Saturday, 14 May 2022

Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed

                                                         Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed 

                                                                                         7

Kaabaha dhaqanka iyo afka

Tarjumada

Dadaalada qurbo joogta Soomaaliyeed kama marna in ay bulshada Soomaaliyeed la wadaagaan taariikhaha iyo ilbaxnimada dadyow kale ee caalamka ka mid ah kuwaas oo ku soo baxay buugaag laakiin ku qoran afaf aan ahayn afkii hooyo ee Soomaaliga ahaa. Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyaga oo ujeedadoodu tahay in aqristaha afka Soomaaliga wax ku aqriyo  ay la wadaagaan buugaagtaa ku qoran afafka kale ka dib markii ay u bedeleen afka Soomaaliga si ay ugu fududaato aqristaha afkeena oo ay ku gaarto aqoonta iyo xadaaradaha ummadaha kale oo faa`iido u leh bulshadeena.

Taa macnaheedu waxay tahay dadaalada hal-doorka Soomaaliyeed ee qurbaha kama uusan bakhiilin bulshadiisa inuu la wadaago horumarka iyo khibradaha ummadaha kale, isla markaana aan meesha ka bixin afkiinii hooyo oo ay buugaagtaa lagu soo tarjumey.

Waxaanu og nahay in dhaqdhaqaaqyada tarjumada ineysan casriyadaan billaaban, belse ay tahay mid soo jireen ah oo ummaddaha adduunka oo idil ay adeegsan jireen, waxaase xusid mudan in dadyowga muslimiinta ay muddo hore adeegsadeen tarjumada iyagoo ujeedku ahaa in laga faa`iideysto wixii cilmi iyo aqoon ku duugan khibradihii ummaddahii hore ee Beershiyiinta, Roomaanka iyo Gariigii hore iwm.

Waxaa la oran karaa tarjummadu waxay bilaabatey waagii Rasuulkeena Mohammed - naxariis iyo nabadgelyo korkiis ha ahaatee - waxaana jirey dhowr ka mid ah Asxaabtii Nabigeena oo awood u lahaa afaf kale oo ay ka mid yihiin Sariyaaniya, Roomaan, Faarisi iwm, marar badanna adeegsatey inay u kala tarjumaan afka Carabiga iyo afafkaa qalaad, tarjumada waxay u badneyd mid oraaheed oo lama hayo waayahaa qoraalo ku tusinaya in ay jireen tarjumaad qoran , laakiin waxay taariikhyanadu soo xigtaan iney jirtey dhowr sadar oo laga dhaxlay tarjumaad uu sameeyey Saxaabigii lagu magacaabi jirey Camru ibnu Caas taa oo ku qorneyd afka Gariigga sanadkii 22 ee Hijriyadda.

Waxaa xigey horaantii dowladdii Ummawiyiinta waqtigaa oo horumar weyn laga sameeyey arrinka tarjumadda gaar ahaan dadaaladii uu sameeyey amiir Khaalid ibnu Yasiid ibmu Macaawiya kaa oo dad u direy dalka Masar gaar ahaan magaalada Al Iskandariya isagoo dalbaday in la soo iibiyo buuggaagta ka hadleysa Caafimaadka, Kiimikada loona tarjumo afka Carabiga.

 

Waayihii dowladdii Cabaasiyiinta waxay la sameeyey xarumo u gaar ah tarjamada si loo hormariyo aqoonta iyo ka faa`iideysiga horumarka ummaddaha kale, waxaa caan ahaa xaruntii lagu magacaabi jirey ” Daarul Xikma ” ee uu aas aaskeedu lahaa Khaliifkii muslimiinta Haaruun al Rashiid in ay noqotey daartii ugu caan saneyd ee ay dadka muslimiinta waagaa dhidaba u taageen. Waqtiga Cabaasiyiinta waxaa ay muslimiinta aad u daneenayeen xiriirka cilmiga ay la leeyihiin Hindiya, Shiinaha iyo ummaddihii kale ee ku hareersanaa Khilaafadda muslimiinta ee waagaa. Markii uu xukunka qabtey wiilkiisii Ma`muun ibnu Haaruun waxaa uu aad u ballaariyey mushruucii tarjumada oo uu xoogga saarey in la keeno kutub badan iyo in la shaqaaleysiiyo mutarjimiin ku xeel dheer tarjumada oo laga kala keeney daafaha dunida gaar ahaan caasimaddii Roomaanka ee Qustandiiniya.

Taa waxaan ula jeednaa in dhaqdhaqaaqyada tarjumadu ay aheyd qeyb ka mid ah habkii aqoonta iyo khibrada u faafi jirtey, door lixaad lehna ka qaadatay hurumarka aqoonta dhinacyo kale duwan.

 

Soomaaliya iyo Tarjumada

Marka aanu u soo noqono in afka Soomaaliga wax lagu tarjumo ma ahaa mid dhawaan bilowdey,  waxaa la oran karaa waxaa ay dhaqdhaqaaqa tarjumada la bilaabatey hirgelintii qorista afka Soomaaliga, waxaana jira buugaag badan oo afaf kale duwan ku qoran in loo soo tarjumay afkeenii hooyo. Sidoo kale waxaa jirey riwaayado caalami ah oo loo soo tarjumay afka Soomaaliga sida uu sameeyey Shariif Saalax Maxamed Cali, ka dibna uu sameeyey Dr. Maxamed Daahir Afrax, iyo qaar kale oo badan.

Marka la eego qoraa Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa uu tarjumay riyaayaddii caanka noqotey ee la magac baxday ( The Trials of Brother Jero) ee uu qoray qoraaga Nayjeeriyaanka ah ee Wole Soyinka.

Sidoo kale Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa uu iyana tarjumay sheeko Giriig ah oo la oran jiray ( Sophocles`s Electra).

Waxaa xusid mudan in labada tarjumadood aan la daabacin sida uu ii sheegey qoraaqa Shariif Saalax qudhiisa inta uusan dhiman wax yar ka hor, laakiin ay ka mid tahay dadaaladaa uu Shariifku sameeyey qoraaladii uu qoray oo tiro badan oo inta badan la daabacay.

Waxaa iyana jirta qoraa Saynab Aadan Sharci ku ku dhalatey boqortooyada Ingiriiska isla markaana ku caan baxday qorista buugaagta gaar ahaa buugaagta caruurta , waxaa kale oo ay Saynab sameysay tarjumada buugaagta qaarkood, waayo turjumaadda buugaagta runtii waa talaabo kale oo ay Saynab ku tallaabsatey oo dhanka wax soo saarka ku saabsan, taa oo ay uga gol lahayd in ay afka hooyo ku tarjumto buugaagta ay u arkaysay in ay ka faa`iidaysan karaan aqristayaasha, sidoo kale Saynab waxay afka Ingiriiska ku tarjumtay buugaag ku qoran afka Soomaaliga si ay uga faa`iidaystaan dadyowga ku hadla afka Ingiriiska.

Inkastoo aan la koobi karin doorka aqoonyahayka Soomaaliyeed ee uu kaga jiro dhinacyada tarjumada hadana dadka aanu soo tilmaamney waxay ka mid yihiin kuwa doorka ka qaatey tarjumadda, taa mecnaheedu ma aha in intaa ay ku kooban yihiin, waayo waxaanu og nahay iney jiraad dadaalo kale oo badan oo door weyn ka qaatay xagga tarjumadda, kuwaa oo ay ugu horeeyaan culumada ku xeel diinta oo ku tarjumad culuum badan afka Soomaaliga, oo qaarkoodna la daabacay, sida dhigaalada laga soo tarjumay tafsiirka, xadiiska, fiqiga, siirada iwm.

Waxaa kale oo tusaale u ah arrinka tarjumada iyo door ka ay ku leedahay aqoonyahanka Soomaaliyeed inaan la koobi karin dadaalada aalaaba ay ku dhaqaaqaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta dheer u leh afafka kale ee qalaad oo leh wax soosaar tarjumadeed, kuwaana waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa Khaalid Saciid oo ka mid ah kooxda ururka Ilmo ee dalka Ingiriiska, isla markaana ah tafatire ka howl gala buugaagta ay Ilmo soo saarto. Khaalid waa qoraa da'a yar oo ku dhaqan magaaladda Hargeysa, waxaa uu bartay culuumta Sayniska oo uu ka qallinjabiyay Jaamacadda Hargeysa.

Sannadkii 2016 kii waxa uu Khaalid ka mid ahaa dhalintii ku guuleysatay abaalmarintii Sanaa Theathre Awards, taana waxaa uu ku mutaystay turjumaddii uu la sameeyay "Majalada Africa" oo fadhigeedu yahay dalka Kenya. Turjumudii ugu ballaadhnayd abid taariikhda Afrikaanka Halkaas oo hal qoraal oo ku qornaa afka Sawaaxiliga ay u turjumeen in ka badan 33 luqadood oo Afrika iyo caalamkaba lagaga hadlo oo Afkeenna hooyo ee soomaaligu ku jiro.

