Doorashada koofur
galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
2
![]() |
| Dr. Moxamed Xussein Macallin |
Doorashadu waxay
isugu soo biyo shuban doontaa seddex koox oo la oran karo seddex isbaheysi
kuwaa oo kale ah:
1-
Maamulka koofur
galbeed oo uu musharax u yahay Madaxweyne Shariif Xasan sh Aadan.
2-
Kooxda dowladda
federaalka ay taageereyso oo uu ugu horeeyo mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed
(Lafta Gareen) wasiirka tamarta iyo biyaha xukuumadda Xasan Cali Kheyre, iyo
mudane Xuseen Cismaan Xuseen oo dhawaan iska casiley xilka agaasimaha
guud ee hay`adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliyeed ee Nisa.
3-
Musharixiin
dhowr ah oo gooni u taagan oo aanan caddeyn cidda ay salka ku hayaan laakiin
xan badan ay jirto qaarkood, kuwaana illaa iyo hadda waxaa banaanka u soo baxay oo caddeystey
musharaxnimadooda mudanayaasha ay ka midka yihiin:
- Maxamed
Adan Ibrahim (Fargeedi) wasiirkii maaliyadda xukuumadii Cumar Cabdirashiid.
- Adan Maxamed Nuur ( Saransoor) wasiirkii Ganacsiga iyo warshadaha ee xakuumadkii C/weli Sheekh Axmed - Injineer Saalax shiikh Cusmaan wasiirkii howlaha guud iyo guriyeenta
ee xukuumadii Cumar Cabdirashiid.
-
Xuseen Xasan Cabdi (kushug) maamul yaqaan muddo ka shaqeeyey xafiiska Qaramada
Midoobi ee Soomaaliya u qaabilsan.
-
Yuusuf Macallin Amiin ( Baadiyow) wasiirka degadaha xakuumadii C/weli Sheekh Axmed .
-
shiikh Mukhtaar Roobow Cali halgamaa tariikh ku leh koofurta Soomaaliya.
Iyo kuwo
kale.
Runtii wax qarsoon
ma aha in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay
ku suurto gali laheyd in ay hogaanka
koofur galbeed qabtaan mudanayaan ay gacan saar leeyihiin si ay ugu fududaato
wada shaqeynta labada dhinac, meeshana
ay ka baxdo midi midi ku taag, laakiin
wax garadka reer koofur galbeed qaarkii arrintaa wal wal badan ayey ka
muujinayaan iyagoo ka cabsi qaba in dowladda ay u soo guuriso qalalaasaha ka
socda Hirshabeele iyo Galmudug oo in muddo ah ay isku hertinayeen siyaasiyiin xiriir
la leh dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulada degaanadaa, taana waxaa loo
arkey iney tahay ku takrid falid awoodda loo ikmadey iyo in dowladdu mashquul
ku tahay howlo aan loo dirsan, isla markaana aanan war u heynin arrimihii looga
fadhiyey iney wax ka qabto, taa oo ay ugu horeyso sidii loo sugi lahaa nabadda
iyo ka hortagga kooxaha argagixisada oo dhul ballaaran gacanta ku haya, laakiin
waxaa dhacdey in ay aad u sii kala fogeysey maamuladda dalka iyo hogaanka sare
ee dowladdeena oo loo baahnaa iney si wada xaajood ah gacanta ugu dhigto.
Doorashada waxay u eg tahay tii gudoomiyaha baarlamaan federaalka oo kale oo uu loolanka ku dhexmarey kooxda uu hogaaminayo Shariif Xasan iyo dowladda federaalka oo la kala saftey Ibrahim Isaaq yarow iyo Maxamed Mursal, waxaana shaki ku jirin in Shariif Xasan uu turubka dib u baandheen doono si ayna u dhicin wixii hore u dhacay oo kale.
![]() |
| Maxamed Mursal |
Doorashada waxay u eg tahay tii gudoomiyaha baarlamaan federaalka oo kale oo uu loolanka ku dhexmarey kooxda uu hogaaminayo Shariif Xasan iyo dowladda federaalka oo la kala saftey Ibrahim Isaaq yarow iyo Maxamed Mursal, waxaana shaki ku jirin in Shariif Xasan uu turubka dib u baandheen doono si ayna u dhicin wixii hore u dhacay oo kale.
![]() |
| Cabdicasiis Lafte Garen |
Dhinaca kale waxaa xusid
mudan in labada musharax ee taageerada ka heysta dowladda dhexe ay yihiin
mudanayaal maamuus iyo qadarin ku leh degaanada ay ka soo jeedaan, tusaale
ahaan wasiir Cabddicasiis lafta Gareen illaa iyo muddo waxa uu ka muuqdey
masraxa siyaayadda dalka laga soo bilaabo xilligii uu madaxweyne Cabdiqaasim
talada yahay,waxaana lagu xusuustaa
inuu yahay nin degan oo aad uga fog dareenka qabiilka iyo isku dirka ummadda,
taana waxaa la oran karaa in mudanuhu uu fursad u heley la dhaqanka
Soomaaliweyn goobo kale duwan ku dhaqan, waxaase hubaal ah in mudane
Cabdicasiis (Lafta Gareen) uu khibrado kale duwan ka heley Xilalkii Kala Duwanaa
ee uu Ka Soo Qabtey xukuumadihii Kumeel Gaarka ahaa ee Dalka Soo Marey.
Sidoo kale
mudane Xuseen Cismaan Xuseen waa nin aqoonyahan oo akademik ah, meelo kale
duwanna wax ku soo bartey oo dal iyo dibadba leh, taana waxaa uu ka heley aqoon
iyo khibrad ku filan.
![]() |
| Xuseen -Cismaan Xuseen |
Xog aan la
yareysan karin waxay sheegeysaa in haddii Lafta Gareen ku guuleysto jagada
madaxweynaha uu u dooran doono Xuseen Cismaan madaxweyne ku xigeen, in kastoo
ay arrinkaa wax u dhimi doonto awood qeybsiga beelaha wada dega koofur galbeed,
maadaama gudoomiya baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa oo ay isaga iyo
Xuseen
ka soo wada jeedaan beelaha Digil, arrinkaana waa midda Shariif Xasan ka
hor istaagtey illaa iyo hadda inuu magacaabo madaxweyne ku xigeen ay yeelato
Koofur galbeed.....
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga







No comments:
Post a Comment