Friday, 15 July 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska) 


Ururka Ilmo  

Ilmo waa urur madax banaan oo daneeya horumarka caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan. Ilmo waxaa uu daneeyaa aalaaba akhlaaqda suuban iyo afka hooyo in lagu abaabiyo caruurteena, sidaa darteed waxaa ay hogaanka Ilmo horseedeen mashaariic lagu hormarinayo himilada ay leeyihiin bahda horseedda Ilmo.

         

                    Faadumo Muuse Ibraahin                                    Maxamed Tahir saylaci


Hay`adda Ilmo waxaa aasaasay lamaanaha aqoonyahanka ee Marwo Faadumo Muuse Ibraahin iyo saygeeda ustaad Maxmed Tahir Yuusuf (Saylaci) oo degen magaalada London ee dalka boqortooyada Ingiriiska.

Faadumo waa hooyo, macallin, qoraa iyo xeel dheere dhanka tarbiyadda caruurta. Faadumo waxaa dhalay shiikh Muuse oo ka mid ah odayaasha hormoodka reerkooda, hooyadeedna waa marwo Luula Xuseen Daheeye oo reer Samaroon ah, kuna dhalatey degmada Waajid ee gobolka Bokool, taa oo Marma Luula kor u qaaday aqoonteeda ku aadan afka Soomaaliga iyo lahjadihiisa oo ay wehliso barashada dhaqanka bulshooyinka ku nool degaanada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Tayir Yuusuf waxaa uu ku dhashay magaala madaxda dalka Sacuudiga ee Riyaad, waxaana dhashay Marwa Madiina Cumar oo ka soo jeeda bahweynta Samaroon, waxaa xusid mudan in reerka oo dhan ay ka faa`iideysteed dhaqanka iyo afka Carabiga maada ay in muddo ah ku noolaayeen dalka Sacuudi Carabiya oo ay ku yaalaan magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina.

Hogaanga Ilmo waxay mar walba isku dayaan inay dhisaan darbi adag oo difaac u ah dhallaanka Soomaaliyeed iyagoo adeegsanaya buugaag iyo agab kale oo kor u qaadaya aqoonta ay caruurtu u leeyihiin dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay caruurta ku abaabiyaan qiimaha taariikhdooda iyo jiritaankooda inuu ku xiran yahay hadba sida ay xoogga u saaraan aqoonta ay u leeyihiin dhankooda iyo afkooda hooyo.

Ilmo waxay abaabushaa oo qabataa kulumo cilmiyeed ay ku marti qaadaan waalidiinta Soomaaliyeed iyago oo la kulmaya howlwadeeno aqoon durugsan u leh barbaarinta caruurta iyo koritaankooda, mararka qaarkoodna waxay madasha ku marti qaadaan aqoonyahano ku xeeldheer cudurada maskaxda iyo wixii la xiriira oo dhibaato ah oo hakin karana waxbarashada caruurta.

Ilmo waxay ku dadaaleen sidii loo buuxin lahaa kaalinta banaan ee buugaagta caruurta oo ku qoran afkeena hooyo, inkastoo ay jirtey buugaag dhowr ah oo caruurta quseysa oo ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed iyo kuwo la soo tarmujeyba ama laga soo rogey afaf kale, hadana ururka Ilmo waxaa uu wada shaqeyn la leeyahay ururada iyo hay`adaha Soomaaliyeed oo kale oo ay ka wada shaqeeyaan sidii door fiican looga qaadan lahaa qorista iyo daabacaadda buugaag tayo leh, waxaana jira in mashruuca Ilmo aqoon ay wada shaqeyn ka yeesheen Hay`adda Hiil Press oo ah hay`add buugaagta daabacda, isla markaana qeybisa. Waxaa xusid mudan in labada shirkadood ay yoolkoodu yihiin in la qoro lana daabaco buugaag, dabadeedna la faafiyo buugaag tayo leh, lana fududeeyo sida loo heli lahaa buugaag tayaysan, bulshadana qiimo u leh. Ilmo buugaag caruurta quseeya ayay daabaceen oo af Soomaali ku qoran, qaarkoodna waxay ku qoran yihiin labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriiska si ay u fududaato fahamka ay caruurtu si fududu u fahmi karaan.

Ka dib markii ay bahda Ilmo arkeen in buugaagta sheekooyinka caruurta ee ku qoran afkeena ay badanaa ay yihiin kuwo xanbaarsan sheekooyin reer guuraa ah ayey door bideen iney buugaagta Ilmo ay soo saarto ay noqdaan kuwo la jaan qaada nuxur ahaan iyo af ahaanba waqtiga iyo goobta aanu joogno oo ka duwan kuwii hore, waayo waxaa lama huraan ah inaanu fiiro gaar ah ku eegno sida aan ula hadalno ubadkeena si uusan uga leexan wacyiga casriga iyo dunida maanta ay caruurteena ku nool yihiin.

Mashaariicda hay`adda Ilmo kama marna mid diiradda lagu saarayo sidii loo caawin lahaa qorayaasha dhalinyarada u badan ee ku cusub qorista iyo buug soo saaridda, iyaga oo ku hagaya habka ugu fiican uguna fudud oo ay ku soo saari lahaayeen aqoonta ku duugan, isla markaana ay u tusi lahaayeen hababka iyo siraha ku duugan howlaha daabacaadda.

Bahda Ilmo

Bahda ILMO iyaga oo og baahida ay ubadka qurubuhu u qabaan barashada dhaqanka iyo afkooda hooyo, waxay ay diyaar u yihiin in ay dhammaan ubadka Soomaaliyeed helaan hab kasta oo ay ku baran karaan dhaqanka, Suugaanta iyo waliba sheeko xariirooyinka ku qoran afkii hooyo, iyo waliba akhris ku ababinta ubadka Soomaaliyeed.

Waxaanu soo tilmaamney in hormoodka ururka Ilmo uu yahay lammaanaha aqoonyahanka ah ee Faadumo M. Ibraahin iyo Maxamed Tahir sida hufan ay ugu dhabar adeegeen hirgelinta iyo kobcinta arrimaha la xiriira caruurta iyo barbaarintooda. Waxaase xusid mudan iney jiraan dhalinyaro kale oo la wadaagay dadaalkaa iyo hiiladaa loo hiilinayo caruurta Soomaaliyeed oo la oran karo haddii ayna garab istaagin dhalintaa mashaariicda Ilmo ineyna hirgeli lahayn, taa oo aanu ula jeedno in bahda Ilmo ay ballaaran tahay isla markaana ay og yihiin dadaalada ay bixiyeen Filsan Daahir iyo Cabdullaahi Raage (Sayidka) oo ku soo biiriyey aqoon iyo waxtar nuxur leh mashaariicda Ilmo.

Filsan Dahir waa dadka ilaahay hibooyinka gaarka ah ku mannaystay, waa Farshaxamiiste, Nashqadeeye (Designer) aad la tacajubayso shaqooyinkeeda.

Filsan waxa ay ku nooshahay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudi Carabiya. Waxay waxbarashada heerka koowaad ku qaadatay Dalka Suudaan oo ay baratay culuumta xisaabaadka (Finance). Filsan waxa ay ku shaqaysaa qaabaynta iyo naqshadaynta ganacsiyada iwm (Branding), shaqadaas oo ah mid ilaahay Hibo u siiyay.

Mudooyinkii hore waxaa Ilmo aad ula shaqeeyey oo taageero siiyey  Khaalid Saciid oo ka mid ahaa tafatirayaasha Buugta Ilmo ay soo saarto. Khaalid waa qoraa da'a yar oo ku dhaqan magaaladda Hargeysa, waxaa uu bartay culuumta Sayniska oo uu ka qallinjabiyay Jaamacadda Hargeysa. Khaalid waxa uu isku hawlaa inuu wax ka qoro arrimaha bulshada, waxaana uu leeyahay maqaallo tiro badan oo lagu daabacay Wargeysyo, Majallado, iyo in badan oo ka mid ah Deggelada afka soomaaliga wax ku qora. Sannadkii 2016 kii waxa uu ka mid ahaa dhalintii ku guuleysatay abaalmarintii Sanaa Theathre Awards, taana waxaa uu ku mutaystay turjumaddii uu la sameeyay "Majalada Africa" oo fadhigeedu yahay dalka Kenya. Turjumudii ugu ballaadhnayd abid taariikhda Afrikaanka halkaas oo hal qoraal oo ku qornaa afka Sawaaxiliga ay u turjumeen in ka badan 33 luqadood oo Afrika iyo caalamkaba lagaga hadlo oo Afkeenna hooyo ee soomaaligu ku jiro.

Taxanaha Hiil Buug Carruureed

Ururka Ilmo waxay tiigsadeen himilo ku aadan barnaamij ay ugu magac dareen « Taxanaha hiil buug caruureed», sidaa darteed waxay ku guuleysteen soo saaridda aqab iyo buugaag kale duwan, kuwaa oo loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed, buugaagta la daabacay ilaa iyo waqtiga la joogo waa ay tiro badan yihiin, waxaana ka mid ah:

Hooyo iyo Aabbo

Waa buugii ugu horeeyey oo ay soo saaraan bahda ururka Ilmo.



Quruxda iyo Caawimaad khaas ah

 

 Cadhada iyo Cabsida

 

 Daroogada iyo Hurdada

 

Midabkayga iyo Ilkahayga

 

Nadaafadda iyo Asxaabta

 

Akhlaaqda iyo Ixtiraamka


Farxadda Ciidda

Ururka Ilmo howlaha uu qabto oo kale waxaa ka mid ah in uu la wadaago farxadda iyo rayreenta qoosaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan magaalada London iyo hareeraheeda damaashaadka ciidda ay dadyowga muslimiinta u dabaaldegaan sida ciidda Fidriga iyo ciidda Al adxaa.

Runtii dadaalada Ilmo kuma koobno oo kaliya iney qaban qaabiyaan barnaamijyo farxad leh, ee waxaa kale oo ay la wadaaaan dadweynaha iney soo saareen buug ka hadlaya ciidda iyo farxadeeda oo leh sawiro qurxoon, waxaana soo baxay buug loogu magac daray ” Buugga Ciidda”.


Buugga Ciidda waa Buug loogu talo galay carruurta Soomaaliyeed, oo lagu barayo dhaqankeenna iyo waliba Ciiddu halka ay inaga joogto Soomaali ahaan. Waa buug ka kooban sawiro muujinaya dhacdooyinka caadiga ah ee ilmaha soomaaliyeed la kulmo maalinta Ciidda iyo damaashaadkeeda, waa buug u sahlaya in ilmuhu wax ka bartaan sidoo kalena ku madadaashaan. Qaybta danbe ee buugga waxaa loogu talo galay in sawiradii buugga ku jiray uu dib ilmuhu u rinjiyeeyo ama u nashqadeeyo.

Buugaagta Ilmo soo saartey waxaa kale oo ka mid ah:

Ayeeyo iyo Awoowe

Nadaafadda iyo Asxaabta

Boogaagtaas dhammaantoodna waxaa qortey qoraa Faadumo Muuse Ibraahin, waxaana daabacday madbacadda Hiil Press.

Anshaxa cuntada iyo cabitaanka

Ururka Ilmo ujeedkiisa ma aha oo kaliya in caruurtu afkooda hooyo ay bartaan ama ay wax ku aqriyaan, ee waxaa kale oo ay Ilmo ku dadaashaa sidii caruurta loogu soo bandhigi lahaa waxyaalaha ka caawinaya inay bartaan ama aqristaan anshax iyo aadaabta loo baahan yahay iyo in ay caruurta bartaan dabadeedna ay sameeyaan markay wax cunayaan ama ay cabayaan, anshaxaana waa mid ku tiirsan dhaqanka diinteena Islaamku inagu boorisay.

Habdhaqanka suuban ee ilmuhu la yimaado xilliga cuntada waxa uu muujinayaa tarbiyaddiisa wanaagsan, ixtiraamka dadka kale, iyo qadarinta nimcada cuntada iyo cabintaanka, taasoo uu ilmuhu ku kasbanayo ajar iyo xasanaad, maadaama uu dhaqangeliyey anshaxii suubanaa ee nabigeenna nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

 


Ugu danbayntii marka la eego qoraalada Ilmo oo ay ugu talo gashay caruurta waxaa ku soo jiidanaya iney adeegsadeen sawiro aad u qorxoon oo qeyb weyn ka qaadanaya fahamka dhigaalada, maxaa yeelay sawiradu door weyn ayey ka qaataan in aqristuhu si fudud u fahmo fariinta qoraaga iyo ujeedada loogu talo galey in qoraalku uu saameyn xoogan u yeesho aqristaha. Caruurta aad ayuu u soo jitaa qoraalada ku lammaanan sawiro qurxoon, waana midda ay ku guuleysteen bahda Ilmo in ay soo saareen taxane hiil buug carruureed oo dhowr ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


No comments:

Post a Comment