Thursday, 18 October 2018



Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed

2
Dr. Moxamed Xussein Macallin

Doorashadu waxay isugu soo biyo shuban doontaa seddex koox oo la oran karo seddex isbaheysi kuwaa oo kale ah:
1-   Maamulka koofur galbeed oo uu musharax u yahay Madaxweyne Shariif Xasan sh Aadan.
2-   Kooxda dowladda federaalka ay taageereyso oo uu ugu horeeyo mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) wasiirka tamarta iyo biyaha xukuumadda Xasan Cali Kheyre, iyo mudane Xuseen Cismaan Xuseen  oo dhawaan iska casiley xilka agaasimaha guud ee hay`adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ee Nisa.
3-   Musharixiin dhowr ah oo gooni u taagan oo aanan caddeyn cidda ay salka ku hayaan laakiin xan badan ay jirto qaarkood, kuwaana illaa iyo hadda waxaa banaanka u soo baxay oo caddeystey musharaxnimadooda mudanayaasha ay ka midka yihiin:
- Maxamed Adan Ibrahim (Fargeedi) wasiirkii maaliyadda xukuumadii Cumar Cabdirashiid.

 

- Adan Maxamed Nuur ( Saransoor) wasiirkii Ganacsiga iyo warshadaha ee xakuumadkii C/weli Sheekh Axmed 
- Injineer Saalax shiikh Cusmaan wasiirkii howlaha guud iyo guriyeenta
ee xukuumadii Cumar Cabdirashiid.
- Xuseen Xasan Cabdi (kushug) maamul yaqaan muddo ka shaqeeyey xafiiska Qaramada Midoobi ee Soomaaliya u qaabilsan.
- Yuusuf Macallin Amiin ( Baadiyow) wasiirka degadaha xakuumadii C/weli Sheekh Axmed .
- shiikh Mukhtaar Roobow Cali halgamaa tariikh ku leh koofurta Soomaaliya.
Iyo kuwo kale.
Runtii wax qarsoon ma aha in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay ku suurto gali laheyd  in ay hogaanka koofur galbeed qabtaan mudanayaan ay gacan saar leeyihiin si ay ugu fududaato wada shaqeynta labada dhinac, meeshana  ay ka  baxdo midi midi ku taag, laakiin wax garadka reer koofur galbeed qaarkii arrintaa wal wal badan ayey ka muujinayaan iyagoo ka cabsi qaba in dowladda ay u soo guuriso qalalaasaha ka socda Hirshabeele iyo Galmudug oo in muddo ah ay isku hertinayeen siyaasiyiin xiriir la leh dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada degaanadaa, taana waxaa loo arkey iney tahay ku takrid falid awoodda loo ikmadey iyo in dowladdu mashquul ku tahay howlo aan loo dirsan, isla markaana aanan war u heynin arrimihii looga fadhiyey iney wax ka qabto, taa oo ay ugu horeyso sidii loo sugi lahaa nabadda iyo ka hortagga kooxaha argagixisada oo dhul ballaaran gacanta ku haya, laakiin waxaa dhacdey in ay aad u sii kala fogeysey maamuladda dalka iyo hogaanka sare ee dowladdeena oo loo baahnaa iney si wada xaajood ah gacanta ugu dhigto.


Maxamed Mursal

Doorashada  waxay u eg tahay tii gudoomiyaha baarlamaan federaalka oo kale oo uu loolanka ku dhexmarey kooxda uu hogaaminayo Shariif Xasan iyo dowladda federaalka oo la kala saftey Ibrahim Isaaq yarow iyo Maxamed Mursal, waxaana shaki ku jirin in Shariif Xasan uu turubka dib u baandheen doono si ayna u dhicin wixii hore u dhacay oo kale.

Cabdicasiis Lafte Garen


Dhinaca kale waxaa xusid mudan in labada musharax ee taageerada ka heysta dowladda dhexe ay yihiin mudanayaal maamuus iyo qadarin ku leh degaanada ay ka soo jeedaan, tusaale ahaan wasiir Cabddicasiis lafta Gareen illaa iyo muddo waxa uu ka muuqdey masraxa siyaayadda dalka laga soo bilaabo xilligii uu madaxweyne Cabdiqaasim talada yahay,waxaana  lagu xusuustaa inuu yahay nin degan oo aad uga fog dareenka qabiilka iyo isku dirka ummadda, taana waxaa la oran karaa in mudanuhu uu fursad u heley la dhaqanka Soomaaliweyn goobo kale duwan ku dhaqan, waxaase hubaal ah in mudane Cabdicasiis (Lafta Gareen) uu khibrado kale duwan ka heley Xilalkii Kala Duwanaa ee uu Ka Soo Qabtey xukuumadihii Kumeel Gaarka ahaa ee Dalka Soo Marey.

Xuseen -Cismaan Xuseen
Sidoo kale mudane Xuseen Cismaan Xuseen waa nin aqoonyahan oo akademik ah, meelo kale duwanna wax ku soo bartey oo dal iyo dibadba leh, taana waxaa uu ka heley aqoon iyo khibrad ku filan. 
Xog aan la yareysan karin waxay sheegeysaa in haddii Lafta Gareen ku guuleysto jagada madaxweynaha uu u dooran doono Xuseen Cismaan madaxweyne ku xigeen, in kastoo ay arrinkaa wax u dhimi doonto awood qeybsiga beelaha wada dega koofur galbeed, maadaama gudoomiya baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa oo ay isaga iyo  Xuseen  ka soo wada jeedaan beelaha Digil, arrinkaana waa midda Shariif Xasan ka hor istaagtey illaa iyo hadda inuu magacaabo madaxweyne ku xigeen ay yeelato Koofur galbeed.....
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga








No comments:

Post a Comment