Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Somali
Galool iyo Iftin Network
Si aanu u ogaano qiimaha iyo heerka wax soo saarka hay`adda Somali Galool iyo Iftin Network waxaa haboon in aanu ogaano marka hore tiirka udub dhexaadka ah ee ka danbeeya labadaa hay`adood. In kasta oo ay dhowr aqoon yahay oo dumar ah ay dhidibada u aaseen hay`adda Soomaali Galool, hadana waxaanu og nahay in maskaxda ka danbeysa ay ahayd Marwo Saynab Adan Sharci, sidoo kale ayuu ahaa aas aaskii Iftin Network. Waxay ahaataba Saynab waa qoraa, macallin, tababare ku mashquulsan tarbiyadda iyo caawinta ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan dhanka diinta, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed. Si ay ugu suuragasho himiladeeda waxay curisey dhowr buug iyo baraamijyo ku aadan kobcinta afka hooyo iyo maaweelada caruurta.
Saynab Sharci
Saynab iyo dhallaanka Soomaaliyeed
Waxaa aad iyo aad u yar dadka u ololeeya
horumarka dhaqanka iyo afkeena hooyo, Saynab waxay ka mid tahay nasiib wanaag
dadka aadka u yar oo u halgama kor u qaadida iyo xoojinta afka iyo dhaqanka
Soomaaliyeed ee waafaqsan shareecadeena Islaamka.
Maadaama ay ku dhalatey kuna barbaartey
Saynab dhul shisheeye oo ka fog dhulkii ay ka soo jeedey, kama maqneyn
dareenkeeda dhibaatada uu qurbuhu leeyahay, sidaas darteed waxaa ku weynaa Saynab mar
walba in dhalaanka Soomaaliyeed ee jooga qurbaha ay helaan waxyaalaha ay u
baahan yihiin oo ay ugu weyn tahay diinta, dhaqanka iyo afkooda hooyo.
Dareenka Saynab ka guuxayay ayaa waxaa ka
dhigey qof mar walba u jeelan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed ee qurbah,a gaar
ahaan caruurta iyo dhalinyarada. Arrinkaana waxaa kuu cadeenaya buugaagta ay
qortey Saynab oo ay ugu talo gashey
da`yarta u dhexeysa 6 jir ilaa 16 jir.
Saynab iyo Iftin Network
Waxqabadka Saynab ee ku aadan dardar
gelinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka waxaa la oran karaa waa mid ku yimid
dareenkeeda Soomaalinimo, la yaabna ma leh in ay Saynab walwalkeeda ku aadan
mustaqbalka caruurta uu gaarsiiyo iney samayso hay`ad ka shaqeysa waxbarashada
caruurta 6 jir ilaa 16 jir. Sidoo kalena la yaab ma leh in Saynab ay arimahaas
ay ku fikirto ama isku taxluujiso isla markaana ka shaqeyso iyadoo ay ku
dhalatay kuna barbaartey qurbaha gaar ahaan dalka Ingiriiska – sida aan hore u
soo sheegnay – waayo waxaa ay ka soo jeedaa hooyo iyo aabe ku gaamurey diinta
Islaamka markastana ku dadaali jirey sidii caruurtooda ay ugu barbaari
lahaayeen dhaqan suuban iyo diin saalax ah.
Sanadkii 2000 waxay Saynab dhidabada u
aastay hay`ad ay ugu magac dartey Iftin Network oo ay xarunteedu ahayd magaalo
madaxda London ee dalka Ingiriiska, waxaana la waday howsha Safiay
Aadan Shirci iyo Ixsaan Maxsamed Cali Gaydh.
Ujeedada ka danbeeysa aas aaska hay`adda
Iftin Network waxaa weeye inuu ahaado urur bulshada u shaqeeya gaar ahaan
caruurta iyo dhalinyarada Soomaali iyo dadyowga kale ee degaanka ku sugnaa
sida: Morookaan, Aljeeriyaan, Afgaanistaan iwm.
Sida badan dhaqdhaqaaqa dhaqanka iyo diinta
ee uu ururka Iftin Norwork ku howlanaa waxaa ay ahayd maalmaha fasaxyada ee
sabtida iyo axadadda, waxaana ka soo qeyb galayey caruurta u dhexeysa da`dooda
6 - 16 sano. Caawinta waxay ku aadaneyd
afar maado oo uu ugu horeeyo Quraanka Kariimka iyo afka Soomaaliga, Carabiga
iyo daruus la xiriirta barashada diinta Islaamka, laakiin maalmaha kale waxaa
uu ururku ku howlanaa barista iyo caawinta maadooyinka Ingiriiska , xisaabta
iyo sayniska. Waxaa la oran karaa ururka Iftin Network waxaa uu wax ka qabtey
baahida caruurta ee ku aadanayd diinta iyo dhaqalkooda.
Howlwadeenada Iftin oo ay ugu horeyso
Saynab waxaa ay qaateen tababaro la xiriira dhanka macallinimada oo ay ka
qaateen jaamacadda Metropolitan oo ku taalay Hollowey ee magaalada London,
sidoo kalena waxaa ay wada shaqeyn ka dhaxeysey dugsiyada. Si ay shaqadooda u sugaan waxaa ay xafiisyo gaar ah ku yeesheen
dugsiyada ay wada shaqeynta ka dhaxeysey.
Waqtiyada fasaxa ah hay`adda Iftin Network waxay ku dadaali jirtey in caruurta la geeyo fasaxyo oo ay ku sameeyaan waxyaalo naftooda raaxo geliya sida ciyaaraha, dabaasha iwm.
Galool Somali
Galool Somali waa hay`ad madax banaan oo la
aas aasay sanadkii 2009 kii, waxaana sabab u ahaa baahida caruurta ay u qabaan
in ay bartaan meesha ay ka soo jeedaan gaar ahaan caruurta da`doodu u dhexeyso 6
– 16 jir.
Hay`adda Galool Somali waxaa ay ka shaqeyneysey
arrimo badan, waxaana ka mid ah:
-
Barista afka Soomaaliga
-
Buuggaag la qoro oo afka hooyo lagu qoro
-
Daabacaadda buuggaagta
-
Wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed
-
Tarjumaad la tarjumo buugaagta qaarkood
Turjumaadda runtii waa talaabo kale oo ay
Saynab Aadan Sharci ku tallaabsatey oo dhanka wax soo saarka ku aadab, taa oo
ay uga gol lahayd in ay afka hooyo ku tarjumto buugaagta ay u arkaysay in ay ka
faa`iidaysan karaan aqristayaasha, sidoo kale Saynab waxay afka Ingiriiska ku
tarjumtay buugaag ku qoran afka Soomaaliga si ay uga faa`iidaystaan dadyowga ku
hadla afka Ingiriiska.
-
Qoraalada Saynab
-
Daadah 1-2
-
Sheeko xariiro 1 – 5
- Ardaa
Buugga danbe waa midka kooban dhowr taxane sida:
* ma dharge Dhurwaa
Waa sheeko ka tarjumaysa afar waraabe ama
dhorwaa oo uu Illaahey nimco siiyey hadana aanan nimcadoodii daraynsaneyn oo
cabanaya.
* Libaax iyo
Dabagaalle
* Daadax iyo
qaar kale oo badan.
Buugaagta ay daabacday hay`adda Galool kuma eka oo kaliya buugaagta ay Saynab qortey, belse waxaa iyana jira buugaag kale oo ay qorayaal Soomaaliyeed soo saareen, waxaan ka mid ah buugga:
-
Wadajir Baa Awood Leh
Buugga Wadanjir baa Awood leh waxaa uu ka
mid yahay taxanaha Ardaa, waxaana qoray qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon,
waxaana daabacday hay`adda Galool Somali , London.
Saynab, Saciid Jaamac, Abtidoon, Ayaan iyo Cartan

No comments:
Post a Comment