Tuesday, 17 May 2022

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

 

Xarumaha aqoonta Soomaaliyeed ee qurbaha

(Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub) 


Si aanu u muujino dadaalada qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku aadan kor u qaadida dhaqan iyo afka Soomaaliyeed waxaanu halkaan ku soo bandhigi doonaa  - haddii uu Illaahay idmo - qoraalo taxane ah oo ka hadlaya xarumaha aqoonta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ay ka yagleeleen dadka Soomaaliyeed qurbaha si ay qeyb uga qaataan horumarinta dhaqanka iyo afka hooyo. Waxaase xusid mudan in qoraalkeenu uu ku kooban yahay oo kaliya xarumaha ku yaalla boqortooyada Ingiriiska iyo woqooyiga Yurub, maxaa yeeley waxaa jira dadaalo aad u badan oo ku firirsan goob kasta oo ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin taana waxay mudan tahay baaritaano qoto dheer iyo dadaalo loo wada dhan yahay oo u furan qorayaasha Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan.


Hal - abuur waa wargeys - xilliyeed madax bannaan oo isku howla aruurinta, lafa - gurka, faafinta iyo horumarinta suugaanta,afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, meel ay joogtaba. Inkasto ay Hal-abuur ka soo baxi jirtey magaalada London ee dalka Ingiriiska hadane waxaa la gaarsiin jirey meelo kale duwan oo adduunka ka mid ah sida: Iswiidan, Norway, Jabuuti, Kanadaiyo Faransa.

Hal-abuur waxaa uu ku dhashay isku-dayid dad iskood isu xilqaamey , ujeedadooduna tahay in gacan laga gaysto badbaadinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed buburkii ka dib.

Runtii qiimaha iyo nuxurka ay Hal – abuur leedahay waxaa kuugu filan muuqaalka iyo ka dhexmuuqadka hogaankeeda iyo golaha tala - bixinteeda  aqoonyahano la tilmaamo Afrika iyo caalamka sida:

-         Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

-         Professor B. W. Andrzejewski.

-         Professor Giorgio Banti.

-         Cabdi Muxumud Amin.

-         Nuruddin Farah.

-         Isaaciil H. Taani.

-         G.L. Kabjits.

-         Professor I. M. Lewis.

-         Maxamed X. Mukhtaar.

-         Martin Orwin.

-         Siciid Jaamac Xuseen.

-         Siciid Saalax Axmed.

Dhinaca golaha tifaftirka waa mid dhameystirey muunada iyo qiimaha aqooneed ee ku dheehan Hal- abuur, kuwaa oo kale ah:

-         Dr. Maxamed Daahir Afrax, tifaftire.

-         Sacdiya Muuse Axmed, tifaftire - xigeen.

-         Cabdisalaam Ciise- Salwe, Xoghaye.

Waxaa kale oo ka qeyb ka ah tifaftirka iyo kale soocidda suugaanta Soomaaliyeed tix iyo tiraab waxay ahaataba aqoonyahano kale oo uu ka mid yahay:

-         Professor Cali Jimcaale Axmed, tifaftire.

-         Fu`aad Cabdulcasiis.

-         LIdwien Kaptejins.

-         Maxamed Cabdi Maxamed.

-         Maxaed Cabdillaahi Riiraash.

Iyo kuwo kale.

 


Qiimaha wargeyska Hal – abuur waxaa kale oo kuu cadeenaya marka aad dib u milicsato  Xirmada (Vol) 1aad, tirsigiisa 1 aad oo soo baxday xagaagii 1993 kii, taa oo laga dheegtey dhowr qormo iyo warbixino aad aad iyo aad u sareeya. Tusaale ahaan haddii aan tilmaamno qaar ka mid ah maqaalada iyo warbixinada ku soo aroorey Hal – abuur tirsigii aanu soo sheegney waxaa ka mid ah:

-         Murtida magac - bixinta dhaqanka Soomaalida, waxaa qorey Cabdi Aadan

Cabdille.

-         Maansada dumarka Soomaaliya ( Cod la dhageysan la`yahay), waxaa

qortay Seynab Maxmed Jaamac.

-         Qaran iyo Qabiil ( Riwaayad digniin bixisay), waxaa qorey Dr. Maxamed Daahir AFrax.

-         iyo qoraalo, lafagurid, maansooyin iyo faaqidaad suugaaneed oo kale.

Tirsiga Hal-abuur ee aanu soo sheegney waxaa ku lagu soo bandhigey maansooyin ay ka mid yihiin:

-          Mar haddii afkaygii la qorey, waxaa tiryey abwaan Cabdulle Raage Taraawiil.

-         Gudgude Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

-         Qabyaalad iyo Iimaan la`aan, waxaa curiyey Abwaan Abshir Nuur Faarax ( Bacadle).

-         Kal-gacaylka basaasay, Siciid Saalax Axmed.

-         Wadankaaga joog, waxaa soo bandhigey Ismaaciil Aw-Aadan.

dhanka sooyaalka suugaaneed waxaa Hal-abuur lagu soo bandhigey sheekookin aad u qurux badan sida sheekada la magac baxday:

-         Guduudane, waxaana qoray  qoraa Cabdisalaam Ciise- Salwa.

-         Sheekada Nikaax, waxaa qorey qoraa Cabdullaahi M. Faaraxx oo ku

magac dheer Tuulax.

-         Sheeko Murti iyo Maad leh.

Waxaa meesha aan kamarneyn iyana Maah maahyadii Soomaaliyeed oo qeyb muhim ah kaga jirta suugaanta Soomaaliyeed, Maahmaahyadaana waxaa lagu soo qorey bogga 56 ee Hal-abuur.

Waxaana shaki ku jirin in wargeyska Hal-abuur uu buuxiyey kaalin weyn oo banaanaatey ka dib markii ay bur burtey dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, waxaadna moodaa in ay howlwadeenada Hal-abuur ugu talo galeen iney Soomaalida u noqdaan tusaale fiican oo ay ka qeyb qaadan karaan horumarka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si ay awoodooda iyo wax soosaarkooda meel isugu geeyaanna wax ay hogaankooda  go`aan ku gaareen soosaaridda wargayska Hal-abuur.

Waxaa hubaal ah in wargeyska Hal-abuur uu qeyb libaax ka qaatey horumarta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, inkasto ay sanooyinkii hakatey hadana waxaa iska cad in laga heley dhaxal weyn oo ku beegan afka, dhaqanka iyo suugaanta kale duwan ee uu Illaahey ku maneystey ummadda Soomaaliyeed.

 Yaa gadaal ka taagnaa Wargeyska Hal-abuur?


 

Qof walba waa uu og yahay in hergelinta iyo xaqiijinta guusha aaney qof kaliya ku xirneyn, gaar ahaan markii arintu tahay aqoon iyo madal cilmiyeed, waxaase lawada qirsan yahay in Dr. Maxamed Daahir Afrax uu ahaa tiir weyn oo ka mid ah tiirarka uu ku taagnaa wargeyska Hal-abuur ee ka soo bixi jirey magaalada London, sidaa darteed waa uu mudan yahay in markii uu geeriyooday haldoorkaa Soomaaliyeed ee gilgishay goobaha aqoonta iyo dhaqanka ee ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ku barooratey iyagoo ka murugeysan geerida ku timid halyey u soo halgamey horumarka afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

La yaab ma lahayn markii dadka qaarkood ay ku tiraabeen dhimashada Dr. Afrax ka dib qoraalo badan oo muujinayay dareenkooda ku aadan bixidda aqoonyahaykaa waqtigiisa ku qaatey u hiilinta afka hooyo.

” Maantana waxaa innaga tegey “madhaafaankii suugaan-tiraabeedda Soomaaliyeed” iyo “u-hiilliyihii afka hooyo”.

Waa dhan maalintaaa dadkeena waxaa ka tagay haldoor aan marna la hilmaami karin; waxaa ka jabay tiir u taagnaa afka, dhaqanka iyo aqoonta.

 Maamuuska haldoorka Soomaaliyeed

Waxaa dhab ah in bulsho walba ay maamusto halyeeyadeeda iyo haldoorka ka soo baxakuwaa oo qeyb qeyn ka qaatey horumarka ummaddooda dhinaca ay noqotaba.

Sidaa darteed waxaa xaflad lagu maamuusay qoraa sare dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho bishii nofenber sanadkii 2020 kii, waxaa xafladaa soo qabqaabiyey, waayo qoraagu inta badan cimrigiisa waxaa uu u heelanaa horumarinta afka, suugaanta iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, waxaa uuna kaalin wax u ool ah ka qaatey difaaca afka hooyo ka dib markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed burburtey. Dr. Afrax waxaa uu arimaha aanu soo sheegney u istaagey waqti bulshadeenu badankeed ay ku mashquulsaneyn arimo wax u dhibaya dhaqan iyo haybaddda Soomaaliyeed, sidaa darteed xafladda lagu maamuusey kama imaanin meel cidla ah ee waxaan qabaa iney timid waqtigii ku hobooneen.

Waxaa aqoonyahaykaa loo sameeyey xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu maamuusayay in lagu soo bandhigo haldoorkii xilligaan, ayna ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyeyaal, aqoonyahanno, abwaanno, qorayaal, ururada bulshada rayidka ah iyo dhallinyaro aad u badan ayaa taariikhdu markey ahayd 16/11/2021 kii, xaflada waxay ka dhacday Hotel Maa’ida (Ex Naasa-hablood 2) ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafladdaas oo aad loo jeclaystay ayaa ahayd middii ugu qiimaha badnayd oo ay soo abaabulaan bahda Haldoor. Furitaankii xafladda ka dib waxa halkaasi lagu daawaday Filim ka hadlayay “waa kuma Haldoorka caawa?” Filimkaas oo si aada loola dhacay ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaybo ka mid ah taariikhda, waxqabadka iyo guusha uu haldoorku ka gaaray dhinaca qoraalka iyo sida naf-hurnimada ah ee uu had iyo goor ugu heelan yahay hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Filimkaas oo qof walba soo jiitey ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday buugaagtii uu haldoorku qorey sida: 

-         Maana-faay.

-         Galti Macruuf.

-         Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay.

-         Maadeys.

-          Durbaan Been ah.

Iyo buugaag kale oo uu haldoorku ku qorey afka Carabiga.

Sidoo kale filimkaasi waxaa uu sawir qurux badan ka bixiyay nafhurnimada haldoorka iyo sida ay uga go’an tahay inuu mar walba u taagnaado daryeelka, ilaalinta iyo horumarinta afka, dhaqanka, suugaanta, Iwm.

Markii si fiican loo daawadey waxtarka haldoorkaas ayaa coddeeyihii filimkaas waxa uu Bulshada Soomaaliyeed la wadaagay magaca Haldoorkii 5-aad ee taxanaha barnaamijka Haldoor, kaasi oo loo aqoonsadey Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Hal mar ayaa la wada istaagay, Sacab ayaa is qabsadey hoolkii ay xafladda ka dhacaysay, waa u qalmaa, waa istaahilaa, waa mudan yahay, Allaylahee waa la helay iyo ereyo kale oo la mid ah ayay ku dhawaaqayeen bulshadii halkaas ku sugneyd.

Iyada oo la galbinaayo ayaa Haldoorkii 5-aad la geeyay Masraxii ay xafladdu ka dhacaysay, waa la cimaamadey, si cajiib ah ayaa loo caleema-saaray, haddiyado isugu jirey Kitaabka Quraanka, Calanka Soomaaliya, Shahaado Sharaf, Ubax iyo Qalin ayaa la guddoonsiiyay Haldoor Maxamed Daahir Afrax.

Hadal uu halkaasi ka soo jeediyay haldoorkii Duubka loo xiray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo garto haldoorkii 5-aad, waxaana uu cadddeeyay in aanu fileyn in isaga la cimaamadi doono, isaga oo u mahadceliyay bahda Haldoor.

Wasiirka Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Haweenka Xildhibaannad Xaniifa Maxamed Ibraahim, Xildhibaan Sakariye Maxamud X. Cabdi, Xildhibaan Xaawo Yuusuf, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Maryan Aadan Amiin, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux, Guddoomiyaha Degmada C/casiis Marwo Ubax-Roodo,Guddoomiyaha barnaamijka Haldoor Dayax Axmed Maxamed,  Guddoomiyaha ururka dhallinyarada G/Banaadir, Cabdi-kaafi Makaraan, Gudoomiyaha Nusoj Md. Cawil & masuuliyiin kale oo xafladdaasi ka hadlay ayaa u hambalyeey haldoorkii lala caweynayay.

Masuul walba oo ka hadlay fagaarahaas ayaa si kalgacal leh u bogaadiyay Haldoorka la cimaamadey ee Maxamed Daahir Afrax, iyaga oo qirey in Dr. Afrax uu u qalmo wax walba oo la isku sharfo.

Aqoon, dadaal, dulqaad, daacadnimo, hal-abuur, karti & ilaalinta Afka Hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa Dr. Afrax lagu siiyay biladda muujinaysa Haldoorka xilligaan.

Runtii habeenkaa waxay noqotay habeen qaali ku ah ummadda Soomaliyeed oo la xasuusnaan doono maadaama ay dhacday xaflad ballaaran oo lagu cimaamadey haldoorkii xilligaan.

                    Xafladda maamuuska Dr. Afrax

 Ugu danbeyn Dr. Maxamed Daahir Afrax halgan dheer ka dib waa uu ku geeriyoodey London 9 oktoobar sanadkii 2020 kii, laakiin wax qabtiisa ma guurin. Dhimashada Dr. Afrax waxay gilgishey dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyahayka, inkastoo dhimashadu ay xaq tahay hadane baahinta geerida ku timi Afrax waxay ay qof ahaan igu reebtey tiiraanyo gaar ah, waxaanse ku diirsatey qoraaladii lagu muujiyey inuu qof culus ahaa oo ka baxay Soomaali meel ay joogtaba, gaar ahaan qoraaladii ay soo saareen: Dr. Cabdifatax Nuur (Ashkir), Abwaan Maxamed Amiin al Hadi, Dr. Cumar Warsame, Qaadi Maxamed Cumar Ahmed, Qoraa Xasan Qorane iyo kuwo kale oo badan. Illaahey ha u naxariisto Dr. Maxamed Afrax.

Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaa uu ku dhashay sanadkii 1952 kii magaalada Jariiban ee ka tirsan gobolka Mudug, waxaana uu ka soo jeedey qows reer xoolo dhaqato ah, laakiin yaraantiisiiba waxaa la geeyey magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabey waxbarasho ka dib markii uu ku biiray dugsiga hoose dhexe ee xaafadda Xamar Jajab, ka dib waxaa uu ka baxay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinaasir. Ka dib waxaa uu u safray dalka Yamanta Koofureed gaar ahaan magaalada Cadan oo uu ka dhigtey Jaamacad, inta uusan aadin dalka Ingiriiska oo uu ka sameeyey shahaadooyinka Masterka iyo Digtooraaga jaamacadda London gaar ahaan qeybta baaritaanada Afrika qaabilsan.

Waxaa uu Afrax ka shaqeeyey wasaarada waxbarashada iyo akadeemiyada cilmiga. Waqtigii dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan waxaa loo magacaabey inuu noqdo wasiiru dowlaha arimaha iskaashiga caalamka. Waxaa kale oo uu noqday lataliyaha madaxweynaha Jabuuti ee arimaha luqadda Soomaaliga. Afrax waxaa uu noqday gudoomiyaha  akadeemiyadda qowmiyada Soomaalida ee lagu aas aasay dalka Jabuuti.

 


           Duleedka Garoowe

 

 

No comments:

Post a Comment