Sunday, 10 July 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)


Laashin

Hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta 


Laashin waa hay`ad madax banaan oo ka shaqayso ururinta iyo kobcinta dhaqanka, suugaanta iyo qaraalada tayada leh ee tolmoon, saldhigeeduna waxaa weeye magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

 Laashin howlaha ay qabato waxaa ka mid ah:

-         - Bandhig buugaag

-         - Barnaamijyo ku saabsan horumarinta dhaqanka iyo suugaanta

-        -  Falanqeynta buugaagta

Mareegta Laashin:

Laashin waxaa hoos yimaada mareeg (wabside) lagu magacaabo (Mareegta Laashin), taa oo la aas aasaay sanadkii 2014 kii. Runtii mareegta waxaa lagu ururiyaa buugaag, qoraalo iwm, kuwaas oo u gaar ah arimaha dhaqanka iyo suugaanta  soomaaliyeed.

-         Madbacad Laashin:

Madbacadda waxaa la aas aasay 2017kii waxaana lagu soo biiriyey hay`adda Laashin. Madbacaddu waxay soo saartaa buugaag kuwaas oo aalaaba xoogga saara arimaha ku saabsan dhaqan, suugaanta iyo afka Soomaaliyeed.

Waxay kaloo madbacadda suug gaynsaa waxyaabihii ay daabacday oo qoraalo ahaa.

Buugaagta ay daabacday madbacadda Laashin:

Laashin waxay ku guuleysatey iney soo saarto buugaag tiro ah oo tayo leh muddadii yareyd ee jirtey, waxaana ka mid ah buugaagtaa:

 -         Hilaadin

Buuggaa waxaa ku fara yareystey abwaan suugaanyahay ah isla markaana qoraa ah, waa abwaan Bashiir Maxamed Xirsi, waxaana la daabacay sanadkii 2017 kii.

 


-         Jamashada haweenka

Jamashada haweenka  waxaa qoray Ibraahim Cismaan Afrax , waana buug xambaarsan murti iyo maax badan kana hadlaya, habka is afgarashada iyo heshiiska lammaane, waa buug si weyn oo qota dheer uga hadlaya, habdhaqanka bulsho iyo kala duwanaanta labada Jinsi ee labka iyo dhediga. Buugga waxa la daabacay sanadkii 2017 kii.

 


-         Sirta guusha 

 
Sirta Guusha waa buug uu qoray oo maankiisa ka shaqeysiiyey qoraa Xasan Mudane , waxaa uuna ka hadlaya dhiirigelinta qofeed iyo kor u qaadista hiigsiga nololeed, gaar ahaan marka dib loo jaleeca qoraaga buugga oo ah aqoonyahay cilmi baare kana shaqeeya dhanka waxbarshada oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Soomaaliya. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.

 -         Noloshii silooneed

 

Buugakan waa sheeko maan curis ah oo ka hadlaysa waayihii iyo noloshii Samatar yare. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii, waxaana qoray buugga qoraa Cabdiraxiim Holowle Galeer.

 -         Gaso, Ganoon iyo Gasiin

 

 

Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa uu ka mid yahay buugaagta qiimaha badan ee uu qoray qoraa sare Prof Cali Jimcaale Axmed oo ah qoraa laga wada yaqaano goobaha aqoonta ee dunida, waana buug sheeko faneed iyo Af aqoolnimoba ku dhan tahay lehna xiiso gaar  ah. Buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.

 -         Qodob iyo Galad

  

Buugga Godob iyo Galad waa buug ka hadlaya dhacdooyin badan isa sudhan, waxaana  buugga si weyn uga hadlaya, Abaalka iyo gargaarka bulshada u baahan garabka, Garsoorka iyo godobaha aadanuhu kala galo oo ugu dambayn dhaxalsiiya nabsigu inuu ku ciiro midkii gaystay gabboodfalka. Waxaa qoray Barbaariye Qoraa  Xuseen Maxamed Cabdulle(Wadaad). Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2018 kii.

 -         Bidhaamiye

Waa buug ka hadlaya Afka, higgaada, dhigaalka toolmoon, waxaa qoray Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, waxaana la daabacay sanadkii 2018 kii.

 

 -         Gacal iyo Gayaan

 

Gacal iyo Gayaan waa buug uu qoray Xasan Cabdulle Calasow ( Shiribmaan).

Buugga waa sheeko loo curiyey hab uu farshaxankeedu sarreeyo, sheekadu waxa ay gudbineysaa farriimo badan, aragtiyo mug leh iyo ilbaxnimo aad u fog, kol waa dhaqan iyo hidde suubban, kol waa murti iyo suugaan, kol kalena waa af-barid iyo eray bixin, kolna waa ujeed kale oo intaas ka weyn oo yoolkeedu yahay farriin dadban oo uu qoraagu ku gudbinayo xaddaarad soomaalinimo oo aad u qiimo weyn, waxaa la daabacay buugga sanadkii 2019 kii.

 -         Kaymadoow


Kaymadoow waa buug uu qoray qoraa Cabdullaahi Macallin Siyaasi.

Kaymadoow waa buug sheeko ah oo ka hadlaya waayihii abaartii dabadheer saameyntii ay ku yeelatay bulshada rafaadkii iyo raxanraadkii la soo maray, gaar ahaan gabadh bulshada ka mid ahayd oo uu ku reebay raad laguna naaneysay iyadoo ayaan xumo iyo bacownimo lagu tilmaamayo Kaymadoow. Buugga waxaa la daabacay sanadkii 2019 kii.

-         Waayihii Warsame

 

Buugga Waayihii Warsame waxaa qoray qoraa Cali Maxamed Diini, waana buug hab sheeko ah loo soo bandhigey. Buugga waxaa la daabacay sanakii 2019 kii.

Buugaagta ay soo saartey hay `adda Laashin waxaa kale oo ka mid ah:

 Murtikaal 2020 kii, qoraa Saciid Cabdi Cawaale.

-         Qaamuuska Casriga ee Maah maahda Soomaaliyeed 2020 kii Goerge..

-         Qarbadoob 2020 kii, qoraa Cabdiraxiim Hilowle Galeer.

-         Gardaadiye 2020 kii, qoraa Xasan Cabdulle Calasow ( Shirmaan).

  


  Dhaxal hooyo 2021 kii,  qoraa Mustafe Cabdiraxmaan ( Dheereeye).

-         Darajo iyo Xil yaa mudan 2021, qoraa Bashiir Cali Xuseen.

-         Gar iyo gardhaqsi 2021 kii, qoraa Cabdalla Daamey.

-         Laabta ka soco, 2021 qoraa Xuseen wadaad.

 

Run ahaantii hay`adda Laashin horumarka ay ka gaartay kor uqaadista dhaqan iyo suugaanta Soomaaliyeed kuma imaanin si fudud ee waxaa dalaalo badan ku bixin in mudo ahna u huran waqtigooda iyo maankooda aqoonyahano Soomaaliyeed oo isku xilsaaray in ay kaalintooda ku aadan horumarinta iyo tisqaadka suugaanta, afka iyo dhaqankaba ay ka qaataan, muujiyaanna in ay yihiin qayb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku firirsan daafaha aduunka.

 Howlwadeenada Laashin

Hay`adda Laashin waa hay`ad ama urur weyn oo howl ballaaran qabtey, waxaana arrinkaa suura galiyey aqoonyahayno badan oo lab iyo dhedigba leh, isla markaana ka kale tirsan qeybaha ay hay`addu u dhisan tahay, waxaana xaqiiqa ah in horumrka iyo faa`iidooyinka ay Laashin ku soo kordhisey dhaqan, hidaha, suugaan iyo afka Soomaaliyeed aysan suuro geli lahayn haddayna jirin dad gadaal ka riixaya oo maal iyo maskaxba u huray. Annaga oo og arrinka ayaanu qormadeena ku tilmaameynaa oo kaliya madaxa Laashin oo ah Xuseen Maxamed Cabdulle (Xuseen Wadaad), isaga oo tusaale u ah howlwadeenada kale ee hay`adda.

