Saturday, 18 June 2022

 

Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha

(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)




Somali Galool iyo Iftin Network


Si aanu u ogaano qiimaha iyo heerka wax soo saarka hay`adda Somali Galool iyo Iftin Network waxaa haboon in aanu ogaano marka hore tiirka udub dhexaadka ah ee ka danbeeya labadaa hay`adood. In kasta oo ay dhowr aqoon yahay oo dumar ah ay dhidibada u aaseen hay`adda Soomaali Galool, hadana waxaanu og nahay in maskaxda ka danbeysa ay ahayd Marwo Saynab Adan Sharci, sidoo kale ayuu ahaa aas aaskii Iftin Network. Waxay ahaataba Saynab waa qoraa, macallin, tababare ku mashquulsan tarbiyadda iyo caawinta ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan dhanka diinta, dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed. Si ay ugu suuragasho himiladeeda waxay curisey dhowr buug iyo baraamijyo ku aadan kobcinta afka hooyo iyo maaweelada caruurta.



                Saynab Sharci


 

Saynab iyo dhallaanka Soomaaliyeed

Waxaa aad iyo aad u yar dadka u ololeeya horumarka dhaqanka iyo afkeena hooyo, Saynab waxay ka mid tahay nasiib wanaag dadka aadka u yar oo u halgama kor u qaadida iyo xoojinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee waafaqsan shareecadeena Islaamka.

Maadaama ay ku dhalatey kuna barbaartey Saynab dhul shisheeye oo ka fog dhulkii ay ka soo jeedey, kama maqneyn dareenkeeda dhibaatada uu qurbuhu leeyahay,  sidaas darteed waxaa ku weynaa Saynab mar walba in dhalaanka Soomaaliyeed ee jooga qurbaha ay helaan waxyaalaha ay u baahan yihiin oo ay ugu weyn tahay diinta, dhaqanka iyo afkooda hooyo.

Dareenka Saynab ka guuxayay ayaa waxaa ka dhigey qof mar walba u jeelan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed ee qurbah,a gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada. Arrinkaana waxaa kuu cadeenaya buugaagta ay qortey Saynab oo ay ugu talo gashey  da`yarta u dhexeysa 6 jir ilaa 16 jir.

 


Saynab iyo Iftin Network

Waxqabadka Saynab ee ku aadan dardar gelinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka waxaa la oran karaa waa mid ku yimid dareenkeeda Soomaalinimo, la yaabna ma leh in ay Saynab walwalkeeda ku aadan mustaqbalka caruurta uu gaarsiiyo iney samayso hay`ad ka shaqeysa waxbarashada caruurta 6 jir ilaa 16 jir. Sidoo kalena la yaab ma leh in Saynab ay arimahaas ay ku fikirto ama isku taxluujiso isla markaana ka shaqeyso iyadoo ay ku dhalatay kuna barbaartey qurbaha gaar ahaan dalka Ingiriiska – sida aan hore u soo sheegnay – waayo waxaa ay ka soo jeedaa hooyo iyo aabe ku gaamurey diinta Islaamka markastana ku dadaali jirey sidii caruurtooda ay ugu barbaari lahaayeen dhaqan suuban iyo diin saalax ah. 

Sanadkii 2000 waxay Saynab dhidabada u aastay hay`ad ay ugu magac dartey Iftin Network oo ay xarunteedu ahayd magaalo madaxda London ee dalka Ingiriiska, waxaana la waday howsha  Safiay Aadan Shirci iyo Ixsaan Maxsamed Cali Gaydh.


Ujeedada ka danbeeysa aas aaska hay`adda Iftin Network waxaa weeye inuu ahaado urur bulshada u shaqeeya gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada Soomaali iyo dadyowga kale ee degaanka ku sugnaa sida: Morookaan, Aljeeriyaan, Afgaanistaan iwm.

