Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Xarunta U Hiili AqoontaUrurka ama Xarunta u Hiili Aqoonta waxaa dadaal badan ku bixiyey dhaliyaro Soomaaliyeed
oo ay hormuud u tahay marwa Ifraax Yuusuf Ciyow oo waqti badan galisey sidii ay ugu
guulaysan lahaayeen in xaruntaan ay istaagto dabadeedan ay ka qeyb qaadato horumarka
dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, isla markaana ay xaruntu u noqoto darbi weyn oo difaac u
noqda himilada iyo horumarka dhallinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, gaar ahaan
dalka Norway.
Runtii layaab ma leh in Ifraah Ciyow muddo badan ayey ku mashquulsaneed sidii ay
Soomaalida Norway ku nool ay u siin lahayd fursad ay ku akhriyaan buugaag afkooda
ku qoran iyo inay ka caawiyaan ardayda Soomaaliyeed caqabadaha wax akhriska iyo
qoraalkaba. Sidaa darteed Ifraax waxay aasaastey xarun ama shirkad ay ugu magac
dartey " U Hiili Aqoonta ", shirkadaa oo daabacda buugaagta iyo qoraalada kaleba.
Xarunta u U Hiili Aqoonta waxaa uu saldhigeedu yahay dalka Norway. Ifraax marar badan
waxay sheegtey in ay diyaar u tahay in dadka Soomaaliyeed ee doonaya iney wax
daabacaan gaar ahaan dhalinyarada iney garab istaagi doonto sidii ay qoraaladooda uga
miro keeni lahaayeen.
Ururka waddaniga Soomaaliyeed
Kuma koobna dadaalada ay Ifraax
Yuusuf Ciyow ku bixisey sidii ay gacan
weyn uga geysan laheed horumarka afka hooyo iyo dhaqankeena suuban, waxayna
Ifraax ka mid ahayd dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhidibada u taagay urur loogu
magac daray ururka ” wadaniga Soomaaliyeed ”, xarunta ururka waxaa uu ahaa
magaalda Hordland ee dalka Norway, waxaase xusid midan in aasaask ururka lagu beegey 15 ka
bisha may, Ifraax Ciyow oo ka hadashey
sababaha loo aasaasay ururka isla markaana loogu beegey aasaaska taariikhdaa
waxay cadeesay in ujeedadu ahayd inaan qaadano hanaankii wadaninimo ay
lahaayeen dhalinyaradii ururka SYL, iyo inaan dhalinyarada Soomaaliyeed xusuusino halgankii
waddaninimo ay soo mareen dhalinyaradii SYL, oo natiijadeedu ay noqotay inaan
noqono waddan xor ah.
Ifraax waxay kaloo sharaxaad ka bixisay qiimaha ay wadaninmada ay
leedahay iyo in ay Soomaalida muujiyaan waddaninimo, waxayna tusaale ahaan u
soo qaadatay xisbigii dhalinyarada ahaa ee SYL sida ay waddaninimada daacad uga
ahayd. Ifraax Yuusf Ciyow waxay ururkaa ka ahayd madaxa Arimaha Bulshada.
Ururka waxaa uu ku guuleystey
wacyi galinta dhalinyarada iyo abaabulka maalmaha xuriyada, dhalinyarada iyo
ciidaha diinteena Islaamka.
Mar ay ka hadleesey xafladda 15-ka May ee Soomaalida deggan dalka Norway ayaa waxay dhallinyarada ku boorisey sidii ay ugu wada shaqeyn lahaayeen isku tiirsanaanta dhallinta Soomaaliyeed iyo iney ku dadaalaan sidii ay diintooda, dhaqankooda iyo afkooda ugu dadaali lahaayeen horumarkiisa, isla markaana waxay dib u jeleecday dadaaladii dhallinyaradii Soomaaleed ee aasaastey ururkii SYL iyo guulihii ay u soo hoyeen ummadda Soomaaliyeed.
Hormoodka arimaha haweenka iyo qowska Soomaaliyeed
Ifraax Ciyow waxay ka mid
tahay dadka u dhaqdhaqaaqa in ” codka haweenka kor noqdo ” iyo qowsaska soo
galootiga gaar ahaan Soomaalida ee dalka Norway ay noqdaan kuwa adag oo isku
tiirsan si ay uga hortagaan in dhabaatooyinka ku yimaada caruurta iyo dhalinyarada
ku korey wadamada reer galbeedka. Talooyinkaa ay soo jeediso waxay la wadaagtaa
warbaahinta gaar ahaan wargeysyada dalka Norway iyo barta ay ku leedahay
facebook ga iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waxay ku soo gudbisey qoraaladeeda
iyo doodaha bulshada ee fagaarayaasha ay ku yeeshaad bulshada Soomaaliyeed ee
qurbaha ku nool.
Buugaagta Ifraax Ciyow
Dhigaalada Ifraax Ciyow billowgoodii waxaa uu ahaa sanadkii 2007 dii oo
ay isku dayday iney qoraalo ka soo saarto waxyaabihii ka socday warbaahinada
bulshadu adeegsadaan qaarkood sida Baaltooga (Paltalk), qoraalkeedana waxay ugu
magac dartey ” Paltalk Waa Mucjiso ” .
Intaa kuma joogsanin qoraalada Ifraax ee waxay hadana soo saartey
qoraal dareen xanbaarsan oo iftiiminayey dhacdooyinkii siyaasadeed ee ka socday
dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalo madaxda dalka Muqdisho , qoraalkaana waxaa
uu xanbaarsanaa cinwaanka ah ” Murugada adduunyada Muqdishaa u Macallin ah”.
Ifraax waxay ku guuleesatey inay qorto dhowr buug oo dhammaantoodu uga
hadleyso daruufaha ku wareegsan bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.
Buugaagtaa waxaa ka mid ah:
-
Ila ooy
Waa buug sheeko
dhanka jaceylka u janjeero oo ku saabsan qows ka guuraya London oo u noqonaya
dalkii Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Sheekada buugga waxay ku
saabsan tahay gabar Soomaaliyeed oo lagu soo koobay magaceeda Fartuun. Buuggaan
ayaa u qoran qaab sheeko ah. Gabadhaan iyo qoyskeeda waxay go’aansadeen inay ku
noqdaan dhulkoodii hooyo si ay ugu qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Nasiib
daro, waxay la kulmeen xaalad aysan filanaynin kuwaasoo salka ku haayo darxumo,
qiyaano, iyo waliba waxwalba oo kadhaca dal iyo dad bur-buray. Buugaan waxaa uu
soo baxay sanadkii 2017 kii.
Ifraax, Abtidoon, Amino, Nina Kalkodh iyo Maxamed Xuseen
Taxanihii sheeko sheeko
Waa buug caruureed iyo sheekooyin kale oo badan. Buugga waxaa ku qoran
oo ay dooratey Ifraax seddex sheeko caruureed oo loogu talo galay in caruurta
lagu maaweeliyo, sida sheekada ” Gabar iyo Libaax”. Waxaana qoraaladeeda ka mid
ah sheekadii " Paltalk" iyo " Noloshu waa jaceyl. Jaceylkuna waa
nolol" iyo sheekooyin kale oo tixana ka ahaan jiray mareegyada kala duwan
ee af-Soomaaliga ku soo baxa. Buugga waxaa uu soo baxay dhammaadkii sanadkii
2017 kii.
-
Magac iyo muuqaal
Waa buug isugu jira qoraalo iyo sawiro loogu talo galey caruurta Soomaaliyeed iney afkooda ku bartaan , isla markaana ay si maweelo ah u midabeeyaan sawirada ku qoran, taa oo wax ka tari karta barashada afkooda hooyo isla markaana kor u qaadi karta garaadkooda aqooneed.
Ifrah Ciyow
Ifraax Yuusuf Ciyow waa qoraa, kalkaaliso, hooyo u dhaqdhaqaaqda horumarka qowska iyo haweenka Soomaaliyeed ee qurbaha. Aqoonyahay leh khibrad dhaqameed ku aadan kala duwanaanshaha.
Ustaad waad ku mahadsantahay inaad na bartid oo noo soo gudbisid dadka bulshada wax galka u ah sida Ifrax Ciyow.
ReplyDelete