 

              Xuseen  Maxamed Cabdulle (X. Wadaad)

Xuseen maxamed cabdulle jimcaale oo ku magac dheer xuseen wadaad waa Madaxa hay`adda Laashin oo markii labaad la doortay. Xuseen waxaa uu leeyahay khibrad oo uu kala kulmey nolol maalmeedkiisii intii uu dhalinyarada ahaa, isaga oo bulshada u soo qabtey howlo kale duwan, yaraantiisiina waxaa uu ku biirey ururkii dhalinyarada ee gobolka banaadir, isla markaana ka mid noqday gudiga fulinta ee ururka dhalinyarada kacaanka soomaaliyeed.

Xuseen Wadaad wixii ka danbeeyey sanadkii 2009 kii  waxaa uu u soo safray woqooyiga Yurub gaar ahaan dalka Sweden  oo uu ilaa iyo hadda degen yahay, gaar ahaan magaalada Katrineholm. 

Qoraalada Xuseen Wadaad:

 


 Waxaa uu qorey Xuseen Maxamed Cabdulle Jimcaale (Xuseen Wadaad) qoraalo fara baadan oo isugu jira maqaalo iyo buugaag.

Dhinaca qoraalada waxaa uu Xuseen Wadaad qori jiray maqaalo mowduucadooda kale duwan yihiin inkastoo ay u badnaayeen qoraalada ifinaya arimaha bulshada iyo dhaqanka, qoraalada noocaas ah waxaa kale oo aysan ka marnayn kuwa la xiriira dhanka siyaasada. Qoraalada waxaa uu bilaabay sanadkii 1976 Kii dhamaadkiisii oo uu ku qori jiray wargayska Xiddigta oktoobar oo ahaa wargeys ay maamulkiisa gacanta ku hayso dowladdii Soomaaliyeed ee uu hogaanka u hayey golihii sare ee kacaankii 21 oktoobar.

Waxaa kale oo uu ahaa Xuseen Wadaad falanqeeye riwaayadaha , arimaha dhaqanka, bulshada iyo siyaasadda.

 


 

Qoraalada buugaagta daabacan:

Qoraa Xuseen Wadaad inkastoo uu ku guuleystay inuu qoro dhigaalo dhowr ah oo kale duwan hadana buugaag ahaan kuwa daabacan sidaa uma badna marka laga eego qoraaladiisa sida ay u badan yihiin, laakiin waxaa u suuro galay inuu soo saaro dhowr ka mid ah dhigaaladiisa tolmoon gaar ahaan buugaagta sida:

-         Qodob iyo qalad, Waxaa lagu daabacay Sweden madbacada Laashin, 2018 kii

-         Laabta ka soco ( dareen iyo garasho), Waxaa lagu daabacay Sweden madbacada Laashin ,2021 kii.

Waxaa kaloo jiro buugaag aan wali la daabacin oo diyaar ah sida:

-         Kulalihi, waa qayb ka mid ah waxaa lagu faafiyey mareegta Laashin.

-         Ka daran baa dadan ( sheeko), waa qaybo ka mid ah sheekadaan waxaa uu ku soo bixi jiray wargayskii xiddigta Oktoobar ee Muqadisho – Soomaaliya.

-         Filowaa iyo uur kutaalo ( sheeko), waa qaybo ka mid ah sheekadaan iyadana waxaa ay ku soo bixi jirtay wargayskii sanadleha ahaa ee uu ururka dhalinyarada kacaanka Soomaaliyeed lahaa, waxaana tafatire ka ahaa muddo Xuseen Wadaad.

 Waa godob la galaayo ( sheeko), haddii aanu eegno dhinaca wax u tarka bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaanu oran karnaa Xuseen waxaa uu ka mid yahay dadka ku mashquulsan sidii ay bulshadooda ula qaybsan lahaayeen daruufaha ku hareeraysan, waxyaalaha uu aalaaba ku mashquulsan yahayna waxaa ka mid oo uu la qaybsato dadkiisa:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

No comments:

Post a Comment