Qurbaha iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed
7
Kaabaha dhaqanka iyo afka
Tarjumada
Dadaalada qurbo joogta Soomaaliyeed kama marna in ay bulshada
Soomaaliyeed la wadaagaan taariikhaha iyo ilbaxnimada dadyow kale ee caalamka
ka mid ah kuwaas oo ku soo baxay buugaag laakiin ku qoran afaf aan ahayn afkii
hooyo ee Soomaaliga ahaa. Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyaga oo ujeedadoodu tahay
in aqristaha afka Soomaaliga wax ku aqriyo
ay la wadaagaan buugaagtaa ku qoran afafka kale ka dib markii ay u
bedeleen afka Soomaaliga si ay ugu fududaato aqristaha afkeena oo ay ku gaarto
aqoonta iyo xadaaradaha ummadaha kale oo faa`iido u leh bulshadeena.
Taa macnaheedu waxay tahay dadaalada hal-doorka Soomaaliyeed ee
qurbaha kama uusan bakhiilin bulshadiisa inuu la wadaago horumarka iyo
khibradaha ummadaha kale, isla markaana aan meesha ka bixin afkiinii hooyo oo
ay buugaagtaa lagu soo tarjumey.
Waxaanu og nahay in dhaqdhaqaaqyada tarjumada ineysan casriyadaan
billaaban, belse ay tahay mid soo jireen ah oo ummaddaha adduunka oo idil ay
adeegsan jireen, waxaase xusid mudan in dadyowga muslimiinta ay muddo hore
adeegsadeen tarjumada iyagoo ujeedku ahaa in laga faa`iideysto wixii cilmi iyo
aqoon ku duugan khibradihii ummaddahii hore ee Beershiyiinta, Roomaanka iyo
Gariigii hore iwm.
Waxaa la oran karaa tarjummadu waxay bilaabatey waagii Rasuulkeena
Mohammed - naxariis iyo nabadgelyo korkiis ha ahaatee - waxaana jirey dhowr ka
mid ah Asxaabtii Nabigeena oo awood u lahaa afaf kale oo ay ka mid yihiin
Sariyaaniya, Roomaan, Faarisi iwm, marar badanna adeegsatey inay u kala
tarjumaan afka Carabiga iyo afafkaa qalaad, tarjumada waxay u badneyd mid
oraaheed oo lama hayo waayahaa qoraalo ku tusinaya in ay jireen tarjumaad qoran
, laakiin waxay taariikhyanadu soo xigtaan iney jirtey dhowr sadar oo laga
dhaxlay tarjumaad uu sameeyey Saxaabigii lagu magacaabi jirey Camru ibnu Caas
taa oo ku qorneyd afka Gariigga sanadkii 22 ee Hijriyadda.
Waxaa xigey horaantii dowladdii Ummawiyiinta waqtigaa oo horumar
weyn laga sameeyey arrinka tarjumadda gaar ahaan dadaaladii uu sameeyey amiir
Khaalid ibnu Yasiid ibmu Macaawiya kaa oo dad u direy dalka Masar gaar ahaan
magaalada Al Iskandariya isagoo dalbaday in la soo iibiyo buuggaagta ka
hadleysa Caafimaadka, Kiimikada loona tarjumo afka Carabiga.
Waayihii dowladdii Cabaasiyiinta waxay la sameeyey xarumo u gaar ah
tarjamada si loo hormariyo aqoonta iyo ka faa`iideysiga horumarka ummaddaha
kale, waxaa caan ahaa xaruntii lagu magacaabi jirey ” Daarul Xikma ” ee uu aas
aaskeedu lahaa Khaliifkii muslimiinta Haaruun al Rashiid in ay noqotey daartii
ugu caan saneyd ee ay dadka muslimiinta waagaa dhidaba u taageen. Waqtiga
Cabaasiyiinta waxaa ay muslimiinta aad u daneenayeen xiriirka cilmiga ay la
leeyihiin Hindiya, Shiinaha iyo ummaddihii kale ee ku hareersanaa Khilaafadda
muslimiinta ee waagaa. Markii uu xukunka qabtey wiilkiisii Ma`muun ibnu Haaruun
waxaa uu aad u ballaariyey mushruucii tarjumada oo uu xoogga saarey in la keeno
kutub badan iyo in la shaqaaleysiiyo mutarjimiin ku xeel dheer tarjumada oo
laga kala keeney daafaha dunida gaar ahaan caasimaddii Roomaanka ee
Qustandiiniya.
Taa waxaan ula jeednaa in dhaqdhaqaaqyada tarjumadu ay aheyd qeyb
ka mid ah habkii aqoonta iyo khibrada u faafi jirtey, door lixaad lehna ka
qaadatay hurumarka aqoonta dhinacyo kale duwan.
Soomaaliya iyo Tarjumada
Marka aanu u soo noqono in afka Soomaaliga wax lagu tarjumo ma ahaa
mid dhawaan bilowdey, waxaa la oran
karaa waxaa ay dhaqdhaqaaqa tarjumada la bilaabatey hirgelintii qorista afka
Soomaaliga, waxaana jira buugaag badan oo afaf kale duwan ku qoran in loo soo
tarjumay afkeenii hooyo. Sidoo kale waxaa jirey riwaayado caalami ah oo loo soo
tarjumay afka Soomaaliga sida uu sameeyey Shariif Saalax Maxamed Cali, ka dibna
uu sameeyey Dr. Maxamed Daahir Afrax, iyo qaar kale oo badan.
Marka la eego qoraa Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa uu tarjumay
riyaayaddii caanka noqotey ee la magac baxday ( The Trials of Brother Jero) ee
uu qoray qoraaga Nayjeeriyaanka ah ee Wole Soyinka.
Sidoo kale Shariif Saalax Maxamed Cali waxaa uu iyana tarjumay sheeko
Giriig ah oo la oran jiray ( Sophocles`s Electra).
Waxaa xusid mudan in labada tarjumadood aan la daabacin sida uu ii
sheegey qoraaqa Shariif Saalax qudhiisa inta uusan dhiman wax yar ka hor,
laakiin ay ka mid tahay dadaaladaa uu Shariifku sameeyey qoraaladii uu qoray oo
tiro badan oo inta badan la daabacay.
Waxaa iyana jirta qoraa Saynab Aadan Sharci ku ku dhalatey boqortooyada
Ingiriiska isla markaana ku caan baxday qorista buugaagta gaar ahaa buugaagta
caruurta , waxaa kale oo ay Saynab sameysay tarjumada buugaagta qaarkood, waayo
turjumaadda buugaagta runtii waa talaabo kale oo ay
Saynab ku tallaabsatey oo dhanka wax soo saarka ku saabsan, taa oo ay uga gol
lahayd in ay afka hooyo ku tarjumto buugaagta ay u arkaysay in ay ka
faa`iidaysan karaan aqristayaasha, sidoo kale Saynab waxay afka Ingiriiska ku
tarjumtay buugaag ku qoran afka Soomaaliga si ay uga faa`iidaystaan dadyowga ku
hadla afka Ingiriiska.
Inkastoo aan la koobi karin doorka aqoonyahayka
Soomaaliyeed ee uu kaga jiro dhinacyada tarjumada hadana dadka aanu soo
tilmaamney waxay ka mid yihiin kuwa doorka ka qaatey tarjumadda, taa mecnaheedu
ma aha in intaa ay ku kooban yihiin, waayo waxaanu og nahay iney jiraad dadaalo
kale oo badan oo door weyn ka qaatay xagga tarjumadda, kuwaa oo ay ugu
horeeyaan culumada ku xeel diinta oo ku tarjumad culuum badan afka Soomaaliga,
oo qaarkoodna la daabacay, sida dhigaalada laga soo tarjumay tafsiirka,
xadiiska, fiqiga, siirada iwm.
Waxaa kale oo tusaale u ah arrinka tarjumada iyo door
ka ay ku leedahay aqoonyahanka Soomaaliyeed inaan la koobi karin dadaalada
aalaaba ay ku dhaqaaqaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta dheer u leh
afafka kale ee qalaad oo leh wax soosaar tarjumadeed, kuwaana waxaan tusaale
ahaan u soo qaadan karnaa Khaalid Saciid oo ka mid ah kooxda ururka Ilmo ee dalka Ingiriiska, isla markaana ah tafatire ka howl gala buugaagta ay Ilmo
soo saarto. Khaalid waa qoraa da'a yar oo ku dhaqan magaaladda
Hargeysa, waxaa uu bartay culuumta Sayniska oo uu ka qallinjabiyay Jaamacadda
Hargeysa.
Sannadkii 2016 kii
waxa uu Khaalid ka mid ahaa dhalintii ku guuleysatay abaalmarintii Sanaa
Theathre Awards, taana waxaa uu ku mutaystay turjumaddii uu la sameeyay "Majalada
Africa" oo fadhigeedu yahay dalka Kenya. Turjumudii ugu ballaadhnayd abid
taariikhda Afrikaanka Halkaas oo hal qoraal oo ku qornaa afka Sawaaxiliga ay u
turjumeen in ka badan 33 luqadood oo Afrika iyo caalamkaba lagaga hadlo oo
Afkeenna hooyo ee soomaaligu ku jiro.
