Saturday, 21 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha


 

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 

Scansom  Publishers

Shirkadda Scansom waa hay`ad ku caan baxday markeedii hore daabacaadda buugaagta ku qoran afka hooyo ee Soomaaliyeed, waxaana lagu aasaasay dalka Sweden sanadkii 1993 kii. Runtii Scansom waa hay`addii ugu horreesay ee isku taxlujisay inay daabacdo buugaag ku qoran afka Soomaaliya - inta aan anigu ogahay - isla markaana la wadaagtay bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iney gaarsiiso buugaagta iyo agabyada kale ee khuseeya dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

       z    Maxamed shiikh Xasan    

Hay`adda Sconsom waa hay`ad madax banaan oo ka shaqeysa horumarinta daabacaada, kobcinta, daryeelka iyo kaydka af Soomaaliga, sida:

-         Buugaag Soomaali ah

-         Buugaag laba-luqood ah (Soomaali iyo Ingiriis)

-         Buugaag maqal ah

-         Buug muuqaal ah (DVD)

Sidoo kale Scansom waxay bilawday inay daabacdo buugaag ku qoran afafka dadyowga dega Geeska Afrika taas ay ugu gol leeyihiin u adeegida bulshada aanu dariska nahay ee dega dalalka Itoobiya, Kenya, Ugaandha, Tansaaniya iyo Eritereeya. Arinkaana waxaanu ka dheehan karnaa in shirkada Scansom haddi ay ku bilowday u adeegida danaha bulshada Soomaaliyeed in ay hadana isku xilqaameen iney daneeyaan dadyowga kale ee nala dega geeska iyo bariga Afrika oo iyana ku firirsan dacalada adduunka baahi badanna u qaba buugaag iyo agabyo kale oo ku qoran afafkooda gaarka ah. Waxaase meesha ka maqnayn iyana in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo degaano ku leh wadamadaa qaarkood isla markaana baahi u qaba afafkaa kale, sida caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhalatay ama ku kortey degaanada Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato iyo kuwa ay haysato dowladda Kenya. Waxay ahaataba buugaagta noocaas ah waxaa ka mid ah kuwo ku qoran afafka ay ka mid yihiin:

-         Amxaari

-         Tigrinya

-         Sawaxili

 

Waxaa xusid mudan in buugaagta ay soo saarto hay`adda Scansom in si fudud looga heli karo maktabadaha Yurub, gaar ahaan Maktabadaha Engiriiska iyo Woqooyiga Yurub.

Waxaa xaqiiqa ah in muddada dheer ee ay jirtay Scansom ay suuqa ku biirisay waayo aragnimo ballaaran iyo wax qabad hufan oo ay u riyaaqeen aqristayaasha Soomaaliyeed ee daneeya dhaqanka, suugaanta iyo Afka Soomaaliyeed.

Waxaa xaqiiqo ah in hay`adda Scansom ay tahay hormuudka daabacaadda Soomaaliyeed ee Yurub, Kanada iyo Ameerika, isla markaana ku caan baxday qaybinta  buugta iyo qoraalka af Soomaaliga oo laga heli karo goobo tiro badan, isla markaana qofku uu heli karo haddii uu dalbado meel uu dunada ka joogaba

Buugaagta ay Scansom ugu talo gashay caruurta wax la koobi karo maha, marka loo eego mudada dheer ay Scansom shaqeeneysay iyo canaawiinta kale duwan ay soo saareen looguna talo galay oo kaliya caruurta.  Buugtaas waxay gaarayaan qiyaastii ilaa 50 iyo dhowr muunadadood  oo kala duwan.

Waxaa muuqata in hay`ada Scansom ay mar walba ku dadaasho sidii ay u kobcin lahaayeen wax soo saarka ay ugu talo galeen carruurta si ay ula tartamaan shirkadaha iyo hay`adaha shisheeye ee reer galbeed oo mar walba soo saara waxyaabaha carruurta quseeya oo tayo iyo tiroba leh. Waxaa kale oo ka mid  ah buugta loo yaqaanno (Flash Cards & Posters) waa warqadaha darbiyada lagu dhejiyo oo caruurta lagu afbaro iyo Kaarar buug ah oo sida turubka oo kale ay carrurtku ku ciyaaraan oo af-Soomali iyo afaaf kaleba laga baro.

Buugaagta caruurta:

Lama koobi karo buugaagta loogu talo galay caruurta oo ay soo daabacday shirkada Scansom, laakiin waxaanu in yar ka tilmaameynaa qaar ka mid ah buugaagtaa  ku qoran afka hooyo oo quseeya caruurta, waayo way adag tahay in la soo koobo buugaagta  ay Scansom ugu talo gashay caruurta, sidii aanu soo tilmaamnay, run ahaantiina dhammaan waxyaabaha ay soo saareen oo idilna waa ay isoo jiiteen, halkan waxaanu ku tilmaami doonaa qaar ka mid ah buugaagta iyo agabka  kale ee loogu talo galay carruurta Soomaaliyeed ee ku nool wadamada loo yaqaan reer galbeedka ee Yurub, Usturaaliya, Kanada iyo Ameerika oo ay Scansom si isku mid ah u gaarto wax soo saarkeeda, inkastoo ay bilowgoodii uu ahaa Yurub gaar ahaan dalka Sweden.

Buugaagta caruurta oo aan ugu talo galey inaa halkaan ku tilmaamno waxaa ka mid ah:

 -   Samad oo ku sugan Saxaraha.

Kani waa buug labo luqoodlaha ah oo ku soo baxay Ingiriis iyo Soomaali, buuggu waa mid loogu talo galay caruurta oo lagu maaweeliyo gaar ahaan caruurta da`da yar , waana buugga ka hadlaayaa waayihii Samad. Buuggu waxaa uu wataa sawiro aad u qurux badan si ay u xiiseeyaan caruurta ulana socdaan sheeko sheeko.

Buugga waxaa qoray Maxamed Cumar , waxaana lagu daabacay dalka Sweden sanadkii 2017 kii.

Waxaa kale oo jira buugaag aad u fara badan oo loogu talo galay caruurta sida:

 -    Aduunka Xoolaha

 


Waxaa qorey qoraa Maxamed Shiikh Xasan, waxaana uu soo baxay sanadkii 2015 kii. Buugu waxaa uu ka kooban yahay erayo iyo sawiro muuqaal caruureed ah oo iftiiminaya noocyada kala duwan ee xayawaanada adduunka, waxaana uu ku qoran yahay labo luqo oo kale ah Soomaali iyo Ingiriis.

 Cawaale iyo Ceebla oo Toronto u soo qaxay

 
 

Kani waa buug caruureed qosol badan oo lamaane reer guuraa ah oo ka guuray Soomaaliya una guuray magaalada Toronto ee Kanada, waxaa qoray buugga Maxamed Shiikh Xasan.

-         Higgaad

Buuggu wuxuu ku habboon yahay caruurta da`doodu tahay 5 ilaa 8 sano. Buugga waxaa qortay Nasra Shiikh Xasan.

 -      Sheekooyinkii Cigaal shiidaad

 


Waa sheeko ka mid ah sheeko baraleeyada caanka ka ah Geeska Afrika. Buugga waxaa qoray Maxamed Shiikh Xasan, waxaana la daabacay sanadkii 2002 kii.

Buugaagta Qaamuuska:

Dhinaca qaamuuska waxaa ay Scansom soo saartey dhowr buug, waxaana shaki ku jirin in qorista iyo isku dubaridka qaamuus ayna ahayn arin fudud, laakiin ahmiyadda iyo baahidda ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ay u qabto buuggaagta noocaas oo kale ah ayay hogaanka Scansom qorsho u dajiyeen sidii ay ku suuro gali lahayd ka dhabaynta riyada dad badan oo ku xiran Scansom. Qaamuusyada soo baxayna waxaa ka mid ah:

-         Qaamuuska Ingiriisiga – Soomaaliga

-         Qaamuuska magacyada Soomaaliyeed

 

Buuggu waxa uu ka kooban yahay ilaa 5000 oo magac oo maadooyin kala duwan

 ah, tusaale ahaan, 900 oo magac oo geedo Soomaaliyeed ah, 870 magac oo rag  Soomaaliyeed ah, 500 oo magac oo dumar Soomaaliyeed ah, magacyo  shimbiraha, duurjoogta, cimilada, roobka, miraha, cudurrada, magacyada  dabeecadda iyo deegaanka, alaabta guriga, dharka, magacyada hasha, iyo  magacyo kale oo badan.

Waxaa xusid mudan in magacyadaa qaamuuska ku soo aroorey ay yihiin kuwa asal ah oo Soomaalidii hore yaqiineen isla markaana isticmaali jireen.

Qiimaha qaamuuska waxaa uu muuqanayaa marka laga dheegto magacyo asalka Soomaali isticmaali jirtay laakiin ay badankood maanta bulshadu ka guurtey, sida magacyada ragga qaarkood oo u badan magacyadii asalka ahaa ee ka horreeyay magacyada Islaamka oo badi beddelay magacyadii hore ee Soomaalida. Buugga waxaa qoray Maxamed Shiikh Xasan.

-         Qaamuuska Caafimaadka

-          

Buugga qaamuuska Caafimaadka waxaa uu ka mid yahay qaamuusyadii ay soo saartay hay`adda Scansom kuna dadaashay inuu noqdo qaamuus tayo leh oo ay farsamadiisa sareyso. Qaamuuska caafimaadka waxaa uu ka kooban yahay in ka badan 2000 oo qoraal ah, waxaana uu ka kooban yahay tiro badan oo ah erey-bixinno caafimaad oo af Soomaali ah oo loo habeeyey hab xaraf ahaan ku socda.

Buugga waxaa daabacay qoraa Maxamed Cali Alto, waxaana daabacay Scansom Publishers bishii oktoobar sanadkii 2005 tii.

-         Qaamuuska Ilays

 

Qaamuuska Ilays waxaa qaamuus ka kooban labo luqadoodle ah oo Soomaali iyo Carabi ah. Qamuuska Ilays waxaa qoray Cabduraxmaan Cabdullaahi Barre oo ku magac dheer Shiine, waxaana lagu daabacay shirka Scansom sanadkii 2015 kii.

Ciyaaraha:

Scansom waxay soo saartey labo buug oo aad u qiimo badan baal dahab ahna ka galey taariikhda ciyaaraha ee dalka Soomaaliya. Qiimaha labadaa buug waxaa uu sii iftiimayaa marka ayno ogaano in qoraaga uu yahay qoraa sare Maxamed shiikh Xasan. Labada buug waxay kale yihiin:

-         Taariikhda kubadda cagta Soomaaliyeed

 Waxaa la oran karaa buugani waa buuggii ugu ballaarnaa ee laga qoro kubadda cagta Soomaaliyeed intii aan arkey. Buuggu waxaa uu runtii daboolayaa xilli in ka badan nus qarni, waayo waxaa uu qoraaga ka soo billaabay sanadkii 1930 kii waxaa uuna ku keenay ilaa sanadkii 2006 dii. Buuggu waxa uu bixinayaa xog ballaadhan oo dheer, isla markaana waxaa uu iftiiminayaa wejiyadii kala duwanaa ee ka qayb qaatay horumarinta kubbadda cagta Soomaaliya.

Qoraa Maxmaed shiikh Xasan buugga uu soo bandhigay ma aha  oo kaliya qoraalo ee waxaa ku jira sidoo kale sawirro muhim ah oo ku saabsan kooxihii asalka ahaa iyo xulkii qaranka Soomaaliya oo soo bilowday xilli hore oo ciyaaraha Soomaaliya. Buugga waxaa daabacday shirkada Scansom Publishers bishii Maarso sanadkii 2008 dii.

 -         Taariikhda kubadda koleyga

 


Buuggan waxa uu ka kooban yahay sawirro naadirka ah oo la soo ururiyey, kuwaas oo qiimo badan leh waxyaabo badanna laga dheehan doono.

Waxay kugu qaadanaysaa safar laga soo bilaabo bilawgii ciyaaraha ee Soomaaliya dhamaadkii 1960-kii ilaa horraantii 1990-kii. Waxay iftiiminaysaa horumarka heer gobol iyo heer dugsiyeedka, kuwaas oo ugu danbeyntiis dhidibada u aasay qarankii guulaysta. Buuga waxaa daabacay Scansom Publishers bishii March 2008  kii wuxuuna ka kooban yahay in ka badan 150 bog

Majaajilada:

Mowduucyada buuggaagta ay soo saarto shirkada Scansom kama marna buuggaagta majaajilada ( comedy). Sanadkii 2012 kii waxay shirkada soo daabacday buug loogu magac daray:

-    Darka Maadda

 

Buugga Darka Maadda waa buug dhinaca majaajilada u janjeera, waxaana qoray Muuse Maxamuud Ciise Dalmar oo ku fara yareystay. Buugga waxaa daabacday shirkada Scansom Pulbllishers, Sweden, oktoobar 2012 kii.

 Suugaanta iyo Dhaqanka:

Waxaan qirayaa in shirkada Scansom ay ku dadaashay in ay daboosho mawduuc kasta oo lays leeyahay baahi ayay u qabtaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha. wax soo saarka la xiriira Suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ay Scansom ka qaadatey kaalin weyn oo la oran karo qoraaladooda waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee soo baxay oo la xiriira uruurinta iyo kobcinta Suugaanta iyo wixii la xiriira afka. Waxaa inagu filan inaan dib u jaleecno liiska wax soosaarkooda, tusaale ahaan:

-         Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle, waxaa qorey Maxamed Xuseen Macallin.

 

Dawaawiinta la xiriirta Suugaanta ee tix iyo tiraab oo ay soo saartay shirkada Scansom waxaa kaloo ka mid ah:

-         Diiwaanka Gabayada Soomaaliyeed 1- 5.

-         Diiwaanka Heesaha Soomaaliyeed 1 - 4.

-         Diiwaanka Maahmaahda Soomaaliyeed - 5.

Dhammaan dawaawiintaa waxaa wada qoray Maxamed shiikh Xasan.

 Buugta Carruurta waxay Shirkaddu daabacayday qiyaastii 40-50 Buug oo kala duwan oo carruurta keliya ku saabsan. Waana muddada u dhaxaysa 1994-2022.

Waxaa xusid mudan in buuggii ugu horreeyey ee carruurta oo ay shirkada daabacday sannadkii 1994, waana Sheekooyinkii Boqoraddii Arraweelo.

-         Buugta Silsiladda Gurmad iyo Gabayada waxay shirkaddu daabacady buugaag badan oo gabayo ah. Qiyaastii in ka badan ilaa 30-35  muunadood oo kala duwan muddadii u dhaxaysay 1994-2021

-         Buugta Heesaha iyo Riwaayadaha Soomalaiyeed qiyaastii ilaa 7 buug

-         Buugtaa Maahmaahyada ilaa 3 caddad 19977-2021

-         Buugta Sheekooyinka khayaaliga ah (Fiction Novels)  qiyaastii 50 iyo wax la jira.

-         Buugta Taarikkhda qiyaastii 5 Buug

-         Qaamuusyo kala duwan qiyaastii ilaa 5 buug

-          Buug kale oo badan oo isku dhafan oo gaaraya  50-65  buug oo kala duwan muddadii u dhaxaysay 1994-2022

-         Shirkaddu waxay soo saartay oo ay kutubtooda daabacaday qorayaal badan oo gaaraya 40-50 qoraa oo kala duwan.

-       Shirkaddu waxay luqado kala duwan ku daabacday buug ku saabsan fahamka saxda ee Diinta Islaamka si loogu gudbiyo gaar ahaan dadka aan muslimiinta ahayn. Buugtaas waxaa ku daabacanyiniin  luqadaha ay ka mid yihiin Afka Carabiga, Af-Ingiriisi, Af-Talyaani, Af-Jarmal, Af-Ruush, Afka -Isbaanishka. Buugtaaas tiradoodu waxay gaaraysaa ilaa 15 buug oo kala duwan. Arrinkaana waxaanu oran karnaa waa howl aan looga horeynin in ay u istaagto sharkad qurbo joog ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika iney howlaha sidaa u baaxadda weyn ay u istaago iyada oo aan heysan awood garab taagan oo hiil iyo hooba la daba joogta.

-     Shirkaddu waxay dib u daabacday wargeysyadii dalkeenna ka soo bixi jiray 1960-1990 kii, oo ilaa iyo 15 Wargeys ayey dib u casriyeysay oo dib u daabacday.

-       Waxaa ka mid ah wargeysada Somali News 1961-1969 kii.

-  National Review Magazine 1963-1969 kii, Somali Internattional Magazine 1968 kii, Halgan, Heegan, Xiddigta Oktoobar 1973-1986 kii. Wargeysyada waxaa dib loo daabacay sannadkan 2021-2022.

-   Shirkaddu waxay iba furtay qaarna dhiirigelisay bandhig buugeedka badanaaba dalka dibediisa iyo gudaha lagu qabto. Waxay bandhig buugeed ka samaysay qiyaastii ilaa 70 magaalo oo kala duwan oo ku kala yaala qaarado kala duwan.

 Ugu danbeyntii waxaa aad ii soo jiitey qof ahaan halhasyka shirkadda Scansom oo ah  (U hiili afkaaga hooyo, ku anqari oo ku ababi ubadkaaga).

 

 Maxamed Shiikh Xasan Nuur

Qofna waxaanu inkiri karin in haddii hawl la qabto uu qof uun hormuud u noqonayo, inkastoo ay howlwadeenada shirkada Scansom ay badan yihiin haddana waa lawada ogsoon yahay in qoraa Maxamed shiikh Xasan yahay

aasaasaha iyo hormuudka shirkadda oo uu waqti iyo maskax badanna ku bixiyey iney gaarto heerka ay maanta gaarsiisan tahay. Howsha uu qabtey halyey Maxamed shiikh Xasan waxaan oran karaa waa mucjiso, waayo waxaa uu soo banbaxay xili aaney dadka badankoodu ku fikireynin buug, bandhig iyo qoraalba, sidaa darteed waa mudan yahay aqoonyahankaan in aanu tilmaamo dhowr ah ka bixino taariikhdiisa oo aan is weydiino waa kuma Maxamed Shiikh Xasan?

Qoraa Maxamed shiikh Xasan Nuur waxaa u ka soo jeedaa qoys ahlu cilmi ah isla markaana ku caan baxan iney yihiin dad u khidmeeya diinta faafinteeda, sidaa darteed la yaab malaha in yaraantiisiiba uu ahaa qof ka dhisan guriga oo diyaar u ah waxbarasho.

Qoraagu waxaa uu gacan weyn ka geystay horumarinta buugaagta, gaar ahaan kuwa la xiriira manhajka waxbarashada ee ardada dugsiyada hoose/ dhexe iyo sareba.

Runtii Maxamed shiikh Xasan Nuur waa qoraa, cilmi baare iyo guddoomiyaha shirkada Scansom , isla markaana ah aasaasaha shirkadda daabacda buugaagta ku qoran afkeena hooyo, sida aanu horey u soo xusnay.


No comments:

Post a Comment