Waxay ahaataba marka aynu eegno qurbojoogta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan aqoonyahannada aanu kor ku soo tilmaamney ee kala ah Shariif Saalax Maxamed Cali , Maxamed Daahir Afrax iyo Saynab Sharci, waxaa iyana jira qaar kale oo maskax iyo maalba ku bixiyey sidii ay  u soo saari lahaayeen buugaag ku tarjuman afka Soomaaliga isla markaana xanbaarsan aqoon isla markaana faa`iido u leh dadka ku hadla afka Soomaaliga, inkastoo ay badan yihiin hadana waxaanu halkakan ka tilmaameynaa kuwii ay inoo suugo gashay inaanu gaarno akhbaartooda iyo wax soo saarkooda, taana macnaheedu ma aha in ayna jirin dadaalo kale oo ay dad Soomaaliyeed sameeyeen oo ku ka mid ah qurbjoogta ku dhaqan Ingiriiska ama woqooyiga Yurub.

 

Boodhari Warsame iyo dadaaladiisa tarjumadeed

 

Ustaad Boodhari Maxamed Warsame waa cilmi-baare madax bannaan oo degen dalka Iswiidhan (Sweden), waa macallin, qoraa, turjumaan suugaaneed, tafatire, aqoon-yahan  ku xeer dheel dhaqanka iyo suugaanta. Boodhari waxaa uu bixiyaa tababarro iyo casharo la xiriira dhanka qoraalka iyo cilmi-baarista, gaar ahaan waxaa uu dhalinyarada ka caawiyaa sidii ay u fahmi lahaayeen tarjumada oo uu ka siiyo aqoon durugsan wixii la xiriira.

Boodhari Warsame waxaa uu ka mid yahay dadka ugu caansan oo ku mashquulsan iney soo saaraan buugaag ay u tarjumeen afka Soomaaliga, isla markaana ku dadaala sidii ay u tababari lahaayeen dhalinta Soomaaliyeed ee daneeya tarjumadda, taa oo ay ka bixiyeen siminaaro iyo tababaro la xiriira dhaqdhaqaaqa tarjumada iyo astaamaheeda, iyo waliba maxaa looga baahan yahay qofka doonaya inuu wax tarjumo. Isla markaana waxaa uu mareegaha ku soo daabacay dhigaalo taxane ah oo uu ugu magac darey ” Tabaha Tarjumadda ” si ay da`yarta uga faa`iideystaan.

 


Mashruuca tarjumada buugaagta uu soo saaray ama uu ku howlan yahay ustaad Boodhari Warsame waxaa ka mid ah:

 -         Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika

Buuggaan waxaa qorey Kabtan Sir Richard Francis Burton oo ahaa nin Ingiriis ah oo ku xeel dheer dhanka juquraafiga. Buugga waxaa daabacay madbacadda Looh Press sanadkii 2017 kii.

Kalahaadkii Muqdisho



Waa buug xusuusaha dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya 1991 kii, waxaa qorey ustaad Yuusuf Maxamed Xayd. Boodhari Warsame waxaa uu ku guuleystey inuu doorto tarjumada buuggaan.

-         Sunita



Buuggaaan waxaa tarjumay ustaad Boodhari Warsame waxaa uuna ka hadlayaa buugga sheeko dhab ah oo dhacday isla markaana dhex martey wiil Soomaaliyeed oo arday ka ahaa Hindiya iyo gabar u dhalatey dalka Hindiya oo isjeclaaday dabadeedna arrinka jeceylkooda iyo xiriirkoodii ka dhalatey arrimo culus oo dhinacyo badan saameyn ku yeelatey.

Sheekadu waxay banaanka u soo dhigeysaa caqabadaha ka dhasha kala duwanaashaha dhaqan, diineed, taariikheed, jinsiyadeed, iyo siyaasadeed ee lammaanaha isjeclaada raadka ay leedahay.

-         Ilmakorita Habboon: Jiheeyaha waaliddiinta Qurbajoogga ah ee Soomaalida

 



Buuggaa waxaa qortey Ruqiya Cabdi, waxaana tarjumay Boodhari Warsame.

Buuggaan waxaa uu waalidka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha ka helayaa aqoon ka caawisa sidii uu ula dhaqmi lahaa caruurta iyo hay `adaha u qaabilsan ilaalinta xaquuqta caruurta iyo daryeelkooda.

-         Koombe`s Struggle


Buugga Koombe`s Struggle asal ahaan waxaa uu ku qornaa Soomaali waxaana qoray wasiir Axmed Faarax Juxa, waxaase afka Ingiriisiga u bedelay ustaa Boodhari.

Sideedabana tarjumada uu Boodhari sameeyo kuma koobno oo kaliya in uu buug ku qornaa af aan Soomaali ahayn uu u soo tarjumo afkeenii hooyo, ee sidoo kale Boodhari waxaa uu sameeyaa tarjumaad uu buug Soomaali u qoran  uu u tarjumo afka kale sida Ingiriisiga si aqoonta iyo fariimaha qoraaga Soomaaliyeed u gaarto dunida inteeda kale.

 


1 comment: