Friday, 6 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

 

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

4


Kaabaha dhaqanka iyo afka

Waxaa laga yaabaa in dad badan ay mar walba is weydiiyaan:

-       Ma jiraa kaabe dhaqanka iyo afkeena hooyo oo wax ku ool ah?

-       Hadduu jirese waa maxay kaabayaasha dhaqanka iyo afka Soomaaliga?

Marka la joogo qurbaha oo ka fog dalkii hooyo iyo awoodii ummadda Soomaaliyeed lahayd waa adag tahay in dhaqankii iyo afkii Soomaaliyeed sidii loo baahnaa uu noqdo, gaar ahaan marka la eego waqtiga dheer ee ay soo mareen qurbajoogta Soomaaliyeed ka dib dagaaladii sokeeye, waxaana aad u kordhaya walwal iyo walbahaar ku aadan in uu sii lumo ama hoos u dhaco dhaqankeenii suubanaa iyo afkii u dhexeeyey dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba.

Taa waxay dhalisay in qurbajoogta ay iskood isu abaabulaan iyagoo ka fikiraya sidii mustaqbalka ubadkooda u hagaajin lahaayeen, gaar ahaan dhanka diinta, dhaqanka iyo afka hooyo.

Waxaa jira oo aanan marnaba la dafiri karin dhowr arrimood oo kaabaya sidii loo ilaalin lahaa afka iyo dhaqanka bulsho walba oo dunida ku sugan, taana kama duwana bulshooyinka qurbaha ku sugan oo ay Soomaalidu ka mid tahay. Inkasta oo ay kaabayaasha ay badan yihiin isla markaana ay kala duwan yihiin, waxaanu qormadeena ku soo koobeynaa dhowr arrimood oo aanu is leeynahay waxbay ka tareen kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka iyo afka Soommaaliyeed marka la joogo qurbaha.

 Waalidka

 Waalidiinta  Soomaaliyeed waa tiir aad u adag oo door weyn ka qaata sidii ay u caawin lahaayeen caruurtooda meel ay joogaanba, waxaana shaki ku jirin muhimadda waalidka leeyahay iyo kaalinta lixaadka leh ee ay ka qaateen sidii loo adkeyn lahaa dhaqanka caruurtooda ee qurbaha. Taana waxay ka billaabaneysaa guriga, dabadeedna xarumaha xanaanada iyo iskuulada oo loo baahan yahay in waalidku la leeyahay xiriir fiican iyo wada shaqeyn hufan oo u baahan dadaal iyo foogjignaan badan, gaar ahaan marka ay caruurtu gaaraan da`da lagu billaabo iskuulka.

Doorka waalidku ee qurbaha waxay u baahan tahay qoraalo gaar ah oo qoto dheer taa oo ay ku fara yareystaan aqoonyahayka u dhuul duleela arrinka oo leh khibrad lixaad leh.

Qowsaska caruurta ku haysta qurbaha uma yara walwal iyo walbahaar gaar ahaan qowsaska degen wadada waqooyiga yurub oo mar walba la hadal haayo qaadashada caruurta ay qaataan hay`adaha ku shaqo leh ilaalinta xaquuqda iyo daryeelka caruurta, xaalada sidaa ah waxaa la wadaaga wadamo kale oo ay ka mid yihiin boqortooyada Ingiriiska. Taa waxay dhalisey in waalidiinta aad ay isaga xilsaaraan barbaarinta wanaagsan ee uu Illaahey ina amrey iyo ku dadaalka ilaalinta sharciyada u degen dalalka qurbaha oo dhigaya in caruurta dowladda ay ku nool yihiin mas`uul wadaag la tahay waalidka dhaley caruurta. Waxaa kale oo aad u kordhey wacyi galinta Soomaalida dhexdeeda taa oo ku aadan sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka diineed iyo dhaqameed ee caruurta Soomaaliyeed. 

Soomaalida qurbaha waxay aad u ogaadeen in aad waalid ku noqotaa wadamada reer galbeed aaney aheyn wax fudud, balse ay ka duwan tahay degaanadii Soomaaliyeed ay mas`uuliyadda caruurta isla wadaagi jireen qows weynaha caruurta ka soo jeedaan, deriska iyo dhammaan bulshada gaar ahaan wixii ku aadan dhaqan iyo diin. 

Sida badan isku dhac aad u badan ayaa ka dhex dhaca waalidiinta iyo caruurta ku kora wadamada reer galbeed kaa oo aanu oran karno waxa lagu magacaabo isku dhac dhaqameed ( cultural collision), taa oo aalama dhaca marka caruurtu ay qaan gaar noqdaan iyaga oo doonaya iney xuriyad buuxda u helaan noloshooda, waalidkuna uu doonayo inuu gacanta si buuxda ugu hayo caruurta si ay ugu barbaaraan habka iyo dhaqanka uu waalidku doonayo. Waxay ahaataba waalidiinta wadamada qurbaha gaar ahaan kuwa ayna Soomaalidu wadaagin dhaqan iyo diin waxay muujiyeen dadaalo aad u xoogan sidii ay ubadkooda ugu abaabin lahaayeen dhaqankii Soomaaliyeed ee suubanaa oo ay ugu horeyso ku dhaqanka diinta Islaamka sidii ay caruurtu u noqon lahayd muslimiin fiican oo hormood ka noqda dadyowga muslimiinta. 

Waxaa meesha iyana jira doorka bulshada guud ahaan oo waajib ka saaran yahay dhallaanka maadaama ay meel ka soo wada jeedaan kuna abtirsadaan diin, dhaqan iyo af mideeya dhammaantood meel ay joogaanba. Mus`uuliyadaa waxa ay ku aadan tahay qaybaha bulshada oo dhan iyada oo aan la kala qaadin sida: waalidka, culumada, aqoonyahayka, abwaaniindta, fanaaniinta iwm oo loo baahan yahay in layska wada kaashado sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka ubadkeena ama loo adkeyn lahaaba.

Sidaa darteed waxaa jira ururo iyo hay`ado aan la soo koobi karin oo ka shaqeeya abaabulka dhaqdhaqaaqyada dhaqanka, fanka iyo barbaarinta caruurta, gaar ahaan waqtiyada ay timaado munaasabadaha ciidaha iyo dabaaldegyada kale. Waxaa kaloo iyana jira buugaag iyo agabyo kale duwan oo loogu talo galey caruuta si ay ku xoogowdo afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.


1 comment: