Xarumaha aqoonta Soomaliyeed ee Qurbaha
(woqooyiga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska)
Kasmo Publishing Ltd
Kasmo Publishing Ltd waa hay`ad madax banaan oo isugu jirta, wargeys, mareeg iyo daabacaad buugaag, laakiin waxaa uu ku bilowdey markii hore wargeys loogu magac darey Kasmo kaa oo lagu aasaasey magaalada London ee dalka boqortooyada Ingiriiska 27 bishii sebtember sanadkii 1997 kii.
Markii hore waxaa uu ku dhashay wargeyska
Kasmo ka dib markii ay ka wada hadleen koox qorayaal ah oo ka wada tirsanaa
wargeys lagu magacaabi jirey Ogaal oo ka soo bixi jirey dalka Soomaaliya xilligii dowladii uu hogaanka u hayey madaxweyne Maxamed Siyaad Bare. aqoonyahankaa ayaa ku fikirey iney hadana aas aasaan
wargeys ay u bixiyeen Kasmo si uu u buuxiyo baahida bulshada Soomaaliyeed ee
qurbaha degen gaar ahaan cariga Ingiriiska.
Wax lala yaabo ma ahayn
firfircoonida, dadaalka iyo aqoonta ka muuqatey howlwadeenada Kasmo iyo tayada
ka muuqatey wargeyska , gaar ahaan markii qofku ogaado in kooxdaan tirada
kooban ee ka howlgashay wargeyska Kasmo ay ahaayeen qaar ka mid ah dadkii ka
shaqeyn jirey wargeyskii magaca dheeraa ee Ogaal ee ka soo bixi jirey magaalada
Muqdisho ee dalka Soomaaliya intii u dhexeysey 1985 kii ilaa 1990 kii, kaa oo
cadadkiisii ugu danbeeyey soo baxay 9 kii bishii feberaayo sanadkii 1990 kii.
Billowgii Kasmo
Wargeyska Kasmo waa wargeys toddobaadle ah oo
ka soo baxa London, laakiin waxaa uu ku bilowdey wargeyska Kasmo inuu soo baxo markii hore bishii hal mar oo uu noqdo bille, dabadeedna waxaa uu isku bedelay inuu
soo baxo afar iyo tobon maalmood markiiba oo noqdo afar iyo tobnaadle, ugu
danbeytii ayuu noqday wargeyska Kasmo mid soo baxa toddobaadkiima mar.
Muddadii uu soo baxayay wargeyska Kasmo waxaa ku soo biirey mareeg lalisa wargeyska iyo qoraalo kale oo tayo leh oo loogu magac darey « Kasmo news paper online»
Run ahaantii Kasmo ma ayna
ahayn wargeys kaliye ee waxaa ay xanbaarsaneed himilo fog oo ku aadan kor u
qaadidda afka Soomaaliga iyo dhaqankaba, sidaa darteed bahda Kasmo waxaa ay
marar badan qaban qaabiyeen kulamo cilmiyeed oo looga doodayo dhaqanka iyo
suugaanta Soomaaliyeed.
Waxaa dhab ah in
dadweynaha reer London oo ay soo gaari jirtey wargeyska Kasmo oo afka hooyo ku
soo baxa iney ku diirsadeen oo dad badan ay bogaadiyeen, xilligii dheeraa ee
wargeyska soo baxayey waxaa howlwadeenada Kasmo ku guuleysteen iney waxyaabo
badan oo faa`iido u leh bulshada Soomaalieed ay ku soo kordhiyeen iyo iyagoo
dabooley ka warbixinta iyo daaweyta dhacdooyinkii badnaa ee ku wareegsanaa
kuwaa oo dhacayay gudaha Soomaaliya iyo dinida inteeda kale, waxaana la oran
karaa waa raasimaal weyn oo bulshadeena ay maanta haysato oo ku kaydsan
Kasmo oo haddii maanta keydka wargeyska Kasmo la soo rogo loogu
tegayo keydinta iyo raad-raacyo xog laga yaabo in badankeed ay maankeena waa
hore ka baxeen, waana run marka la leeyahay « Wargeysyadu waa diiwaan
taariikheed».
Kasmo waxay ku guuleysatey
iney soo saarto qoraalo wax ku ool ah iyo warbixino qiimo badan oo dood kululi ka oogmeen, iyo waxaa kale oo
lagu xasuusan karaa Kasmo iney u banbaxday wareysiyo iyo qoraalo aad u sareeyo
oo muhim u ah taariikhda ummadda Soomaaliyeed sida wareysigii:
-
Madaxweyne
Aadan Cabdulle Cismaan.
-
Ra`iisul
wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
-
Gudoomiye
sh Mukhtaar Maxamed Xuseen.