Waxay ahaataba marka aynu eegno qurbojoogta
Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan aqoonyahannada aanu kor ku soo tilmaamney ee
kala ah Shariif Saalax Maxamed Cali , Maxamed Daahir Afrax iyo Saynab Sharci,
waxaa iyana jira qaar kale oo maskax iyo maalba ku bixiyey sidii ay u soo saari lahaayeen buugaag ku tarjuman
afka Soomaaliga isla markaana xanbaarsan aqoon isla markaana faa`iido u leh
dadka ku hadla afka Soomaaliga, inkastoo ay badan yihiin hadana waxaanu
halkakan ka tilmaameynaa kuwii ay inoo suugo gashay inaanu gaarno akhbaartooda
iyo wax soo saarkooda, taana macnaheedu ma aha in ayna jirin dadaalo kale oo ay
dad Soomaaliyeed sameeyeen oo ku ka mid ah qurbjoogta ku dhaqan Ingiriiska ama
woqooyiga Yurub.
Boodhari Warsame iyo dadaaladiisa tarjumadeed
Ustaad Boodhari Maxamed Warsame waa cilmi-baare
madax bannaan oo degen dalka Iswiidhan (Sweden), waa macallin, qoraa, turjumaan
suugaaneed, tafatire, aqoon-yahan ku xeer
dheel dhaqanka iyo suugaanta. Boodhari waxaa uu bixiyaa tababarro iyo casharo
la xiriira dhanka qoraalka iyo cilmi-baarista, gaar ahaan waxaa uu dhalinyarada
ka caawiyaa sidii ay u fahmi lahaayeen tarjumada oo uu ka siiyo aqoon durugsan
wixii la xiriira.
Boodhari Warsame waxaa uu ka mid yahay dadka
ugu caansan oo ku mashquulsan iney soo saaraan buugaag ay u tarjumeen afka
Soomaaliga, isla markaana ku dadaala sidii ay u tababari lahaayeen dhalinta
Soomaaliyeed ee daneeya tarjumadda, taa oo ay ka bixiyeen siminaaro iyo
tababaro la xiriira dhaqdhaqaaqa tarjumada iyo astaamaheeda, iyo waliba maxaa
looga baahan yahay qofka doonaya inuu wax tarjumo. Isla markaana waxaa uu mareegaha
ku soo daabacay dhigaalo taxane ah oo uu ugu magac darey ” Tabaha Tarjumadda ” si
ay da`yarta uga faa`iideystaan.
Mashruuca tarjumada buugaagta uu soo saaray ama uu ku howlan yahay ustaad Boodhari Warsame waxaa ka mid ah:
- Sahankii Richard Burton ee Bariga Afrika
Buuggaan waxaa qorey Kabtan Sir Richard Francis Burton oo ahaa nin Ingiriis ah oo ku xeel dheer dhanka juquraafiga. Buugga waxaa daabacay madbacadda Looh Press sanadkii 2017 kii.Kalahaadkii Muqdisho
Waa
buug xusuusaha dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya 1991 kii, waxaa qorey ustaad
Yuusuf Maxamed Xayd. Boodhari Warsame waxaa uu ku guuleystey inuu doorto tarjumada
buuggaan.
-
Sunita
Buuggaaan
waxaa tarjumay ustaad Boodhari Warsame waxaa uuna ka hadlayaa buugga sheeko
dhab ah oo dhacday isla markaana dhex martey wiil Soomaaliyeed oo arday ka ahaa
Hindiya iyo gabar u dhalatey dalka Hindiya oo isjeclaaday dabadeedna arrinka
jeceylkooda iyo xiriirkoodii ka dhalatey arrimo culus oo dhinacyo badan saameyn
ku yeelatey.
Sheekadu
waxay banaanka u soo dhigeysaa caqabadaha ka dhasha kala duwanaashaha dhaqan,
diineed, taariikheed, jinsiyadeed, iyo siyaasadeed ee lammaanaha isjeclaada
raadka ay leedahay.
-
Ilmakorita Habboon: Jiheeyaha waaliddiinta Qurbajoogga ah ee
Soomaalida
Buuggaa
waxaa qortey Ruqiya Cabdi, waxaana tarjumay Boodhari Warsame.
Buuggaan
waxaa uu waalidka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha ka helayaa aqoon ka caawisa
sidii uu ula dhaqmi lahaa caruurta iyo hay `adaha u qaabilsan ilaalinta xaquuqta
caruurta iyo daryeelkooda.
-
Koombe`s Struggle
Buugga Koombe`s Struggle asal ahaan waxaa uu ku qornaa Soomaali waxaana qoray wasiir Axmed Faarax Juxa, waxaase afka Ingiriisiga u bedelay ustaa Boodhari.
Sideedabana
tarjumada uu Boodhari sameeyo kuma koobno oo kaliya in uu buug ku qornaa af aan
Soomaali ahayn uu u soo tarjumo afkeenii hooyo, ee sidoo kale Boodhari waxaa uu
sameeyaa tarjumaad uu buug Soomaali u qoran
uu u tarjumo afka kale sida Ingiriisiga si aqoonta iyo fariimaha qoraaga
Soomaaliyeed u gaarto dunida inteeda kale.
👍 jazaakallah ustaad.
ReplyDelete