Qurbaha
iyo tisqaadka dhaqanka Soomaaliyeed
3
Marka laga hadlaayo tisqaadka afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee qurbaha ma aha arrin fudud oo igu soo bood ah, sidoo kale ma aha mid qarsoon in Soomaalidu leedahay dhaqan u gooni ah oo ay ku faanto, kaa oo ka muuqda nolol maalmeedkooda isla markaana ay aad u dareemayaan bulshooyinka kale ee ku dhex dhaqan yihiin. Dabeecadaha iyo hab nololeedka Soomaalida ma aha mid qarsoon ama mid ku yimid si lama filaan ah, ee waa dhaqan ka muuqda nolashooda oo ay ku faanaan, waxaana la oran karaa waxaa jiro sababo dhowr ah oo ku bixiyey in Soomaalida ay dhaqankooda ku faanto oo aanay qarin sida in ay galgacaylka weyn u hayaan dhaqankooda maadaama badankii uu ku tiirsan yahay diinta Islaamka oo kaalin weyn kaga jirta noloshooda.
Jaceylka Soomaalida u qabaan Suugaanta aad bay u sii korartay markii ay dibadda u soo hayaameen, taana waxay ka muuqataa facyadii ugu horeeyey oo aad ugu xirnaa dadkii iyo dhulkoodii hooyo ay ka soo jeedeen, sidaa darteed la yaab ma laheyn in la arko Soomaali badan oo aad u xafidsanaa suugaanta jaanta iyo jabaqda laheyd sida gabayga, geeraarka, heesaha iwm.
Soomaalida qurbaha ku nool kuma eka oo kaliye wadan ama qaarad qudha ee waxaa ay ku firirsan yihiin daafaha dunida oo idil, waxaana la oran karaa wey yar tahay meel aanay dad Soomaali joogin ama gaarin.
Isku socodka iyo isdhex mushaaxa waa wax
waligeed jiri jirey oo marna dadka kalama xirney, Soomaaliduna waxay ka mid
ahayd dadyowga aduunka oo way socon jirtey, degaanada ay ku nool yihiinna waxaa
soo gaari jirey dad kale oo socota ah, laakiin lama tilmaami karo waayihii hore
iyo sidii uu ahaa socdaalka ay gali
jireen Soomaalida iyo meelaha ay aalaaba aadi jireen.
Waxaase xusid mid socdaaladii ay ku imaan
jireen Gariigii hore, Roomaankii hore iyo booqashooyinkii Faraacintii hore
dhulka Soomaaliyeed, waxaa kale oo la og yahay in Soomaalida qudhooda ay
booqashooyin la mid ah kuwaa in ay iyagana ku aadi jireen dhulka reer Masar.
Waxaa iyana diiwaan gashan in Jasiirada
Carabtu degto ay jireen kooxo si rac rac ah u yimaada dhulka Soomaalida
waayihii ka horeeyey inta uusan soo daahirin Nabigeenii Muhammed – naxariis iyo
nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – sidoo kale waxaa jirey socdaalo rogaal celis
ah oo ay dadyowga Geeska Afrika degen oo ay Soomaalidu ka mid tahay ay ku tagi
jireen Jasiirada Carabta, laakiin xiriirka iyo isku socodka labada dhinac waxaa
uu aad u sii xoogsaday ka dib markii diinta Islaamka soo if baxday. Marka laga
reebo in Asxaabtii Nabiga – naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee – ay ku
yimaadeen Geeska Afrika waxaa kaloo jirey hijrooyin iyo socdaalo is daba joog
ah oo ay Carabtu ay ku imaan jireen dhulka Soomaaliyeed iyo dhammaan degaanada
beriga Afrika gaar ahaan magaalooyinka ku teedsan xeebaha sida: Saylac,
Barbara, Bulixaar, Xaafuun, Muqdisho, Marka, Baraawe, Laamo, Kilwo, Bambasa
iwm.
Sidoo kale iyana meesha kama marnayn in
Soomaalida iyana u socdaasho dhulka ay Carabtu degenaayeen sida: Yaman, Xijaas
( Makka iyo Madiina ) Ciraaq, Shaam ( gaar ahaan suuriya ) iyo Masar.
Waxaa jirey ujeedooyin kale duwan oo labada
dhinacba ku kalifayey in ay socdaaladaa galaan sida: waxbarsho iyo cilmi
raadis, ganacsi, diin faafin, raadin nolol iyo meel amaan ah iwm.
Arimhaas xoogooda waxaanu uga soo hadalnay buugaag kale oo hadda looma baahna inaanu mar kale ku celino.
dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya wuxuu aad u kordhiyay tirada Qurbajoogta waxayna taa sababtay in ay Soomaali badan u hayaamaan meelo kale duwan oo caalamka ka mid ah sida wadamada deriska iyo Afrika guud ahaanba, Bariga dhexe, Yurub Usturaaliya Woqooyiga iyo Koofurta Ameerika.
Waxaase xusid mudan in Soomaali
badan ay qurbojoog ahaayeen xitaa ka hor dagaaladii Sokeeye, iyaga oo shaqo iyo
waxbarashaba u aaday dalalka Carabta, si gaar ah wadamada Khaliijka, Masar,
Suuriya, Yaman iyo Suudaan, sidoo kale waxaa jirey iyana kuwa kale oo shaqo iyo
waxbarshaba u raadsaday Qaaradaha Yurub iyo Ameerika sida dalalka Talyaaniga, Ingiriiska,
Jarmalka iyo wadamadii lays ku oran jiray Midowga Soofiyeeti.
Waxaase jira dalal badan oo ay
Soomaalida billowday iney si rasmi ah u degaan wixii ka danbeeyey dagaalkii
Sokeeyo ka dib sida wadamada Woqooiga Yurub, gaar ahaan dalka Finland oo la
dhihi karo waxay ay Soomaalidu billowday imaashaha dalkaas wixii ka danbeeyey
dagaalidii sokeeye sanadkii 1991 kii.
Inoo soo badi qormooyinka bloggan wax badan baan ka faaidney ustaad.
ReplyDelete#meghyng ally Dr.