-
Xaaskii
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Waxaa la oran karaa way mudneyd in la abaalmario Kasmo sanadkii 2006 dii markii la gudoonsiiyey abaalmarinta wargeysyada London ( The London Press Awards 2006 ), abaalmarintaana la gudoonsiiyey wargeyska Kasmo waxaa warkeedu gaaray meelo fog fog oo bulshada Soomaaliyeedna waa ay ku diirsatey, waana midda keentey in ay u sameeyaan Kasmo xus loogu dabaaldegayo laguna soo dhaweenayo guusha wargeyska Soomaaliyeed gaarey waxayna ahayd maalin farxadeed.
Way muuqaday in wargeyska Kasmo uu ka
shaqeynayey in uu u hiiliyo, xoojiyo dhaqanka iyo afka dadka Soomaaliyeed,
waxaa uuna joogto u dhiiro gelinayey midnimada, nabadda iyo wadajirka dadk
Soomaaliyeed.
Markii uu 18 jirsadey wargeyska Kasmo waa
sanadii 2015 kii waxaa uu maamuusay noloshii dad taariikh weyn ku lahaa
dhaqanka, aqoonta, suugaanta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.
Wargeysku wuxuu kaloo maamuusey noloshii qorayaal, cilmi baarayaal, aqoonyahanno iyo hoggaamiyayaal Soomaaliyeed.
Kasmo waxaa ay ku guulaysatey in ay soo saarto buug aad u qiimo badan oo lagu xusayo dadkaa aanu soo sheegney oo rag iyo dumarba leh, waxaana loogu magac daray: « Xusuusta kuwii xabaal galay », ha ahaadeen Hoobal iyo Hal-abuur, hoggaamiye iyo aqoonyahan. Buuggaa waxaa qoray qorayaasha kala ah Cabdulqaadir Shire Farax iyo Khaalid Macow Cabdulkadir, waxaana lagu daabacay Kasmo publishing Ltd ee London sanadkii 2015 kii. Inkastoo ilaa iyo hadda la daabacay qaybta koowaad ee buugga hadana waxaa lagu xusay 48 qofood oo ka mid ah dadka aanu soo sheegney.
Buugga waxaa uu u abaabulan yahay saddex qaybood oo cutubyo ahaan xiriirsan:
-
Xusuustii
hal-abuurro, maansoyahano iyo fanaaniin.
-
Xusuustii
hoggaamiyayaal siyaasadeed.
-
Xusuustii
aqoonyahanno iyo qorayaal-
Aadan
Shire Jaamac (Low)
Buugga waxaa lagu magacaabaa « Xabbaddii Dunida Gilgishey » , waxaa qortey Marwo Shukri Aadan Shire oo aabeheed ka qortey taariikhdiisii ugu muhimsaneyd, waxaana daabacay shirkada Kasmo Publishing Ltds, London sanadkii 2013 kii. Buuggu guud ahaan waxaa uu ka hadlayaa Mudane Aadan Low iyo dhacdadii Walwaal ee sanadkii 1934 kii.
Waxay ahaataba buugga « Xabbaddii Dunida Gilgishey » waxaa laga qoray taariikhdii iyo waayihii mudane Aadan Shire Jaamac (AadanLow) oo waayihiisii ugu dambeeyay Soomaaliya ka ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Caddaalada Xukuumaddii RW-re Maxamed Ibraahim Cigaal ee la afgambiyay, kaddibna maxaabiistii Siyaasadeed ee lagu kadeeday Xabsiyada ayuu ka mid ahaa Aadan Low, waxaa uuna geeriyooday 18 desember sanadkii 1973 kii, ka dib markii laga soo saarey xabsiga isaga oo jiran loona qaaday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga gaar ahaan isbitaalkii jaamacada Roma, waaxda qaliinka ee Kilinikada Prof Paride Stefanini.
Kasmo waxaa kale oo ay ku howlaneed qabashada iyo
u dabaaldegga afka Soomaaliga sanad walba 21 nofenber oo loo aqoonsaday in
maalintaa ay tahay maalintii u dabaaldegga afka hooyo, Kasmo arintii dadaaal badan ayay ka geysatey.
Waxaa xusid mudan in xuskii iyo u dabaaldegii
sanad guuradii 40 aad ee ka soo wareegatey qorista afka Soomaaliga uu aha mid
aad u sareeyo waxaana soo abaabushey bahda Kasmo waxaana u ka dhacay magaalada
London. Xaflada afka hooyo loogu dabaaldegayo waxaa uu ahaa xaflad si weyn
loogu maamuusay 40 guurada qoraalka afka Soomaaliga, taas oo dhacday 27
oktoobar 2012 kii, waxayna ka dhacday xarunta Camden Centre, waxaana ka soo
qeyb galay xeel dheerayaal xagga afka, suugaanta iyo dhaqanka dadka
Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan oo xiiseenayay afkooda hooyo.
Mahadsanid Dr.
ReplyDelete