Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Shirkada Ilays iyo Nimco Maxamed Nuur
Nimco Maxamed Nuur waa aqoonyahay, qoraa, aasaasaha shirkadda Ilays Publisher ee daabacda buugaagta, waa hooyo, barbaariye caruurta maaweelisa, danaysa dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed maskax iyo maalna gelisa sidii kor loogu qaadi lahaa, dhigaalo dhowr ahna soo saartey oo ku aadan horumarinta afka Soomaaliya gaar ahaan caruurta qurbaha ku nool, iyadoo adeegsatey qaab carsi ah oo fududeeya barashada iyo fahamka afka, kaa oo la jaanqaadaya heererka qoraal ee dunida hormartey maanta. Nimco waxay ka muuqataa kulumada aqooneed, dhaqan iyo fan ee ka dhaca meelo badan oo ka mid ah dunida gaar ahaan Yurub, sidoo kale waxay qeyb weyn ka tahay ururada Soomaaliyeed ee ku hoolan faafinta aqoonta iyo soo bandhigidda buugaagta afkeena ku qoran.
Marka taa laga soo tago waxaa jirta kaalin kale oo ay Nimco wax ka geysatey waana midda ay ku caan baxday, taa oo ah qorista buugaagta gaar ahaan buugaagta caruurta oo ay soo saartey dhowr buug oo ay ka faa`iideysteen caruurta Soomaaliyeed ee degen qaaradda Yurub. Sidoo kale Nimco buugaagta ay qorto waxaa qaarkood daawo u yihiin dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa la xiriira qowska , guurka iyo furiinkaba. Nimco qeyb libaax oo weyn ayay ka qaadataa wacyi gelinta ummaddeena iyadoo adeegsata qoraal, iyo in ay qeyb ka noqoto kulumada loogu tala gelay kor u qaadista wacyiga bulshadeena oo ay safaro kale duwan u gasho sidii ay arrimahaas wax uga qaban laheyd, sidoo kale waxay qeyb weyn ka qaadataa kulumada lagu wacyi galinayo bulshada kuwaa oo ka socda aalaaba baraha bulshada ee internatka.
Dadaalada kale duwan ee Nimco ku guda jirto waxaanu ka tilmaamaynaa dhigaalada iyo qoraalada u suuro galey Nimco oo ay soo saartay, gaar ahaan dhinaca buugaagta afka Soomaaliga ku qoran, kuwaa oo ay daabacday shirkada Ilays, sida buugaagta ay ka mid yihiin:
Buugga Jasiiradda Nabadda waxaa ay Nimco Maxamed Nuur ugu talagashay in caruurta ay ka faa`iidaystaan, isla markaana ku koraan jacayl, nabad iyo sinnaan. Waxaa buugga laga helayaa sawiro la jaanqaadaya sheekada si ay u soo jiidato caruurta, isla markaana fahamka sheekada u fududeeso.
Nimco sheekadaan waxaa ay ku
soo gudbinaysaa xayawaano sheekeeanaya oo meel ku wada nool hadana kale duwan
noocooda iyo daruufahoodaba. Nicmo waxaa ay ku guulaysatay in ay soo bandhigto
buug tartar la gali kara buugggaagta kale ee dadyowga kale ay u qoreen si ay u
buuxiso kaalinta buugaagta Soomaaliga, caruurta Soomaaliyeedna waxay heleen
buug sheeko ah isla markaana aana ka hor imaanaynin dhaqankooda iyo diintooda,
maadaama uu buuggu qoray qof ay ku weyn tahay dareenka diinta iyo dhaqanka
Soomaaliyeed.
- Somali Cards group 1 – 3
Waxay Nimco ku guuleysatey inay soo saarto mashruuc aqoonta iyo garaadka caruurta kor u qaadaya, waana mashruuca kaararka iyo boorarka oo seddex qeybood oo taxane ka kooban. Kaararka iyo boorarka ee loo yaqaano (Flash Cards iyo Posters) soo saaristeeda waxaa ku tuseysaa in Nimco Noor ay mar walba u heelan tahay sidii ay u kobcin lahayd wax soo saarka ay ugu talo gashay ubadka Soomaaliyeed, waxayna ku dadaashay runtii iney ka miro dhaliso si ay u gaarto himiladeeda ku aadan caawinta iyo kor u qaadidda garaadka ubadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha. kaararkana waxaa ay u sammeysan yihiin habka turubka oo kale si ay caruurta u soo jiidato oo iyaga oo ciyaaraya hadana wax baranaya. Sidoo kale warqado waaweyn oo meel la suro ama lagu dhejiyo waxay caruurta u fududeeneysaa barashada afka hooyo.
Buugaagtaas iyo qoraalo kaleba waxaa daabacdey
shirkadda Ilays publisher oo ay gudoomiye u tahay Nimco Maxamed Nuur, taana
waxay ka mid tahay dadaalada balaaran iyo wax qabadka muuqda ay Nicmo ku soo
kordhisay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaanna kuwooda ku nool qurbaha.
Waa buug labo qeybood ka kooban oo ka hadlaya dhibaatooyinka bulshadeed ee haysta qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha oo dhaawac xoogan u geystey qowsaska qaarkood gaar ahaan dumarka. Qoraagu waxay aad uga cabaneysaa tacadiyada ka dhaca ragga iyo dhaawacyada xad dhaafka ah ee haleelay dumar badan oo bulshada Soomaaliyeed ka mid ah. Buuggu waxaa uu iftiiminayaa hab dhaqanka guracan ee ka soo hor jeeda diinteena oo loo geysto haweeenkeena qaarkood kaa oo sababo burbur qows, dayac caruur iyo uur kutaale aan harin.
- Xarfaha Soomaaliga
Waa buug kale oo ay Nimco qortey, waxayna ku soo bandhigeysaa barashada afka Soomaaliga oo ay ugu horeyso xaruufaha afka oo ay si carsi ah oo fudud u soo bandhigtey qoraaga buugga.
Buugaagta kale oo ay Nimco qortey waxaa ka mid ah:
- Hashii Cosob iyo Maroodi Cagaweyne
- Ciyaar xusuuseed Soomaali
- Barashada Salaadda
Ugu danbeyntii waxaa muuqata in buugaagta ay Nimco Maxamed Nuur soo saartay laga faa`iidaysan karo arrimo muhim ah oo ay ugu horayso barbaarinta iyo af baridda carruurta, iyo meel ay carruurtu ka baranayaan, qiimaha nabadda iyo wada noolaanshaha, is ixtiraamka iyo waliba kalsoonida qofnimadooda, dhaqankooda iyo diintoodaba.
Dhallaan iyo dhalinyaro
Kulamadii aan la yeeshay Nimco Maxamed Nuur waxaa iiga muuqday in ay qof ahaan ka quusan kana daalin inay mar walba soo jeediso talooyin wax ku ool ah oo ku aadan dhallaanka iyo dhalinyarada, waxaase xusid mudan in toddobo sano ka hor ay diyaarisay barnaamij ku saabsan " Xuquuqda Dhallaanka & Adeeggooda" , barnaamijkaa oo ay uga faalootay guud ahaan caqabadaha lasoo darsa nolosha carruurta, gaar ahaan kuwa Somaaliyeed gudaha iyo dibadda intaba.
Gabagabadii
Waxaa xusid mudan in waqtigii kala yaacii iyo firdhadkii ku dhacay dadka Soomaaliyeed uu sababey in Nicmo ay ugu danbeyntii u hayaanto woqooyiga qaaradda Yurub gaar ahaan dalka Fiinlaand ( Finland ) oo ay ugu danbeyntii ku nagaatey halkaa illaa iyo waqtiga la joogo, halkaana ay waxbarsho ilaa heer jaamacad ay ku guuleysatey, dabaddeedna shaqooyin kale duwan ay qabatay iyadoo isla markaana wada shaqeyn la sameysey qeybaha kale duwan ee bulshada Finland.
No comments:
Post a Comment