Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha
(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub)
Hayàdda xildhiban publications
Hay`adda Xildhiban Publications ee saldhigeedu yahay magaalada London ee dalka boqortooyada Ingiriiska waa had`ad madax banaan oo la aas aasay bishii desember sanadkii 2004 tii, waxaana sammeynta hay`adaas ka danbeeya fikrad Soomaaliyeed oo ka soo maaxatey dad Soomaaliyeed oo uu horseed u yahay mudane Cabdulcasiis Cali Ibraahim oo ah agaasimaha hay`adda Xildhibaan Publications.
Cabdulcasiis Xildhibaan
Xildhiban Publications waxay u shaqeysaa qaab madbacad ahaan oo kale, isla markaana dhigaalo soo saarta. Waxaa raacsan mareeg aad muhiim u ah oo ku kaydsan dhaxal taariikh, dhaqan iyo suugaanba leh. Waxaanu aaminsan nahay in kaydka uu Cabdulcasiis Cali Ibraahim ” Xildhiban ” ku kaydiyey mareegtiisa ay tahay mid aanan laga maarmi karin, gaar ahaan dadka ku howlan cilmibaarista dhaqanka, taariikhda, iyo suugaanta Soomaaliyeed ee leh tix iyo tiraabba.
Waxaa xusid mudan in mudane Cabdulcasiis Cali Ibraahim uu ka mid yahay aqoonhayanada Soomaaliyeed oo wax badan isku mashquuliyey sidii loo horumarin lahaa afka hooyo, dhaqankeena suuban iyo suugaanteena quruxda badan, arimahaas oo idil waxaa uu u maray habab iyo tabo uu ka fiirsaday, waayo marka aanu dib u jaleecno sooyaalka dhaqdhaqaaq mudanaha waxaa inoo soo baxaya inuu abaaray tabaha ay ka mid yihiin:
Waxaa iyana jirta in
Cabdulcasiis uu marar badan soo jeediyey muxaadarooyin iyo talo bixinno uu la
wadaagey bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool gaar ahaan qaaraddaYurub
- -- kulamo iyo doodo cilmiyeed
kulamada iyo doodahaas oo uu
qeyb ka noqday, iyo waliba wareysiyo nuxur leh oo ku aadan qaarkood siyaasadda
iyo marxaladihii kale duwanaa ee uu dalka Soomaaliya soo marey ka dib burburkii
dalkeena. Waxaa kale uu qeyb ka qaaday wacyi gelinta bulshada, sida badanna
kulamada iyo doodahaas waxay ku baxeen warbaahinta leh maqal iyo muuqaal.
- - Qoraalo
Qoraaladaa oo leh tayo waxaa uu u soo bandhigay hab buugaag iyo dhigaalo kaleba leh, taa oo si gaar aanu u faahfaahin doono.
Haddii aanu u noqono Xildhiban Publisher waxaa ay ku guuleysatey in ay daabaco buugaag dhowr ah si ay u buuxiso baahi badan oo ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Taa waxaa u dheer in qoraa Cabdulcasiis Xildhiban uu qorey dhigaalo badan – sida aanu soo tilmaamney – laakiin waxaanu halakan ku soo bandhigeynaa oo kaliya buugaagta uu qorey Xildhiban si aanu u ogaano dadaalada uu ku bixiyey in ay himiladiisa gaarto dhammaan dadyowga afka Soomaaliga wax ku aqriyo, kuwaa oo leh Soomaali iyo kuwo kale oo daneeya arrimaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Buugaagtaa waxaa ka mid ah:
Waxay
kuu dhigeen ma kugu dhaqeen?
Buuggu waxaa uu iftiiminayaa Dastuuradii iyo Axdiyadii loo dhigay Jamhuuriyadda Soomaaliya, ee 1960 – 1990 kii. Buugga waxaa uu ka hadlayaa siyaasadda iyo dowladda laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya xurnimadeedii qaadatey ee sanadkii 1960 kii, illaa laga soo gaarayo 1991 kii, ka dib markey ay burburtey dowladdii Soomaaliyeed iyo maamulkii uu hogaaminayey madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991 kii. Buugga waxaa la daabacay bishii Janaayo sanadkii 2005 kii.
Taxanah taariikh Soomaaliya
Buugani waxa uu si buuxda u soo aroorinayaa xog-ururin ku saabsan shaqaalaha rayidka ah ee ugu darajada sarreeyay intii u dhaxaysay 1956-2006. Buuggu waxaa uu xogta u soo gudbinayaa hab taariikhi ah, isagoo qoraaga kala dhigayo xubnihii dawladda Soomaaliyeed qeybaheeda siyaasiga ah. Runtii qoraaga si nidaamsan oo hufan ayuu buugiisa u qoray, gaar ahaan dhacdooyinka siyaasadeed ee la soo marey oo uu qoraagu u kala hormariyey sida ay u kala horreeyaan iyo dadkii muddooyinkaas talada wadanka mas’uulka ka noqday, dhabtiina waa habraac iyo nidaan aad u wanaagsan. Qoraagu wuxuu soo bandhigay war bixin cilmiyeysan oo ku aadan marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay. Buugga waxaa la daabacay bishii Nofenbar 2006 dii.Horseedayaashii Halaagga Soomaaliya
Buuggan waa buug ka hadlaya wixii ka dhacay dalka Soomaaliya 30 sano oo
xiriir ah laga soo bilaabo 1978dii illaa
2008da, waqtigaas oo bilowdeen aasaaska ururradii qaybta ka ahaa burburka
qarannimadii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Buuggaan Horseedayaashii halaagga Soomaaliya wuxuu soo bandhigayaa
ballanqaadyadii ururrada iyo wixii ku qornaa dastuuradii lagu dhisay, sidoo
kale wuxuu soo bandhigayaa xasuuqyadii iyo tacadiyadii ka dhacay dalka
Soomaaliya muddadaas 30ka sanadood ah, sunta lagu shubay dalka Soomaaliya, waxyeellada
ay u geysatay dadka Soomaaliyeed.
Buuggan wuxuu soo ururiyay muuqaalladii aqoonyahannadii, saraakiishii,
siyaasiyiintii iyo culuma’udiinkii lagu laayay intii ay socdeen dagaallada
sokeeye, wuxuu sidoo kale soo bandhigayaa muuqaallada shisheeyihii lagu dilay
gudaha dalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii xukunka laga riday
xukuumaddii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya ee uu hoggaamin
jiray madaxweyne Maxmed Siyaad Barre. Ugu dambeyntii buuggan wuxuu soo
bandhigayaa muuqaallada hoggaamiye kooxeedyadii ururada ee ka abuurmay dalka
Soomaaliya. Buugga waxaa la daabacay bishii Janaayo sanadkii 2010 kii.
-
Dal aan dadkiisu
damqasho laheyn
Buugga aan dadkiisu damqasho laheyn wuxuu xambaarsan yahay dhammaan heshiisyadii lagu gaaray shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka dibeddiisa iyo kii lagu qabtay magaalada Muqdisho dabayaaqadii sanadkii 2007 dii.
Sidoo kale buuggan wuxuu xambaarsan
yahay dhammaan muuqaalladii hoggaamiye kooxeedyadii mas’uulka ka ahaa burburka
baahay ee ku dhacay qarannimadii dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya yo xaqiiqooyin
si tafaftiran u koobaya xumaha weli sii soconaya ee ka dhacaya Soomaaliya.
-
Sooyaalkii suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil
Qoraa Cabdulcasiis Cali Ibraahim ” Xildhiban ” waxaa uu buugaan ku soo aruuriyey sooyaalkii suugaaneed ee uu lahaa abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, runtii arintaa waa shaqo aad u qiimo badan oo badbaadisey dhaxalka Suugaaneed ee dheer oo uu ka tagay abwaanka oo ah curiye maanso, jilaa ka qeyb qaata riwaayadaha, waxaa uuna door weyn ka qaatay doorkii ay lahaayeen hobalada Waabari. Buugga waxaa lagu daabacay London 2008 dii, waxaana daabacday shirkada Scansom.
-
Xulka maansooyinka
Soomaaliyeed
Buugani waxa uu ka kooban yahay in ka badan 65 maanso oo laga soo kala xulay in ka badan 50 maanso oo kala duwan oo caan ka ahaa Soomaalida wakhtiyo kala duwan, laga soo bilaabo qarnigii 18aad ilaa maanta. In badan oo ka mid ah abwaannada hormoodka u ahaa Soomaalida labadii qarni ee u dambeeyay ayaa ku jira ururintan. Buugga waxaa lagu daabacay London bishii maarso 2008 dii.
Waxaa qoraa Abdulcasiis Cali Ibraahim uu buugaan ku daabacay London –
Ingiriiska, bishii oktoobar sanadkii 2007 dii.
-
Maamulladii iyo
Madaxdii soo martay Soomaaliya
Sdda ka muuqadata cinwaanka buugga waxaa uu qoraaga ka hadlayaa
madaxdii Soomaaliyeed ee hogaamada sare ka soo qabtay dalka Soomaaliya iyo
maamuladeeda ilaa oo ka soo gaarsiiyo sanadkii 2013 kii kaa oo ku beegnaa
waqtiga uu buugga soo baxay. Sidoo kale waxaa uu qoraago tilmaamayaa maamuladii
madaxdaa ay soo hogaaminayeen. Buugga waxaa lagu daabacay magaalda London sanadkii
2013 kii, waxaana soo saartey shirkada Xildhiban Publications.
Qoraa Cabdulcasiis Xildhiban waxaa uu u soo qaxay dalka dibadiisa, waxaa uuna waqtiyadii danbe uu deganaa dalka Ingiriiska.
Bishii Desember sanadkii 2008 dii waxaa loo doortey inuu tafatire ka noqdo wargeyska Gorgor News oo bishiiba mar ka soo bixi jiray magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
No comments:
Post a Comment