Wednesday, 11 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

 

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

6




Kaabaha dhaqanka iyo afka


Maansada Soomaaliyeed iyo Qurbaha

Ummad waliba dhaxalkeeda aqooneed iyo ilbaxnimo iyada ayey u taalaa iney raad raacdo oo baaritaano ka sameyso, in kastoo ay arrintaa wax fudud ahayn gaar ahaan markii ay arrintu gasho qurbaha iyo taariikho hore oo xariir la leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waayo cilmibaarayaasha waxay la kulmayaan jid aad u adag maadaama uu barbuku dhacay xarumihii aqoonta iyo taariikhda dalka Soomaaliyeed, isla markaana aanan jirin awood dowladeed oo taageero ka geesan karta illaa iyo waqtiga aanu joogno.

Haddii aanu u jaleecno dhanka maansada waxaa iska cad in maansada noocyadeeda kale duwan ay kaalin lixaad leh ka qaadatey xifdinta iyo ilaalinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay maansadu ku socoto hab-dhac iyo jabac fududeenaya in la xifdiyo ama la sii gudbiyo.

Ujeedkeenu ma aha ineynu dabagalno maansada Soomaalyeed ee qrubaha, waayo raadraaca maansada Soomaaliyeed ee qurbaha oo uu gabaygu hormood u yahay ma aha wax fudud, inkastoo ay mudan tahay in qormooyin gaara lala beegsado, taa oo aan rajeenayo in qalinleyda Soomaaliyeed meel ay joogtaba uu maankoodu ku jiro.

Guud ahaan lama oga goorta iyo goobta ay ka billaabatey maansada, inkasta oo ay Soomaalidu ku caan baxday jeceylka suugaanta ay u qabaan, oo mararka qaarkood lagu tilmaamey wadankooda inuu yahay dalkii gabayga, waxaana xusid mudan in Soomaalidu ay ku firiirsan tahay dhammaan geeska Afrika iyo meelo kale.

Dhinaca qurbaha sidoo kale ma aynu hayno abwaano iyo goob la leeyahay waxay caan ku ahayd suugaanta Soomaalida oo maanta la hayo raadkoodii suugaaneed oo meel ku ururusan, in kastoo ay xusuusta dad badan ay ka buuxdo qaar ka mid ah arrimahaas, gaar ahaan facii ugu soo horeeyey ee soo galay qaarada Yurub oo ay ugu horeyso boqortooyada Ingiriiska. 

Xaalada Gabay ee Qurbaha

Sida aanu wada ogsoon nahay dad aad u tiro badan ayaa waxaa ay u qaxeen goobo ka baxsan degaanadana Soomaalidu degto ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1991 kii. Waxaa kale oo iyana jirey dadka  kale oo waqtiyadii hore si nabad ah ugu dhoofay qurbaha iyagoo nolol iyo horumar raadinaya, waxay ahaataba suugaanyahay Soomaaliyeed oo dhowr ah ayaa waxaa ay hibadooda suugaaneed ku cabireen dareenkooda ku aadan qurbaha iyo nolosha dhabta ah, sida kuwa kalana ay maansooyin kula dardaarmeen dadka Soomaaliyeed iyaga oo uga digaya qurbaha una sheegaya dhibaatada ay leedahay in qofku dalkiisa ka fogaado.

Suugaanlayda meel ay ka soo jeedaanba oo uu Illaahey hibada u siiyey curinta maansada qeybaheeda kale duwan waxaa caado u ah in ay xusuus kula dhacaan degaanadii ay ka soo jeedeen ama ay asal ahaan ku abtirsanayeen, taana waxaa suugaanleyda Soomaaliyeed la wadaaga dhammaan saaxibadood qurbaawiyiinda ah oo laga dhayan karo wax soosaarkooda suugaaneed. Bal u fiirso suugaanleyda Carbeed ee qurbaha sida ay u muujiyeen dareenkooda suugaaneed gaar ahaan gabyaaga oo la oran karo in gabayga Carbeed uu ku hanaqaaday goobihii ay ku noolaayeen, waana midka loo yaqaano « Gabayga Carbeed ee Qurbaha »

الشعر العربي في المهجر

Sida aan horey u soo tilmaamnay. Dhaqdhaqaaqyadaa waxaa ka soo baxay gabyaa caan ka noqday suugaanta Carbeed oo loogu magac daray ” Gabyaagii Carbeed ee qurbaha”, waxaana ka mid ah kuwaa:

-         Jabraan Khaliil Jabraan

-         Iiliyaa abuu Maadii

-         Miikhaa`iil Naciima

-         Rashiid Khiirii

-         Fowsi al Macluuf

-         Iyo kuwo kale. 

Qoraal kale ayaanu ku xusi doonaa hal-abuurada Soomaaliyeed ee dadaaladooda Suugaaneed ka muuqato degaanada woqooyiga Yurub iyo Ingiriiska casriga aanu joogno, kuwaa oo ku hanaqaadeen degaankii Soomaaliyeed hadana markii ay u soo qaxeen qurbaha waxay dareenkooda suugaaneed la wadaageen dadweynaha Soomaaliyeed iyo dadka daneeya suugaanta Soomaalida inkastoo aanan si toos ah aanan ugu falanqeynin hibada suugaaneed ee uu Illaahey uu siiyey, waxaana xusid mudan in badankood ay leeyihiin suugaan tix iyo tiraab leh sida: gabay , geeraar, shirib, hees, rawaayado iwm, kuwaa oo ku faafsan buugaagta qaarkood iyo warbaahintaba. 

Waxaa iyana jira buraanburo aad u badan oo ay tiriyeen dumar Soomaaliyeed oo ku nool woqooyiga Yurub iyo Ingiriiska, tayada iyo baaxada buraanburadaa kama yareystaan suugaanta noocyadeeda kale. Sida badan dumarka Soomaaliyeed waxay qeyb weyn ka qaataan soo bandhigidda dhaqanka Soomaaliyeed ee la xiriira qowska gaar ahaan aroosyada, dhalashada ciidaha, iyo munaasabadaha. Sidoo kale buuraanburada waxay si toos u abaaraan arimaha dalka Soomaaliya ka dhaca. 

Ujeedada qoraalkeenaan ma aha inaanu koobno ama aad dabagal ku sameyno dhammaan maansooyinka ay hal-abuurka Soomaaliyeed ee qurbaha curiyeen iyo noocyada ay ka kooban tahay, laakiin waxaanu xuseynaa in ay jiraan suugaan kale duwan ay leeyihiin Soomaalida qurbaha meel ay joogaanba, ayna u baahan tahay – sida aanu horey u soo sheegney - qoraalo si qoto dheer ku baara arrinkaa dabadeedna soo bandhiga iyada oo la raacayo hab cilmibaaris dheer si ay inoogu soo baxdo xaaladda suugaaneed ee qurbojoogtu xaqiijiyeen. Waxaanse halkakan ku soo bandhigeynaa dhowr maanso oo ay hal-abuurada Soomaaliyeed ee qurbojoogto ku cabireen dareenkooda ku aadan qurbaha iyo dhibaatada ay kala kulmeen qaar ka mid ah.

Dhibaatada Qurbaha (Gabay)

Qormadeena ku saabsan gabayga iyo qurbaha waxaanu ku soo qaadan doonaa dhowr maanso oo si toos ah uga faaloonaayo dhibaatooyinka qurbuhu leeyahay iyo dareenka qurbojoogta dhabta ah. 

Gabayga ugu horeeya waxaa tiriyey abwaan Cabdicasiis A. Maxamed Xoogsade waa gabyaa Soomaaliyeed oo aalaaba ku howlan inuu ka gabyo xoojinta diinteena Islaamka iyo dhaqankeena Soomaaliyeed ee suuban. Tixdaan suugaaneed waxaa uu abwaanku ku eegayaa dhibaatada dhoofku leeyahay oo aanay dadkeena ku cibro qaadaneynin ilaa qofku uu la kulmo dhibaatadaa oo aanu kuwii ka horreeyey ku cibraqaadanayn gaar ahaan dhalinyarada isugu jira gabdho iyo wiilal.

Aad ayey u haboon tahay in laga faa`iideysto talooyinka uu xanbaarsan yahay gabaygaan ee uu uga danqadey abwaan Cabdicasiis dadkiisa ku hayaamaya meel halis ah oo aan la hubin waxa ka imaan kara, isla markaana qofku uu naftiisa qaaliga ah uu tahluko ku tuurayo. Gabyaaga isaga oo dardaaran adag u diraya bulshadeena waxaa uu leeyahay ” dhoofku waa halise  ”, waxaana ku bilowday sidatan:

           Galayroow dhibaatada qurbaha ,dhaqankan doorsoomay.

     Dhaayaha nin saaraad tahoo ,waad ka dhiidhidaye

     Waadigii ka qoray dhowrmaqaal ,dhoofku suuyahaye.

Aniguna dhankaygaan rabaa inaan, dhaho ogaalkeeye.

Dhowrkaan oraahood bal hoo,iga dhab weeyaane .

Ragga dhoofka soo raba u sheeg, hana dhageysteene.

Ragga dhaayda iska daadiyee, dhoqoski ciideeyay.

Dhereg baa leh kibirkee u sheeg, dhoofku waa halise.

Hadday iyaga dheeldheel la tahay dhaayo baan jirine.

Qurbo laguma dheefsado’e waa,dhuumo oo miriqe.

Dhibaatada billowgeedi iyo waa, dhabanahaystiiye.

Dhurwaaguna wuxuu taagan yahay ,hilinki dheeraaye.

Dhaylada Yaxaaskii la baray, dhiirri lagu sheegye .

Dhaxantiyo qabowgiina waa, howlo kuu dhimane.

Sharaftuna waxay kaa dhuntaa, dhoofka dabadiise.

Dhakhtarkeeni waa kaa Xammaam, reer u dhaqayaaye.

Dhaqaalaha raggii korin lahaa, daalyay dhabarkiiye.

Waa kuwaa hablihi dhali lahaa, dhaafay waayuhuye.

Waa kuwaa dharkii dadi lahaa, Goonno dhaafsadaye.

Waayeeelki dhaqankii ka tage, dhowrsanaan jiraye.

Waa kaa dhalaankeeni gaal, diin u dhigayaaye.

Dhaqankoodi waa kaa la yiri, dhaafa oo naca’e.

Waa kuwaa sidii lagula dhalay, laysku dhagayaaye.

Waa kuwaa afkii laga dhunshood, mooddid ruux dhimmane.

Waa kuwaa intay soo dhamaan, dhuuqa koolada’e.

Waa kuwaa salaadihi dhibsaday, ama ka dheeraaday.

Allahayoow maxaa reer dhaqnaa, Yurub ku dhaandhaammay.

Allahayoow dhulkii noo nabdee, waygu dheeryahaye.

Allahayow khilaafkana dhammee, dhowrka sano taagan.

Dhaayaheen Allow ay arkaan, Dhaymanka iyo luulka.

Alloow dhoofka laga soo noqdaa, dhalanrog weeyaane.


Waano gabay iyo dhalinta qurbaha


Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Cabdalle oo ka mid ahaa qurbojoogta Soomaaliyeed ee  degen magaalada Seattle oo ka tirsan gobolka Washington ee dalka Maraykanka, waxaana uu abwaanku hibadiisa suugaaneed ku muujinayaa dhibaatooyinka lixaadka leh ee Soomaalida ka haysta qurbaha, kuwaa oo runtii ah kuwo aad u laxaad weyn, haba ugu sii darnaadeen dhaqan gadoonka ilmaha soomaaliyeed ee qurbaha qoysaskoodu ku sugan yihiin. Abwaanka waxaa dareenkiisa suugaaneed kiciyey ka dib markii uu u adkeysan waayey dhaqanka rogga ku dhacay dhallaanka Soomaaliyeed qaarkood oo qurbaha ku korey. Gabyaagu waxaa tixtiisa dhalinta kula talinaya in ay diinta, dhaqan iyo hiddaheena u dhug la haadaan, si gooni ahna waxaa uu abwaanku hoos ugu dhigayaa hablaha Soomaaliyeed isaga oo ku hal qabsanaya gabar Faadumo la yiraahdo iney ku daydaan hooyooyinkii dhalay oo barbaariyey, laakiin aaney dhaqan rogmin, waana sida uu ku soo gunaanaday gabyaagu oo ah sidatan:

 

Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada

     Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin

     Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne

      Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka

Abwaan Maxamuud Cabdulle isaga oo dadweynaha Soomaaliyeed la qeybsanaya dareenkiisa suugaaneed ee khuseeysa qurbojoogta Soomaaliyeed iyo dhibaayooyinka ay kala kulmaan  ubadkooda ku kora qurbaha. Gabaygiina sidan buu ku bilowday:

Faadumooy dhammays baa tahay dheg iyo miisaan leh

Dheeho lix iyo toban sano jirtoo aan dhib soo marine

Alla dhawryeey aabbooy! ducaan kuu dhafrinayaaye

U dhug yeelo waanadaan ku faro dheguhu yay seegin

Adigoo dhabtii hooyaada dhaafin maradeeda

Oo dhixir sidaa tahay ku maran dhinaca geesteeda

Ayuu eebbe iisoo dhigay dhul aanan doonayne

Dhulkii hooyo waxaynu uga nimid dhoyga geli caawa

Dhololkayga maahayn inaan debed u dhoofaaye

Kuma dhiirranayn abidinkay inaan dhuyaalaaye

Dalkeennaa dhisnaa oo ahaa midaan dhantaallayne

Dhereg iyo barwaaqaa dhexyiil dhayda caanaha

Dhankastaad u eegtaba nimcaa dhoobanayd gebiye

Bulsha dhaqan wanaagluu lahaa oo is dheefsada

Maammul loo dhegtaagaa jiroo qaran ku dhaataaye

Dhakhtarriyo iskuulliyo daryeel dhawran baa jiraye

Dhagta waaga waxan aadi jiray shaqo aan dheerayne

Galabtii kolkaan soo dhacee daal dhanba illaawo

Dhalad ehela iyo derisyadaan soo dhowayn jiraye

Dhawaaqaan maqlaba wuxu ahaa dheemman iyo luule

Innagoo dharaar guriganaga aayar dhacadiidna

Oo Villa dhaayuhu qabtaan nabad u dhoocaarna

Dhitaduna inoo taal anfaco dhiil walbiba buuxdo

Ayuu amar dhacoo la isku galay Xamar dhexdeediiye

Dhamacdiyo rasaastaa sidii roob u soo dhacaye

Dhalfiiftay noqdeen deriskayagi dhaaxa badidoode

Dhimbiilaa ku yaacoo arlada dhuudhibaa galaye

Dhiigbaa dariiqyada qulqulay suuqyo nagu dhowe

Cabsi baan la dhirifniyo Madfaca dhararqdiisiiye

Hurdo dhinaca dhigiwaaga iyo dhiilladiyo tawsta

Dhaca tuugadiyo boobka iyo dhidarka mooryaanta

Wax dheeraa qabiil dhuuntog iyo dhac iyo laystaane

Goortii dhuuni daayoo waxbadan gaajo lagu dheelmay

Goortaan dhabqalalownayee baahi dhugatownay

Goortaad habeen iyo dharaar oohin dhalandhooshay

Ayuunbaan sidaan kuu dhib tiro dhooleey soo qaxaye

Lixdan baan u dhaxay Baydhabiyo dhegedkii Waamoode

Dhagax quudannaa iyo dhunkaal dharaq ku leelleelka

Waayeel dhanqalan iyo carruur waaqla lagu dhaafay

Dhaayahaygu waxay soo arkeen dhawr kunoo melege

Dhiilladiyo colaaddaa ku fiday taniyo Dhoobleeye

Dharab lagu badbaadiyo kolkay nabadi dheeraatay

Dhabbadii Habaar Waalidbaan Dhooleey soo maraye

Dhafoor moordi Keenyaan ah baan dheef ka saanyadaye

Dhabatada sideedaa xeryaha deyr naloo dhigaye

Dhamas baa dugaal noo noqdiyo hoy dhilmaanyalehe

Dhurwaa iyo abeesaan rafiiq noqonnay dhawr goore

Dhoorlaha libaax reemayaa noogu soo dhacaye

Waxa aan aroor dheelmadoo dhuuni kula raadshey

Dhakal caydha waxan lalansadoo badar kusoo dhaanshey

Dhufays sidan ku jiro waxan lignaa dhoobadiyo ceelka

Dhooleey aqooniyo inaad dhaxal u aydaaye

Dhoofkii Marakani anigu uma dheg taagayne

Kolkii uu dalkii dheelliyee dhiillo dami weydey

Adna aad dhallaan nolol dhur sugi noqotay dhaameelka

Ayaan talo ku dhoobdhoobay inaan tago dhul gaalaade

Rabbi kama abaal dhicine way dhaqay ilaahaye

Inkastoon dhulkii tebahayoon gacal ka dheeraaday

Inkaastaannu hoy Dhookir iyo David wada joogno

Kolkii aan ku dheehdaa farxadi igu dhammaataaye

Dhebigii Caleed sida tihiyo Dhuurta iyo Jiica

Ama dhumuc Galool yeeshayoo Damal ka dheeraaday

Abbooy mid kula dhalan ah duni hooyo may dhaline

Dhal jacaylka waa waalid uun dhamamixiisiiye

Dhaqankaaga iyo diinta iyo dhawro sharaftaada

Dhaddig hooyadaa kaga dayoo eedyar ha u dhaafin

Afkeennaan dhaliil aan lahayn dhaxal aan guurayne

Maandhey cilmiga dhigo adoon dhuminin tawxiidka

 

Buraanburka iyo qurbaha

Buraanburku waa qeyb ka mid ah suugaanta Soomaaliyeed kuna firirsan dhammaan dugaanada dadka Soomaalidu degaan ee geeska Afrika. Buraanburku waxaa uu ka mid yahay qeybaha maansada Soomaaliyeed ee la soo guurey qurbojoogta Soomaaliyeed kuwa ugu lixaadka weyn, waxaana la arkaa mar walba ay Soomaalidu yeeshaan kulumo iyaga u gooni ah in yahay hormoodka ay aalaabaa dumaraka Soomaaliyeed soo bandhigaan.

Inkasto ay haboon tahay in dabagal iyo baaritaan xoogan lagu sameeyo tirada iyo tayada ay leeyihiin baraanburada ay dumarka Soomaaliyeed curiyaan, hadana ujeedadeenu ma aha inaanu howshaa halkakan ku soo qaadan doono, waayo waxay u baahan tahay qoraalo arrinkaa u gooni ah, waxaanse tilmaami doonaa hal buraanbur oo kaliya oo xiriir la leh dhibaatooyinka qurbaha ay kala kulmaan dadka Soomaaliyeed.

 Dhaqan xumada dhalinta qurbaha (Buraanbur)

Nuurto Xuseen oo ku magac dheer Nuurto Ganos waa abwaanad ku caanbaxday curinta Buraanburka, waxayna ku nooshahay magaalada London ee boqortooyada Ingiriiska. Buraanburada ay tirisay oo aad u badan, waxaana hubaal ah in dhammaan buraanburada Nuurto Xuseen ay yihiin kuwo cabira wadaniyadda iyo bilicda dalka Soomaaliya, sidoo kale burburka ku dhacay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Abwaan Nuurto waxay leedahay oo kale suugaan xoogan oo ay kaga hadleyso Soomaalida iyo  dhibaatooyinka qurbaha ay kala kulmaan.

Waxaanu halkan soo qaadananeynaa qayb ka mid ah buraanburada ay abwaanadu curiyey, gaar ahaan waxay mid hoosta ka xariiqdey sida ay u dhaqan rogmeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaarey. Iyada oo arrinkaa ka hadlaysa waxaaa tuducyadii ay tirisey ka mid ahaa:

Dhulkaan aanu joognaa dhaqankiisu waa xunyahay

Dhalintii waa kala dhaqaaqdoo dhibaa ka dhacay

Oo surwaalkaa bowdadii dhaafayay sidaa dhibtii ah

Timihii aa dhabarka dhaafoo dhegtaa u duran

Oo shooshal baa dhowranaayoo dhawaaq ma jiro

Nolosha dhalanteeda ubadkeenu waa ku dhumay

Allow dhali nabadda adigaan ku dhowranee.


1 comment: