Sunday, 29 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha


Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 




 Iftiinka aqoonta


Iftiinka aqoonta waa hay`ad ama shirkad ku xeel dheer daabacaadda buugaagta ku qoran afka Soomaaliga iyo suuq geynteeda, waxaa taa u dheer in Iftiinka aqoonta ay qaban qaabiso ama qeyb libaax leh ka qaadato bandhigyada aqoonta, dhaqanka iyo buugaagta kuwaa dhammaantood oo xiriir toos ah la leh dadka Soomaaliyeed.

Shirkadda Iftiinka aqoonta waxaa horjooge u ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku caan baxay qorista buugaagta afka hooyo, halyeygaa waa qoraa sare ustaad Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ku magac dheer (Sheekhul casri), kaa oo ay u suuro gashay intii uu ka shaqeenayay golayaasha aqoonta in uu ku guuleystay inuu sameeyo shirkad lagu magacaabo Iftiinka aqoonta, Runtii waa shaqo muhim ah oo uu qabtey qoraagu si uu ugu fududeeyo ummadda Soomaaliyeed daabacidda buugaagta iyo iibgaynteeda, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee degen wadama Yurub.

         Yuusus X. Cabduullahi

Mar aanu booqasho ku tagnay xarunta Iftiinka Aqoonta ee uu gudoomiye ka yahay qoraa Yuusuf Xaaji Cabdullaah (Sheekul casri) kuna taal magaalada Stockholm ee dalka Sweden bishii desember sanakii 2017 kii, ka dib markii aanu marti qaad ka helnay qoraaga, waxaana ina hogaaminayey Professor Cali Jimcaale Axmed iyo halgamaa naftiihure Riyaad Xaamud Axmed isla markaana uu ina wehliyo fanaanka weyn Cabdi Baadil Ibraahim iyo qoraa Xuseen M. Cabdulle (Wadaad), waxaa xusid mudan isku xirka Xarunta Iftiinka Aqoonta iyo wafdiga ay qaban- qaabadiisa lahaayeen saaxiibadeen (Mustafa Axmed, Ustaad Ali yare iyo Cabdullaahi Xaaji) oo ka socday Kista Folkhogskola oo ah Xarun Cilmiyeed ku taal dalkaa Sweden. Runtii waxaanu halkaa ku soo aragnay buugaag iyo agab cilmiyeed kale duwan  oo uu dadaal baaxad weyn ku bixiyey qoraaga kaa oo la oran karo waa Jihaad iyo Kifaax barakaysan, Illaahay ha  barakayeeyo maskaxdiisa iyo aqoontiisan.

 


         Xanrunta Iftiinka Aqoonta, Stockholm

 Buugaagta la daabacay:

Shirkadda Iftiinka aqoonta waxay daabacdey buugaag aad u tiro badan muddaddii ay jirtey, isla markaana waxaa ay soo saartey agab badan oo xiriir toos ah la leh horumarinta aqoonta iyo kor u qaadidda wacyiga bulashada Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha.

Sida aan hore u soo sheegney Yuusuf Xaaji Cabdullaahi waxaa uu in muddo ahba ka shaqeenayey dugsiyada dalka Sweden oo uu ka ahaa bare dhiga afka Soomaaliga, markii uu shaqadaa bilaabay sanadkii 1994 kii durbadiiba waxaa u soo baxday in ay jirto baahi weyn oo la xiriirta dhanka buugaagta si horumar looga sameeyo aqoonta ay caruurtu u leeyihiin afkooda hooyo, sidaa darteed qoraa Yuusuf waxaa uu ka mid ahaa dadkii tirada yaraa oo dhexda u xirtey inay soo saaraan qoraalo la xiriira afka Soomaaliga tix iyo tiraab, hadal iyo howraar, gabay iyo geeraar iwm, sidaa darteed waxaa uu ku guuleystey in uu soo saaro qoraalo fara badan, qoraaladaa oo dhan waxaa daabacday shirkada Iftiinka aqoonta oo saldhigeedu yahay magaalada madaxda Stockholm ee dalka Sweden. Buugaagta la daabacay waxaana ka mid ah:

-         Dalagga iyo duunyada – waxaa uu soo baxay 1997 kii.

Buuggaan waxaa uu ahaa buuggii ugu horeeyey ee uu qoro Yuusuf xaaji Cabduulaahi, markii uu soo baxayna aad iyo aad ayaa loo xiiseeyey. 

Waxaa kale oo ka mid ah buugaagta uu qoray isla markaana uu daabacay:

-         Qorista iyo akhriska – 1998 kii.

-         Feegaarka iyo farbarashada - 1999.

-         Higgaadda iyo heesaha - 2000 kii.

-         Khiyaanoole wuu khasaaraa - 2002 kii.

-         Dadqalato iyo qori ismaris - 2002 kii.

-         Afka hooyo baro oo ku barbaar - 2002 kii.

-         Ugaadh iyo habar dugaag - 2003 kii.

-         Afka hooyo iyo aqoonta guud - 2004 kii.

-         Barbaariye - 2005 kii.

-         Kobciyaha afka hooyo - 2006 kii.

-         Gurxan iyo gabareey maanyo - 2007 kii.

-         Cagabaruur iyo Cawl - 2012 kii.

-         Aflax oo edabna ku dar - 2007 kii.

-         Dugsiga sare ee hilinka habboon waxbarasho - 2008 kii.

-         Saadka ardayga buug waxbarasho – 2008 kii.

-         Bishaaro iyo bilkhayr ( buug sheeko ah) – 2011 kii.

-         Cawo iyo ayaan ) – 2011 kii.

-         Filanwaa ( buug sheeko ah) ) – 2011 kii.

-         Ha is dhiibin ( buug sheeko ah) – 2011 kii.

-         Nabsi iyo nasiib ( buug sheeko ah) – 2014 kii.

-         Taxanaha barashada xoolaha – 2014 kii.

-         Hooyo ii hees – 2013 kii.

-         Bidragare fårlorar ( sheekooyin la tarjumay) – 2008 kii.

Waxaa kale oo uu dadaal aad u xoogan ku bixiyay qoraa Yuusuf Xaaji Cabdullaahi in uu uruuriyo wax walba oo ku saabsan waxbarashada iyo dhaqanka gaar ahaan wixii la xiira caruurta Soomaaliyeed oo u fududaynaya in ay bartaan afkooda hooyo iyo dhaqankooda. Arrimahaas aan soo sheegney waxaa uu abwaanku u soo saaray hab cajalado ( CD) ah intii u dhaxaysey 2003 kii ilaa 2014 kii.


   

                               Yuusuf , Hadraawi iyo Nuuradiin Faarax

Runtii Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ku magac dheer Sheekhul casri waxaa la oran karaa waa abwaan Illaahay siiyey aqli iyo aqoon isla markaana Illaahay waafajiyey in uu aqoontiisa iyo hibadiisa ugu adeego dadka Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada.

Waxaa uu Yuusuf ku guulaystay inuu qoro buugaag aad u badan oo dhammaantood loogu talo galay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa  degen qaarada Yurub si ay kor ugu qaado afka iyo suugaanta Soomaaliyeed, arrintaana waxaa la oran karaa waxaa ka caawiyey howshii macallinimo ee uu hayey taa oo tustey in baahi badan ay bulshadu qabto isla markaana loo baahan yahay in daaweeyo, sidaa darteed buugaagta uu qoray waxay ka muuqda inuu isku dayey sidii uu u buuxin lahaa kaalinta kaga aaday baahi tirka bulshadeena si kor loogu qaado wacyiga iyo aqoonta waalidiinta iyo kuwa hormoodka ka ah qowska Soomaaliyeed ee ku dhaqan Yurub gaar ahaan Sweden.

 





1 comment: