Doorashada koofur
galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
4
![]() | |||
| Dr. Maxamed Xuseen Macallin |
Imaashaha
Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali uu Baydhabo yimid iyo soo dhaweyntii
ballaarneyd waxa laga dheegan karaa iney aheyd fariin culus oo
xanbaarsan ififaalaha mustaqbalka
siyaasadeed ee koofur galbeed ay yeelan
doonto, iyo shacbiyadda sh Mukhtaar uu ka heysto dadweynaha reer
koofur galbeed iyo degaano kale oo ku teetsan koofurta Soomaaliya.
Codsiga
dad badan ay ka codsadeen shiikha inuu isu soo taago hogaanka
ummadda iyo aqbalaadii uu aqbaleyba waxay noqotey waacusub
oo u baryey degaanka, waxayna arrintaa u muuqatey codbixin iyo afti
ay dadweynuhu bixiyeen in Rooboow iyagu uu u Roon yahay, lana garab taagan yihiin hiil iyo hooba.
Falcelin
deg deg ah ayaa durbadiiba ka soo baxay dowladda federaalka iyo ururka
al Shabaab oo ku wada aadan is hor istaagga Mukhtaar iyo inuu ridoobey taa oo yaab iyo
amakaad ku noqotey dad badan waxa kulmiyey xukuumadda Xasan Cali Kheyre
warqad ka soo baxdey iyo al shabaab war ay soo saartey oo uu soo jeediyey
af hayeenkooda shiikh Cali dheere. 



Waxay
ahaataba wajiga cusub ee uu la soo baxay Abuu Mansuur Rooboow iyo
qorshihiisa siyaasadeed waxay ka dhigan tahay tiir adag oo aanan
la loodin karin, maadaama uu haysto taageero ballaaran oo shacabka
iyo bulshada
caalamka qaarkood oo u aragta in uu yahay qof ku haboon waqtiga
la joogo. Runtii la yaab ma leh in reer galbeedku oo uu ugu horeeyo Mareykanka ay
u arkaan Abuu Mansuur nin macquul ah, waxna aysan ka qabin inuu hogaamiyo
koofur galbeed, waayo waxay iibinayaan in aysan ka soo horjeedin waxa lagu
sheego islaamka siyaasiga iyo kooxo lagu tuhunsanaan jirey iney xoog wax ku
raadiyaan haddii isbedel muujiyaan, arrinkaana ma aha mid ugub ah ee waatey
hadda ka hor taageerada xoogan siiyeen kooxihii Maxaakiimta ee uu hogaaminayey
Shiikh Shariif sh Axmed, ururkii Daalibaan iyo xukuumadii Rabaani ee
Mujaahidiinta. 

Shiikh Mukhtaar Rooboow waxay dadku ku barteen geesi aanan marna xaqa ka ganban, cadaalad iyo sinaan oo marna aqbalin dulmi iyo is dabamarin taana waa raasumaalka uu haysto mudanaha oo uu isku haleynayo. Dad badanna waxay ku rabaan inuu wax ka qaban doono nabadda iyo xasiloonida ka dib markii uu xureeyo degaanada Al Shabaab ay ka taliyaan. Riyada sh Rooboow iney rumowdo waxaa diidan kooxda Al Shabaab iyo kuwa gacan saarka la leh oo la sheego iney ku jiraan ama ka mid yihiin laamaha dowladda federaalka iyo qeybaha bulshada sababo dhaqaale iyo cabsiba awgeed.
Maamulka
koofur galbeed ee uu hogaamiyo Shariif Xasan daah kama saarna culeyska Rooboow iyo taagaarada uu ku leeyahay gudaha iyo dibada, sidaa darteed waxaa u furan in
ay wado hadalo la galaan haddii uu ku qanco ama ka ogolaado, gaar ahaan markii ay fashilmeen wada hadaladii madax sare oo dhanka dowladda iyo isaga u dhaxeeyey maalmahan ka dib markii kooxda shiikha ay saluugeen waxa loo soo bandhigey, haddii aan isbedel danbe soo bixin.
Waxaa
meesha ku jirin in leysku dayo arrimo la doonayo in lagu wiiqo qarshaha Rooboow
uu ku doonayo inuu ka mid noqdo u tartamayaalka xilka madaxweynaha koofur
galbeed oo ku aadan 17 ka novenber ee sanadkaan. Isku halleynta dowladda iyo
maamulka koofur galbeed ay isku haleynayaan ciidamada shisheeye waa mid aan xal
u aheyn mustaqbalka siyaasadda dalka iyo gobaladiisa, gaar ahaan Itoobiya ma aha iminkii tii hore oo gudaheeda ayaa isbedelo xoogan ka socdaan, kaa oo la mid ah midka maanta ay raadinayaan dad badan oo ka soo jeeda koofur galbeed. Dhab ahaan ilaalinta xuriyada iyo si habsimi ah iney u dhacdo doorashada waa mas`uuliyad maamulka koofur galbeed dusha ka saaran iyo xafiiska qaramada midoobi ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, wax kasta waxay kale
cadaan doontaa sida loo magacaabo gudiga doorashada iyo hab dhaqankooda ku aadan
dhex dhexaadnimada doorashada.
Mahadsanid iyo qormada xigta.




No comments:
Post a Comment