Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed
5
Kaabaha dhaqanka iyo afka
Warfaafinta
Mar haddii aanu soo qaadanay ka hadalka kaabayaasha dhaqanka iyo afka, waxaa meesha iyana ka marneyn doorka looga baahan yahay warfaafinta qeybaheeda kale duwan oo akhris, muuqaal iyo maqalba leh,. Dadka Soomaaliyeed waxa ay sameeyeen raadiyo iyo telefishino iyaga u gaar ah oo ku baxa afka Soomaaliga, kuwaa oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan dalalka Sweden iyo Norway waxay leeyihiin dhowr idaacadood oo ku hadla afka hooyo. Sidaa waxaa la mid ah dalalka kale ee ku yaal waqooyiga Yurub iyo Ingiriiska qudhiisa oo horyaal u ah xuriyadda iyo isdhexgalka bulshooyinka.
Taana waxay ku timid ka dib markii ay ka
faa`iideysteen dadka Soomaaliyeed xaquuqda ay ku leeyihiin dalalka ay degen
yihiin oo ku aadan dhaqanka, afka iyo diinta, waana mid aan la hor istaagi
karin oo ku qoran dastuurada dalalka aanu soo tilmaamney.
Dhinaca mareegyada (webside) waxaa jira
mareegyo u gaar ah afka hooyo oo sababta loo aas aasay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa afka hooyo oo ay leeyihiin
bulshooyinka ku nool dalalka Norway iyo Sweden. Mareegtaa waxaa lagu magacaabaa
(Tema Morsmål), billowgii waxaa laga curiyey dalka Sweden ka dibna Norway,
Mareegta waxay ku tiirsan tahay xarumaha waxbarshada ee labadaa dal, waana howl
weyn oo qeyb lixaad leh ka qaata horumarka af hooyo iyo caawinta ardayda ee dhigta dugsiyada hoose
iyo dhexe oo ay ka mid yihiin Soomaalida, casharada waxaa lagu soo bandhigaa
hab heer sare oo waafaqsan tarbiyada casriga.
Waxaa kaloo jira mareegyo badan oo ku mashquushan soo bandhigida danaha bulshada Soomaaliyeed ee Norway iyo Sweden kuwaa oo si joog ah uga hadla wararka ku wareegsan Soomaalida.
Idaacada BBC da laanta afka Soomaaliga
BBC-da laanteeda af Soomaaliga Muddo ayay ahayd isha kaliya oo ay dadka Soomaaliyeed warka iyo wacaalka ka helaan gaar ahaan qurbo joogta. Waqtiga dheer ay furneyd waxaa suuro galay in ay ka baxaan barnaamijyo kala duwan oo xiriir la leh dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida. Waxaa ku kaydsan dhaxal dhaqan iyo suugaan oo qiimo badan, oo ayna adag tahay in meel kale laga helo.
Xarunta BBC somali London 1969 kii . Midig ka bilow, Mustafa xaaji Nuur, Saleebaan aw Daahir afqarshe, Cabdulaahi xaaji iyo Wariye Cismaan sugulle.
Idaacadda
BBC-du waa hay’ad warbaahineed oo Ingiriis ah, taas oo ku wajahan gudaha
Ingiriiska iyo adduunweynaha intiisa kale, waxa lagu tilmaamaa inay markii hore
aasaaseen koox shirkado ganacsi ah oo loo yaqaanay The British Broadcasting
Company ama shirkadda Warbaahinta Ingiriiska taariikhdu markii ay ahayd 18
October 1922 kii, laakiin muddo kooban ka dib waxa si rasmi ah ula wareegtay
dawladda Ingiriiska, waxaana magaceeda loo soo gaabiyey British Broadcasting
Corporation (BBC) ama Shirkadda warbaahinta ee Britain, waxaa agaasimihii ugu
horeeyey ka noqday nin injineer ahaa oo lagu magacaabi jirey John Reith, dad
badan oo reer Ingiriis ahna u yaqaanaan aabbaha warbaahinta madaxabannaan ee
Ingiriiska.
Taariikhdu
markii ay ahayd 19 December 1932-kii, ayaa idaacadda BBC-da laga dhigay mid
adduun weynaha la hadasha, iyadoo sida la tilmaamo lagu aasaasay xeerka
boqortooyada (Royal Charter), arrintaas oo macneheedu yahay inay u shaqayso
sidii idaacad ka madax bannaan dawladda Ingiriiska.
Idaacadda BBC-da oo muddo aad u badan sii deynaysay warbixino kala duwan waxaa
la sheegaa inay ka qayb qaadatay arrimo badan oo dhinaca ammaanka, dhaqaalaha,
waxbarashada iyo maaweelada ah, inta badan siyaasiyiinta adduunku waxay
aaminsan yihiin inay door weyn ka ciyaartay isku xirka adduunka.
Waxay
idaacadani ku caan tahay weriyayaal iyo shaqaale tiro badan oo adduunka
daafaheeda kala jooga.
Laamaha afafka
ka baxa idaacadda BBC-da waxaa ka mid ah laanta Afsoomaaliga oo la billaabay
taariikhdu markay ahayd 18 July 1957-kii.
wariyaashii ugu
horeeyey ee laanta Af-Soomaaliga ka shaqeeyaa waxay shaqada ku billaabeen si
da`doodu weyn tahay, waxaa marba marka ka dambeysa iskugu tegeyey rag awoodooda
aqooneed sareyso, gaar ahaan aqoonta ay u leeyihiin luqadda Ingiriisiga oo
wararka iyo barnaamijyada ay si toos ah uga turjumayeen luqadaas, maadaama aanu
jirin far Soomaali ah la adeegsan karaa.
Hadalkii ugu horeeyey waxa sii daayey Xaaji Cabdi Ducaale. Intaa wixii ka
dambeysayna dadku waxay la qabsadeen inay maalin walba u diyaar garoobaan
wararka idaacadaas, waxay noqdeen dad macmiil u ah dhegeysiga laanta
Af-soomaaliga. Waxaa xusid mudan in wariye Cabdullaahi Xaaji uu ahaa qofkii ugu
waqti dheeraa mudada uu shaqeynayey.
Maxamed Rashiid Sh Xasan
Inkastoo ay barnaamijyo aan la soo koobi karin oo afka, suugaanta iyo dhaqanka ka faaloonaya ay ka baxeen idaacadda bbc da, hadana waxaa aad loo xasuustaa barnaamijkii Sahan ee uu soo jeedin jirey Maxamed Rashiid Shiikh Xasan, barnaamijkaa ahaa natiijada Maxamed Rashiid uu ka gaaray ka dib markii uu sahan baaritaanta ah uu dib ugu jaleecay barnaamijyadii ka bixi jirey idaacadda muddadii dheereen ay jirtey.
Waxaa kale oo idaacadda bbc da soo bandhigtey
muddadii ay socotey barnaamijyo kale oo aad u xiiso badan sida kii la oran
jirey barnaamijka ”Fanka iyo suugaanta” waxaana markii ugu horeeyey daadihin
jirey Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar, waxaase xusid mudan in marnaamijkaa uu
fikirkeeda iyo abuurkeedaba lahaa Cabdiraxmaan Caabi Faarax oo ka mid ahaa
madaxadii soo martey idaacadda bbc da.
Dalmar iyo dadaaladiisii
Dalmar, Oxford Huese - London 30 oktoobar
2021
Maxamuud waa wariye iyo suugaanyahan u dhuun daloola arrimaha dhaqanka iyo suugaanta, mar aan kula kulmay dabaaldagii kulunka toddobaadka ee London bishii oktoobar 2021 kii waxaan ka wareysay doorka idaacadda BBC-da iyo arrimo kale oo aan ku soo bandhigi doono – hadduu Illaahay idmo – qoraal ka muqweyn qormadeenaan.
Dalmar, Mustafa iyo aniga – London, oktoobar, 2021
Very informative thanks.
ReplyDelete