Friday, 19 October 2018




Doorashada koofur galbeed iyo deganaashaha siyaasadeed

3

Dr. Maxamed Xuseen Macallin
Hogaanka koofur galbeed oo hadda talada haya lama yareysan karo oo doorashada illaa iyo hadda sida ay qorsheenayaan ayey u socotaa, taa waxaa u dheer barlamaanka wax dooranaya waxaa soo xuley Shariif Xasan sh Adan oo mar kale doonaya inuu dib ugu soo laabto kursiga isagoo og in xaaladda ay ka duwan tahay tii hore.
Haddii ay dowladdii uu hogaanka u yahay madaxweyne Xasan shiikh Maxamud ay isla jaanqaadeen bilowgii koonfur galbeed, maanta dowladda uu hormoodka ka yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wey ka duwan tahay sida aan horey u soo cadeeney, laakiin  khibradda dheer oo uu Shariifku ka heley waqtigii dheeraa ee uu siyaasadda ku soo jirey iyo wada shaqeyntii uu madaxweynayaal dhowr ah uu la soo shaqeeyey oo ay qaar koodna ay is qabteen laakiin isaga u harey masraxa siyaasadda waa laga yaabaa in ay caawiso. Marka taa laga soo tago waxaa kale iyana jira musharixiin badan oo culus taageerayaal ku filanna ka heysta dadweynaha koofur galbeed iyo isbaheysiyo siyaasadeed, isla markaana doonaya iney talada koofur galbeed gacanta ku dhigaan.
Runtii Shariifku ma mooga arrintaa waana uu ka sii baaraan degey in xaaladdaan oo kale imaan doonto, waxaan marna kaqarsooneyn iney soo food saartey culeys siyaasadeed oo kaga imaanaya dhanka dowladda federaalka iyo shacbiga degaanada koofur galbeed qaarkood oo quudareenaya in fursadda soo socota la siiyo qof aan Shariifka aheyn, laakiin Shariifku waxaa uu ka soo jeedaa Ahlu beytkii Nabigeena suubanaa - Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – isla markaana akhlaaq wanaagsan oo aanan marnaba aflagaado iyo xumaan afkiisa laga maqlin oo nugul, dhanka siyaasaddana waxaa uu iibinayaa warqad culus oo ku aadan waxqabadkiisa koofur galbeed inaan layska indho tirin laguna qadariyo, gaar ahaan in dib loo jaleeco  meesha  uu ka soo qaadey koofur galbeed iyo xaaladda maanta ay mareyso, lana arko tartanka maamulkiisa uu kula jira dowlad gobeleedyada Soomaaliyeed ee kale. 
Waxay ahaataba marna waxaan indhaha laga daboolan karin deganaashaha siyaasadeed ee ay maanta ku baashaalayaan tartamayaalka taa aan jirin dowlad goboleedyada qaarkood sida Jubbaland, Hirshabeele iyo Galmudug, runtiina arrinkaa ma aha mid si lama filaan ah ku yimi ee waa xaalad siyaasadeed ay horumood u tahay dowladda koofur galbeed ee uu  hormoodka ka yahay Shariifka, iyo hido raac ay shacabka degaanadaan ay  leeyihiin kaa oo salka ku haya sooyaal fog oo nabad jeceel ah, inkasta oo dhextaal soo galey ka dib markii uu qarankeenii burburey, waxaase isweydiin mudan in maalmaha soo socda ay sidaa arrintu ahaan doonto iyo in kale. 
Dad badan ayaa waxay ka shaki qabaan in ay dhici doonto dib u gurasho ku timaada maamulka Shariifka oo doonaya iney mar labaad talada qabtaan, haddii ay dareemaan xaalad culus oo ka hortaagan riyadooda, taana waxay sababi kartaa isku dhac xoogan iyo iney ay lumiyaan qadarintii iyo maamuuskii loo hayey.
Culueyska ugu weyn waxaa uu yahay in aanan leysku haleyn karin xildhibaanada wax dooranaya heshiis kasta oo lala soo galaba, xaaladaas waxay koofur galbeed la wadaagtaa dhammaan dalka oo idil, waxaa la ogaadey in qofka rabitaankiisa aanan hor istaagi karin, danooyin hoose oo ay ugu horeyso dhaqaale iyo heeb qabiil, gaar ahaan markii culumo dhowr ah ay ka soo yeertey oraah la xiriirta fatwooyin diineed oo faraya u hiilinta danta dalka iyo ummadda Soomaaliyeed oo muslimka ah, mana filayo in dhamaam musharixiintu ay moog yihiin xaaladaa.
Cidna kama qarsoona iney maanta koofur galbeed taagan tahay xaalad oraneysa:
 (Ka sheexa wixii ….. na Sharaf dilayee
Bushimihii sharwadoow …… shib naga dhaha.)
Nabadgalyo iyo qoraalka xiga

No comments:

Post a Comment