Wednesday, 25 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

 

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 




Golaha Kayd ee fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed

(Kayd Somali Arts and Culture)

Kayd waa urur faneed madax banaan oo ka shaqeeya horumarka fanka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana lagu aas aasay xaafadda Tower Hamlets ee ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska sanadku markuu ahaa 2009 kii. Istaagidda ururka Kayd waxaa hormood ka ahaa Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.

 

         Ayaan Maxamuud 

 Ujeedada loo aas aasay waxay ahayd in ururka Kayd uu u dhiso isla markaasna uu balaariyo mashaariicda fanka Soomaaliyeed oo hore uga dhici jirtay xarunta Oxford House ee ku taal Bethnal Green ee ka tirsan magaalada London.

Alaaba mashaariicda ka dhacda Aqalka Oxford waxaa loo sameeyey si ay u siiyaan dadka fursad iyo meel xor ah oo loogu talogalay dadweynaha oo ay ka mid yihiin Soomaalida degen dalka Ingiriiska iyo qaxootiga Soomaaliyeed  ee ku cusub dalka dabayaaqadii 80 – meeyadii taasoo qayb ka ah mashaariicda farshaxanka iyo warbarashada ee golaha aqalka Oxford.

Fursad ka soo baxday guriga Oxford iyo baahida jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa sabab u ahaa in la taago ururka Kayd, ka dib markii hal-door Soomaaliyeed ay isu aragti ka noqdeen in la buuxiyo baahida ku aadan horuminta iyo difaaca dhaqanka, fanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Dhab ahaantii Kayd ujeedada ugu weyn waxa loola jeedaa dhawrista afka Soomaaliga oo doonaya in uu kor u qaado fanka, dhaqanka iyo hiddaha si ay uga faa’iidaystaan ​​dadweynaha gaar ahaan faca soo koraya ee Soomaaliyeed.

xarunta Kayd arts waxay qaban qaabisaa suugaan faneed oo ay ku jiraan  riwaayadaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, sidoo kale bandhigga buugaagta iyo aqoon-is-weydaarsiyo, meesha kama marna iyadana qaban qaabada iyo abaabulka xafladaha laguna soo gudbinayo fanka iyo dhaqanka ee maalmaha ciidaha.

Kayd waxay caan ku noqotey qaban qaabada sanad walba barnaamijka loogu magac daray dabaaldagga toddobaadka Soomaalida ( Somlai Week Festival) oo tan iyo sanadkii 2009 kii si isdaba joog ah u socday.

Waxaa la oran karaa toddobaadka Soomaalida waa dabbaaldegga ugu weyn ee Soomaali weyn sameysto, waxaa uuna ka dhacaa London sanad walba bisha oktoobar. 

Somali Week Festival waxay ahayd tobonkii sano ee ugu danbeeyey mid ka dhacda aqalka Oxford ee dhaca Bethnal Green, laakiin waxaa ku soo kordhay xaflad weyn oo ay iska kaashadaan xarumaha fanka ee muhiimka ah sida Maktabada Ingiriiska iyo Xarunta Southbank taa oo ka dhacda Maktabad Ingiriiska.

Kayd waxay isku daydaa inay bixiso fursado lagu horumarinayo fannaaniinta soo koraya iyo inay taageeraan shakhsiyaadka si ay u sii wataan xirfadahooda qaybta hal-abuurka. Hadafka Kayd waa in ay isku xidhaan bulshooyinkeena iyo sidoo kale fannaaniintayada si ay ula hawlgalaan ururada fanka ee caadiga ah iyo goobaha si ay u gaaraan dhegaystayaal iyo xirfadlayaal iyo in ay horumariyaan xirfado hal abuur leh iyada oo loo marayo hindisayaasha bulshada.

Howsha Ayan Maxamuud ay ka hayso hay`adda Kayd ma aysan guuleysan lahayn haddii aaney jirin koox la shaqeysa oo ay isla fuliyaan himilooyinka Kayd iyo ujeedada loo aas aasay, gaar ahaan markii aanu ogaano in dhalinta la shaqeysa Ayaan ay yihiin kuwo iskood isku xilqaamay oona isku kalsoon aqoonna u leh hogaaminta ururada iyo sida bulshada loo horumariyo, dhalinyaradaa waxaa ka mid ah: Hanna Ali, Hana Abdi iyo kuwo kale.

Waxay ahaataba xarunta Kayd waxay sanad walba isku howshaa inay soo qaban qaabiso barnaajimyo kale duwan oo quseeya dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida (Somali Week Festival), waxaana ka soo qeyb gala oo lagu casumaa culumo, abwaano,qorayaal,  fanaaniin iyo haldoor Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh, kuwaa oo soo bandhiga hibada iyo aqoonta uu Illaahay ugu deeqay.

Sidoo kale waxaa lagu maamuusaa iney kulamada Kayd oo ay ugu horeyso toddobaadka dabaaldegga Soomaalida ka soo qeyb galaan madaxda dalka boqortooyada Ingiriiska oo u aragta iney tahay xaquuqda dadka degen boqortooyada ay u leeyihiin iney dhowraan dhaqankooda, afkooda iyo diintoodaba, iyo iney horumariyaan inta awoodooda ay la eg tahay.

Runtii taageerada ugu weyn ee madaxda dowladda Ingiriiska waxay tahay iney kala qeyb galaan Soomaalida dabaadagga sanad walba dhaca isla markaana ay bogaadiyaan taa oo u keenta abaabulayaasha kulamada dhiiro galin gaar ah oo kor u qaada niyadooda si ay u gaaraan hiigsigooda iyo meesha ay u socdaan.

 

 

Kulankii Kayd ee sanadkii 2021 kii

Marka la eego kulankii ugu danbeeyey  ee toddobaadka dabaaldegga Soomaaliyeed ilaa iyo hadda waxaa la oran karaa barnaamijyada ay Kayd qabatay sanadka 2021 kii ee Somali Week festival waa uu ka duwanaa kuwii hore gaar ahaan waxaa uu kulankaan dhacay ka dib markii muddo labo sano ah uu hakat ku yimid oo aan la qaban kulumadii somali Week sababo la xiriirta xanuunkii dunida ku faafay ee Hergabkii ama Caabuqii loo bixiyey Karona fayruus (Covid 19) oo kala xiray adduunka isku socodkiisa, gaar ahaan dalka Ingiriiska waxaa uu ku jiray dalkii uu sida xun ugu faafay cudurkaa. Kulankaa waa kii ugu horeeyey ee aan ka qayb galo ka dib 13 kulan oo qabsoomay.

 


 Run ahaantii sanadka 2021 kii waa lagu soo bandhigey Somali week festival buugaag tiro iyo tayaba leh oo ka duwan kuwii hore, gaar ahaan marka la eego cinaawinta ay xanbaarsanaayeen iyo qorayaasha oo lahaa rag iyo dumar isla markaana u badnaa dhalinyaro xanbaarsan aqoon durugsan oo ay u wehliyaan saad iyo talooyin ay ka dhexleen dadkii ka horeeyey.

Waxaa la yaab lahaa in buugaagta la soo bandhigay badkood ay ka war bixinayeen hal door Soomaaliyeed oo kaalin buuxda ka qaatay diinta, barbaarinta caruurta, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, malaha waxay u ekeed in ay iska war qabeen qorayaasha madasha yimid, in kastoo ay ka kala yimaadeen meelo kale duwan oo daafaha dunida ka mid ah.

Buugaagta lagu soo bandhigay magaalada Leicester iyo London sanadka 2021 kii waxaa ka mid ahaa:

 Hal tisqaaday ... halabuurkii Cali Sugulle


Buugaan waxaa qoray Marxuum Maxamed Baasha X. Xasan , waxaana daabacay madbacadda Garanuug. Qoraa Maxamed Baasha buugga waxaa uu ku soo aruuriyey dhaxalkii suugaaneed ee lahayd tix iyo tiraab oo u ka tegey abwaan Cali Sugulle. La yaab ma leh in Maxamed Baasha uu isku taxluujiyo ururinta iyo diiwaan gelinta taariikh nololeedkii abwaan Cali Sugulle iyo hibadiisii suugaaneed oo uu Illaahay siiyey, waayo abwaan Cali Sugulle waxa uu ahaa raggii dhidibada u aasay in fanka iyo suugaantu tacliin yihiin, sidaana waxaa yiri Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar mar uu ka hadlaayey baroor diiqdii Cali Sugulle loogu sameeyey magaalada London.

Buuggu waa halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii qofnimo,

Cali Sugulle waxaa uu ahaa suugaan yahankii ugu mudnaa ee ka soo horjeeday ruwaayadii gumaystaha, waxaa uuna ka mid ahaa abwaannadii hormoodka ka ahaa halgankii gobannimo-doonka ee Soomaalidu xorriyaddeeda ku baafinaysay sannadihii 1940-kii dabayaaqadoodii iyo sannadihii 1950-kii, waxa uu ahaa hal-abuur qayuuri ah oo Alle ku mannaystay curinta maansada, isaga oo lahaa suugaan jaad-gooni ah oo markiiba dunta iyo hardeedda la soo sooco, oo fudud, haddana qaro iyo duluc raaridan oo la yaab leh, nuxur iyo murti ahaan, sida uu sheegey qoraa Maxmaed Baasha X Xasan.

Waxaa buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey.

Cali Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan buug.

 Foolaad

Foolaad waa buug laga qoray Fannaan Maxammed Mooge Liibaan, qoraha buugga Foolaad waxaa lagu magacaabaa Cabdikariin Xikmaawi waxaa uu ka hadlayaa waayihii iyo kaalintii mugga iyo miisaanka laheyd ee uu abwaan Maxamed Mooge Liibaan ka qaatey fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.


Qoraaga inta uusan soo bandhigin suugaanta Maxamed Mooge waxaa uu ka hormariyey taariikhda fanaanka oo uu ka soo bilaabey yaraantiisii iyo waayihii uu waxbaranayey, dabadeed waxaa uu raaciyey xaaladadihii kale duwanaa ee nolashiisa ka mid aheyd iyo shaqooyinkii uu ummadda u soo qabtey, gaar ahaan waayihii uu macallinka ahaa.

Buugga foolaad waxaa uu muuqaal buuxa ka bixinayaa hibada Maxamed Muuge Illaahey ku manaystey waxaana la oran karaa waa loogu samri karaa maqnaashaha fanaanka caanka ahaa ee laga waayey masraxa Soomaaliyeed.

Hawaale Warran

 

Hawaale warran waa buug uu isku duba ridey qoraa Maxamed Saleebaan, laakiin buugga waxaa qorey abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, sida uu sheegey Maxamed Saleemaan habeenkii uu buugga ku soo bandhigayey London waxaa asalka buugga uu ahaa qoraalo dhowr ah oo uu abwaan Hadraawi u keeni jirey si uu isugu hagaajiyo dabadeedna loo daabaco ka dibna uu u noqdo buug ay ummadda ka faa`iideysato.

Buugga waxaa ka muuqata in abwaan Hadraawi uu falasoof weyn yahay aadna u fahmey xaqiiqda nolosha adduunka. Aqristaha buugga aqriyaa waxaa u soo baxaysa in abwaan Hadraawi qoraaladiisa ay ka anbaqaadayaan khibrad iyo waayo aragnimo durugsan uu leeyahay.

Waxaa la oran karaa abwaanka waxaa uu buugiisa ku soo bandhigey waxyaabo badan oo kale duwan oo xiriir qoto dheer ku leh nolosha uu si hufan ugu soo bandhigey hibada uu Illaahey siiyey.

 Taariikhda Culimada Soomaaliyeed

 

Qoraaga buuggaan waa dr. Maxamed Xuseen Macallin oo buugaag dhowr ah qorey, buuggaana waxaa uu ka mid ahaa buugaag dhowr ah oo qoraaga u suuro gashey inuu soo saaro sanadkii 2021 kii.

Buugga Taariikhda Culumada Soomaaliyeed waxaa lagu daah furey kulankii sanadlaha ahaa oo ay hay`adda Kayd abaabulkeeda iska laheyd, buugga waxaa lagu soo bandhigey magaalooyinka Laceister iyo London.

Buuggu waxaa uu ka hadlayaa taariikhdii iyo sooyaalkii culimadii Soomaaliyeed.

 Buuggaan waxaa uu soo bandhigayaa taariikhda culumada Soomaaliyeed qaarkood, waxaase xusud mudan in culumada buugga lagu soo bandhigey ay u qeybsamaan labo qeybtood:

Qeybta hore waxaa lagu soo qaatey culumadii hore oo noolaa xilliyadii hore oo qaarkood laga joogo 7 qarni iyo wax ka badan.

Qeybta labaad waa uu qoraagu ku soo bandhigey culumada aad u badan laakiin noolaa waayadii danbe gaar ahaan labadii qarni ee ugu danbeeyey.

Qoraaga buugga waxaa uu ka afeeftey in buugga uusan koobeynin dhammaan culumadii Soomaaliyeed , waxaana uu caddeeyey in culumo badan ay ka maqan yihiin buugga oo loo baahan yahay in qoraalo kale laga sameeyo.

 

Calaf iyo Cugasho

Buugga calaf iyo cugasho waxaa qorey qoraa Maxamuud Ibaraahim Jaamac oo ku magac dheer Xaaji, sida uu qoraagu sheegeyna waxaa uu buuggaan soo gudbinayaa, qar-adaygga Soomaalida, qabka iyo quudhsidiidka qofka Soomaaliga ah, qaddarinta haweenka, iyo quwadda iyo qiimaha hablaha Soomaaliyeed.

 

Runtii sida qoraagu caddeeyey buugga waa qiso dhab ah oo tilmaamaysa labo dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed Saxardiid iyo Saxarla, oo jaamacaddii Lafoole wada dhigan jirey. Markii dagaalku ka qarxay Xamar 1991kii midba jiho ayuu u dhaqaaqay, hase yeeshee, shan sano dabadeed 1995 ayay si lamafilaan ah ugu kulmayaan magaalada Harare ee dalka Zimbabwe, Saxarla oo waqtigaas ciirsi u baahan, geed ay cuskatona la’. Saxardiid wuxuu go’aansanyaa inuu samatobixiyo Saxarla. Waa qiso cajiib ah oo uu qoraagu ku soo bandhigayo buugga isagoo adeeg sanaya qoraal aad u sareeyo oo soo jiidanaya aqristaha.

Joogaha Maqan

Sidoo kale waxaa madashii dabaaldegga toddobaadka Soomaalida ee ay soo qabanqaabiyeen ururka Kayd waxaa lagu soo bandhigey buugga Joogaha Maqan kaa oo ka faaloonaya murtidii iyo maalmihii abwaan Xasan Qawdhan ( 1944 kii – 2017 kii), waxaa buugga Joogaha Maqan qorey qoraa da`yar oo lagu magacaabo Axmed Karaama.

 

Meesha kama marneyn buugaagta hablaha Soomaaliyeed ay soo bandhigeen gaar ahaan Nicmo Noor waxay madasha la timid buugaag dhowr ah oo uu ugu horeeyo:

Jasiiraddii Nabadda, waa buug loogu talo galay caruurta Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Garoob iyo godob rageed, waxaa uu buugaan ka kooban yahay labo qeyb.

Labada buug ee aanu soo sheegey faah faahintooda waxaanu ku soo qaadan doonaa dadaalada Nirmco Noor ee imaandoono.

 Waxaa xusid mudan in Nicmo Noor gudheedu mudan tahay in aanu soo qaadano dadaalada ay muujisey intii ay degenayd dalka Finland haddii Illaahay idmo.


No comments:

Post a Comment