ay ugu wada shaqeyn lahaayeen isku tiirsanaanta dhallinta Soomaaliyeed iyo iney ku dadaalaan sidii ay diintooda, dhaqankooda iyo afkooda ugu dadaali lahaayeen horumarkiisa, isla markaana waxay dib u jeleecday dadaaladii dhallinyaradii Soomaaleed ee aasaastey ururkii SYL iyo guulihii ay u soo hoyeen ummadda Soomaaliyeed.

 Hormoodka arimaha haweenka iyo qowska Soomaaliyeed

 


Ifraax Ciyow waxay ka mid tahay dadka u dhaqdhaqaaqa in ” codka haweenka kor noqdo ” iyo qowsaska soo galootiga gaar ahaan Soomaalida ee dalka Norway ay noqdaan kuwa adag oo isku tiirsan si ay uga hortagaan in dhabaatooyinka ku yimaada caruurta iyo dhalinyarada ku korey wadamada reer galbeedka. Talooyinkaa ay soo jeediso waxay la wadaagtaa warbaahinta gaar ahaan wargeysyada dalka Norway iyo barta ay ku leedahay facebook ga iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxay ku soo gudbisey qoraaladeeda iyo doodaha bulshada ee fagaarayaasha ay ku yeeshaad bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Buugaagta Ifraax Ciyow

Dhigaalada Ifraax Ciyow billowgoodii waxaa uu ahaa sanadkii 2007 dii oo ay isku dayday iney qoraalo ka soo saarto waxyaabihii ka socday warbaahinada bulshadu adeegsadaan qaarkood sida Baaltooga (Paltalk), qoraalkeedana waxay ugu magac dartey ” Paltalk Waa Mucjiso ” .

Intaa kuma joogsanin qoraalada Ifraax ee waxay hadana soo saartey qoraal dareen xanbaarsan oo iftiiminayey dhacdooyinkii siyaasadeed ee ka socday dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalo madaxda dalka Muqdisho , qoraalkaana waxaa uu xanbaarsanaa cinwaanka ah ” Murugada adduunyada Muqdishaa u Macallin ah”.

Ifraax waxay ku guuleesatey inay qorto dhowr buug oo dhammaantoodu uga hadleyso daruufaha ku wareegsan bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.

Buugaagtaa waxaa ka mid ah:

-         Ila ooy


Waa buug sheeko dhanka jaceylka u janjeero oo ku saabsan qows ka guuraya London oo u noqonaya dalkii Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Sheekada buugga waxay ku saabsan tahay gabar Soomaaliyeed oo lagu soo koobay magaceeda Fartuun. Buuggaan ayaa u qoran qaab sheeko ah. Gabadhaan iyo qoyskeeda waxay go’aansadeen inay ku noqdaan dhulkoodii hooyo si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Nasiib daro, waxay la kulmeen xaalad aysan filanaynin kuwaasoo salka ku haayo darxumo, qiyaano, iyo waliba waxwalba oo kadhaca dal iyo dad bur-buray. Buugaan waxaa uu soo baxay sanadkii 2017 kii.

 

  Ifraax, Abtidoon,  Amino, Nina Kalkodh iyo Maxamed Xuseen

 Taxanihii sheeko sheeko


Waa buug caruureed iyo sheekooyin kale oo badan. Buugga waxaa ku qoran oo ay dooratey Ifraax seddex sheeko caruureed oo loogu talo galay in caruurta lagu maaweeliyo, sida sheekada ” Gabar iyo Libaax”. Waxaana qoraaladeeda ka mid ah sheekadii " Paltalk" iyo " Noloshu waa jaceyl. Jaceylkuna waa nolol" iyo sheekooyin kale oo tixana ka ahaan jiray mareegyada kala duwan ee af-Soomaaliga ku soo baxa. Buugga waxaa uu soo baxay dhammaadkii sanadkii 2017 kii.

-         Magac iyo muuqaal


Waa buug isugu jira qoraalo iyo sawiro loogu talo galey caruurta Soomaaliyeed iney afkooda ku bartaan , isla markaana ay si maweelo ah u midabeeyaan sawirada ku qoran, taa oo wax ka tari karta barashada afkooda hooyo isla markaana kor u qaadi karta garaadkooda aqooneed.

  

                       Ifrah Ciyow

Ifraax Yuusuf Ciyow waa qoraa, kalkaaliso, hooyo u dhaqdhaqaaqda horumarka qowska iyo haweenka Soomaaliyeed ee qurbaha. Aqoonyahay leh khibrad dhaqameed ku aadan kala duwanaanshaha.

 

1 comment:

  1. Ustaad waad ku mahadsantahay inaad na bartid oo noo soo gudbisid dadka bulshada wax galka u ah sida Ifrax Ciyow.

    ReplyDelete