Sida badan dhaqdhaqaaqa dhaqanka iyo diinta ee uu ururka Iftin Norwork ku howlanaa waxaa ay ahayd maalmaha fasaxyada ee sabtida iyo axadadda, waxaana ka soo qeyb galayey caruurta u dhexeysa da`dooda 6  - 16 sano. Caawinta waxay ku aadaneyd afar maado oo uu ugu horeeyo Quraanka Kariimka iyo afka Soomaaliga, Carabiga iyo daruus la xiriirta barashada diinta Islaamka, laakiin maalmaha kale waxaa uu ururku ku howlanaa barista iyo caawinta maadooyinka Ingiriiska , xisaabta iyo sayniska. Waxaa la oran karaa ururka Iftin Network waxaa uu wax ka qabtey baahida caruurta ee ku aadanayd diinta iyo dhaqalkooda.

  

Howlwadeenada Iftin oo ay ugu horeyso Saynab waxaa ay qaateen tababaro la xiriira dhanka macallinimada oo ay ka qaateen jaamacadda Metropolitan oo ku taalay Hollowey ee magaalada London, sidoo kalena waxaa ay wada shaqeyn ka dhaxeysey dugsiyada. Si ay shaqadooda u sugaan waxaa ay xafiisyo gaar ah ku yeesheen dugsiyada ay wada shaqeynta ka dhaxeysey.

Waqtiyada fasaxa ah hay`adda Iftin Network waxay  ku dadaali jirtey in caruurta la geeyo fasaxyo oo ay ku sameeyaan waxyaalo naftooda raaxo geliya sida ciyaaraha, dabaasha iwm. 

 

Galool Somali

 


Galool Somali waa hay`ad madax banaan oo la aas aasay sanadkii 2009 kii, waxaana sabab u ahaa baahida caruurta ay u qabaan in ay bartaan meesha ay ka soo jeedaan gaar ahaan caruurta da`doodu u dhexeyso 6 – 16 jir.

Hay`adda Galool Somali waxaa ay ka shaqeyneysey arrimo badan, waxaana ka mid ah:

-         Barista afka Soomaaliga

-         Buuggaag la qoro oo afka hooyo lagu qoro

-         Daabacaadda buuggaagta

-         Wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed

-         Tarjumaad la tarjumo buugaagta qaarkood


Turjumaadda runtii waa talaabo kale oo ay Saynab Aadan Sharci ku tallaabsatey oo dhanka wax soo saarka ku aadab, taa oo ay uga gol lahayd in ay afka hooyo ku tarjumto buugaagta ay u arkaysay in ay ka faa`iidaysan karaan aqristayaasha, sidoo kale Saynab waxay afka Ingiriiska ku tarjumtay buugaag ku qoran afka Soomaaliga si ay uga faa`iidaystaan dadyowga ku hadla afka Ingiriiska.

-          

Qoraalada Saynab


 

-         Daadah 1-2

  

-         Sheeko xariiro 1 – 5

-         Ardaa


Buugga danbe waa midka kooban dhowr taxane  sida: 


* ma dharge Dhurwaa

 


Waa sheeko ka tarjumaysa afar waraabe ama dhorwaa oo uu Illaahey nimco siiyey hadana aanan nimcadoodii daraynsaneyn oo cabanaya.

  

* Libaax iyo Dabagaalle

* Daadax iyo qaar kale oo badan.

  

Buugaagta ay daabacday hay`adda Galool kuma eka oo kaliya buugaagta ay Saynab qortey, belse waxaa iyana jira buugaag kale oo ay qorayaal Soomaaliyeed soo saareen, waxaan ka mid ah buugga:

 

-         Wadajir Baa Awood Leh

  


Buugga Wadanjir baa Awood leh waxaa uu ka mid yahay taxanaha Ardaa, waxaana qoray qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon, waxaana daabacday hay`adda Galool Somali , London.

 

     Saynab, Saciid Jaamac, Abtidoon, Ayaan iyo Cartan

 

 

No comments:

Post a Comment