Tuesday, 31 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

 

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 



Madbacadda Geeska

Madbacadda Geeska waa madbacad buugaagta iyo qoraalada gaabaaban lagu daabaco oo madax banaan, taa oo door weyn ka qaadata horumarka afka Soomaaliga iyo kobcinta garaadka caruurta iyaga oo lagu barbaarinaya dhaqanka Soomaalida. Madbacadda Geeska waxaana aas aaskeeda iska lahaa Marwo Jawaahir Cabdalla Xaaji Faarax. Waxaana ku bixiyey Jawaahir in ay ku fikirto sammeynta madbacada ka dib markii ay u soo baxdey in ay laga maarmaan tahay in la helo buugaag afka hooyo ku qoran, maxaa yeelay Marwo Jawaahir waxay xiriir toos ah la laheyd caruurta Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Ingiriiska gaar ahaan muddadii ay ku jirtey waxbarashada iyo caawinta curuurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee degen dalka Ingiriiska iney jirto baahi weyn oo la xiriirta dhanka afka iyo dhaqanka dadkeenii oo aad u sii daciifaya, sidaa darteed waxay go`aansatey iney soo saarto buugaag iyo qoraalo ay ku xoojineyso afka hooyo iyo dhaqankeenii suubanaa, waxayna sameesey shirkad daabacda buugaagta yar yar oo loogu talo geley caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaana arrinkaa ka caawiyey aqoontii ay u leheed macallimimadii ay ku takhasustey taa oo la xiriirta tarbiyadda iyo waxbarista.

Jawaahir waa macallin , qoraaa, dhaqan yahan ku xeel dheer tarbiyadda caruurta iyo habka loo barbaariyo, taa oo ay ku soo takhasustey muddana ku shaqeysey. Marka laga hadlaayo shirkadda ay sameysey Jawaahir waxaa loogu magac darey Madbacadda Geesko oo looga jeedo Geeska Afrika oo ay Soomaalidu degto wixii la xiriira oo dhaqan iyo aqoonba leh. 

Geeska waxay soo saartey dhow qoraalo oo ay ku taag taagsatey aqoonyahay Jawaahir Cabdalla, waxaana soo baxay sanadkii 2008 kii liis dheer oo la xiriira buugaagta iyo qoraalada aqooneed ku qoran afkii hooyo iyo ingiriisi si ay ugu fududaato fahamka caruurta.

Buug yaraha ama liiska qoraalada Geeska waxaa runtii loo sameeyey in ay la wadaagto sooyaalka dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida ee hodanka ah dugsiyada , maktabadaha iyo machadyada kale oo badan oo si dhow ula shaqeeya caruurta hadba heerka ay marayaan.

Si fahamka caruurta u fududaato waxaa buugaagta ay qortey Jawaahir Cabdalla adeegsataa aalaaba sawiro soo dhaweenaya in curuurtu si fudud u fahamto waxa laga hadlaayo.

Runtii madbacadda Geeska sida aanu horey u soo tilmaamney Jawaahir waxaa ay ku guuleysatey iney sammeyso madbacad buugaagta daabacda iyo qoraalada kookooban oo darbiyada lagu dhajiyo kuwaa oo xanbaarsan aqoon iyo tarbiyad ay si fudud ugu faa`deysan karaan da`yarta Soomaaliyeed ee ku barbaaray qurbaha.

Buugaagta ay soo saartey Jawaahir Cabdalla:

Sdia aanu horey u soo tilmaamney Jawaahir Cabdullaahi Xaaji Faarax muddadii dheereed ee ay ku jirtey caawinta iyo barbaarinta caruurta Soomaaliyeed waxaa ay soo saartey dhowr qoraalo oo isugu jira buugaag, ciyaaro, iyo qoraalo gaaban oo fudud. Qoraaladaa waxaa ka mid ah:


-         Heesta ugaadhsiga

-          


Buuggaan waxaa ay Jawaahir ku soo aruurisey dhowr maanso uu isugu jira heeso, geeraar iwm, sida heesta Xaley ma qadeen?

 

-         Nolol wareega Gabdhaha Soomaaliyeed ee reer guuraaga ah

  

Buugga wareega nolosha ee gabadha reer guuraaga ah waxaa ay Jawaahir Cabdalla ku soo bandhigtey arrimo badan oo la xiriira noloshii ka jirtey miyiga oo u gaarka aheyd dadyowga reer guuraaga oo xoolo dhaqatada ah. Buugga waxaa uu leeyahay sawiro soo jiidasho leh oo is sharaxaya isla markaana muujinaya heerarkii kala duwanaa ee nolosha gabadha reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed.

 

-         Wareega Nololeed ee wiilka reer miyiga ah

 

Buugga waxaa uu ka hadlayaa wareega nolosha wiilka reer guuraaga ah, waxaana ay quraagu adeegsatey sawiro soo jiidasho leh oo is sharaxaya iyo qoraalo muujinaya marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray nolosha wiilka Soomaaliyeed ee ku noolaa miyiga reerkiisuna ay ahaayeen reer guuraa xoolo dhaqato ah, taa waxaa dheer in qoraalada ay ku wada qoran yihiin afafka Soomaaliga iyo Ingririiska si loo soo dhaweeyo fahamka caruurta, waxaa kale oo qoraalada u socdaan si habdhac iyo qaafiyad leh si ay caruurta si sahlan u xifdin karaan.

 Heesaha Soomaalida iyo ciyaaraha caruurta

 

Buuggaan waxaa ay qoraaga ku soo aruurisey ciyaaraha caruurta Soomaaliyeed ay ciyaari jireen haddana ay awood u leeyihiin iney ciyaaraan iyagoo qurbaha jooga. Ciyaaraha noocaan oo kale ah waxaa ay soo jidan doonaan caruurta dhaqamada kala duwan , kuwaas oo da`doodu kala duwan tahay, ha ahaadeen caruur socod barad ah ama kuwo ka weynba, waxaana shaki ku jirin in ciyaaraha iyo heesaha noocaan oo kale ah ay qeyb weyn ka qaataan nolosha caruurta iyo barbaarintooda, isla markaana ku kalsoonaan doona dhaqanka ay ka soo jeedaan oo hodonka ah.

Buuggu wuxuu leeyahay tilmaamo ku cad ciyaar kasta sida loo adeegsanayo iyo inta ciyaari karta iyo da`da caruurta ku haboon ciyaar kasta. Waxaa intaa dheer qalabka loo baahan yahay in la adeegsado si ay u suuro gasho. Buuggu waxaa kale uu xanbaarsan yahay waxyaabo xiiso leh iyo sawirro midab leh oo loogu talagalay in badan oo ka mid ah ciyaaraha, isla markaana wata heeso asal ah oo Soomaali iyo Ingiriisba leh.  

  
 

Taariikhda Jawaahir Cabdalla Xaaji Faarax waxaanu ku soo qaadan doonaa qoraalo kale, laakiin waxaa xusid mudan in Jawaahir ay ka soo jeedo qows ku abtirsada Daraawiistii gumeysi diidka ahaa, waxayna ku dhalatey magaalada Burca sanadkii 1954 kii isla markaan waxbarashadeedii hoose / dhexe halkaas ku qaadatey. Hargeysa waxay ku qaadatey dibloom la xiriira tababar macallinimo iyo habka wax loo baro iyada oo macallin ka noqotey dugsiyada Hargeysa.

Sanadkii 1963 kii waxay Jawaahir u safartey dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Pristo oo ay ku biirtey machad lagu tababaro macallimiinta oo ay muddo seddex sano dhiganeysey si ay  kor ugu qaato heerka macallinimo ay dooneyso iney ku shaqeyso oo sanadkii 1966 kii ayey dib ugu soo laabatey Soomaaliya si ay ugu shaqeyso wixii ay soo baratey.

Muddo sano ka dib waxay safar waxbarasho oo kale ku aadey dal mareykanka oo ay ka mid noqotey jaamacadda Bosten si ay u hesho shahaadada heerka labaad ee waxbarashada sare sanadku markuu ahaa 1967 kii, dabadeedna waxay ku soo laabatey Soomaaliya sanadkii 1970 kii iyada oo ka mid noqotey macallimiintii kulliyadda Lafoole. 

Waxay kale oo ay ka shaqeysey Jawaahir qeybta xafiiska manaahijta waxbarashada  ee wasaaradda waxbarashada illaa iyo sanadkii 1972 kii.

Wixii ka danbeeyey sanadkii 1989 kii waxay Jawaahir  u soo wareegtey Ingiriiska isla markaana noqotey bare degmada Ealing ee ka tirsan magaalada London oo muddo 24 sano ayeyna howshaa wadey, waxayna muddadaa Jawaahir wax bari jirtey caruurta qaxootiga ah, laga bilaabo xanaanada iyo barista luqadaha illaa heerka dugsiga sare.

 

                  Jawaahir Cabdalla iyo qoraaga (London) 


 

 

 

 


Sunday, 29 May 2022

الأحباش والسود في التراث العربي في العصور القديمة والإسلامية الزاهية

 

الأحباش والسود في التراث العربي في العصور القديمة والإسلامية الزاهية

 
احتلال الحبشة على اليمن

هذا الموضوع ناقشتُ مفصلاً في كتابي ” العلاقة بين القرن الإفريقي والعالم الخارجي في العصور القديمة والإسلامية “1، وقد أشرتُ إلى بعض الكتابات الحبشية التي دلت على أنّ المملكة الأكسومية الحبشية كانت تحكم بلاد اليمن، وذلك من خلال اللقب الذي كان يتلقب به الملك الحبشي: ” ملك أكسوم وحمير وريدان وسبأ وصالحين “، مما يدل على أن اليمن وما جاورها من أرضين كانت خاصعة للحبشة، وذلك لسهولة الوصول للسفن الحبشية إليها وإنزال الجنود بها. وقد ربط بعض الأخباريين دخول الأحباش بأرض اليمن بحادثة قتل أهل نجران، وذلك عند ما قام ذو نواس2، بمجزرة عدداً من نصارى نجران، الذين كانوا تحت حكمه؛ لأنّ مملكة أكسوم كانت الوحيدة في المنطقة التي تدين بالنصرانية. ويقال إنّ سبب دخول الحبشة في الدين النصرانية هو أنّ أحد الملوك الأحباش كان قد دخل في النصرانية بتأثير المبشر البيزنطي – أي الروماني – الذي أرسله إليه الامبراطور البيزنطي في منتصف القرن الرابع، ثم بعد ذلك فرض الملك الحبشي على شعبه النصرانية وأعلنها ديانة رسمية لممكته كما جعلها الديانة الرسمية للعربية الجنوبيةومن هنا بلغ ما قام به ذو نواس إلى مسامع ملك الحبشة النصراني، وذلك عند ما وصل إلى مقر الملك أحد الناجين من مجزرة ذو نواس، وأتاه بالإنجيل قد أحرقت النار بعضه، فقال له الملك: الرجال عندي كثير، وليست عندي سفن، وأنا كاتب إلى قيصر أن يبعث إليّ بسفن أحمل فيها الرجال، فكتب إلى قيصر في ذلك وبعث إليه بالإنجيل المحرق ليثير عاطفته، فبعث إليه قيصر بسفن كثيرة عبر فيها البحر ودخل اليمنويقال أنّ أحد الناجين وصل مباشرة إلى مقر قيصر صاحب الروم فاستنصره على ذي نواس وجنوده وما فعلوه نصار نجران، فقال له قيصر: بعدك بلادك من بلادنا ونأت عنا، فلا نقدر على أن نتناولها بالجنود، ولكني سأكتب لك إلى ملك الحبشة فإنه على هذا الدين – أي دين نصارى – وهو أقرب بلادك منا، فينصرك ويمنعك ويطلب لك بثأرك ممن ظلمك. فكتب معه قيصر إلى ملك الحبشة يذكر له حقه وما بلغ منه ومن أهل دينه، ويأمره بنصره وطلب تأثره ممن بغى عليه وعلى أهل دينه.  فلما بلغ كتاب قيصر إلى النجاشي بعث سبعين ألفاً من الحبشة، وأمر عليه رجلاً من أهل الحبشة يقال له أرياط، فركب جنود الحبشة البحر حتى نزلوا بساحل اليمن. وعند ما علم ذو نواس الأمر طلب حمير ومن أطاعه من قبائل اليمن، فاجتمعوا إليه على اختلاف وتفرق لانقطاع المدة وحلول البلاء والنقمة، فلم تكن له حرب، غير أنه ناوش ذا نواس شيئاً من قتال، ثم انهزموا ودخلها أرياط بمجموعه. فلما رأى ذو نواس شيئاً من قتال، ثم انهزموا ودخلها أرياط بمجموعه. فلما رأى ذو نواس ما رأى مما نزل به وبقومه، وجّه فرسه إلى البحر وفرّ، فكان آخر العهد به، ووطئ أرياط اليمن بالحبشة، فقتل ثلث رجالها وأخرب ثلث بلادها وبعث إلى النجاشي بثلث سباياها، ثم أقام بها. 3

 والحقيقة أنّه لا يستغرب بذلك لأنّ الحبشة كانت لها علاقة حميمة مع الرومان قبل هذه الفترة بحيث كانت للمملكة الحبشية صلات تجارية بالرومان عند ما فتحوا بلادهم للمصنوعات الرومانية النفيسة. 4

وقد ساعد على ذلك العبور قرب المسافة بين ساحل الحبشة ومدينة غلافقة – وهي ساحل زبيد من أرض اليمن – بثلاثة أيام عرض البحر بين الساحلين ومن هذا الموضع، حتى عند ما سيطر الحبشة على زمام أمور اليمن لم تتوقف هذه العلاقة والاتصال بين الجانبين عبر العصور المختلفة، بحيث كان يجري دائماً التأثير والـتأثر في أكثر من ميدان وليس في ميدان السياسة والاقتصاد فقط.

وقد أشار القرآن الكريم حادثة أصحاب أخذوذ في سورة البروج، وقال تعالى:( قُتِلَ أَصْحَابُ الأُخْدُودِ، النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ، إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ، وَهُمْ عَلَى مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ). [رقم الآية،4-7 ].

ويستنبط مما سبق أنّ المملكة الأكسومية الحبشية كانت تحكم بلاد اليمن وما جاورها من أرضين، بحيث كانت خاضة لهم، وذلك من خلال اللقب الذي كان يتلقب به الملك الحبشي كما سبق ذكره من قبل، بالإضافة إلى العلاقة الحميمة بين الطرف الروماني والطرف الحبشي، والحقيقة أنّه لا يستغرب في ذلك، لأنّ الحبشة كانت لها علاقة حميمة مع الرومان قبل هذه الفترة بحيث كانت للمملكة الحبشية صلات تجارية بالرومان عند ما فتحوا بلادهم للمصنوعات الرومانية النفيسة. 5

المصادر والمراجع

[1] – انظر كتابنا ” العلاقة بين القرن الإفريقي والعالم الخارجي، دار الفكر العربي، القاهرة، 1442ه/2021م، ص 25.

2 –  ذو نواس: اسمه زرعة بن يوسف ملك اليمن ثم تهود ودان باليهودية ، ودعا الناس إليها فلم يرض من الناس إلا اليهودية أو القتل، وهو صاحب الأخذود والقصة في سورة البروج. انظر ابن حبيب، أبو جعفر بن أمية بن عمرو الهاشمي البغدادي (ت 245): كتاب المحبر، اعتنت الدكتورة الآنسة إيلزه ليحتن شتيتر، مطبعة جمعية دائرة المعارف العثمانية ، سنة 1361هـ/1943م، ص 368.

3 –  الطبري ، أبو جعفر محمد بن جرير ( ت 310هـ ): تاريخ الرسل والملوك، تحقيق محمد أبو الفضل إبراهيم،  ط/2، دار المعارف ، القاهر- مصر، 2/123- 105؛ ابن قتيبة، أبو محمد عبد الله بن مسلم ( ت 276هـ): المعارف ، تحقيق ثروت عكاشة، ط/4، دار المعارف، القاهرة، ص 637؛ وانظر الدكتور علي، جواد: المفصّل في تاريخ العرب قبل الإسلام، الطبعة الثانية، 1413ه/1993م 3/ 455- 458.

4 – علي، جواد: المفصل في تاريخ العرب قبل الإسلام  ، المرجع نفسه، 3/ 455 – 458

5 – علي، جواد : المفصل في تاريخ العرب قبل الإسلام، المرجع نفسه، 3/ 455.

إقرأ المقال كله عبر الرابط التالي: 

https://alhadathnetwork.com/%d8%a7%d9%84%d8%a3%d8%ad%d8%a8%d8%a7%d8%b4-%d9%88%d8%a7%d9%84%d8%b3%d9%88%d8%af-%d9%81%d9%8a-%d8%a7%d9%84%d8%aa%d8%b1%d8%a7%d8%ab-%d8%a7%d9%84%d8%b9%d8%b1%d8%a8%d9%8a%ef%bf%bc%ef%bf%bc%ef%bf%bc/

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha


Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 




 Iftiinka aqoonta


Iftiinka aqoonta waa hay`ad ama shirkad ku xeel dheer daabacaadda buugaagta ku qoran afka Soomaaliga iyo suuq geynteeda, waxaa taa u dheer in Iftiinka aqoonta ay qaban qaabiso ama qeyb libaax leh ka qaadato bandhigyada aqoonta, dhaqanka iyo buugaagta kuwaa dhammaantood oo xiriir toos ah la leh dadka Soomaaliyeed.

Shirkadda Iftiinka aqoonta waxaa horjooge u ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku caan baxay qorista buugaagta afka hooyo, halyeygaa waa qoraa sare ustaad Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ku magac dheer (Sheekhul casri), kaa oo ay u suuro gashay intii uu ka shaqeenayay golayaasha aqoonta in uu ku guuleystay inuu sameeyo shirkad lagu magacaabo Iftiinka aqoonta, Runtii waa shaqo muhim ah oo uu qabtey qoraagu si uu ugu fududeeyo ummadda Soomaaliyeed daabacidda buugaagta iyo iibgaynteeda, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee degen wadama Yurub.

         Yuusus X. Cabduullahi

Mar aanu booqasho ku tagnay xarunta Iftiinka Aqoonta ee uu gudoomiye ka yahay qoraa Yuusuf Xaaji Cabdullaah (Sheekul casri) kuna taal magaalada Stockholm ee dalka Sweden bishii desember sanakii 2017 kii, ka dib markii aanu marti qaad ka helnay qoraaga, waxaana ina hogaaminayey Professor Cali Jimcaale Axmed iyo halgamaa naftiihure Riyaad Xaamud Axmed isla markaana uu ina wehliyo fanaanka weyn Cabdi Baadil Ibraahim iyo qoraa Xuseen M. Cabdulle (Wadaad), waxaa xusid mudan isku xirka Xarunta Iftiinka Aqoonta iyo wafdiga ay qaban- qaabadiisa lahaayeen saaxiibadeen (Mustafa Axmed, Ustaad Ali yare iyo Cabdullaahi Xaaji) oo ka socday Kista Folkhogskola oo ah Xarun Cilmiyeed ku taal dalkaa Sweden. Runtii waxaanu halkaa ku soo aragnay buugaag iyo agab cilmiyeed kale duwan  oo uu dadaal baaxad weyn ku bixiyey qoraaga kaa oo la oran karo waa Jihaad iyo Kifaax barakaysan, Illaahay ha  barakayeeyo maskaxdiisa iyo aqoontiisan.

 


         Xanrunta Iftiinka Aqoonta, Stockholm

 Buugaagta la daabacay:

Shirkadda Iftiinka aqoonta waxay daabacdey buugaag aad u tiro badan muddaddii ay jirtey, isla markaana waxaa ay soo saartey agab badan oo xiriir toos ah la leh horumarinta aqoonta iyo kor u qaadidda wacyiga bulashada Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha.

Sida aan hore u soo sheegney Yuusuf Xaaji Cabdullaahi waxaa uu in muddo ahba ka shaqeenayey dugsiyada dalka Sweden oo uu ka ahaa bare dhiga afka Soomaaliga, markii uu shaqadaa bilaabay sanadkii 1994 kii durbadiiba waxaa u soo baxday in ay jirto baahi weyn oo la xiriirta dhanka buugaagta si horumar looga sameeyo aqoonta ay caruurtu u leeyihiin afkooda hooyo, sidaa darteed qoraa Yuusuf waxaa uu ka mid ahaa dadkii tirada yaraa oo dhexda u xirtey inay soo saaraan qoraalo la xiriira afka Soomaaliga tix iyo tiraab, hadal iyo howraar, gabay iyo geeraar iwm, sidaa darteed waxaa uu ku guuleystey in uu soo saaro qoraalo fara badan, qoraaladaa oo dhan waxaa daabacday shirkada Iftiinka aqoonta oo saldhigeedu yahay magaalada madaxda Stockholm ee dalka Sweden. Buugaagta la daabacay waxaana ka mid ah:

-         Dalagga iyo duunyada – waxaa uu soo baxay 1997 kii.

Buuggaan waxaa uu ahaa buuggii ugu horeeyey ee uu qoro Yuusuf xaaji Cabduulaahi, markii uu soo baxayna aad iyo aad ayaa loo xiiseeyey. 

Waxaa kale oo ka mid ah buugaagta uu qoray isla markaana uu daabacay:

-         Qorista iyo akhriska – 1998 kii.

-         Feegaarka iyo farbarashada - 1999.

-         Higgaadda iyo heesaha - 2000 kii.

-         Khiyaanoole wuu khasaaraa - 2002 kii.

-         Dadqalato iyo qori ismaris - 2002 kii.

-         Afka hooyo baro oo ku barbaar - 2002 kii.

-         Ugaadh iyo habar dugaag - 2003 kii.

-         Afka hooyo iyo aqoonta guud - 2004 kii.

-         Barbaariye - 2005 kii.

-         Kobciyaha afka hooyo - 2006 kii.

-         Gurxan iyo gabareey maanyo - 2007 kii.

-         Cagabaruur iyo Cawl - 2012 kii.

-         Aflax oo edabna ku dar - 2007 kii.

-         Dugsiga sare ee hilinka habboon waxbarasho - 2008 kii.

-         Saadka ardayga buug waxbarasho – 2008 kii.

-         Bishaaro iyo bilkhayr ( buug sheeko ah) – 2011 kii.

-         Cawo iyo ayaan ) – 2011 kii.

-         Filanwaa ( buug sheeko ah) ) – 2011 kii.

-         Ha is dhiibin ( buug sheeko ah) – 2011 kii.

-         Nabsi iyo nasiib ( buug sheeko ah) – 2014 kii.

-         Taxanaha barashada xoolaha – 2014 kii.

-         Hooyo ii hees – 2013 kii.

-         Bidragare fårlorar ( sheekooyin la tarjumay) – 2008 kii.

Waxaa kale oo uu dadaal aad u xoogan ku bixiyay qoraa Yuusuf Xaaji Cabdullaahi in uu uruuriyo wax walba oo ku saabsan waxbarashada iyo dhaqanka gaar ahaan wixii la xiira caruurta Soomaaliyeed oo u fududaynaya in ay bartaan afkooda hooyo iyo dhaqankooda. Arrimahaas aan soo sheegney waxaa uu abwaanku u soo saaray hab cajalado ( CD) ah intii u dhaxaysey 2003 kii ilaa 2014 kii.


   

                               Yuusuf , Hadraawi iyo Nuuradiin Faarax

Runtii Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ku magac dheer Sheekhul casri waxaa la oran karaa waa abwaan Illaahay siiyey aqli iyo aqoon isla markaana Illaahay waafajiyey in uu aqoontiisa iyo hibadiisa ugu adeego dadka Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada.

Waxaa uu Yuusuf ku guulaystay inuu qoro buugaag aad u badan oo dhammaantood loogu talo galay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa  degen qaarada Yurub si ay kor ugu qaado afka iyo suugaanta Soomaaliyeed, arrintaana waxaa la oran karaa waxaa ka caawiyey howshii macallinimo ee uu hayey taa oo tustey in baahi badan ay bulshadu qabto isla markaana loo baahan yahay in daaweeyo, sidaa darteed buugaagta uu qoray waxay ka muuqda inuu isku dayey sidii uu u buuxin lahaa kaalinta kaga aaday baahi tirka bulshadeena si kor loogu qaado wacyiga iyo aqoonta waalidiinta iyo kuwa hormoodka ka ah qowska Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub gaar ahaan Sweden.

 





Wednesday, 25 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

 

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 




Golaha Kayd ee fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed

(Kayd Somali Arts and Culture)

Kayd waa urur faneed madax banaan oo ka shaqeeya horumarka fanka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana lagu aas aasay xaafadda Tower Hamlets ee ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska sanadku markuu ahaa 2009 kii. Istaagidda ururka Kayd waxaa hormood ka ahaa Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.

 

         Ayaan Maxamuud 

 Ujeedada loo aas aasay waxay ahayd in ururka Kayd uu u dhiso isla markaasna uu balaariyo mashaariicda fanka Soomaaliyeed oo hore uga dhici jirtay xarunta Oxford House ee ku taal Bethnal Green ee ka tirsan magaalada London.

Alaaba mashaariicda ka dhacda Aqalka Oxford waxaa loo sameeyey si ay u siiyaan dadka fursad iyo meel xor ah oo loogu talogalay dadweynaha oo ay ka mid yihiin Soomaalida degen dalka Ingiriiska iyo qaxootiga Soomaaliyeed  ee ku cusub dalka dabayaaqadii 80 – meeyadii taasoo qayb ka ah mashaariicda farshaxanka iyo warbarashada ee golaha aqalka Oxford.

Fursad ka soo baxday guriga Oxford iyo baahida jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa sabab u ahaa in la taago ururka Kayd, ka dib markii hal-door Soomaaliyeed ay isu aragti ka noqdeen in la buuxiyo baahida ku aadan horuminta iyo difaaca dhaqanka, fanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhab ahaantii Kayd ujeedada ugu weyn waxa loola jeedaa dhawrista afka Soomaaliga oo doonaya in uu kor u qaado fanka, dhaqanka iyo hiddaha si ay uga faa’iidaystaan ​​dadweynaha gaar ahaan faca soo koraya ee Soomaaliyeed.

xarunta Kayd arts waxay qaban qaabisaa suugaan faneed oo ay ku jiraan  riwaayadaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, sidoo kale bandhigga buugaagta iyo aqoon-is-weydaarsiyo, meesha kama marna iyadana qaban qaabada iyo abaabulka xafladaha laguna soo gudbinayo fanka iyo dhaqanka ee maalmaha ciidaha.

Kayd waxay caan ku noqotey qaban qaabada sanad walba barnaamijka loogu magac daray dabaaldagga toddobaadka Soomaalida ( Somlai Week Festival) oo tan iyo sanadkii 2009 kii si isdaba joog ah u socday.

Waxaa la oran karaa toddobaadka Soomaalida waa dabbaaldegga ugu weyn ee Soomaali weyn sameysto, waxaa uuna ka dhacaa London sanad walba bisha oktoobar. 

Somali Week Festival waxay ahayd tobonkii sano ee ugu danbeeyey mid ka dhacda aqalka Oxford ee dhaca Bethnal Green, laakiin waxaa ku soo kordhay xaflad weyn oo ay iska kaashadaan xarumaha fanka ee muhiimka ah sida Maktabada Ingiriiska iyo Xarunta Southbank taa oo ka dhacda Maktabad Ingiriiska.

Kayd waxay isku daydaa inay bixiso fursado lagu horumarinayo fannaaniinta soo koraya iyo inay taageeraan shakhsiyaadka si ay u sii wataan xirfadahooda qaybta hal-abuurka. Hadafka Kayd waa in ay isku xidhaan bulshooyinkeena iyo sidoo kale fannaaniintayada si ay ula hawlgalaan ururada fanka ee caadiga ah iyo goobaha si ay u gaaraan dhegaystayaal iyo xirfadlayaal iyo in ay horumariyaan xirfado hal abuur leh iyada oo loo marayo hindisayaasha bulshada.

Howsha Ayan Maxamuud ay ka hayso hay`adda Kayd ma aysan guuleysan lahayn haddii aaney jirin koox la shaqeysa oo ay isla fuliyaan himilooyinka Kayd iyo ujeedada loo aas aasay, gaar ahaan markii aanu ogaano in dhalinta la shaqeysa Ayaan ay yihiin kuwo iskood isku xilqaamay oona isku kalsoon aqoonna u leh hogaaminta ururada iyo sida bulshada loo horumariyo, dhalinyaradaa waxaa ka mid ah: Hanna Ali, Hana Abdi iyo kuwo kale.

Waxay ahaataba xarunta Kayd waxay sanad walba isku howshaa inay soo qaban qaabiso barnaajimyo kale duwan oo quseeya dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida (Somali Week Festival), waxaana ka soo qeyb gala oo lagu casumaa culumo, abwaano,qorayaal,  fanaaniin iyo haldoor Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh, kuwaa oo soo bandhiga hibada iyo aqoonta uu Illaahay ugu deeqay.

Sidoo kale waxaa lagu maamuusaa iney kulamada Kayd oo ay ugu horeyso toddobaadka dabaaldegga Soomaalida ka soo qeyb galaan madaxda dalka boqortooyada Ingiriiska oo u aragta iney tahay xaquuqda dadka degen boqortooyada ay u leeyihiin iney dhowraan dhaqankooda, afkooda iyo diintoodaba, iyo iney horumariyaan inta awoodooda ay la eg tahay.

Runtii taageerada ugu weyn ee madaxda dowladda Ingiriiska waxay tahay iney kala qeyb galaan Soomaalida dabaadagga sanad walba dhaca isla markaana ay bogaadiyaan taa oo u keenta abaabulayaasha kulamada dhiiro galin gaar ah oo kor u qaada niyadooda si ay u gaaraan hiigsigooda iyo meesha ay u socdaan.

 

 

Kulankii Kayd ee sanadkii 2021 kii

Marka la eego kulankii ugu danbeeyey  ee toddobaadka dabaaldegga Soomaaliyeed ilaa iyo hadda waxaa la oran karaa barnaamijyada ay Kayd qabatay sanadka 2021 kii ee Somali Week festival waa uu ka duwanaa kuwii hore gaar ahaan waxaa uu kulankaan dhacay ka dib markii muddo labo sano ah uu hakat ku yimid oo aan la qaban kulumadii somali Week sababo la xiriirta xanuunkii dunida ku faafay ee Hergabkii ama Caabuqii loo bixiyey Karona fayruus (Covid 19) oo kala xiray adduunka isku socodkiisa, gaar ahaan dalka Ingiriiska waxaa uu ku jiray dalkii uu sida xun ugu faafay cudurkaa. Kulankaa waa kii ugu horeeyey ee aan ka qayb galo ka dib 13 kulan oo qabsoomay.

 


 Run ahaantii sanadka 2021 kii waa lagu soo bandhigey Somali week festival buugaag tiro iyo tayaba leh oo ka duwan kuwii hore, gaar ahaan marka la eego cinaawinta ay xanbaarsanaayeen iyo qorayaasha oo lahaa rag iyo dumar isla markaana u badnaa dhalinyaro xanbaarsan aqoon durugsan oo ay u wehliyaan saad iyo talooyin ay ka dhexleen dadkii ka horeeyey.

Waxaa la yaab lahaa in buugaagta la soo bandhigay badkood ay ka war bixinayeen hal door Soomaaliyeed oo kaalin buuxda ka qaatay diinta, barbaarinta caruurta, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, malaha waxay u ekeed in ay iska war qabeen qorayaasha madasha yimid, in kastoo ay ka kala yimaadeen meelo kale duwan oo daafaha dunida ka mid ah.

Buugaagta lagu soo bandhigay magaalada Leicester iyo London sanadka 2021 kii waxaa ka mid ahaa:

 Hal tisqaaday ... halabuurkii Cali Sugulle


Buugaan waxaa qoray Marxuum Maxamed Baasha X. Xasan , waxaana daabacay madbacadda Garanuug. Qoraa Maxamed Baasha buugga waxaa uu ku soo aruuriyey dhaxalkii suugaaneed ee lahayd tix iyo tiraab oo u ka tegey abwaan Cali Sugulle. La yaab ma leh in Maxamed Baasha uu isku taxluujiyo ururinta iyo diiwaan gelinta taariikh nololeedkii abwaan Cali Sugulle iyo hibadiisii suugaaneed oo uu Illaahay siiyey, waayo abwaan Cali Sugulle waxa uu ahaa raggii dhidibada u aasay in fanka iyo suugaantu tacliin yihiin, sidaana waxaa yiri Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar mar uu ka hadlaayey baroor diiqdii Cali Sugulle loogu sameeyey magaalada London.

Buuggu waa halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii qofnimo,

Cali Sugulle waxaa uu ahaa suugaan yahankii ugu mudnaa ee ka soo horjeeday ruwaayadii gumaystaha, waxaa uuna ka mid ahaa abwaannadii hormoodka ka ahaa halgankii gobannimo-doonka ee Soomaalidu xorriyaddeeda ku baafinaysay sannadihii 1940-kii dabayaaqadoodii iyo sannadihii 1950-kii, waxa uu ahaa hal-abuur qayuuri ah oo Alle ku mannaystay curinta maansada, isaga oo lahaa suugaan jaad-gooni ah oo markiiba dunta iyo hardeedda la soo sooco, oo fudud, haddana qaro iyo duluc raaridan oo la yaab leh, nuxur iyo murti ahaan, sida uu sheegey qoraa Maxmaed Baasha X Xasan.

Waxaa buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey.

Cali Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan buug.

 Foolaad

Foolaad waa buug laga qoray Fannaan Maxammed Mooge Liibaan, qoraha buugga Foolaad waxaa lagu magacaabaa Cabdikariin Xikmaawi waxaa uu ka hadlayaa waayihii iyo kaalintii mugga iyo miisaanka laheyd ee uu abwaan Maxamed Mooge Liibaan ka qaatey fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.


Qoraaga inta uusan soo bandhigin suugaanta Maxamed Mooge waxaa uu ka hormariyey taariikhda fanaanka oo uu ka soo bilaabey yaraantiisii iyo waayihii uu waxbaranayey, dabadeed waxaa uu raaciyey xaaladadihii kale duwanaa ee nolashiisa ka mid aheyd iyo shaqooyinkii uu ummadda u soo qabtey, gaar ahaan waayihii uu macallinka ahaa.

Buugga foolaad waxaa uu muuqaal buuxa ka bixinayaa hibada Maxamed Muuge Illaahey ku manaystey waxaana la oran karaa waa loogu samri karaa maqnaashaha fanaanka caanka ahaa ee laga waayey masraxa Soomaaliyeed.

Hawaale Warran

 

Hawaale warran waa buug uu isku duba ridey qoraa Maxamed Saleebaan, laakiin buugga waxaa qorey abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, sida uu sheegey Maxamed Saleemaan habeenkii uu buugga ku soo bandhigayey London waxaa asalka buugga uu ahaa qoraalo dhowr ah oo uu abwaan Hadraawi u keeni jirey si uu isugu hagaajiyo dabadeedna loo daabaco ka dibna uu u noqdo buug ay ummadda ka faa`iideysato.

Buugga waxaa ka muuqata in abwaan Hadraawi uu falasoof weyn yahay aadna u fahmey xaqiiqda nolosha adduunka. Aqristaha buugga aqriyaa waxaa u soo baxaysa in abwaan Hadraawi qoraaladiisa ay ka anbaqaadayaan khibrad iyo waayo aragnimo durugsan uu leeyahay.

Waxaa la oran karaa abwaanka waxaa uu buugiisa ku soo bandhigey waxyaabo badan oo kale duwan oo xiriir qoto dheer ku leh nolosha uu si hufan ugu soo bandhigey hibada uu Illaahey siiyey.

 Taariikhda Culimada Soomaaliyeed

 

Qoraaga buuggaan waa dr. Maxamed Xuseen Macallin oo buugaag dhowr ah qorey, buuggaana waxaa uu ka mid ahaa buugaag dhowr ah oo qoraaga u suuro gashey inuu soo saaro sanadkii 2021 kii.

Buugga Taariikhda Culumada Soomaaliyeed waxaa lagu daah furey kulankii sanadlaha ahaa oo ay hay`adda Kayd abaabulkeeda iska laheyd, buugga waxaa lagu soo bandhigey magaalooyinka Laceister iyo London.

Buuggu waxaa uu ka hadlayaa taariikhdii iyo sooyaalkii culimadii Soomaaliyeed.

 Buuggaan waxaa uu soo bandhigayaa taariikhda culumada Soomaaliyeed qaarkood, waxaase xusud mudan in culumada buugga lagu soo bandhigey ay u qeybsamaan labo qeybtood:

Qeybta hore waxaa lagu soo qaatey culumadii hore oo noolaa xilliyadii hore oo qaarkood laga joogo 7 qarni iyo wax ka badan.

Qeybta labaad waa uu qoraagu ku soo bandhigey culumada aad u badan laakiin noolaa waayadii danbe gaar ahaan labadii qarni ee ugu danbeeyey.

Qoraaga buugga waxaa uu ka afeeftey in buugga uusan koobeynin dhammaan culumadii Soomaaliyeed , waxaana uu caddeeyey in culumo badan ay ka maqan yihiin buugga oo loo baahan yahay in qoraalo kale laga sameeyo.

 

Calaf iyo Cugasho

Buugga calaf iyo cugasho waxaa qorey qoraa Maxamuud Ibaraahim Jaamac oo ku magac dheer Xaaji, sida uu qoraagu sheegeyna waxaa uu buuggaan soo gudbinayaa, qar-adaygga Soomaalida, qabka iyo quudhsidiidka qofka Soomaaliga ah, qaddarinta haweenka, iyo quwadda iyo qiimaha hablaha Soomaaliyeed.

 

Runtii sida qoraagu caddeeyey buugga waa qiso dhab ah oo tilmaamaysa labo dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed Saxardiid iyo Saxarla, oo jaamacaddii Lafoole wada dhigan jirey. Markii dagaalku ka qarxay Xamar 1991kii midba jiho ayuu u dhaqaaqay, hase yeeshee, shan sano dabadeed 1995 ayay si lamafilaan ah ugu kulmayaan magaalada Harare ee dalka Zimbabwe, Saxarla oo waqtigaas ciirsi u baahan, geed ay cuskatona la’. Saxardiid wuxuu go’aansanyaa inuu samatobixiyo Saxarla. Waa qiso cajiib ah oo uu qoraagu ku soo bandhigayo buugga isagoo adeeg sanaya qoraal aad u sareeyo oo soo jiidanaya aqristaha.

Joogaha Maqan

Sidoo kale waxaa madashii dabaaldegga toddobaadka Soomaalida ee ay soo qabanqaabiyeen ururka Kayd waxaa lagu soo bandhigey buugga Joogaha Maqan kaa oo ka faaloonaya murtidii iyo maalmihii abwaan Xasan Qawdhan ( 1944 kii – 2017 kii), waxaa buugga Joogaha Maqan qorey qoraa da`yar oo lagu magacaabo Axmed Karaama.

 

Meesha kama marneyn buugaagta hablaha Soomaaliyeed ay soo bandhigeen gaar ahaan Nicmo Noor waxay madasha la timid buugaag dhowr ah oo uu ugu horeeyo:

Jasiiraddii Nabadda, waa buug loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Garoob iyo godob rageed, waxaa uu buugaan ka kooban yahay labo qeyb.

Labada buug ee aanu soo sheegey faah faahintooda waxaanu ku soo qaadan doonaa dadaalada Nirmco Noor ee imaandoono.

 Waxaa xusid mudan in Nicmo Noor gudheedu mudan tahay in aanu soo qaadano dadaalada ay muujisey intii ay degenayd dalka Finland haddii Illaahay idmo.