Saturday, 20 October 2018




Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed
4

Dr. Maxamed Xuseen Macallin


  Imaashaha Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali uu Baydhabo yimid iyo soo dhaweyntii ballaarneyd waxa laga dheegan karaa iney aheyd fariin culus oo xanbaarsan ififaalaha  mustaqbalka siyaasadeed ee koofur galbeed  ay yeelan doonto, iyo shacbiyadda sh Mukhtaar uu ka heysto dadweynaha reer koofur galbeed iyo degaano kale oo ku teetsan koofurta Soomaaliya.
    Codsiga dad badan ay ka codsadeen shiikha inuu isu soo taago hogaanka ummadda iyo aqbalaadii uu aqbaleyba waxay noqotey waacusub oo u baryey degaanka, waxayna arrintaa u muuqatey codbixin iyo afti ay dadweynuhu bixiyeen in Rooboow iyagu uu u Roon yahay, lana garab taagan yihiin hiil iyo hooba. 


    Maxaa Saca naaso adag  iyo Weedha  kulmiyey?
   Falcelin deg deg ah ayaa durbadiiba ka soo baxay dowladda federaalka iyo ururka al Shabaab oo ku wada aadan is hor istaagga Mukhtaar iyo inuu ridoobey taa oo yaab iyo amakaad ku noqotey dad badan waxa kulmiyey xukuumadda Xasan Cali Kheyre warqad ka soo baxdey iyo al shabaab war ay soo saartey  oo   uu soo jeediyey af hayeenkooda shiikh Cali dheere.


   Waxay ahaataba wajiga cusub ee uu la soo baxay Abuu Mansuur  Rooboow iyo qorshihiisa siyaasadeed waxay ka dhigan tahay tiir adag oo aanan la loodin karin, maadaama uu haysto taageero ballaaran oo shacabka iyo bulshada caalamka qaarkood oo u aragta in uu yahay qof ku haboon waqtiga la joogo. Runtii la yaab ma leh in reer galbeedku oo uu ugu horeeyo Mareykanka ay u arkaan Abuu Mansuur nin macquul ah, waxna aysan ka qabin inuu hogaamiyo koofur galbeed, waayo waxay iibinayaan in aysan ka soo horjeedin waxa lagu sheego islaamka siyaasiga iyo kooxo lagu tuhunsanaan jirey iney xoog wax ku raadiyaan haddii isbedel muujiyaan, arrinkaana ma aha mid ugub ah ee waatey hadda ka hor taageerada xoogan siiyeen kooxihii Maxaakiimta ee uu hogaaminayey Shiikh Shariif sh Axmed, ururkii Daalibaan iyo xukuumadii Rabaani ee Mujaahidiinta.  

Shiikh Mukhtaar Rooboow waxay dadku ku barteen geesi aanan marna xaqa ka ganban, cadaalad iyo sinaan oo marna aqbalin dulmi iyo is dabamarin taana waa raasumaalka uu haysto mudanaha oo uu isku haleynayo. Dad badanna waxay ku rabaan inuu wax ka qaban doono nabadda iyo xasiloonida ka dib markii uu xureeyo degaanada Al Shabaab ay ka taliyaan. Riyada sh Rooboow iney rumowdo waxaa diidan kooxda Al Shabaab iyo kuwa gacan saarka la leh oo la sheego iney ku jiraan ama ka mid yihiin laamaha dowladda federaalka iyo qeybaha bulshada sababo dhaqaale iyo cabsiba awgeed. 

   Maamulka koofur galbeed ee uu hogaamiyo  Shariif Xasan daah kama saarna culeyska Rooboow iyo taagaarada uu ku leeyahay gudaha iyo dibada, sidaa darteed waxaa u furan in ay wado hadalo la galaan haddii uu ku qanco ama ka ogolaado, gaar ahaan markii ay fashilmeen wada hadaladii madax sare oo dhanka dowladda iyo isaga u dhaxeeyey maalmahan ka dib markii kooxda shiikha ay saluugeen waxa loo soo bandhigey, haddii aan isbedel danbe soo bixin. 

   Waxaa meesha ku jirin in leysku dayo arrimo la doonayo in lagu wiiqo qarshaha Rooboow uu ku doonayo inuu ka mid noqdo u tartamayaalka xilka madaxweynaha koofur galbeed oo ku aadan 17 ka novenber ee sanadkaan. Isku halleynta dowladda iyo maamulka koofur galbeed ay isku haleynayaan ciidamada shisheeye waa mid aan xal u aheyn mustaqbalka siyaasadda dalka iyo gobaladiisa, gaar ahaan Itoobiya ma aha iminkii tii hore oo gudaheeda ayaa isbedelo xoogan ka socdaan, kaa oo la mid ah midka maanta ay raadinayaan dad badan oo ka  soo jeeda koofur galbeed. Dhab ahaan ilaalinta xuriyada iyo si habsimi ah iney u dhacdo doorashada waa mas`uuliyad maamulka koofur galbeed dusha ka saaran iyo xafiiska qaramada midoobi ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, wax kasta waxay kale cadaan doontaa sida loo magacaabo gudiga doorashada iyo hab dhaqankooda ku aadan dhex dhexaadnimada doorashada. 
     Mahadsanid iyo qormada xigta. 


 



No comments:

Post a Comment