Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha
(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub)
Golaha Kayd ee fanka iyo dhaqanka Soomaaliyeed
(Kayd Somali Arts and Culture)
Kayd waa urur faneed madax banaan oo ka shaqeeya horumarka fanka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana lagu aas aasay xaafadda Tower Hamlets ee ka tirsan magaalada London ee dalka Ingiriiska sanadku markuu ahaa 2009 kii. Istaagidda ururka Kayd waxaa hormood ka ahaa Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.
Ayaan
Maxamuud
Alaaba mashaariicda ka dhacda Aqalka Oxford waxaa loo sameeyey si
ay u siiyaan dadka fursad iyo meel xor ah oo loogu talogalay dadweynaha oo ay ka
mid yihiin Soomaalida degen dalka Ingiriiska iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku cusub dalka dabayaaqadii 80 – meeyadii
taasoo qayb ka ah mashaariicda farshaxanka iyo warbarashada ee golaha aqalka
Oxford.
Fursad ka soo baxday guriga Oxford iyo baahida jaaliyadda
Soomaaliyeed ayaa sabab u ahaa in la taago ururka Kayd, ka dib markii hal-door
Soomaaliyeed ay isu aragti ka noqdeen in la buuxiyo baahida ku aadan horuminta
iyo difaaca dhaqanka, fanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Dhab ahaantii Kayd ujeedada ugu weyn waxa loola jeedaa dhawrista
afka Soomaaliga oo doonaya in uu kor u qaado fanka, dhaqanka iyo hiddaha si ay
uga faa’iidaystaan dadweynaha gaar ahaan faca soo koraya ee Soomaaliyeed.
xarunta Kayd arts waxay qaban qaabisaa suugaan faneed oo ay ku jiraan riwaayadaha, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka,
sidoo kale bandhigga buugaagta iyo aqoon-is-weydaarsiyo, meesha kama marna
iyadana qaban qaabada iyo abaabulka xafladaha laguna soo gudbinayo fanka iyo
dhaqanka ee maalmaha ciidaha.
Kayd waxay caan ku noqotey
qaban qaabada sanad walba barnaamijka loogu magac daray dabaaldagga toddobaadka
Soomaalida ( Somlai Week Festival) oo tan iyo sanadkii 2009 kii si isdaba joog
ah u socday.
Waxaa la oran karaa
toddobaadka Soomaalida waa dabbaaldegga ugu weyn ee Soomaali weyn sameysto,
waxaa uuna ka dhacaa London sanad walba bisha oktoobar.
Somali Week Festival waxay ahayd
tobonkii sano ee ugu danbeeyey mid ka dhacda aqalka Oxford ee dhaca Bethnal
Green, laakiin waxaa ku soo kordhay xaflad weyn oo ay iska kaashadaan xarumaha
fanka ee muhiimka ah sida Maktabada Ingiriiska iyo Xarunta Southbank taa oo ka
dhacda Maktabad Ingiriiska.
Kayd waxay isku daydaa inay
bixiso fursado lagu horumarinayo fannaaniinta soo koraya iyo inay taageeraan
shakhsiyaadka si ay u sii wataan xirfadahooda qaybta hal-abuurka. Hadafka Kayd
waa in ay isku xidhaan bulshooyinkeena iyo sidoo kale fannaaniintayada si ay
ula hawlgalaan ururada fanka ee caadiga ah iyo goobaha si ay u gaaraan
dhegaystayaal iyo xirfadlayaal iyo in ay horumariyaan xirfado hal abuur leh
iyada oo loo marayo hindisayaasha bulshada.
Howsha Ayan Maxamuud ay ka
hayso hay`adda Kayd ma aysan guuleysan lahayn haddii aaney jirin koox la
shaqeysa oo ay isla fuliyaan himilooyinka Kayd iyo ujeedada loo aas aasay, gaar
ahaan markii aanu ogaano in dhalinta la shaqeysa Ayaan ay yihiin kuwo iskood
isku xilqaamay oona isku kalsoon aqoonna u leh hogaaminta ururada iyo sida
bulshada loo horumariyo, dhalinyaradaa waxaa ka mid ah: Hanna Ali, Hana Abdi
iyo kuwo kale.
Waxay ahaataba xarunta Kayd
waxay sanad walba isku howshaa inay soo qaban qaabiso barnaajimyo kale duwan oo
quseeya dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida (Somali Week Festival), waxaana ka
soo qeyb gala oo lagu casumaa culumo, abwaano,qorayaal, fanaaniin iyo haldoor Soomaaliyeed oo rag iyo
dumarba leh, kuwaa oo soo bandhiga hibada iyo aqoonta uu Illaahay ugu deeqay.
Sidoo kale waxaa lagu maamuusaa
iney kulamada Kayd oo ay ugu horeyso toddobaadka dabaaldegga Soomaalida ka soo
qeyb galaan madaxda dalka boqortooyada Ingiriiska oo u aragta iney tahay
xaquuqda dadka degen boqortooyada ay u leeyihiin iney dhowraan dhaqankooda,
afkooda iyo diintoodaba, iyo iney horumariyaan inta awoodooda ay la eg tahay.
Runtii taageerada ugu weyn ee
madaxda dowladda Ingiriiska waxay tahay iney kala qeyb galaan Soomaalida
dabaadagga sanad walba dhaca isla markaana ay bogaadiyaan taa oo u keenta abaabulayaasha
kulamada dhiiro galin gaar ah oo kor u qaada niyadooda si ay u gaaraan
hiigsigooda iyo meesha ay u socdaan.
Marka la eego kulankii ugu danbeeyey ee toddobaadka dabaaldegga Soomaaliyeed ilaa
iyo hadda waxaa la oran karaa barnaamijyada ay Kayd qabatay sanadka 2021 kii ee
Somali Week festival waa uu ka duwanaa kuwii hore gaar ahaan waxaa uu kulankaan
dhacay ka dib markii muddo labo sano ah uu hakat ku yimid oo aan la qaban
kulumadii somali Week sababo la xiriirta xanuunkii dunida ku faafay ee
Hergabkii ama Caabuqii loo bixiyey Karona fayruus (Covid 19) oo kala xiray
adduunka isku socodkiisa, gaar ahaan dalka Ingiriiska waxaa uu ku jiray dalkii
uu sida xun ugu faafay cudurkaa. Kulankaa waa kii ugu horeeyey ee aan ka qayb
galo ka dib 13 kulan oo qabsoomay.
Run ahaantii sanadka 2021 kii waa lagu soo bandhigey Somali week festival buugaag tiro iyo tayaba leh oo ka duwan kuwii hore, gaar ahaan marka la eego cinaawinta ay xanbaarsanaayeen iyo qorayaasha oo lahaa rag iyo dumar isla markaana u badnaa dhalinyaro xanbaarsan aqoon durugsan oo ay u wehliyaan saad iyo talooyin ay ka dhexleen dadkii ka horeeyey.
Waxaa la yaab lahaa in buugaagta la soo bandhigay badkood ay ka war
bixinayeen hal door Soomaaliyeed oo kaalin buuxda ka qaatay diinta, barbaarinta
caruurta, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, malaha waxay u ekeed in ay iska
war qabeen qorayaasha madasha yimid, in kastoo ay ka kala yimaadeen meelo kale
duwan oo daafaha dunida ka mid ah.
Buugaagta lagu soo bandhigay magaalada Leicester iyo London sanadka
2021 kii waxaa ka mid ahaa:
Buugaan waxaa qoray Marxuum Maxamed
Baasha X. Xasan , waxaana daabacay madbacadda Garanuug. Qoraa Maxamed Baasha buugga waxaa uu ku soo
aruuriyey dhaxalkii suugaaneed ee lahayd tix iyo tiraab oo u ka tegey abwaan
Cali Sugulle. La yaab ma leh in Maxamed Baasha uu isku taxluujiyo ururinta iyo
diiwaan gelinta taariikh nololeedkii abwaan Cali Sugulle iyo hibadiisii
suugaaneed oo uu Illaahay siiyey, waayo abwaan Cali Sugulle waxa uu ahaa raggii dhidibada u
aasay in fanka iyo suugaantu tacliin yihiin, sidaana waxaa yiri Maxamuud Shiikh
Axmed Dalmar mar uu ka hadlaayey baroor diiqdii Cali Sugulle loogu sameeyey
magaalada London.
Buuggu
waa halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii
qofnimo,
Cali Sugulle waxaa uu ahaa suugaan
yahankii ugu mudnaa ee ka soo horjeeday ruwaayadii gumaystaha, waxaa uuna ka mid
ahaa abwaannadii hormoodka ka ahaa
halgankii gobannimo-doonka ee Soomaalidu xorriyaddeeda ku baafinaysay
sannadihii 1940-kii dabayaaqadoodii iyo sannadihii 1950-kii, waxa uu ahaa
hal-abuur qayuuri ah oo Alle ku mannaystay curinta maansada, isaga oo lahaa
suugaan jaad-gooni ah oo markiiba dunta iyo hardeedda la soo sooco, oo fudud,
haddana qaro iyo duluc raaridan oo la yaab leh, nuxur iyo murti ahaan, sida uu
sheegey qoraa Maxmaed Baasha X Xasan.
Waxaa
buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli
intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey.
Cali
Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan
buug.
Foolaad waa buug laga qoray
Fannaan Maxammed Mooge Liibaan, qoraha buugga Foolaad waxaa lagu magacaabaa Cabdikariin
Xikmaawi waxaa uu ka hadlayaa waayihii
iyo kaalintii mugga iyo miisaanka laheyd ee uu abwaan Maxamed Mooge Liibaan ka
qaatey fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Qoraaga inta uusan soo bandhigin suugaanta Maxamed Mooge waxaa uu ka hormariyey taariikhda fanaanka oo uu ka soo bilaabey yaraantiisii iyo waayihii uu waxbaranayey, dabadeed waxaa uu raaciyey xaaladadihii kale duwanaa ee nolashiisa ka mid aheyd iyo shaqooyinkii uu ummadda u soo qabtey, gaar ahaan waayihii uu macallinka ahaa.
Buugga foolaad waxaa uu muuqaal buuxa ka bixinayaa hibada
Maxamed Muuge Illaahey ku manaystey waxaana la oran karaa waa loogu samri karaa
maqnaashaha fanaanka caanka ahaa ee laga waayey masraxa Soomaaliyeed.
Hawaale Warran
Hawaale warran waa buug uu isku duba ridey qoraa Maxamed Saleebaan, laakiin buugga waxaa qorey abwaan Maxamed Warsame Hadraawi, sida uu sheegey Maxamed Saleemaan habeenkii uu buugga ku soo bandhigayey London waxaa asalka buugga uu ahaa qoraalo dhowr ah oo uu abwaan Hadraawi u keeni jirey si uu isugu hagaajiyo dabadeedna loo daabaco ka dibna uu u noqdo buug ay ummadda ka faa`iideysato.
Buugga waxaa ka muuqata in abwaan Hadraawi uu falasoof
weyn yahay aadna u fahmey xaqiiqda nolosha adduunka. Aqristaha buugga aqriyaa
waxaa u soo baxaysa in abwaan Hadraawi qoraaladiisa ay ka anbaqaadayaan khibrad
iyo waayo aragnimo durugsan uu leeyahay.
Waxaa la oran karaa abwaanka waxaa uu buugiisa ku soo
bandhigey waxyaabo badan oo kale duwan oo xiriir qoto dheer ku leh nolosha uu
si hufan ugu soo bandhigey hibada uu Illaahey siiyey.
Qoraaga buuggaan waa dr. Maxamed Xuseen Macallin oo buugaag dhowr ah qorey, buuggaana waxaa uu ka mid ahaa buugaag dhowr ah oo qoraaga u suuro gashey inuu soo saaro sanadkii 2021 kii.
Buugga Taariikhda Culumada Soomaaliyeed waxaa lagu daah
furey kulankii sanadlaha ahaa oo ay hay`adda Kayd abaabulkeeda iska laheyd,
buugga waxaa lagu soo bandhigey magaalooyinka Laceister iyo London.
Buuggu waxaa uu ka hadlayaa taariikhdii iyo sooyaalkii
culimadii Soomaaliyeed.
Buuggaan waxaa uu
soo bandhigayaa taariikhda culumada Soomaaliyeed qaarkood, waxaase xusud mudan
in culumada buugga lagu soo bandhigey ay u qeybsamaan labo qeybtood:
Qeybta hore waxaa lagu soo qaatey culumadii hore oo
noolaa xilliyadii hore oo qaarkood laga joogo 7 qarni iyo wax ka badan.
Qeybta labaad waa uu qoraagu ku soo bandhigey culumada
aad u badan laakiin noolaa waayadii danbe gaar ahaan labadii qarni ee ugu
danbeeyey.
Qoraaga buugga waxaa uu ka afeeftey in buugga uusan
koobeynin dhammaan culumadii Soomaaliyeed , waxaana uu caddeeyey in culumo
badan ay ka maqan yihiin buugga oo loo baahan yahay in qoraalo kale laga
sameeyo.
Calaf iyo
Cugasho
Buugga calaf iyo cugasho waxaa qorey qoraa
Maxamuud Ibaraahim Jaamac oo ku magac dheer Xaaji, sida uu qoraagu sheegeyna
waxaa uu buuggaan soo gudbinayaa, qar-adaygga Soomaalida, qabka iyo
quudhsidiidka qofka Soomaaliga ah, qaddarinta haweenka, iyo quwadda iyo qiimaha
hablaha Soomaaliyeed.
Runtii sida qoraagu caddeeyey buugga waa qiso dhab ah oo tilmaamaysa labo dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed Saxardiid iyo Saxarla, oo jaamacaddii Lafoole wada dhigan jirey. Markii dagaalku ka qarxay Xamar 1991kii midba jiho ayuu u dhaqaaqay, hase yeeshee, shan sano dabadeed 1995 ayay si lamafilaan ah ugu kulmayaan magaalada Harare ee dalka Zimbabwe, Saxarla oo waqtigaas ciirsi u baahan, geed ay cuskatona la’. Saxardiid wuxuu go’aansanyaa inuu samatobixiyo Saxarla. Waa qiso cajiib ah oo uu qoraagu ku soo bandhigayo buugga isagoo adeeg sanaya qoraal aad u sareeyo oo soo jiidanaya aqristaha.
Joogaha
Maqan
Sidoo
kale waxaa madashii dabaaldegga toddobaadka Soomaalida ee ay soo qabanqaabiyeen
ururka Kayd waxaa lagu soo bandhigey buugga Joogaha Maqan kaa oo ka faaloonaya
murtidii iyo maalmihii abwaan Xasan Qawdhan ( 1944 kii – 2017 kii), waxaa
buugga Joogaha Maqan qorey qoraa da`yar oo lagu magacaabo Axmed Karaama.
Meesha kama marneyn buugaagta hablaha Soomaaliyeed ay soo bandhigeen gaar ahaan Nicmo Noor waxay madasha la timid buugaag dhowr ah oo uu ugu horeeyo:
Jasiiraddii Nabadda, waa buug loogu
talo galay caruurta Soomaaliyeed meel ay joogaanba.
Garoob iyo godob rageed, waxaa uu buugaan ka
kooban yahay labo qeyb.
Labada buug ee aanu soo sheegey faah faahintooda waxaanu
ku soo qaadan doonaa dadaalada Nirmco Noor ee imaandoono.
No comments:
Post a Comment